Maalintii Labaad & Shir-weynaha Kulmiye

Hargeysa(Somaliland.org)- Shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye ayaa maalintiisii labaad si habsami ah uga socda Ambasaador Hotel ee Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan oo socon doona muddo Saddex maalmood ah waxa warbixino ka jeediyey Masuuliyiin ka socda Lixda Gobol ee dalka iyo xubno ka socday qurbe-jooga xisbiga Kulmiye.

Waxana ugu horreyn halkaasi warbixin dheer ka akhriyey Dr. Cabdi Aw- Daahir oo ku hadlayey magaca Gobolka Togdheer, taasi oo kaga hadlay arrimo door ah.Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:-                    `                       `                      ”Shirguddoonka, Guddoomiyaha xisbiga iyo ergo-weynta guudba waan idin salaamayaa, Waxaan si gaar ah u salaamaaya ergo weynta ballaadhan ee xoogga leh ee ISBEDEL-DOONKA AH ee xisbiga ku soo biiray ee ka kala yimi dhammaan daafaha gobolada dalka

Maanta waa maalin u noqondoonta taariikhda soomaaliland bartilmaameedd Waa maalin insha allah bilaw u noqondoonta  Isbeddel cusub oo hor leh  ummadda iyo dalka soomalilandba. Waa maalin Insha allah ka mid noqondoonta maalmaha diiwaanka gala oo lagu xasuusandoono bilawgii isbeddelka, horumarka iyo caddaaladda..

Guud ahaan Gobolka Togdheer waa nabad guud, waxaase ka jira abaar aad u ba’an oo biyo iyo baad la,aan ah.

Waxay  si mug le ula socdaan shirweynaha kulmiye, waxaynay u dhegtaagayaan waxa ka soo baxaaya, waxaananay u arkaan rajada iyo isbeddelka keliya ee maanta muuqda. Waxaynay u rajeeyeenm shirka guul .

Waa gobol ay dadweynahiisa ay ka muuqato dedaal isku duubni, iyo wax wada qabsi. Waxay marakasta ku heelan yihiin  si ay iskood wax ugu qabsanlahaayeen mashaariic horumarineed oo  waxbarasho, caafimaadka nadaafada guud iwm , Qaar fara badaana way fuliyeen oo ay ka mid tahay jaamacaddu, biriijkka ,Isbitaalka waalida, Dugsiga kalkaaliyayaasha iyo qaar badan oo kaleba. waxayse toos uga qatanyihiin  wax allaalyo  wixii waxtar ah ha yaraato hase badnaatee ee dawladda ay ka sugayeen.

Reer Togdheer shirweynahan iyo xisbiga kulmiye waxay noo soo fareen  arrima fara badan oo ay u arkaan in uu dalka iyo dedkaba faaiido u yihiin ,waxaa ka mid ah:

 Waxay na soo fareen in shirweynaha  aanu gaadhsiino in uu kulmiye yahay maanta rajada keliya ee muuqaneysa, ee dalka ka saari karta xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro, Isla markaana isbeddel ku samayn kara maamulkan fadhiidka ah ee dalka ragadiyay, sidaa darteed waxay na soo fareen in loo baahanyahay in uu kulmimye la yimaado isbeddel dhab ah oo ka duwan ka maanta jira.

Reer togdheer waxay na soo fareen in in waxyaalaha ugu weyn ee togdheer saameeyay uu yahay dhaqaala xumo aad u halis  ah, Walaw sicirka maciishaddu oo suuqa caalamka aad uga kacay, haddana reer togdheer waxay ogyihiin in cashuurta  xaddhaafka ee Dulsaarka, iyo siyaasad xumida ganacsiga ee maamulka jira uu sicirbararka qaybta ugu weyn ka qaatay. saameeyayna noloshii bulshada reer togdheer iyo guud ahaanba dalka Somaliland  daqiida , bariiska ,sonkorta,saliidii, iyo shidaalkii, qiimahay ahayd maalintii uu  riyaale qabsaday dalka oo ahayd 4tii may 2002  Way labanlaabatay amaba seddex laabantay. Nidaamka riyalena maaha mid wax ka qabanaaya ,wax u sii xumeeyo mooyee. Reer togdheer waxa idin soo fareen in haddii alle idinku guuleeyo talada dalka   in ay noqoto arrinkaasu qodobka kowaad ee asaasiga ee waxqabadkiina kow u noqda.

