Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 28 February

 

“Waxqabadkii nalooga fadhiyay Gole deegaan ahaan maanaan qaban, Sababtoo ah”

Maayar ku-xigeenka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh

Hargeysa (Ogaal)- Maayar ku-xigeenka Degmada Gabiley, Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa ku dooday sida loogu baahan yahay in dalka laga hir-geliyo sharciga kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka ka hor inta aan la bilaabin diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh, waxa kale oo ay qirtay inay jiraan dhaliilo waxqabad la’aaneed oo dhinaca maamulkooda loo tiranayo, taasoo ay ka mid tahay mushahara la’aanta shaqaalaha.

Hadaba, Waraysi arrintaa la xidhiidha, isla-markaana dhinacyo kale oo badan taabanayay oo uu la yeeshay TV-ga madaxa banaan ee Somaliland Space Channel oo iminka laga daawado meelo badan uu dunida ka mid ah ayaa waxa uu u dhacay sidan: -

S: Waxaad ka warantaa xaalada guud ee Degmada Gabiley?

J: Xaalada guud ee Gabiley hadaan kaaga waramo horta waxa lagu jiraa xaalad-abaareed, degmada meelo ka mid ah aad bay biyuhu u adag yihiin. Tusaale ahaan Wajaale oo kale wakhtigan waxa la sheegayaa in Foostada biyaha ahi ay taagan tahay Dhowr iyo Toban kun oo shilin. Xaggan nabadgelyada degmadu aad bay u fiican tahay, xaga waxbarashada way fiican tahay, wax caafimaad-darro ahi ma jirto oo way fiican tahay.

S: Muddadii Shanta sano ahayd ee aad xilka hayseen waxqabadkii degmada idiinka hir-galay nooga waran?

J: Horta, Shanta sano anigu kamaan ahayn Gudoomiye Ku-xigeen, iminka labadii sano March 15-keeda ayay noogu buuxsamaysaa, kolay waxqabadkii nalooga fadhiyay maanaan qaban, wax waa la qabtay, ama Hay’ado aan la kaashano. Kollay hawlahayagu inta badan waxay ku sallaysan yihiin Dawladaha hoose oo kale, waa nabadgelyada, horumarka bulshada iwm.

Anaga culays kale ayaa na saaran, mushkiladu halkay ka timi degmada wax degan dhawr iyo toban wasaaradood, Wasaarad kasta oo dagani haddana Dawlada hoose ayay hoos timaadaa oo bahidooda hawleed iyo waxyaabahaas oo dhan ay hoos-tagaan. Markaa taasi waxay nagu noqotay hawlihii Wasaaradaha markaanu annagu isu dhignay inaanu wax badan ka qabano, haday tahay Jeelka biyihiisa, dhakhtarada biyahooda, markaa Wasaradaha noocaas oo kale ay nagu soo galeen, in hawlihii annagu aan qaban lahayn, annagoo dawlad hoose ahaan waxaanu qaadno ayaa ah 2000 shilin, oo ma jirto adduun wayn oo meel uga yimaadaa.markaa hadana, sidii nalooga baahnaa waxba umaanaan qaban, wasaarad kastana culays baa naga saaran. markaa sidii loo baahnaa wax umaanaan qaban, waxyaabaha noo qabsoomay garoonkan ayaa ka mid ah oo UNICEF ayay ahayd inay inta ugu badan bixiso. Hase ahaatee, anaga ayaa dhiska intii ka dhinayd buuxinay, markaa intii aanu joognay waxqabadkayaga ayuu ka mid yahay garoonkan Wakaalada Biyaha  oo kale, imikaanu doonaynaa inaanu biyaha wareejino haddii Ilaahay yidhaahdo, qaybtii xafiisyada  oo kale, annagu qaybtii  xafiisyada oo kale anagu qaybtii nagaga soo hagaagtay waanu bixinay, Unicef ayaana naga caawisay oo dhiska lahayd. Anigu shakhsiyan waxaan leeyahay sidii loo baahnaa wax umanaan qaban.

S: Degmada waxa lagu tiriyaa degmooyinka ugu dakhliga badan dalka, dadkuna ma sheegaan waxqabad dhab ah oo aad degmada ka qabateen 5-tii sanadood, waxa kale oo jira in shaqaalaha aydaan dhawr bilood mushahar siinin. Markaa dakhliga guud ee ka soo baxa degmada halkee ayuu maraa, mar hadaydaan mushaharna ku bixin, dan guudna wax kaga qaban?

