Xafladdii Lagu Soo Dhaweeyay Xildhibaan Cali Xasan Maxamed – Bristol, UK

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Cali Marexaan) oo si weyn loogu soo dhaweeyey Bristol

Xildhibaan Cali XasanMaxamed (Cali Marexaan) ayaa aad loogu soo dhaweeyey xaflad aad loo agaasimay oo lagu qabtay Xarunta Ururka Amaana MagaaladaBristol UK, xafladaas waxaa soo Agaasimay Jaaliyada Somaliland ee Bristol ee cariga ingiriiska, Ururka Amaana Iyo Ururka Horumarinta Togdheer (TAF), waxaana goobtaas aad u soo buuxiyey dadweyne aad u badan oo Somaliland ah oo degan Bristol iyo Nawaxigeeda.

Cabdilaahi jaamac Galaal oo ah oday weyn oo Jaaliyadaa iyo Somalilandba xushmo iyo qiimo ku leh, Ayaa halkaa mahadnaq ka soo jeediyey kuna soo dhaweeyey Xildhibaanka Magaalada Bristol UK.

Waxaa iyana halkaa mid la mida ka jeediyey Odayaasha Jaaliyada ee soo Agaasimay Xaflada Iyo ururada Amaana iyo Ururka Horumarinta Togdheer(TAF).

Soo dhaweyntaa ka dib Professor, Muumin ayaa isna halkaa ka jeediyey mahadnaq balaadhan, warbixina ka bixiyey Xaalada Jaaliyada Somaliland ee bristol kana waramay Heererkii ay soo martay, waxaana uu ku soo dhaweeyey xildhibaankaMagaalada Bristol UK, waxaanu yidhi, ku soo dhowow Xildhibaan Jaaliyada Somaliland ee Bristol intaa dabadeed waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Marexaan).

Xildhibaanku wuxuu aad ugu Mahadnaqay soo dhaweynta iyo Karaamada loo sameeyey isagoo aad ugu mahadnaqay dadkii soo agaasimay xaflada gaar ahaan, dhalinyarada, odoyaasha, Masuuliyiinta Jaaliyada, Ururka Amaana Iyo Ururka Horumarinta Togdheer (TAF).

Xildhibaanku wuxuu aad uga hadlay Dhinacyada, Siyaasada, Ganacsiga, Waxbarshada, Garsoorka, Miisaaniyada, Doorashada iyo ka midhodhalinta qadiyada Somaliland.

Mar uu kaHadlaayey magacaabida Gobolada Iyo Degmooyinka Cusub ayuu sheegay inay yihiin Qaar layska Magaacabay oo aan qorshe iyo hab midna ku fadhiyin, isagoo sheegay in aanu madaxweynuhu garanayba meel ay dalkaba kaga yaaliin degmooyinka qaar, meelaha u magacabay qaar ka mid ihina ay isu jiraan in ka yar 10KM oo aan wax tuulo ahiba aanay u dhexeyn, Isagoo xildhibaanku sheegay in ay tahay arintan iska magacabid, taasina waxay ku tusinaysaa in aan wax qorshaha iyo qiimayna midna lagu magabacin oo aanay dhab ahayn nuxur badana aanay lahayn.

iyadoo ay jirto hadal hayn badan oo iyaduna oo la mida tan oo magacaabid wasiiro iyo wasiir dowlayaal kale oo la soo wado, arimahaasi waa doorasho wax lagu galaayo oo aan macno sidaasa samaynayn iyo taladii dalka oo lagu dheeldheelaayo, markay doorsahadu dhamaatana ah wax iska dhamanaya, iyadoo badhaasaabyo loo dirayo Meelaha layska Magacaabay, cashuurtii dalka dib loogu celin lahaana loo qaybinayo badhasaabyo iyo maayaro, ujeedada laga leeyahayn ay tahay in wakiilo Uduba u joogaan meelahaa la magaacabay, marka lagu muraadsadana ama ay doorashadu dhamaatana waa la kala dirayaa, sidii dhacday doorashadii hore 2003, xiligaas oo madaxweynuhu magaacabay dhowr labaatan wasiir iyo wasuiir dowlayaal aan macno lahayn kuwaasna markii doorashadu dhamaatayna la sii kala daayey badankoodii suuqa ay galeen, tana tii ayey la midtahay, dadkuna waa inay ka koraan arinmaha noocaas ah.

Wuxuu kula dardaarmay Dadka ReerSomaliland inay Dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyagoo muhiimada saaraya ubadkoodu inay bartaan dhaqankooda iyo diintooda, haddii ay awoodaana ay maalgashadaan wadankooda, waxaanu ku adkeeyey in midnimada dhexdooda adkeeyaan marka kasta, kana qayb qataan Arimaha lagu hormarinaayo dalka.

Wuxuu sheegay Xildhibaanku inay jiraan Arimo badan oo ay muhiimadu ay ahayd in Xooga la Saaro sida Dhinaca caafimaadka oo meelo badan lahayn Goobo caafimaad, Ciidamada oo iyaguna aad u dayacan, booliska oo agabkoodii iyo gadiidkooduba aanu dhamaystirnayn, Biyaha oo iyaguna aan magalooyin badan ay dhibaato ka haysato, abaaraha oo iyaguna wadanka ku soo noqnoqda oo loo baahanyahay qorsho loogu diyaargaroobaayo, markaa waxay ahayd arimahaa muhiimka ah in xooga lasaaro, oo laga fekero ayey ahayd.

Mar uu ka hadlaayey xildhibaanka Arintii Miisaaniyada 2008 wuxuu sheegay in ilaa maanta oo la maraayo Bishii 4aad 2008 aan la horkeenin barlamaanka Miisanaiyadii, tii 2007 aan lagu Dhaqmin taas oo ah Arin Sharci Jebin ah, ahna wax lala yaabo dowlad dhan oo aan miisaniyad lahayn, taasuna ay tahay wax iska caadi noqotay in dowladu badheedho,

Hadiii Dowladu Miisanayada aanay waqtigii loogu talo galay keeni weydo iyo xisaab xidhba markaa inaanay xaq u Lahayn dadka inay Cashuur weydiiso.

Intaa ka dib waxaa halkaa su, aalo weydiiyey xildhibaanka dadweyne aad u badan, iyagoo dhamaan ku saabsanaa wadankii, Runtiina wuxuu uga jawaabay xildhibaanku si aad iyo aad u faahfaahsan oo uu raacinayo hab sharaxaad aad u heersareeya, taas oo ay aad ugu bogeen dadweynihii madaashaa isugu yimi, way badnayd qudbada Xildhibaanku oo aad moodaysay inaanu waxba ka tegin dhinac kasta Somaliland iyo jawaabihii dadka uu siiyey oo iyagu aad moodo inay dadku weydiiyeen meelkasta in ay ogadaan sida ay tahay.

Xildhibaanka ayaa xaflado Tan la mida ku Qabtay London, Liverpool, Birmingham Iyo Meelo Kale oo UK ah, intii uu joogay.

Freelance Writer, Adan Yuusuf Cilmi, UK.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.