Kulmiye: Gunaanadkii Shirweynaha, Kelmadihii Hogaanka Cusub Iyo Qaarkamida Ergada Culus

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gego-gabadii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu soo xidhay Hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa khubada ka jeediyay Hogaanka cusub ee Xisbiga loo doortay inay caynaanka u hayaan Shanta Sano ee soo Socota.Waxaan mahad idinka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad ii sharafteen, Gudoomiyahana iiga dhigteen Afar sano oo dambe. Wax Alla waxaan hagraynaa ma jirto aniga iyo saaxiibadayna waxaan idinka balan-qaadaynaa inaanu si hagar la’, cadalada, sinaana, daacada idiinku shaqaynaynaa. Inaanu noqono xubnahayagani dad isku duuban oo wada shaqeeya oo wada tashada.in Ilaahay naga yeelo”

Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi:
“Waxaad ii ogolaataan inaan halkan idiinka soo jeedo mahad balaadhan sida aad kalsoonida balaadhan noo sii xilna noogu dhiibteen. Waxaan hubaa inta halkan fadhida in in badan oo ka mid ahi iga aqoon badan tahay iga karti badan tahay, igana firfircoon tahay, sidaas oo ay tahay haddana waxay ii igmadeen inaan ka mid noqdo hogaanka cusub ee Xisbiga Kulmiye. Waxaan idinka codsanayaa inaad noo ducaysaan in ilaahay noo fududeeyo. Haddii aanu khaldanana na saxdaan haddi aanu saxsanahayna na taageerto. Xisbiga Kulmiye waxa uu ka hidda raacayaa Ururka SNM inuu ka dib dhicin shirweynihiiisa, iyada oo SNM dagaal ku jirta ayaanu haddana mar keliya dib u dhicin doorashada hogaanka.Waxaan halkan maanta ka qirayaa inay haweenka Somaliland yihiin Diamond. Waxa maanta Kulmiye looga fadhiyaa mid ka duwan maanta ta Ina Rayaale oo kale maahee. Afartan sano umaddu may arag madax ay ka adag yihiin mid isaga ku tunta mooyee. Waxaanu balanqaadaynaa markaanu ku guulaysano waxaanu balanqaadaynaa inuu Madaxweynuhu noqonay mid mushahar go’an, oo aan isagu qaadan Afartan Kun oo Dollar Askariga ilaalinayaana Afartan Doollar. Markii aanu

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE.
“Ciyaalnimadii waxa la odhan jiray Ka naxoow nafta waa. Markaa anigu odhan maayoo waxa ku jira UDUB ilmaadeeraday. Ee waxaan leeyahay sidaa idin odhan maynee waxaan leeyahay bal idinkana waan idin sugaynaa ee bal nagu soo casuuma shirkiina.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.”Haddii la yidhaahdo Madaxweynaa iyo dawladiisu dooni mooyaan ictiraafka, waxaan leeyahay way doonayaan laakiin waxaanay garanayn habkii loo marayay. Adduunka maanta xasuuq iyo waxaas cidi innagu eegi mayso oo kun xasuuq oo keenii ka daran ayaa dhacay, ee waxa laynoogu soo istaagayaa waa dimuqraadiyada. Dimuqraadiyadu maaha Madaxweyne loo kordhiyo ee maaha in la cakariyo. Doorashada dib looma dhigo waan ognahay inaad xukunka jeceshihiin oo idinku necbaysan mayno. Waxaanse waydiiyey miyaad quusateen, oo in aanu idinka helo ayaad ku quusateen oo bilaad naga heshaan ilaahay kama dhigee. Ha quusanina ee nala tartama ayaan leeyahay UDUB. Waxaan leeyahay Shacbiga bal annaga ha noo daynina ee bal idinka danihiina eegta, oo ku xisaabtama annagu wax baanu idiin qabanaynaa. Biriijkaa Afarta sano la dhisi kari laayahay ee Hargeysa Afar bilood baan ku dhisanayn. Waar annagu haddii ay gabadhu kaa xanuunsato waxay yidhaahdaa markay na shaxaadayaan gabadhii buktee, waar annagu gabadha dhakhtar baan u samaynaynaa.inkasta oo aynu dad qurux badan nahay shirkan umaynaan iman inaynu isku daawano, ee waxaynu u nimi doorashadii baa la galayaa waa inaynu dareenaa taas.Barbarkay ka baxdaa waa bakayla galeen.