Waxay reer togdheer na soo fareen  in asaaska dhaqaale ee dalkanu hu dhisanyahay xoolaha nool, gaar ahaanna gobolka togdheer.  Waxay ogyihiin reer  togdheer in siyaaasadaa musuqmaasaq ee ee ku baahday maamulkanu u gayeysiiyay ummaddii in nidaamkii ganacsi ee xoolaha  uu siduu doono ugu tagrifalay, kootana inyar uga dhigay ay wax gaar ah la wadaagaan.  Ganacsi xumidaa xooluhu waxay  sii saamaysay nolol maalmeedkii dan yarta  ee horeba ay u wiiqday sicirbararka Raashinka iyo shidaalka. Waxay reer togdheer na soo fareen in uu yahay arrimaha isbeddel waxqabad oo dhab ah u baaahan    haddii  ilaahay idinku guleeyo.

Waxay reer togdheer na soo fareen in ay jirto  arrin ay gobolada kale kaga duwanyihiin waa arrin aad u sii cusleeyay dhaqala xumidii horeba u saarnayd , waa arrinka lacagta loo yaqaan giimbaarta ee ku dhexwareegta  suuqaqa gobolka togdheer oo keliya. Waxay soo jiidantaba hadalhaynteedu iyo beddelkeedu ,waxaa lagu daray miisaaniyaddii sannadkii 2007 ,ilaa hadda oo aynu ku jirno 2008,lama beddelin, Reer Togdheer waxay la amakaagsanyihiin maamulka intaasu ka baxsanwyday in wax kale ka baxsanayaan.Waxay reer togdheer na soo fareen haddii ilaahay idinku guuleeyo talada dalka in sannadka 2009 ,haddii eebe idmo in ay noqoto tallaabooyinka kowaad ee aad qabataan ay noqoto in aad lacagtaas gobolka ka beddeshaan , taasoo ummadda reer togdheer danyartiisana kabaysa dhaqaalaheeda.

Waxay reer Togdheer na soo fareen, in aan shirweynaha gaadhsiino in ay saarantahay gobolka xayiraad ganacsi, burbur dhaqaale, oo ay saamaysay in kililka shanaad lagu gubay in ka badadan boqolaal baabuur ah oo ay leeyihiin dadweynaha reer soomaaliland. Inkastoo ay ahayd fal ay sameeyeen  qaar aan arxan lahayn, haddana waxay ku dhacday siyaasad xumida maamulka rayaale ee maalinkasta maqlaaya baabuurbaa la gubay ,wax uu ka qabanayaana anu jirin,  Waxay reer togdheer na soo fareen in kulmiye sameeyo barnaamij cad oo uu kaga hortagaayo in aaanay falkaasu dib udhicin

Waxay reer togdheer na soo fareen in aan shirweynaha aan gadhsiino ,in ay gobolka saamaysay caddaalad darro xaaladda garsoor ee gobolka, aynay hubaan in gobolada kale ee dalkuna la qabaan. Dadkii reer togdheer waxay taaganyihiin 100 mitir oo iskuweer ah ee maxkamadda ku taalo, mana jirta dacwad ka dhammaata nooc ay ahaataba,ummaddina qoortaa laysu wada sudhay. Iyagoo markii horena ahaa danlay ay saamaysay arrimaha dhaqaale ee aan hore u soo sheegnay ayaa haddana wixii yaraa ee ay haysteen kaga dhammaadeen kharaj iyo laaluush ka badan ka ay isku Dacweynayeen. Waxay  saamaysay nabadgelyadii, dhaqaalihii, dhaqankii iyo karaamadii bulshada. Waxay na soo fareen isbeddelka la soo socotaan tiirdhexaad ha u noqoto caddaaladdu,  Caddaalad ayaa na deeqi karta  ee cunto cidna lama gaadhsiin karto ayay na soo fareen.

