Qudbadii Birgitta Ohlsson ee Shirka Xisbiga KULMIYE, Hargeisa, Somaliland

Birgitta Ohlsson is a member of the Swedish Folkpartiet PartyAfhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga Folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. Ms Ohlsonn may joogin Somaliland hase yeeshee qudbaddeeda waxa shikra ka akhrisay Jenny Sonesson (sawirka hoose) oo iyadu u timid Somliland inay shirka xisbiga KULMIYE indhaheeda ku soo aragto si ay ugaga warami karto xisbigeedii iyo madaxda dalka Sweden isbeddelka dimoqraadiyadeed ee shacbiga reer Somaliland.


Salam alaykum,

Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha.

Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax dimuqraadi oo khafiif ah oo ay ku wareegsan yihiin diktatoriyiin/keli teliyayaal qodaxyo leh.

Dimuqraadinimada Somaliland wuxuu la mid yahay ubax awood yar oo u baahan in la biyeeyo tarbiibna loo xanaaneeyo oo taagero ka helo wadanka gudiihiisa kuwaas oo ah idinka iyo taageero dibeda ah sida anig iyo asxaabtiina kale ee aduun waynaha oo dhan.

Jenny Sonesson, FolkpartietWaan jeclaan lahaa inaan shirwaynihiinan kasoo qayb qaato si aan goob joog ugu ahaado in mid ka mid ah xisbiyada ugu muhiimsan Somaliland oo qaadaaya talaabo cusub oo lagu sii xoojinayo dimuqraadinimada.

Laakiin waxaan iminka joogaa Zimbabwe oo hadeer ah wadan aad uga fog madaxbanaanida.

Waxaan rajaynayaa in Shirwaynahan Kulmiye uu qaado go┬┤aamo badan oo culus si uu kor ugu qaado mushtamaca Somaliland oo jiha wanaagsan u jeediyo.

Waxaan rajaynayaa inaad difaacdaan madaxbanaanida hadalka iyo madaxbanaanida warbaahinta/joornaalaystayaasha.

Waxaan filanayaa in kulmiye doorto dumar badan oo la siiyo boosas sare oo awood leh. Waayo hadii aan dumarka loo dooran boosas aan awood lahayn horumarka Somaliland wuu istaagayaa. Kulmiye waa inuu noqdaa hogaamiyaha u hor kaca sidii loo siin lahaa dumarka somaliland awood. Markaa waxa loo baahan yahay dumar badan oo ah tusaale fiican.

Waxaan idinka baryayaa inaad sii wadaan hawsha muhiimka ee xuquuqda biniaadanimada. Waxaa miftaax/fure u ah si ay Somaliland dunida uga hesho ixtiraam/respekt iyo taageero waa inay dadkooda

ula dhaqmaan si fiican oo ixtiraam leh.

Ogaada

Weligeed dimuqraadinimo hirgeli mayso hadaan dimuqraadiyiin la noqon.

Weligeed ma dhici doonto doorasho madaxbanaan hadii aanay jirin mucaarad.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac furan hadii aanay jirin warbaahin/joornaalaystayaal madax banaan.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac si xaq ah u dhisan hadii aanay jirin dumar awood leh oo boosas quwad leh haysta.

Waxaan idiin rajaynaa inaad ku guulaysataan oo dhistaan si uu kulmiye u noqdo xisbi awood u yeela dimuqraadinimada, madaxbanaanida iyo sinaanta Somaliland.

Waxaan ku rajo weynahay inaan idin soo booqdo doorashooyinka soo socda oo doorashooyinkaasi noqdaan kuwo heer sare oo u dhigma doorashooyinkii hore ee la qabtay.

Awooda Somaliland waxay ku taagan tahay in wadanku doortay dariiqa dimuqraadinimada.

Ku sii wada dariiqaas, waayo waa dariiqa mustaqbalka.

Sidaa iyo nabad gelyo

Birgitta Ohlsson

This entry was posted in News and tagged , , , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.