Shir Sanadeedkii Xisbiga KULMIYE Oo Kadhacay Cardiff

Magalada Cardiff casimada Welishka ee carada Biritaniya ama ingiriiska waxaa ka dhacay huteelka weyn ee caanka ah ee loo yaqaano Future inn munaasabad aad iyo aad u qiimo badan taas ooy kasoo qayb galeen dad aad u faro badan oo taageera xisbiga KULMIYE iyo dhamaanba axsaabta kale ee Somaliland shirkaas waxay kaga wada hadleen ururka KULMIYE danaha xisbiga iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayen inay ula shaqeeyan dhamaan walaalahooda kale ee kujira xisbiga waxaa aad looga hadlay sidii Somaliland dhibta iyo mugdiga looga saari lahaa waxayna dhamaan xubnaha KULMIYE ee kunool magaalada Cardiff ku farax san yihiin sida sharafta badan ee uu xisbiga KULMIYE u wado shirka ka socda dalka hooy waxay hambalyo u dirayaan dhamaan reer KULMIYE iyo shacabka Somaliland meel kaste oo ay ku sugan yihiin waxay kale ooy baaq khaas ah u dirayaan madaxda xisbiga KULMIYE waxayna lee yihiin yaanu cadawga Somaliland baabiyey idinka dhex kaluumaysanin mid nimadana dhawra maanta majirto maruu ka liito dalkeena hooyo, waxaa kamid ah guddida kasoo qayb gashay xafladaas ka dhac day magaalada Cardiff.

  1. Xasan Guleed Calawi (Gudoomiye)
  2. Nasir X. Ciise (Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad)
  3. C/Rahmaan C Awad ( Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad)
  4. Ibrahim Carab Jama (Xoghaye)
  5. Ciise Maxamed X. Xasan (Khasnaji)
  6. Ismaciil Aden Mire (Auditor)
  7. Xaaji Omer Cismaan (Xidhiidhiye)
  8. Cabdi Qaadir Aden Dheere (Warfaafinta)
  9. C/Risaaq Xusen Abyan (Abaabulka)
  10. Mukhtaar Maxamed Yusuf (Abaabulka)
  11. Xasan Geele (Abaabulka)
  12. C/Raxman Ahmed Ismaciil (Abaabulka)
  13. Maxamed Feero (Xubin Muhiin Ah)
  14. Maxamed C/Laahi Yasin (Xubin Muhiin Ah)
  15. Maxamed Cismaan Xasan (Xubin Muhiin Ah)
  16. Amina Axmed Ciise (Xubin Muhiin Ah )
  17. Samira M. X. Suleman (Xubin Muhiin Ah)
  18. Khadra Ibraahim Warsame (Xubin Muhin Ah)
  19. Qadan Ciise Xasan (Xubin Muhiin Ah)
  20. Khadra Salaad Maxamuud (Xubin Muhiin Ah)
  21. Khadar Axmed Saban (Xubin Muhiin Ah)
  22. Maxamed Axmed (Xubin Muhiin Ah)
  23. Jamac Cumar Xirsi (Xubin Muhiin Ah)
  24. Ibrahim Xarbi (Xubin Muhiin Ah)
  25. Muuse Carab (Xubin Muhiin Ah)
  26. Axmed Carwo (Madaxda Sare Ee Xisbiga)

Mahad Rabi ayaa iska leh waxaan kaloon u mahad celinaynaa dadkii.

Sura galiyey iyo dad weynihii kasoo qayb galey shirkaas dhacay.

Sawirada Shir Sanadeedkii Xisbiga KULMIYE Oo Kadhacay Cardiff

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.