Dukaankaygu sow nabadda ma iibiyo?

Dukaankaygu sow nabadda ma iibiyo?

©ccc2008

Maalintii la ii keenay waxa aan mooday in ay miridh kasta wax noqon karto. Waxa la iigu dhiibay kartuush si cad loogu muujiyay ‘Walax jabi og, fadlan dhankan u taag’. Tabtii la iigu sheegay, ee aan farriinta meesha ku qoranna ka akhriyay ayaan kartuushkii u qotomiyay.

Habeenkii koowaad ee kartuushkaasi u hoydo dukaankayga il iyo baal isuma keenin, waan werweray, aroortiina neef weyn baa iga soo boodday markaan hubsaday inuu weli halkiisii yaallo oo sidii kor ugu jeedo. Habeenkii xigay tabtii oo kale, oo kii xigay, oo toddobaad iyo mid kale, iyo bil iyo sannad iyo sannado badan, kartuushkii halkiisii uun buu soo yaallaa, kor u jeedaa, waxba kuma kordhaan waxna kama dhacaan.

Aroortii dambe ayaa waxa booqasho kedis ah iigu yimi Fajac, oday aannu weligayo jaar ahayn se aan meheradda sidii aan u furay food soo gelin. Waa Fajac oo naaxay, aad u naaxay, kolkii hore inuu bararay ayaan mooday, markii se aan neefneefsigiisa iyo kelyaha xaydhu haraacyaynayso arkay ayaan gartay sida xaajo tahay, ninkuba wuxuu la cifanayaa baruur.

“Waar Daahir bal warran?” ayuu cod dirqi kaga soo baxay igu bariidshay, oo kadinkii dukaanka isku soo maqiiqay.

“Waa nabad Fajac ee soo dhaaf”

“Oo maxaan soo dhaafaa meeshu waa cidhiidhiye, maxaad albaabka intan le’eg meheradda ugu samaysay?” ayuu isaga oo hadba sin kadinkii ku soo jujuubaya yidhi. Waxa aan ku sigtay inaan idhaahdo ‘adigu maxaad sidaas ugu naaxday? Sow tan magaaladu wada caatada engegan ah, ma guurti baad noqotay?’ Haddana kuma aan dhicin, waxa aan is idhi ninkaas macmiisha cusub ah ha iska eryin, waxa kale oo aan ka werweray in aan nabadda dukaanku hayo waxyeelleeyo.

“Soo fadhiiso Fajac” ayaan ku idhi oo caagad kuwa saliidda ah oo ii kursi ahayd uga kacay.

“Waar miyaan meesha kursi kuu oollin?” ayuu igu yidhi.

“Maya, laakiin jawaan baan dhulka kuu gogli karaa”

“Sidaas baa la qaatay” intuu yidhi ayuu isaga oo gacantiisa midig cuskanaya sidii dayuuradihii Ruushka ee taangiyada waaweyn qaadi jiray si laxaad leh, se hab iyo maamul ka muuqdo dhulka u badhi dhigtay.

Uuuuf! Naqas baa iga soo booday, in odaygaas dhulka ku sii socdaa habaas kiciyo oo habaaskaasi nabadda kartuushka shelefka saaran ku jirta waxyeelleeyo ayaan ka baqayay, ma se dhicin. Mijin xun oo baarixi u eg ayuu docda kala soo baxay oo halkan barbarkiisa ah ku daadsaday. Intii uu meesha fadhiyay qof keli ahi dukaanka ma soo gelin kolka laga reebo gabadh xarragoonaysa oo afka iyo wejigaba casaysatay oo intay soo gashay xammuurad, diyaana iyo qasil i weydiisay, markaan idhi ma hayona degdeg u baxday.

“Ma Xaraf baan ku arkay mise Hargeysa Kilaab?” ayuu aniga oo aan fahmin waxa uu ujeedo i weydiiyay. Aniguna baqdin aan ka qabo in aan nabadda waxyeelleeyo awgeed ayaan ku idhi: “Labadaba”

Beryahaas odaygu i bartay ayaa laba yaryar oo ciyaal ahna la igu salliday. Dukaanka kadinkiisa iyaga oo ku gabbanaya ayuun baan maalinwalba arkaa. Maalintii dambe ayaan meel rukun ah ugu gabbaday oo mid ka mid ah dhab siiyay. Qaylo ayuu ka tolay.