 Waxay reer togdheer na soo fareen in ay guud ahaanba gobolka ay saamaysay shaqo la,an oo saamaysay dhaqaalihii gobolka iyo gaar ahaan danyarta.Shaqo la,aantu waxay dhalinyartii iyo xooggii gobolka reer togdheer gayaysiisay in ay tahriibaan , qaar badaanina ku dhammaadeen xeebaha daafaha dunida. Wax kale ee ay na soo fareen in Shaqaalaha kooban ee dawlada ee leh  CIVIL iyo ciidanbana . Mushahaka yar  ee ay qaataanna aanay  shan ciho ku filayn.. Waxaase intaa kaba sii daran Mushaharkii loogu kordhiyayay Miisaaniyadda shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ku tagrifalay maamulkii talada ummaddu udhiibatay sidii ay ugu tagrifaleen tii lagu bedddelaayay lacagta giimbaarka. Waxay nagu soo adkeeyeen in haddii eebe idmo ee aad ku guuleysataan talada dalka in aad xoogga saartaan sidii loo darryeeli lahaa shaqaalaha danyarta ah ee tabaalaysan. Barnaamij shaqaali abuur oo gobol iyo mid qaranba ummadda loo sameeyo.Waxay nagu adkeeyeen in ciddii ku tagrifashay  kabistii Miisaaniyadda shaqaalaha , iyo tii beddelka lacagta giimbaarka, iyo dhammaan arrimaha ku lugta leh miisaniyadda ee goluhu ansixiyay ee sidiisii aan loo fulin in markay gaadho taladiina haddii eebe idmo maxkamad sharci ah la soo taago

Waxay na soo fareen in maciishadda asaasiga iyo badeecadaha istraatiijiga ah, SIDA SHIIDAALKA, in cashuurta la saaray ee xaddhaafka ah ,  aan dib loo gelinin tacliintii , caafimaadkii, biyihii, Laguna kaabin daryeelkii shaqaalaha, hase yeeshee gacanta u gasha in yar oo kooban, ama lagu fuliyo dano gaar ah oo siyaasadeed, cashuurtaasu ma saarna inta hantiilayaasha ah ee waxay ka go,antahay oo saarantahay dadweynaha guud ee danyarta ah. Waa in ay noqoto meelaha waxa ka qabaneysaan ee uu ah tiirdhexaad isbeddelka.

Waxay na soo fareen in sidaan  horey idiinku soo sheegay in gobolka ay ka jirto abaar baahday aanay ugu darantahay biyo la,aan..oo ilaahay hadii aanu inaga soo qaboojin ,durbaba ay bilaabmatay biyo dhaamis. Waxay na soo fareen in ceelashii Burco ee biyaha badnaa AY mishiinadii habeenba mid ka fadhiisanaayo, Iska daa wax uu   biyo dhaan wax ka taro, ee dadweynihii magaala madaxda deganaa inta badan ay oon iyo harraad ku jirto . Boqolkiiba 80 magaalada waxa waraabiya booyado ka soo dhaamiya ceelal  dad gaar ah leeyihiin(PRIVATE) ,oo waagii beryaba sicirka qiimaha kiciya, yidhaahdana shidaalkii iyo raashinkii ayaa nagu kacay. Taasuna ay wax sii yeeshay danyartii awalba baahido haysay.Waxay na soo fareen reer togdheer in shirweynaha uu ka soo baxo  Qaylo dhaan  ku saabsan arrimaha abaaraha ee goblka iyo guud ahaanba dalka ka taagan’.

