Baaqa Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye 29 – 31 March, 2008

 

Waxa dalka ka taagan abaaro baaxad leh, waxa marka hore Xisbiga Kulmiye ergooyinka Shirweynihiisan ka codsanayaa in jamacaeenanu duceeyo ilaahna ka barino inuu inoo shubo raxmad khayr qabta oo lagu rayrayyo. Alla ha inaga aqbalo.

 

Xaaladda gudaha:

 Hordhac

Mudanayaal iyo marwooyin, Waxa marka hore Xisbiga Kulmiye qirayaa oo aad ugu nuuxnuuxsanayaa in Nabadda Somaliland ka jirtaa tahay mid Ilaahay ka sokow uu dadweynuhu suurageliyey, hormarka iyo dib u dhiska dhaqaale ee jirana waxa dhaliyey hantiileeyda Somalilayn (private sector) iyo qurbajoogga oo kaalin halbawle ah kaga jira dib-u-dhiska dalka.

Mudanayaal iyo marwooyin, Waxa meelsha ka maqan kaalintii xukuumadda oo ahayd,  inay ugu yaraan, abuurto jawiga siyaasadeed iyo sharci ee horumar dhab ahi ku dhici lahaa.

Dhab ahaantii,Xukuumadda jirtaa wax micno leh kuma darsan isbedeelka ka socda Somaliland, bilcakas, dhaqaalihii iyo hantidii ay dawladu maamulaysay waxay noqdeen kuwo si xun loogu takri falo oo jeebab gaar ah ku dhacda.

Xaaladda Adag ee ka Jirta Dalka

 

Qaxa Dhalinyarada

Mudanayaal iyo Marwooyin, Raja beelka haysta dadweynaha waxa ka marag kacaya xawliga ay dalka uga qaxayso dhalinyaradu oo ah ubaxii wadanka, markii ay xukuumaddii xilka loo dhiibay ku guul darraystay inay iska dhaafo duruufo shaqo iyo kuwo waxbarasho oo ay abuurto, ay ku guul darraysaray inay xitaa rajo u abuurto.

Mudanayaal iyo marwooyin, Rajo beelka dhalinyardu waxay keentay in da’ yartii reer Somaliland ay tarab tarab uga baxaan dalka iyagoo naftooda ku biimaynaya dhul iyo deegaano aad u khatar ah – taasoo keentay in kuwo badan ay ku geeriyoodaan lama degaanada sida Saxaaraha weyn ee Afrika, kuwo kale ku qarraqmaan badaha cas iyo bada cad, kuwo kale ay ku xidhan yihiin xabsiyo dalalka jaarka.

Maanta, dhalinyaradu si isku mid ah ayay uga wada qaxdaa Hargeysa oo nabad ah iyo Muqudish  oo dagaalo is dabajoog ahi ka socdeen. Waxay is weydiintu tahay maxaa eryaya da’yarteena oo ku kalifay inay naftood waxaas oo biime ah geliyaan? Jawaabto waa mid keli ah. Waxa jira rajo beel, dadkana haddii ay rajadu ka dhimato waxa walba waa ka suuragal.

Xisbiga Kulmiye wuxu u taagan yahay inuu rajo u abuuro da’ yarta hadday tahay xag waxbarasho, shaqo abuuris iyo higsasho musaqbal wanaagsan.

    

Sicir bararaka iyo Dhaqaale burburka

Mudanayaal iyo marwooyin, abaaraha iyo jiilaalka dheeraaday nolol awelba qalafsanayd ayay sii adkayeen.

Sidaad la wada socotaan beryahan danbe, xaaldda nololeed ee gobolada dalka waa ka sii daraysay, quuta daruurigii dadka ayaa meel aad u cidhiidhi ah ku jiray, ka dib ,markii sicirkii badeecadaha aasaasiga ahi uu cirka isku shareeray, muciishadii dadweynahana ka yeelay mid aan qoyska caadiga ahi xamili karayn, taasi waxay keentay in qoysas badan oo caasimadda ku sugan iyo kuwa goboladuba ay ku sugan yihiin nolol adag oo khatar ku ah jiritaankooda.