“Maxaa dukaankayga kugu salliday?” markaan idhi, “bisadda soo gashay ayaannu eryanaynay” ayuu iigu warceliyay. “Aabbahaa iyo bisaddaba kud ee maalin dambe haddii aan dukaankayga kadinkiisa kugu qabto waad arki doontaa” ayaan ugu hanjebay oo sii daayay.

“Way inoo tahay” ayuu iigu hanjebay isna. Armuu dayuuskaas yari nabadda waxyeelleeyaa, ayaan ku fekeray. Waa Fajac haddana, wuu sii naaxay, intii toddobaad ka hor aan ku ogaa saddex laabkeed ayuu le’eg yahay, waar sidaas maxaa ka dhigay ayaan is idhi.

“Waar Daahirow bal warran?” ayuu igu bariidshay.

“Nabad weeye Fajac” waxa aan ka yaabay jawaanka qaadi doona ee uu mijintiisa dayuusadda ah ku cuni doono maanta.

“Waar sidani si maaha ee meheradda laba ferdedood ka dhig” ayuu talo igu siiyay. Oo ma adigaa macmiil laba ferdedood ka soo gashaba haysta, muxuu kaa waalayaa tolow.

Maalintaas dukaanka kadinkiisa ayuu iskaga qayilay, aniguna arrinkii labada ferdedood ayaan aad uga fekeray. Sidani si aan ku jiri karo maaha, haddii uu Fajac booqashada badiyo, maalinwalbana baruur hor lihi sii fuusho, miyaad jawaan debedda loo dhigo ku wadi karaysaa? Sow arrintaasi nabadda waxyeellaynmayso? Hammigaas aniga oo maskaxdayda ku kobcinaya ayaa labadii dayuus ee yaryaraa halkaas ka soo muuqdeen. Waa la jabay, dukaanka kadinkiisu wuu furan yahay, haddii ay dalaq yidhaahdaan oo halkaas nabaddu saaran tahay toos u abbaaraan sow meeshaas ceebi ka dhicimayso, ka hor tag ayaan go’aansaday. Dhenged halkan iigu tiirsan ayaan la balaw idhi oo ciyaalkii cagta cagta u saaray. Cabbaar markaan eryay ee Oryantalka weydaariyay ayaan iskaga soo hadhay.

“Waar maxaa kula haaday?”

“Kuwaas yaryar ee dayuusiinta ah ayaa i ogaaday oo aan dukaanka ka eryayaa”

“Dee bisaddooda usoo saar”

“Bisaddee?”

“Tii dukaanka gashay”

Waar odaygu miyuu waashay, oo sowdigii kadinka eegayay maaha ma bisad baa ku dhaaftay. Waar wuu indhadarreeyay odaygu.

“Adeer bisadi inama dhaafin”

“Jaw, wallaahay dukaankay ku jirtaa”

Waa la ba’ay, haddaa nabaddii go’day. Intaan hararaf idhi ayaan dukaankii isku shubay mise wallaahay bisad barabaro leh oo dhako buuran ayaa shelefkii nabaddu saarrayd dul yuururta.

Qaaaaaaaaaaaaaaaq budh halkan ii yaallay ayaan kula haliilay oo is idhi madaxa dhalfiifaha kaga dhig, oo waa bisade way ii jartay, oo aan nabadda agteedii ku bashaaqiyay. Naxdin baa wadnihii iskay taagi gaadhay.

Miyaaaw! Halkaas meel ah ayay indho guluub shidan la moodo igaga soo ifisay. Budhka kula kac ayaan ka fekeray, misna xusuustay ceebtii aan meesha ka dhigi gaadhay. Wax aan sameeyo aniga oo garan la’ ayuu Fajac oo debedda fadhiyaa ii dhawaaqay:

“Waar Daahir maxaa ku helay ee aad la sanqadhaysaa?”