Cismaan Cabdi Barkhadle gobolka Saaxil gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil oo u hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Gobolka Saaxil codkii ugu yaraa ayuu ka helay, taasina waxay ku dhacday balanqaadyo aanay waxba ka dhicin oo ay Rayaale iyo xukuumadiisu ku balanqaadeen in dhisayaan wershadii Shamiitada. Waxa aanu ku balanqaadaynaa oo balanqaad idiinka sidnaa in sanadkan doorashadu marka ay qabsoonto.

Kulmiiye waxay reer Somaliland iyo Berberi waxay leeyihiin rajada keliya ee noo muuqataa waa Kulmiye.”

  Axmed Muxumed Geelle Dacar oo isna ku hadlayey magaca Gobolka Awdal ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Laysku sheegi mayo gobollada dalka, dad walaalo ah ayaynu nahay, dad isdhex=galay ayaynu nahay. Gobolka Awdal Hay’ad qudhi ma degana, hadana waxa laga yaabaa in la yidhaahdo waar nimanku maxay dhergeen. Maanta abaaro baahsan ayaa ka jira, xukuumadu hay’adaha uma sheegto abaarahaas iyo duufaanadii dhawaan ka dhacay gobolka. Waxa uu gobolku uga mahad-celinayaa Xisbiga Kulmiye aaskii Xasan Muumin dhaqaalihii  uu ku caawiyay. Waxa jirta Tahriib ay dhalinyartii badda isku gurtay, qoys aan cidi ka tagin ma jirto, anigaygaa Inan baa iga tahriibtay. Cadaalad-darada, musuqmaasuqa iyo dhibka ka jira wadankeena. Waxa jirta in ay musharaxiin badan oo ka tirsan Xisbiga:”

Dalmar Saalax Diiriye, Gobolka Sanaag:-

 “Xisbigu tan iyo markii la aasaasay gobolka wuu ka furnaa, wuxuuna xafiisyo ku leeyahay, badhan, ceel af-wayn, iyo gar-adag. Xisbigu taageerayaal badan ayuu ku haystaa gobolka. Hase yeeshee dhaqaale xumo ayaa soo food-saartay xafiisyadaas. Waxa kale oo hogaanka ee heer gobol iyo xubnaha hogaanka sare ee gobolku isu diyaarinayaan sidii aanu uga soo dhalaali lahayn hawsha doorashooyinka. Gobolka Sanaag waxa uu la qabaa abaaraha iyo biyo la’aanta gobollada kale ee wadanka ka taagnaa. Waxa jira dhibaatooyin dhaqaale, gobolka waxa ku furan waraaqo laga soo daabaco mishiinada lacagta ee ku yaala gobollada Puntland. Lacagtaasi ma soo gaadhayso gobolka Togdheer. Taasi waa arrin u dheeraad ah. Lacagtaasi waa jmid lagu curyaaminayo. Reer Sanaag may ahayn dad dadlad ku nool ah ee waxay ahaayeen dad isku filan dhaqaale ahaan marka loo eego khayraad ilaahay dalka ku manaystay. Laakiin ku go’doonsan iyada oo ay sabab u tahay wada xumada. Xataa Saxaafada iyo joornaalku ma gaadho. Dhibaatooyinka kale ee gobolka waxa ugu wayn wada xumada. Marka ay soo dhawaato doorashadu ayaa burco iyo Sanaag la geeyaa Laba Cagaf-cagaf wadadaasi nama soo gaadho marka doorashada ayaanu maqalaa wadadaa. Xukuuumadu waxay ku guulay-daraysatay Isgaadhsiinta oo Boosaaso ayaanu muddo ku xidhnayn, waxaan soo gaadhin lacagta Somaliland oo waraaqihii cadcadaa ee balaadhnaa ayaanu wax ku kala iibsanaa. Xoolihii ayaa loo joojiyay lagama joojine Hal qof oo aanaan garanayn waxay ku qabto. Dadka reer Sanaag waxay indhaha ku kala qaadeen oo aanaan xalay telefoonadooda ka seexan hawlahan isu diyaarinta doorashooyinka soo socota.