Waxayaalaha dhabar-jabka ku ah dhaqaalaha ummadda waxa ugu weynaa lacagta been-abuurka ah ee lagu soo daabaco maamul goboleedka Puntland ee ka shaqaysaa gobolada bari ee Toghdheer, Sool iyo Sanaag.

 Waxa dhacday in maamulka Puntland keensaday mishiino uu ku daabacao lacagtaas been abuurka ah taas oo goboladaas geyeysiisay sicir barar xad dhaaf, nololshii dadweynahii goboladaasna ka yeelshay kuwo hantidoodii hadday ahayd xoolo nool ama dalaga beeraha lagu booboo lacagtaas been abuurka ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Maamulka jiraa wuxu ku guul darraystay inuu dadkaas u hiiliyo kana joojiyo lacagtaas been abuurka ah. Wuxu maamulku ku guul darraysata inuu lacagtii Soomaliland gaadhsiiyo gobolada bari.

Lacagtaas been-abuurka ayaa maamulka Somaliland ku bixiyaa mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda ee goboladaas. Kolkaas maamulku qayb ayuu ka yahay inaan lacagta Somaliland ka tisqaadin gobolada bari. Waxa kale oo jirta inaan maamulka ilaa maanta wax tallaabo ah ka qaadin lacagta giimbaarta ah ee ku keliyeysatay magaalada Burco, inkastoo in badan lagu booriyey in maamulku arrintaas wax ka qabto, ayna beddeladda lacagtaasi ku jirtay miisaaniyadii 2007.

 

Mudanayaal iyo marwooyin, Waxa ka qabashada sicir-bararka, gaadhsiinta lacagata Somaliland gobolada bari iyo guud ahaan daryeelidda heer muciishadeed dadweynaheena ma qadaan ma dhegaanka ah waxay ka mid yihiin arrimaha Xisbiga Kulmiye damacsan yahay inuu si deg deg ah wax uga qabto.

 

Dekedda Berbera

Mudanayaal iyo marwooyin, Dekedda Berebera oo ka mid marsada ugu  istraatijisan, marsooyinka gobolka  oo ah halbawlaha dhaqaalaha Somaliland waxay noqotay meel ay koox maafiya ahi ku shaqaysto oo gabtay kaalinteedii dhaqaale ee dalka iyo tii ay gobolkaba ku lahayd. Waa arrin la wada og yahay in badeecadaha Boosaaso ka yimmaadda ay Hargeysa kaga jaban yihiin badeecadda Berbera ka soo degtaa.

Xisbiga Kulmiye wuxu ballan qaadayaa inuu marsada Berbvera u soo celiyo sharafteedii kana dhigo mid la tartanta dekedaha dhiggeeda ah ee ka tisqaaday dalalka khaliijka.

 

Derjo la’aanta Ciidanka Qaranka

Mudanayaal iyo marwooyin, Maamulki wuxu ku guula darraystay in uu ciidamada qalabka-sida (ciidankiii qaranka/booliska iyo asluubta) derjooyin u sameeyo. Waa ayaan darro in Somaliland oo maanta18 jirsatay aan ciidankeedu wax derjo ah lahyan. Taasi waxay tilmaamaysaa sida maamulka jiraa aannu dan iyo muraad uga lahayn daryeelidda iyo rajo u abuuridda ragga iyo dumarka ku hawllan ammanka qaranka. Maamul xumida iyo musuqa ka jira ciidanka qaranku waxay hay’addaas ka yeelshay xero caagle . Mudanayaal iyo marwooyin, Abuuridda ciidan qaran oo tayo leh oo derjadiisu iyo qalabkiisu u dhan yahay waa mudnaanta ugu horreeya ee xisbiga Kulmiye ku tallaabsan doono.