“Fajacow waa bisaddii oo aan isleeyahay dukaanka ka saar”

“Waar bisaddu jiirka meesha ka soo galay bay eryanaysaa ee iska daa oo soo fadhiiso”

Fajac fajac badanaa, ma jiir baa dukaankayga ku jira. Aniga oo yaabban ayaan iska soo fadhiistay. Kolkaan salka dhigay ayaa bisaddii oo soconaysaa i dhaaftay. Markay dukaanka rukunkiisa ka sii leexanaysay ayay isoo eegtay, wejigeeda waxa aan ka akhriyay ‘dayuus wallee waanan kaa neefin ilaa aan jiirkayga dukaankaaga kala soo baxo’, aniguna in aan afgartay waxa ay ujeeddo oo aanan cid nabadda waxyeellaysa oggolayn ayaan indhaha uga sheegay.

Sidii aan ka baqayay Fajac booqashadiisii way igu badatay, aakhirkii waxa ay noqotay in aan ninkan odayga ahi debedda ku qayili karin maalinwalba, aniguna dukaanka iyo nabadda baylihin karin, sidaas aawadeed in albaabka ferdedihiisa la kordhiyo ayay ka fursanweyday.

Ceeb kale ayaa dhacday, odaygii Fajac wuu sii naaxayaa uun, ilaa maalintii dambe ay kelliftay in albaabkii labada ferdedood ahaa afar laga dhigo, afartiina lix laga dhigo, lixdiina siddeed, siddeeddiina toban ilaa dukaanka wajahaddiisii oo dhammi albaab noqotay. Bal haddaba waa taase yaa nabaddii kartuushka ku jirtay isha ku haynaya?

Galabtii dambe goor casar ah oo aan maalintii oo dhanna dukaanka fadhiyay ayaa Fajac oo oday kale oo isna buuran wataa ii yimi.

“Daahirow bal warran?”

“Waa nabad Fajac”

“Ninkanna waa saaxiibkay Amankaag, waa xoghayaha gaarka ah ee guddoomiye ku xigeenka kow iyo tobnaad ee golaha guurtida” ayuu hadal muujinaya in odayga kalena meel loo goglo iigu akhriyey. Maxaa aniga iyo xoghaye isu soo kaaya arkay, oo sow annagan odaygii guurtida uun ahaa isla liidanna maaha, haddii xoghaye yimaaddo sow guddoomiyena berri soo raacimaayo, oo maalinta xigtana odayadii oo dhammi imanmaayaan, miyaan dukaanka shaqadiisa, ilaalinta nabadda iyo marxabbaynta odayada isugu taag helayaa? Ma nin intaas oo meelood ka wada hoora baan ahay? Anigu ma gu baan noqon karayaa? Waar adeer xays aan iska ahaado marna da’a marna la waayo ee gu aanan biyihiisa iyo baaxaddiisa midna keenayn ha igu dirqiyina. Bal se si uun bay noqonne horta labadan iska sii debber baan is idhi.

“Amankaag, soo dhowow adeer” intaan odaygii bariidinayay ayaan arkay bisaddii aannu is haynay oo iyana bisad kale soo kaxaysatay oo dukaanka soo gelaysa; “Ii yara kaadsha” intaan odayadii ku idhi ayaan dhankii bisadaha isu sii daayay. Bal ammuurtan kaalaya, bisaddii awel markay i aragto taw odhan jirtay ayuun baa isku soo kay mutuxday. Naftaydii ayaanba u baqay, waar adeer maxaa si ah. Odayadii baan dib usoo jalleecay, waxa aan maqlay Fajac oo i xamanaya:

“Ninku waa nin wanaagsan, laakiin xilkan dheeraadka ah ee uu nabadda aan cidina muraad ka lahayn iska saarayo ayaa wareeriyay” ayuu ku yidhi Amankaag.

“Oo imika xagguu u orday?”

“Labadaas bisadood ee dukaanka soo galay ayay mid is hayaan, maalmahaasba way isugu jirtay, kolkaas iyagii buu ku ordayaa”

“Oo maxaad arrinta wax uga qabanweyday sow nabadgelyada waxyeelimayso?”