waxaanu intaa raaciyay Dalmar “Kollay sidii Cabdi Aw Daahir waxyaabo badan buu soo maray oo xagga hadalka Jaamacado ayuu uga soo baxay oo waakii Xoghayaha iyo Wasiirka wax soo noqdaye bal laakiin, maanso yar baan isku dayaa inaan halkan ka akhriyo”.

Kayse Maxamed X. Xuseen Gobolka Sool:-

“Bulshada reer Sool xaalada ka jira waynu iska garanaynaa waxa uu isii dheer geedka xididka tiinka la yidhaahdo oo Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse waxanaan rajaynaynaa in Kulmiye marka uu ku guulaysto inuu ka guri doono .

Waxa ii dhashay Laba Wiil oo midna waxaan u bixiyay Kulmiye midna Shirweyne oo mataanay ahaayeen. Waxaanu u qaadanay inuu Xisbi Xaakimku doonayo inuu dhiida u dhigto oo ku tartamo doorashooyinka waxyaalihii laga ururiyay dadweynaha si wax loogu qabto bulshada reer Sool. Waxaan ku raja waynahay in sidii doorashadii Zimbabwe madaxweynihiisa loogu dhameeyay in kanna loogu dhameeyo. Waxaanu jecelahay in xagga gacan hoos u dhiibka in aan nalagu badin. Balse waxaanu jecelahay in nalaku badiyo sidii qodxaha aan kor ku soo xusnay. Waxaanu rabnaa in nalaga ilaaliyo hadaladii yar yaraa ee waxaa loo baahan yahay in nalaga ilaaliyo waayo waxaanu maraynaa halkii Hargeysa maraysay 91-kii. Waxaanu jecelahay in habeenkii saqda dhexe loo duceeyo in qodxaantaa yar yar loo dhameeyo, Kulmiye noqdo hogaanka Somaliland.”

Yuusuf Nuur Maxamed Guruuje Gobolka Hargeysa:-

 “Hargeysa waxa u sii dheer af-miishaaradii wadanka ee dawlad walba kharibi jiray, ayaa ka jira, wixiiba Hargeysa ayay wada joogaan oo ay isugu yimaadeen, waxa dhibaatooyinka dalka ka jira Hargeysa isugu soo ururiyay Maan-jeceshaa aan sheegay. Dhalinyaradii waa la guntayday, wax baa la bartay wixii oo dhamina Maqaaxiyaha ayay isugu yimaadeen. Waxa qasab noqon doonta bari dhaw inay kacdoono dhacaan oo ay meel kasta galaan marka meel ay u kacaan waayaan. Miyigiina waa laga soo xarooday, gobolladii kale ee Soomaaliya way yimaadeen, Oromo iyo Itoobiyaan bilaa camal ah ayaa muwaadiniintii sii dheer, haddii aan isbedel-doonkaas Ilaahay inoo dhabayn. Waynu arkaynaa dhibaatooyinka dalka waxa ka mid ah riwaayadaha lay noo metelayo, ee la leeyahay ictiraaf baa la raadinayaa, Madaxweyne dalkiisii leh ictiraaf baan doonayaa inuu Shuuro- dubiyay oo albaabkii inuu xidhay shaqaale u dhiibtay, markaad wax rabto horta gurigaaga ayaa la sii hagaajiyaa. Cid waliba way ogtahay in dawladu hor-taagan tahay oo diidan tahay oo dhaqaalihii iyo wixii ku xidhnaa ay la’ yihiin. Dawladihii lacagta bixinayay waxa ay leeyihiin waar doorashadii qabsada waatan lacagtiiye. Iyagana waxa laga la’yahay waanu qabanaynaa ama ma qabanayno. Waxaan leeyahay Hargeysi waxay sida gobollada kale Ilaahay ka baryaysaa in Ilaahay isbedel deg deg ah rabto.”