  

Xoojinta Geedi-socodka Dimuraadiga  

Mudanayaal iyo marwooyin, Xisbiga Kulmiye wuxu bogaadinayaa geedi socodka dimuqraadiga ah ee reer Somaliland ku tallaabsadeen, wuxu bogaadinayaa nabadda, wada tashiga iyo isu-tanaasulka dhaqanka u noqday reer Somaliland. Kulmiye wuxu hormood ka yahay taabba gelinta isbeddelka dimuqraadiga ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin, ictiraafka iyo go’aan isu taagga somalialnd waxay ku xidhan tahay hadba sida aynnu u maamulno geedi socodka dimuqraadiga ah. Waxan xukuumadda ugu yeedhaynaa inay ka waantowdo falalka iyo siyaasadaha guracan ee shakiga gelinaya meel marinta dimuqraadiyadda.

 

Xisbiga Kulmiye wuxu dammaanad qaadayaa

Xoojinta Geedi-socodka Dimuqraadiga ah ee ka tisqaaday Somaliland

Dhowirsta/ku dhaqanka dastuurka ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka

La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qaraabakiilka

baabinta guddiyada nabadgelyada

hagaajinta tayada hay’adaha sharci-fulinta (judiciary)

 

Xadhiga madaxda urrur-siyaasadeedka qaran

Mudanayaal iyo marwooyin, Xisbiga Kulmiye wuxu mawqaf cad iska taagay xadhigii madaxda urrur siyaasadeedka qaran, xadhigii suxufiyiinta iyo guud ahaan xadhi kasta oo fooqul-qaanuun ah . Kulmiye wuxu aaminsan yahy in xadhiga madaxda Qaran lagu la kacay iyo gebagebyntii urrurkii xuquuqal insaanka ee SHuronet  u madmadow geliyey geedi socodka dimuqraadiga magac xumona u soo jiiday sumcada dalka.

Kulmiye wuxu cambaaraynayaa ku dhaqanka xukunka deg degga ah ee boqolaalka qof ku xidhan yihiin.

Mudanayaal iyo marwooyin, sida keliya ee Somaliland uga badbaadi karto khataraha ku xeerani waa iyadoo ku sii socot qoto u yeelidda isbdelka dimuqraadiga ah, xoojisa tayo gelntiisa.

Arrimaha Debedda

Mudanayaal iyo Marwooyin, Nidaam musumaasuq ah oo aan ixtriaamin dastuurka iyo kala danbayntu horumar kama keeni karo siyaasadda arrimaha debedda. Nadaam horumar gudaha dalka ka sameeya ayaa debedana horumar ka keeni karaaa. Sidaas daraadeed maamulka jiraa wuu ku guul darraystay inuu wax horumar ah ka soo hooyyo dhica ictiraafgka Somaliland.

Arrimaha Soomaaliya

Mudanayaal iyo Marwooyin,  Kulmiye wuxu ugu yeedhayaa dhinacyada ku herdamayaa arrimaha Soomaliya inay miiska wada hadalka isugu yimmaadaan – si loo soo afjaro ayaan darada iyo saxariirka haysata dadweynaha tabaalaysan ee Soomaliya,

Dalalka gobolku waa in aanay khilaafaadkooda kula galgalan Soomaliyana noqon meel ay ku herdamaan.

Kulmiye wuxu maamulka Imbagati iyo kan Puntland uga digayaa faragelinta ay ku hayaan Somaliland iyo inay ka waantoobaan carqaladaha ay ka wadaan gobolda bari ee Somaliland

 

Deeq Bixiyeyaalsha

Kulmiye wuxuu beelsha caalmaka iyo qaramada midoobay ugu yeedhayaa inay joojiyaan isa saarka Somaliland iyo Soomaliya, waxa Kulmiye soo dhowaynayaa kala soocidda mashaariicda horumarineed ee Somaliya iyo Somaliland.