“Nabadgelyadu imika waa taam oo shuqashuqaynta waxba kuma noqoto, haddii aan dakhar ku dhicin oo aan lagaga dhiijin ruxmimayso, haddii ay ruxmiweydona risiqeennu wuxuu gelayaa futo jiir iyo cadaad. Sidaas aawadeed nabadgelyo niik caarak, ha iska futo xumaatee waxa ay u baahan tahay in la qaawiyo oo meeshan uu ku khabbaynayo debedda laga soo dhigo” ayuu ku dooday Fajac.

“Waan gartay, oo waxa aad leedahay ninkani nimankii hore bahasha waa kaga fara adag yahay?”

“Waar waa nin aan la qabsan xeerarka nabadda, wuxuu u haystaa inay nabaddu beed tahay, sidaas uun buu u koolkoolinayaa, inay ka dhacdo wax aan ka jecelahay wallaahay baanay u jirin, bisaddaas ayaan is lahaa way soo ridi doontaa kartuushka xun oo iyana waa mid segegerad ah, inay muruudka fadhiya masaajidka weyn wax isu yihiin baan u haystay ee bahashuba waa reer sariibadoole, bal aan ta ay maanta soo kaxaysatay eegno”

Waxa ay ku hadlayaan oo dhan waan maqlayaa. Oo ninkan Fajac waxa aan u haystay oday weyn oo macruuf ah oo aniga wax ila wadee, oo ninku inuu nabadda ila ilaalinayo ayaan u haystaye, waar bal hooggan kaalaya.

Halkaas marka xaalkaygii marayay ayaa talo igu caddaatay. Nabaddii oo halis ku jirta, bisadihii oo aan iga baqaynba, iyo odayadii oo gadhku gadhka aad moodday maaha igu noqday. Talo ayaan doondoonay, bisadaha la heshii ayaan ku goostay.

“Naa heedhe bisadyahay inaadeer haddii aynu is afgaranno ka warran? Kalluun juuna la yidhaahdo oo wallaahay macaankiisa aad dhegaha qiiq ka keenayso ayaan kuu hayaa, bal ka warran haddii aynu heshiis saxeexanno?”

“Waxba kama qabo, laakiin waa inaad saaxiibaddayna xisaabta ku dartaa”

Waar heedhe billee bad isku faruurtay, oo awel heshiis bisado iyo dad dhexmaray hore ma u maqashay? Oo maxaa kaa galay wixii nabaddu ku badbaadayso yeel.

“Waa hagaag, adiga iyo saaxiibaddaaba heshiis baynu yeelanaynaa, kalluun baana idiin qoran idinkuna nabadda kartuushkaas ku jirta ila ilaaliya”

Waxba kama qabno intay igu yidhaahdeen ayay markay dhawr qasacadood oo kalluun ah ka saareen miiskii dukaanka iska dul seexdeen. Dhankaas dhan dheh. Halkaas markaan xal ka gaadhay oo aan is idhi nabaddii dhinacaas waa ka nabad ayaa cillad kale soo korodhay, ciyaalkii oo intii hore ka soo batay ayaa yimi.

“Adeerayaal maxaa doonaysaan” ayaan ku idhi intaan qaar kala hor tegay, awel dhagac bay odhan jireen maanta se waa isa soo mutuxeen, col kaa shax waar yaa kaa dammiinta.

“Bisadahayaga ayaannu doonaynaa”

“Dee heshiis baannu bisadaha kala saxeexannay”

“Heshiis annaga la’aantayo soconaya oo bisaduhu geli karaan baan jirin” Talo ayaa iga kala duushay, yaryarku biqimaayaan, bisadihiina way dhergeen oo iimaba jeedaan, odayadiina jaadkii baa ku duxay oo go’aankii ay kalfadhiga 125aad la tegi lahaayeen oo aan weli la isku waafaqin ayay ku murmayaan. Waxaas oo dhanba wax baa ka daran, dukaanku imika waa waddo halaq oo kadinkii yaraa ee aan ilaalin jiray maaha, albaabkiisu mid aan cidba ka celin karo maaha, nabaddii waa taas bannaanka taal.

