Khudbadii Gudoomiye Xigeenka Komishanka Iyo Marti-sharafta Kale Ee Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.Org) Shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo ay ka soo qaybgaleen goobjoogayaal doora oo kala socday hay’ado.caalami ah, kuwo wadani ah, shirgudoonada labada aqal ee baarlamaanka, wakiilka ka socday sarkaalka itoobiya u fadhiya Somaliland iyo xaubno ka mida gudiga doorashooyinka qaranka sida gudoomiyihii hore ee is-casilay Maxamed Yuusuf Axmed ku gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka xubno doora oo madashaasi shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE ka hadashay ka mid ahaa Xirsi Cali X. Xasan Gudoomiye ku-xigeenka komishanka Doorashooyinka hadal uu ka jeediyay madasha shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Doorkayaga’aanu halkan u nimi waxa weeye mid ka duwan ka ay Xisbiyadu iyo ururka Qaran u yimaadeen. Waxa weeye in aanu ilaalino, kormeerno, dhinac joogno bal sida Xisbiyadu dhexdooda ugu talo-galeen ku dhaqanka dimuqraadiyada.

Waxaanu u sheegaynaa warbaahinta dawlada inay shirweynahan Qaran si hufan oo cadaaladi ku jirto saxaafada oo dhami u baahiso. Waxaan u qirayaa geesinimo, raganimo, hogaamiyenimo iyo inuu cadkiisa goosan karo ugu hambalyaynayaa Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Shakiga laga muujinayo doorashooyinku inay dhacayaan waxa aanu aaminsanahay inay xilligoodii dhacayaan. Wax carqalad ahi hadday jirtana xisbiyada waa in lagala tashado. Waxaanu si talo wadaag ah xisbiyada ugu balan-qaadaynaa inaanu la tashayno talaabo kasta. Ilaa hada wakhtiga doorasho loo tixgelinayaa waa xilligeedii hadaan la helin talo qaran iyo heshiis loo dhan yahay. Doorashada waxaan leeyahay werwerka laga qabo way inoo dhici doontaa.

Dhamaan bulshadana waxaan leeyahay waa in Komishanka lagu garab gala sidii ay u dhici lahayd doorashadu dhacdo.” Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorshooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxa isaguna hadal ka jeediyay madasha shirweynaha Prof, Cabdisalaan Yaasiin:oo ah gudoomiyshs jaamaca Burco, isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii xoogagii SNM waxa uu yidhi “Halkankaynu hore u sheegnay waa ka duwan yahay. Waayo kii hore dhiig baa loo daadiyay. Kanna waa dagaal siyaasiya waa in la ilaaliyaa oo aanu bariiqan. Waxa la ilaalinayaa waa dimuqraadiyad.

Manaha hadal, dareen, ee waa fal dhaqan noqda oo dhigga innaga jira. Ninka aan maanta isbedel doonayn dalkan Masale kuma laha. Nin ina siri karaya ma jiro. Dimuqraadiyadeenan reer guuraaga ah cidi innnagama tiri karto oo laynaga baabin karo.” Ayuu yidhi Prof Cabdisalaan Yaasiin gudoomiyaha Jaamacada Burco.

Marwo Kinsi Xuseen Qawdhan oo ku hadlaysay magaca Ururada Bulshada waxa ay tidhi: “Markaan eego madasha rag aad u badan, waxa ay ku fadhiyaan Shaadh qabiil, dumarkii iyo dadka laga tirada badan yahay waxaad moodaa in la ilaaway. Haweenka waxaan leeyahay soo dedaal oo soo tartama, annaguna hadaanu nahay ururada bulshada waxaanu idinkula garab-galaynaa. Bulshada rayidkana waxaan leeyahay aan noqon kuwa barbaariya dimuqraadiyada. Waxaan leeyahay sidii Kiiniya waxa badbaadiyay bulshada rayidka ah. Markaa aynu isu taagno sidii aan bulshadeena u badbaadin lahayd Insha Alaah Ilaahay innaguma keene.” Ayay tidhi Marwo Kinsi Xuseen Qawdhan Xubnaha marti-sharafta ama goob-joogayaasha ahayd ee ka hadashay madasha shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE kuma koobna intaas oo keliya balse waxa hadalo kooban ka jeediyay xubno doora oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi :Ciro”,iyo xubno kale.

Liibaan Maaweel Shire
Somaliland.org Hargeysa. E-mail libmaw@hotmail.com

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.