Xildhibaanadii Barlamaanka Somaliland oo ku sii jeeda Wadankii

Xildhibaanadii Barlamaanka Somaliland ee Beryahanba hawlo shaqo ku joogay UK ayaa iminka u xidhxidhan inay dib ugu Noqdaan Somaliland Berito 26/03/08 iyagoo ku beegan Caasimada Somaliland ee Hargeysa 27/03/08 Khamiista oo ay ka degi doonaan Egal International Airport Hargeisa 10:00 Subaxnimo.

Xildhibaanada ayaa ah Maxamed Faarax Qabiile Iyo Ibraahim Jaamac Reyte.

Iyadoo ay Xildhibaanada kale ee ugu Danbeeyaa oo ah Cali marexaan, Maxamed Nuur Duur Iyo Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeye ay ku Beegan yihiin Iyaganu Hargeysa 02/04/2008 Khamiis Isla 10:00 subanimo.

Dhamaan xildhibaanadan ayaa culus aad u badan ka soo waajahay iminka Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub oo ku khasbay inay si dega dega u noqdaan wadankii sida ay noo sheegeen Qaar ka mida xildhibaanadaasi, Xaaladaha ka soo kordhay wadankii awgood oo aad looga qayliyey sida magaacabida Gobolada iyo Degmooyinka la magaacabay Wasiiro iyo wasiirdawlayaal La hadalhayo iyo weliba arinta Doorashada oo wadnaha farta lagu hayo, arimaahasoo dhan ayaa ku qasbay inay soo dedejiyaan xildhibaanadu Safarkoodii Shaqo ee ay ku joogeen Wadanka Ingiriiska.

Dhinaca Kale waxaa iyaguna la socda oo ay isku Beegmeen safarka weftiga berito 26/03/08 ee ay Dalkii Dib ugu Noqonaayaan labada Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile iyo Ibraahim Jaamc Reyte qaar ka Mida Jaaliayadaha waaweyn UK.

Kuwaas oo iyaguna u socda hawlo shaqo oo ku saabsan xaga dhaqanka iyo Arimaha Bulshada sida ay noo sheegtay madaxa hogaaminaysa Weftiga Jaaliyadaha ee la socda Xildhibaanada Somaliland Berito.

Adan Yuusuf cilmi UK.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.