Adigu xiniinyo wixii igaga hadhay, intii bisadaha iyo odayadu iga saareen maahee, ayaan isku buuray oo yaryarkii heshiis la galay, nacnac joogto ah inay leeyihiin baannu isku raacnay. Waxa se arrintaas iga raacday waqdhac weyn, kun ciyaal ah ayaa meeshii isugu yimi oo wada macaandoon ah. Arrintaasi waxa ay ka cadhaysiisay bisadihii oo iyaguna kun bisadood oo kale keenay. Xaalkii wuxuu noqday halis, in nabaddu faraha ka baxdo ayaa xaajo ku sigatay.

Meeshu waa dukaankaygii. Arrimaha maamulkiisa aniga ayaa iska leh. Magan wixii ii ah sida nabaddaas kartuushka ku jirta in aan ilaaliyo, dhiiggayga u huro, u dagaal iyo dedaal galo waa xil i saaran. Haddaba waxa aan idiin sheegayaa bisado iyo ciyaalow ii dhaafa dukaankayga inta aanay nabaddu faraha ka bixin.

“Waar arrintan annaga ayaa Daahirow dhexgelayna ee nagu daa” ayay Fajac iyo Amankaag si wadajir ah u yidhaahdeen.

“Idinku nimanka dunida igu kharribay baad tihiin, ma nimankiinna dukaankaygii albaabka keli ah ee aan ilaashan karo lahaa intaas le’ekaysiiyay baa maanta talo kale iisoo jeedinaya? Wallaahay waashmaan baan qoranayaa in aan ciyaal iyo bisado toona soo dhowaanayn”

Taladaydii ayaan ku socday. Oday idaacadda Hargeysa Ingiriiskii qoray oo afaf badan ku hadla, laakiin imika asaasaqay oo weli in Ingiriis boqortooyo ballaadhan yahay u haysta, oo had iyo jeer kanaalkii Suweys iyo Naasir aan kaala dhammaanayn, se waashmaannimada aad ugu wanaagsan oo golihii murtida iyo madadaalada ee Muqdisho ilaalin jiray ayaan iska qortay. Xisaabtaba kuma darin in ciyaalku bisadaha eryan doonaan, bisaduhuna dukaanka dhex yaaci doonaan, odayguna duq dhacaya yahay oo turunturroon doono. Miridhkii ugu horreeyay ee uu shaqada bilaabay ayaa bisad xumi mid ciyaal ah u hanjebtay, isna wuu kula booday, halkaasay ka qaraxday, ilaahay baan ku dhaartee meeshaas waxa siigo iyo galaayuus ka dhacay waxa aad moodays seyladdii hilibka ee Hargeysa.

Bisadihii iyo ciyaalkii waxa u dagantay guul aanay filaynba, kibir bay sii qaadeenba. Bisadihii waxa ay yidhaahdeen annagu hilibkan kalluunka ee qasacadaha ku huuray ma rabno, waa in kalluun nool oo boodboodaya oo aannu inta aanaan cunin eryanno naloo keenaa. Ciyaalkiina waa ka sii dareen, nacnac dambe oo aannu aqbalaynaa ma jiro ayay yidhaahdeen, waa in xalwad joogto ah nala siiyaa, Jimce kastana shaaglaydh dhooqo u eg Yurub na looga doonaa. Arrimahaasi wax aan qaadan karo way noqonwaayeen, nabadda in halis la geliyo ma oggoli.

Talo kale ayaan goostay. Waxa aan samaystay ilaalo hub fiican oo wax dila sidata. Si kale oo nabadda lagu ilaalin karo ayaa ii muuqanweyday. Konton ninka ugu liitaa axmaq shiishka yaqaan yahay ayaan soo qortay. Dukaankii oo dhan baan ku xeeray.