Suldaan Jaamac Nuur oo ka mida gudiga fulinta ee Uk ee xisbiga kulmiye isagooo ku hadlaya magaca qurbo-jooga dalka Britain wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan soo dhawaynayaa xubnaha miisaanka leh ee mudooyinkan dambe sida wayn ugu soo biiriyay xisbiga,qurba jooga Somaliland 80% waxay taageeraan Xisbiga Kulmiye. Qurba-joogu waxay dalka ku soo kordhiyeen dhaqaale badan, tusaale ahaan dhismayaasha quruxda badan, jaamacadaha, Hoteelka aynu joogno ayaa ka mid ah, wershado yar yar oo kuwa biyaha ah ayay sameeyeen, waxaanu door muhiim ah ka qaadanaa gooni isu-taaga Somaliland. Maadaama doorashooyin innagu soo dhow yihiin waxaanu is-saarnay 200,000$ si aanu gacan dhaqaale uga gaysano iyo waliba inaanu soo dirno in ka badan 1000 Muraaqib. Waxa kale oo aanu samaynay nidaaamka ololaha oo aanu bedelo nidaamka laysku soo dhaweeyo durbaan iyo jaad. Balse waxaanu samaynayaa fakir kaas ka duwan oo isu soo dhawaansho iyo firfircooni ah.”

Cabdilaahi Xaashi Abiib oo ah aqoonyahan ka mid masuuliyiinta xisbiga e dalka Maraykanka, ayaa isaguna yidhi: “Waxaan u imi shirweynahan Xisbiga Kulmiye, anigu waxaan ahay nin wadankan u dhashay oo Tobankii sano ee ina soo dhaafay wadanka wax u qabtay. Waxaan keenay wax Alle waxa yaalay jaamacadda Camuud ama wixii maaliyad loo samaynayo, markaa guushii aanu taas ka gaadhnay waxay noo fududaysay inaanu ka gun-gaadhno sidii gobollada dalka oo dhan wax loogu qabto. Waxaanu keenay miisas, kuraas, qalimo iyo waxyaale kale. Waxa maanta na soo gaadhay Koontiinarkii 30-aad. Qalabka aan wadanka soo gaadhsiiyay ilaa 20 Milyan oo Dollar, waxa iminka foodda innagu soo haya Markab raashiin ah Bariis, Daqiiq, Baasto iyo waxyaale kale oo aan ugu talo-galay Lughaya iyo Saylac. Waxa uu damiirkaygu ii saamixi waayay markii aan Siilaanyo sheekaysanay, waxaan isku dayaa inaan Siilaanyo gacan ka siiyo sidii uu wadanka uga saari dhibaatada ka jirta hogaankana gacanta ugu dhigi lahaa, aniga oo aan u eegayna gobolka iyo meesha uu ka yimi. Maalin walba waxa nalagu shookaansadaa waanu idin aqoonsanaynaa. Maxaa innaga laynoo aqoonsan waayay, waxa laynoo aqoonsan waayay xuquuqul Insaankii ayaa lagu tuntay, qofkii hadla ayaa la xidhayaa, waxaan aaminsanahay hogaanka mudane Axmed oo aaminsan fikradaha aan qabo ee aqoonsi lagu keeni karo oo ah in ciidamada la tababaro, oo la sugo cadaalada, oo saxaafada gacanta ay dawladu ku hayso ay ku wareejiso meel dadka ka dhaxaysa Saddexda Xisbi oo ay si xaq ah u isticmaali karaan. Waxa kale oo ka mid waxyaalaha aqoonsiga lagu heli karaa iyada oo doorashaduna noqoto mid xor ah ama xisbi  ha noqoto ama ta guud ha noqotee. Waxa kale oo aqoonsi lagu keeni karaa iyada oo lala xisaabtami karo madaxda hogaanka haysa. Haddii aanay taasi jirin ma jirayso aqoonsi.