Mudanayaal iyo marwooyin, Kulmiye wuxu u arkaa dhiirigelinta beelsha caalamku siinayaan maamulka Imbagati inay dawladda u tahay wixii Somaliya laysku odhan jiray ay fekered marin habawsan tahay. Waxay nala tahay in masuuliyadda kowaad ee maamulka Imbagaati ku koobnaato hanashada dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray. Marka Maamulkaasi dhulkaas hantona ay Somaliland wada hadal la furan karto si looga wada xaajooda arrimaha labada dhinac ka dhexeeya.

Deeq bixiyeyaalsha waxa Kulmiye ugu Yeedhayaa inay kordhiyaan taageerda isbeddelka dimuqraadiga ee curdinka ee ka socda Somaliland, oo shirweynahan xisbiga Kulmiye tusaale nool ka yahay.

 

Dalalka Deriska ah

Mudanayaal iyo Marwooyin, Kulmiye wuxu taageeraya nabad ku wada noo;laanshaha dadyawga Geeska Afrika, inay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanaka fakhriga iyo aqoon darrada, gobolkana ka suuliyaan colaadda iyo is necaybka shucuubta walaalaha ah,.

Kulmiye wuxu si gaar ah u danaynayaa, xidhiidhka sokeeye ee uu dhexeeya dadyawga Somaliland iyo Itobiya 10 sano oo xiliigii halganka iyo 17 sano oo ay Somaliland xor ahayd.  Kulmiye wuxu danaynayaa inuu xidhiidhkaas sokeeye qoto u sii yeelo isagoo sii xoojinaya xidhiika ganacsi, dhaqan iyo amni ee labada shacabi ee walaalaha ah.

Kulmiye wuxu damacsan yahay in colaaddii guunka ahayd ay beddelsho nabad iyo iskaashi guun ah.

Mudanayaal iyo marwooyin, Kulmiye wuxu quud darraynayaa in la dardar geliyo xidhiidh-ka walaaltinmo oo sokeeye ee lala leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti, Kulmiyer aad ayuu u saluugsan yahay xaaladda uu xidhiidhka labada dal ee walaalaha ahi ku sugan yahay wuxuna ballan qaadayaa inuu u hawlgalo sidii ay labada dal isugu soo dhowaan lahaayeen una yeelan lahaayeen iskaashi dhinaca walba ah.

Kulmiye wuxu dareensan yahay inaan maamulka jiraa ka hawl gelin sidii qadiyadda Somaliland looga dhaadhicin lahaa dalalka carabta, taasna ay Somaliland wax badani kaga baaqsadeen, sidaas daraadeed kulmiyr wuxu u hawlgelayaa siddi qadiyadda Somaliland loo hor dhigi lahaa dalalka carabta

  

Gebagebo:

Mudanayaal iyo Marwooyin

Si caqabadaha faraha badan ee qaranka horyaal waxa looga qabato, waxa Xisbiga Kulmiye aaminsan yahay in midnimada iyo wadajirka dadweynaha reer Somaliland ay lagama maarmaan tahay. Kulmiye wuxu aaminsan yahay in aanay jirin maalin ay maanta dadka reer Somaliland midnimada uga baahi badan yihiin. Sidaas daraadeed wuxu Kulmiye ugu baaqayaa dadweynaha reer Soomaliland inay u midoobaan siday u meel marin lahaayeen geedi socodka dimuqraadiga ah.

Kulmiye wuxu manta isu dhigay kuna shaqaynayaa xisbigii midayn lahaa dadweynaha Somaliland. Isagoo googol u fidinaya deegaanada kala duwan ee reer Somaliland ka kooban yihiin iyo qaybaha bulshada si iyadoo laysku duubana yahay hore loogu tallaabasado dhismaha mustaqbal ifaya oo reer Somaliland ku wada naaloodaan,

   

Allaa Mahad Leh

  

Somaliland.Org

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.