Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambaasadoor.

Hargeysa(Somaliland. org) Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Hotel Ambaaasadoor ee caasimada Hargeysa. Shirweyanahan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay in ka badan lix boqol iyo kontay xubnood oo isugu jira ergay, goobjoogayaal iyo marti sharaf kale, waxayna ergada shirka ka soo qaybgashay gaadhaysaa 573-Ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland iyo qurbo jooga reer Somaliland ee taageerada xisbiga KULMIYE.

Xubno laga soo casuumay Xisbiga UCID iyo Ururka Qaranka. Madasha shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo si weyn loo agaasimay waxa marti-sharafta lagu marti-qaaday ka mid ah safiirka ama wakiilka dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland hase yeeshee wakiilku kama uu soo qayb gelin isagoo la sheegay inuu u safar dhinaca itoobiya ah ugu baxay waxaana halkiisii kaga soo qayb galay madaxa xafiiska ganacsiga ee xafiiska dawlada itoobiya ku leedahay hargeysa Mr Tadele Asigedon, masuuliyiinta xafiisyada qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo wadaniga ah, waxa kale oo marti-sharafta ka soo qayb gashay shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE ka mid ah xubno ka socda komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin gudoomiyihii hore ee iscasilay Maxamed Yuusuf Axmed iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo marti sharafta madasha ka muuqata ka mida abwaanada waaweyn ee Maxamed ibraahim Warsame “Hadraawi”, iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” waxa kale oo iyaguna ka soo qayb-galayaasha ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka oo jeeda xisbiga UCID.

Dhinaca kale waxa shil gaadhi ku geeryooday saaka subixii hore laba ergay oo ka mid ahaa ergooyinka shirweynaha xisbiga KULMIYE, kuwaasoo kala ahaa Marxuum Xasan Cabdillaahi Cabdsiiye iyo Cabdi Cali Cilmi. Ugu horayn waxa uu soo jeediyay Gudoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo oo uu hor-dhigay shirweynaha magacyada xubnaha shirgudoonka cusub ee hogaamin doona shirka. “Markii aanu dhexdayada tashanay, waxaanu isla qaadanay inaanu idin hor-dhigno xubnaha shirweynaha ina hogaamin doona. shirka ayaa ansixin kara, diidi karana. ” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo. Waxaana halkaas cod-gacan-taag ah oo aqlabiyada lagu ansixiyay xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa: –

1- Cabdicasiis Maxamed Samaale (Gudoomiye).
2-Axmed Xaaji Cali Cadami (Gudoomiye ku-xigeen.
3-Xasan Guure Jaamac (Gudoomiye ku-Xigeen)
4-Layla Cismaan (Gudoomiye ku-xigeen).
5-Xuseen Axmed Caydiid (Xoghaye).

573-kii xubnood ee madasha shirka fadhiyay waxa shir-gudoonka cosob diiday Afar xubnood oo keliya, cid ka aamustayna may jirin. “Wallaalayaal hadaanu nahay guddida loo magacaabay hogaaminta shirka aniga oo magacooda ku hadlaya, hambalyo ayaanu shirka u soo jeedinaynaa, annagana noogu duceeya in Illaahay hawsha noo fududeeyo oo nagu asturo. Waxaan u mahad-naqayaa gudoomiyihii Guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE iyo guddidiisii iyo ciddii kale ee la shaqaynaysayba.

Waxaanaan leeyahay, Ilaahay ha idinka abaal-mariyo hawshii aad qabateen. Shirweynaha dadka runtii qiimaha leh ee halkan fadhiya, waan idiin mahad-naqaynaa dhamaantiin, arrintana waxaanu u arkaynaa inay tahay masuuliyad iyo xil, xilkuna waa waxay samooyinka iyo dhulkuba diideen. In Illahay saddexdaa maalmood nagu asturo, si guul iyo sharaf ahna noogu dhamaato ayaan Ilaahay ka baryayaa. ” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha cusub ee shirgudoonka shirweynaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu hawshii shirka ku wareejiyay Gudoomiyihii qaban-qaabada ka dib markii lagu wareejiyay xilka shirgudoonka.

Shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE. Gudoomiyh qabanqaabada Dr Axmed Muxumed Madar “waxaana leeyahay sida wanaagsan ee aad u soo ajiibteen, noogala soo qayb-gasheena waad ku mahadsan tihiin aad iyo aad ayanaan idiinku ammaanayaa. Xilkan waxa xisbigu noo igmaday oo noo magacaabay hawshan qaban-qaabada oo ah hawl balaadhan, soona martay maraaxil kala duwan, oo aan odhan karo waxa salkeedu ahaa oo laga doonayay shirweynahan aynu maanta u fadhiyo in lagu hago si dimuqraadiyada, waxay nagu qaadatay mudada, waxay maanta adduunyadu noogu markhaati kici doontaa, in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee raba inuu ku hago umadiisa si dimuqraadiya oo xor ah.

Waxa ahayd nuxurka guddiyada loo sameeyay in umadda Somaliland uu xi iska saaray KULMIYE in dimuqraadiyada ay umadu doonayso, xisbiyada kale ee magaca la sheeganayaana kaga daydaan. Waxaan maqlaynay KULMIYE shirkiisii wuu habsaamay, wuu is-haystaa. Oo ay fidinayeen dad cadow umadda Somaliland ah oo aan jeclayn kana xun in Somaliland ay gaadho horumar iyo dimuqraadiyad. waxaanu maanta qiraynaa inay tahay mid ay ku fashilmeen oo haday shalay indhaha nagu soo taageen inay maanta hoos-u-ridi doono. Shirweynaheenu inuu maanta ay rabeen inuu fashilmo.

Illaahay idimkaa ma fashilmayo waxaynu maanta ka marag-nahay inaynu maanta isugu nimi in umaddeena dhibaatadu haysato inay fahmeen oo ay garteen mudadaa dawladii ay iyagu u igmadeen ay hagrateen, isla-markaana ay garteen cidda rajadoodii ay garbaha ka saareen uu yahay xisbiga KULMIYE, inteena halkeenan fadhinana uu xil-gaar ahi innaga saaran yahay si aynu u noqono kuwii guta, garta dhibkana ka saara umadooda. ” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddidda qaaban-qaabada shirweynaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE.

Axmed Muxumed Madar waxa kale oo uu sheegay in shirweynaha UDUB aanay iman shirka inkasta oo casuumaad loo fidiyay. Kala soco Somaliland. Org Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo aan Si Talan Taaliya Idinku soo gudbin doono inta uu socdo. Liibaan Maaweel ShireSomaliland. Org Hargeisa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.