Gudoomiye ku-xigeenka Saddexaad:Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle:
“Waxaan keliya oo u kacnay inaanu idiinka mahadcelino hawsha aad noo igmateen. Duruufo adag baa lagu jiraa. In Ilaahay innaga saaro ayaynu ku ducaysanaynaa.”
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici: “Waxaan mahad u celinayaa shirgudoonka hawshan dusha u ritay. Haddaan dareenkayga cabiro, aad buu sareeyaa, mana aha sababtu doorashada lay doortay ee waxa weeye dareenkii laga qabay in shirkani guulaysto, taasoo noqotay horumar Somaliland u soo kordhay. Waxaan qaba qoraaladii badnaa iyo hadaladii halkan lagu soo bandhigay ay noqoto mid ficil ah, oo aynaan noqon kuwo danahooda gaba, ee aynu noqono kuwo wanaagu iyaga ka muuqdo. Hawlaheenu waxay ku wacnaanayaan in wax kasta oo aynu halkaa kuqornay ayu ficil u rogno.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige: “Waxaan dhamaantiin idiinka mahadcelinayaa doorashada aad ii doorataan Xoghayaha. Badanaana waxa la yidhaahdaa dadka gudaha ayaa awooda la saaraa inay kaalintooda ka qaataan. Markaa Kulmiye maanta wuu siiyay doorkoodii qurba jooga, waxaanaan aaminsanahay inay ku soo dhiiran doonaan ka qayb-galka hogaanka dalka qurba jog badani.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Hadraawi: “Marka hore aniga oo ka mid ahaa xubno 30 ah oo marti sharaf ahaa, in aan ka mahad celiyaa marti-qaadkaa. Waxa raaca malaha waxaaba ficnaan lahayd aan ka hadlo doorashada kale. Bal waa inay fursad u halaan labada xisbi kale inay caddeeyaan waxa ay kaga duwan yihiin. Tollow iyaga iyo UDUB ma isku mid baa mise waxbay kaga duwan yihiin haddii ay fursadaa helaan. Waxaan filayaa Kulmiye mushkiladii dhexdiisa haddii ay jirtayba inay ka fara xasheen. Inuu Kulmiye sidii uu ku soo bixi lahaa maaha mid loo sheegayo oo way u qorshaysan tahay. Balse ta aan la malayn Karin ee culusi waxa weeye berri haddii uu soo baxo xaguu umadda u dhaqaajinayaa. Beri laba beelood oo Soomaaliyeed ayaa is dilal waxa u dhaxaysay buurta la yidhaahdo SHeediyo, dhinac baa gabadh soo qaaday dhinacii kalena waxay u diyaar-garoobeen soo dhac. Laakiin, waxay yidhaahdeen intaynaan dagaalka bilaabin aynu soo eegno diyaar-garowgooda. Ka dibna sahan bay u direen, oo Inanyar oo adhi soo foofiya ayaa meesha yimaada. Dabadeedna Inankii iyo hooyadii baa tidhi hooyo maxaad soo aragtay. Wuxuu yidhi guray kolba dhinac u socda.waxay tidhi wallee gorayga sheediyo ama xudun u dhac ama Nuugaad weyne u dhac. Dabadeedna aroortii bay ka guurtay. Aroortiina weerarkii baa dhacay. Samirkii wuu dhamaaday, berri Kulmiye heli mayo hadal sidaa yidhaahda waxaa qabta mooyaane. Kulmiye ta sugaysaa oo sanadihii hore doorashooyinkii ayaa ka faa’iidaystay. Waxay maraysaa in Inanku hooyadii ku dhoofiyo waa xaaskaygii, Inantu Aabaheed ku kaayso waa Ninkaygii. Gabadh baa jirtay niyadeeda ku qufushay habeenkii markay soo toosto Londoneey bay ku soo toosi jirtay. Maalintii dambe ayay BBC-da dhagaysatay markii warkii iyo dwixii dhamaadeen ayay maqashay Tacsi hebel iyo hebel waxay tacsiyadaynayaan heblaayo oo London ku geeriyootay. Ka dib waxay tidhi Cawadeeda iyada ayaaba London ku dhimatay. Ka dibna London baa la geeyay waayo ka dib, waxay tidhi London meeday, waatan aad joogto baa la yidhi, waxa isu qaban waayay waxay filaysay iyo siday noqotay. Lix bilood ka dib meesha iga kexeeya ayay tidhi. Markii dambena Inantu way waalatay. Xaqaa’iqa wadanka yaala ayaa kalifay in dhalinyaradii badda isku tuuraan. Halkana Kulmiyaa fadhiya, Kulmiyoowna taasaa ku sugaysa.”
Dr. Dixood: “Waxa laga joogaa iminka muddo dheer, maalintii aanu aasaasnay SNM, waxaanu ka mid ahayn aniga iyo Laba nin oo kala ah Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cabdisalaan. Niyada marna ma gelin waxay kaa geli doontaa NSS-tii inay noo taliyaan Dhawr sanadood. Markii kuwii aanu cisaynay ee aanu shaqooyinka u ogolaanay , waxaanu codsanaynaa kuwii aanu shaqada siinay (Daahir Rayaale) iminka jirtaa inay naga tagto, waanu abhinaynaa. Waxaan ku talinayaa in Daahir Rayaale doorasho qabto hadduu helana wanaagsan, haddii kalena iska tago. Laakiin, uma malaynayo in Daahir taas samaynayo waxaan markaa anigu leeyahay doorashadani waa tii Somaliland lagu ictiraafayay. Daahiroow haddaad Ilaahay taqaano, bahashaas dhawr iyo Labaatan sano ayaan u soo dagaalamayee kay ku dhimatay ha noqon, yaynaan isku karaamo seegin, guulwalayaashuna yay jar kaa tuurin. Waxa kuu hadhay Daahiroow waa Guulwadayn iyo saxsax. Yaan been laydiin sheegin arligan lama ictiraafin. Ninku wuxuu digtaytar noqdaa oo uu wax boobaa marka uu kursi ka helo UN-ka. Yaan kiis xun laguu qaadin, kiisaskaagii horena laguu daba gelin. Doorasho dib loo dhigi karaa ma jirto. Daahiroow inaad marba wasiir soo kordhiso sidii Islaantii intay budo samaysay hadana mid kale ka daba keentay. Wasiiradan yaanay is jiidhin ee madaxa ha isu gelin.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Dr. Dixood.