Anigu waxaan rabaa aniga oo qof keliya ayaa waxaa qabtay. Waxaan idiin balan-qaadayaa degmo kasta oo gobol kasta ka tirsan inaan keeno qalabka ugu dambeeyo ee dadka lagu daweeyo. Waxaan idiin balan qaadayaa lacagta lagu dawaynayo cudurada TB-da, Malaariyada aanu keeno annagu iyada oo aan dawladu bixinayn.

Waxaan idiin balan-qaadayaa haddii Xisbiga Kulmiye ku guulaysto doorashada laga dhigo bilaash waxbarashada. Haddii aan doorashada ku guulaysano waxaanu balan-qaadaynaa in iskuul kastaaba yeesho Computer Lap, John Canady-ba markii uu yidhi Dayax-gacmeed baan samaynayaa waa lagu qoslay anigana ha laygu qoslo maanta. Markii aan Jaamacadda Boorame aan keligay idhi waan samaynayaa waa layla yaabay, maantana waxa dhigta in ka badan 400 oo Arday dee dawladna ma ihi ee shicib baan ahay, waanaad aragtaan in dayaxii la gaadhay.

Dadkeenu lacag badan bay haystaan laakiin jeebadaha ayay ku haystaan, waa in aan barnaa sida lacagta wax loogu samayn lahaa, oo laga caawiyo si ay fikrad uga soo qaataan dawladaha kale sida loo sameeyo shaqo abuurka. Dadka miyiga waxa loo tagaa maalinta doorashada oo kaliya, waa in loo furaa Bankiga horumarinta oo ninkii reer Miyiga ahaa la siiyo lacag uu xoolo siisto. Iminka ninku mara uu Wasiir noqonayo waxa uu u tagaa odayaal reerkooda ah oo Madaxweynaha ugu taga.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Canab Cumar Illeeye, oo iyaduna munaasibadaa ka hadashay ayaa tidhi;- “Ilaahay raga wax ha kaga duwo raga kaalinta haweenka. Mujtamaca ugu badan baanu nahay intaas oo ragi maxay iigu wada horaysay, haddii aanan xigmad igu fadhiyin. Waxa gacan bidix looga maarmay bal noo sheega. Durbaankii waanu soo nacnay taladii dalka ayaanu rabnaa. Laakiin, wax baanu xeerinaynaa, dumar badan waan abaabuli lahaa oo kasban lahaa. Haddaba, waxaan leeyahay ragow xataa xubin aanu lahayn baad meesha ka qaadeen, waar ma rabno inaynu isu fiirsanee, dur baankii waanu iska nacnay, mushxaradiina waa la mid ee na siiya xaqayaga. Dumarku waxay jecel yihiin inay raaxo helaan nolol fiican ku noolaadaan. Ragguna waxay rabaan kursi, waar hadaad na ha gaajin waydaan anna idin hagaajin mayno. Marka doorashadu gaadho qaar waxay yidhaahdaan jaadkii xalay baa igu qaloocday, subaxii ilaa galabtii waanu taaganahay oo ma daalo ilaa nala eryo. Insha alaah Ilaahay ha innagu guuleeyo.”

.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye Cabdillaahi Ibrahim X. Xasan oo isaguna munaasibadaa ka hadlay ayaa ka warramay kaalinta ay dhalinyaradu kaga jirto dhismaha iyo horumarka dalka, waxana uu sheegay in uu ka tanaasulay jagadii Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye oo uu hore u shaaciyey, isla markaana waxa uu balan qaaday in uu ka shaqeyn doono horumarka xisbiga.

Liibaan Maaweel Shire Somaliland.Org 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.