Ceeb kale ayaa se dhacday, in dalka oo dhammi wada ciyaal iyo bisado yahay xisaabtaba kuma darin. Aroortii dambe ayaan ku toosay dukaanka iyo agaagaarkiisii oo dhan oo wada ciyaal iyo bisado ah. Ilaaladii oo aan awelba ku ogaa geesinnimo ayaa iyana derbiyadii dukaanka qoryahoodii la fuulay. Fajac iyo Amankaag oo jaadkoodii iska cunaya ayaa iyaguna xiisadda meesha ka oogantay ku war helay, talo gabowday ayay iisoo jeediyeen:

“Aannu talo ku siinnee albaabada dukaanka kordhi”

Intaan labada dhegood faraha geliyay ayaan ilaaladii ku amray inay ciyaalka iyo bisadaha shaqo ka qabtaan. Rasaas aan la isu miidaan deyin ayaa hawadii oo dhan qabsatay. Show bisadaha rasaasta lalama helo, ciyaalkii adigu askaxooda ayaannu gurray laakiin bisadihii dayuusiinta ahaa rasaastii lala waa. Sidii ilaaladii, wixii ciyaalkii ka hadhay iyo bisadihii, oo aan mid qudhi wax ka noqon, isu baacsanayeen ayaa rasaastii naga go’day, waar illayn hoog lama qarsado. Tii aan ka baqayay ayuun baa dhacday. Ciyaalkii iyo bisadihii oo isbaacsanaya ayaa dukaankii isla soo daf yidhi. Anigana taladaydii waxa ay noqotay kartuushkii nabaddu ku jirtay uun beegso.

Amankaag baa la isugu kay keenay markaan arkay bisadihii oo aan kartuushkaba u jeedin iyo ciyaalkii oo bisadaha uun eryanaya. Sidii la isu daba meeraysanayay ayaa bisadihii oo midwaliba jiir naaxay, oo aad wallaahay Fajac oo dhal ah mooddid, sidataa dukaankii ka fushay, ciyaalkii wixii ka noolaana mid iyo bisad ayay tuurta ugu qaateen. Waxa isku soo hadhay anigii oo fajacsan, Fajac oo fajacsan, Amankaag oo amankaagsan iyo kartuushkii oo gees u ciiray.

“Waar bal nabaddii aan ka wardayo” ayaan labadii oday ku idhi oo kartuushkii furay mise nag. Waa madhan yahay. Waxa aan kula dhacay qoorta mise konton dalool oo jiirkii naaxay ee bisaduhu qaateen ku sameeyay ayaa ka furan.

Waxa aan aad ula yaabay oo weli madaxayga ka degi la waxa nabaddii aan dukaankayga ku hayay ee ilaalinayay ku dhacay.

“Waar Fajac xaggaad u malaynaysaa inay u digarogatay?” ayuu Amankaag weydiiyay Fajac.

“Horta aan u xiiqtirtee i sug. Kollay waxkasta oo dhaca nin Daahir uga lexejeclo badan helimaynee”

Wax alla wax ay isweydiinayaan ma aan garan, mid se waan hubaa oo nabad waxa ay ka tashanayeen ma ay ahayn. Col kaa shax waar maxay bahashu soo jeed iyo werwer i badday, oo sow waxa aan dukaankaba u furtay hawl aan dhammaanayn.

Xus: Maandooriyuhu degdegga uu maanka u doorin karaa waxa ay ku xidhan tahay xaddigiisa, qaabka uu yahay, iyo barta uu dhiigga maskaxda qabanaya ka raaco. Haddii uu qiiq yahay wuxuu raacayaa hawada la falgasha dhiigga wadnuhu tuuro, haddii uu yahay mid dareere ah oo lagu muday xidid dhiiggu xawdaa hayo wuxuu raacayaa dhiiggii. Haddii uu yahay mid lagu muday goob u dhow xidid maskaxda toos ugu xidhan, sida dareemayaasha sanka gudihiisa ku yaal, wuxuu maanka u istaadhayaa si degdeg ah. Nooc kasta oo uu yahay xaraaraddiisu way kacdaa, soo na degtaa. Siyaasadda, qabyaaladda iyo nabaddu ma u malaynaysaa inay qaabkaas oo kale u tarmaan, wax u dhimaan, waxna u anfacaan?

©ccc2008

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com

This entry was posted in Editorial. Bookmark the permalink.

Comments are closed.