Gudoomiye ku-xigeenkii Shirgudoonka, Axmed X.Cali Cadami: “1995-kii ayaa wakhtigii yara adkaa, aniga oo Wasiir ka ah Somaliland ayaan Burco tagay, waxaanu is-aragnay niman reer Ceerigaabo ah, waanu sheekaysanay, inay I yara basbaseeyaan ayay isku kay dayeen. Anigu waa xaafadaysnahay waanaan dawladaysnaa. Qaar bay I waydiiyay cadhaysan calankaa dheer ee talaabo ka dul-taagani muxuu ahaa. Waxaan ku idhi waa kuwii reer Sheekh ISaxaaq oo markay xanaaqaan ayay iskala soo baxaan calamo yar yar oo noocyo badan. Waxaan leeyahay dhacdooyin badan baa jira, xalay gooni baa shirgudoonku u ducaynayay, hurdadu waa yarayd, habeenadii caadiga ahayd way ka baxsanayd, berri maxaa soo yeedhi bay ahayd. Madaxdii tartantay ee daqiiqado ka dib isu haynaysay wax la yaab leh bay ahayd, oo cajaabiya, waa inaynu Ilaahay ugu mahadnaqnaa oo niiyada iska saamaxnaa xayraankii iyo isika daba wareegii. Eray kaftanana wuxuu iga yahay, shirkan shirka ka dambeeyo bal waxaan idinka rajaynaynaa na talo-geliyaa, intaan idinkala maslaxaynay idin kala maslaxnay, waar wixii kan ka dambeeya sidii wax loo qaybsan jiray aan u qaybsano.”
Dhinaca kale, waxa isna baaqa shirweynaha oo ay soo diyaariyeen guddii farsamo ayaa waxa shirweynaha ka hor akhriyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Carftan.

Somaliland.Org News Desk
Hargeisa, Somaliland

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.