J: Shaqaaluhu iminka mushaharka ay leeyihiin waxa weeye 3 bilood, maamulkii hore isaga oo Shan bilood lagu leeyahay ayaanu xilka ka tirsanay, mushkilada macnaheedu wuxuu noqonayaa, haddii la waayo cid shaqada aqoon u leh maaha. Annagu markaanu joognay maamulkayagan cusubi ayaanu bixinay mushaharkii ugu horeeyay, waxyaabahaanu ku talo jirnay waxaa ka mid ahayd Laamiga oo uu noo yaalo daamurkiisii oo uu noo dhamaystiran yahay. Waanu doonaynay inaanu qabano, waxa qabad nagu noqotay xoghayihii halkan joogay. Xoghayuhu wuxuu ka shaqeeyaa sidii uu dakhlig u soo saari lahaa. Haddiise dakhli la waayo waxba lama qaban karayo, taasi waxay noqotay in aanaan horumar aanu ka fikirno daayoo, in anaga wakhtigayaga arrintii dib u soo noqotay mushaharkaanu 15 cisho ku bixinay in 5-4 bilood nalagu yeesho. Markaa anigu waxaan isleeyahay dhibtaas, anagu xoghaya toos uma bedeli karno ama aanu toos u qoran karno maaha. Wasaarada Arrimaha Gudaha ayuu nagaga xidhan yahay. Maayarka iyo Maayar ku-xigeenku inay hawhshaa galaan maaha, wixii dakhliya xoghaya ayaa qaabilsan, taas makraa cidii hoos u eegi lahayd ayaa ka gaabiyay.

Anagana arrintaasi qabad ayay nagu noqotay waa su’aalaha aanaan ka jawaabi karanayn maxaad qabateen dow baa naloogu leeyahay ilaa xad marka mushahar la marayo, ku talo-galkayaga may ahayn in mushahar la waayo. Annaga ku talo-galkayagu wuxuu ahaa in horumar badan aanu samayno, iminkana waxaan rajaynayaa intii xoghaya cusubi yimi waxaanu bixinay Laba bilood mushaharkood, bishan socotana waanu ku talo jirnaa inaanu bixino. Markaa waxaad arkayaa in hadba hawshu ku xidhan tahay xoghayaha jooga.

Waxa halkaa kaaga muuqanaya in dakhligu ku xidhnaanayo xaga xoghayayaasha. Hawshu markaa hadii ay nooga sii socoto wax badan baanu qaban karaynaa. Ku talo-galkayagu waxa weeyaan bisha March in aanu bilowno Laamiga, waa haddiise wada shaqayntu sidaa noo sii ahaato.

S: Waxa la sheegaa guud ahaan goleyaasha deegaanada dalka ee la soo doortay, sidii la doonayay waxba umay qaban, arrintaa edeeda waxa la saaraa inay faro-gelini kaga timaado Wasaarada Daakhiliga iyo Dawlada dhexe taasi ma jirtaa?

J: Arrintaa haayoo, aad ayaan u aaminsanahay. Anigu waxaan leeyahay ka maamul ahaan hadii la arko inaanan umada wax u qabanayn ama golahaygu ii arko inaan waxba qabanayn inay I bedelaan, oo qof isbedel keena ay sameeyaan wax sax ah ayaan u arkaa. Markaa caqabadaha wadanka yaala, hadii goleyaasha deegaanka awoodooda iyo sharcigooda ku dhaqankiisa loo dayn lahaa, waxyaabo badan baa dhici lahaa.

Qofka bini’aadamka ah damarkiisa ayaa qabta mar oo in umada wax loo qabto aniga way iga go’an tahay, hadana ma hayo weli awoodeedii. Markaa koley arrimaha goleyaasha deegaankakku iskaga wada mid yihiin ee caqabada horyaala waa ka mid fara-gelinta Wasaarada Arrimaha Guduhu. Laakiin, intan Wasaarada isbedelku ku dhacay, ee uu yimi Wasiirka cusubi may dhicin wareegto nalagu soo saaray.

S: Waxa inagu soo socda doorashooyin, imika waxa jirta diiwaan-gelin, degmada Gabiley-na waxa ka jirta cabasho ah diiwaan-gelinta waxa ka horaysa in la sugo xuduudihii degmada oo la dhaqan-geliyo xeerkii ismaamulka gobollada iyo degmooyinka, sideed u aragtaa dhaqan-gelinta xeerkaa gobollada iyo degmooyinka?

J: Waxa weeye, xeerka iyo shuruucda dalkuba in lagu dhaqmaa waa lagama maarmaan. Dadku haday sharciga iyo xeerkay dhigteen ku dhaqmi waayaan  mala’awaal iyo fikir bay noqonaysaa, aniga sidan bay ila tahay, anna sidan bay ila thay. Markaa anigu waxaan odhan lahaa wixii xeera ee dalka u yaala ama sharciga dalka u yaala in dhaqmo, oo mudnaanta koowaad la siiyo weeye.

S: Adigu waxaad ka mid tahay gudiga fulinta ee golaha deegaanka Gabiley, markaa xeerkan in sidiisa loo dhaqan-geliyo ma ka hawl-gasheen idinka oo Wasaarada Daakhiliga la kaashanaya xuduudihii degmadu lahayd ma isku daydeen inaad fulisaan?

J: Xeerka gobollada iyo degmooyinka , uma soo bixin degmada Gabiley oo qudha, waa xeer dalka oo dhan yaala. Markaa taasi waxay ku xidhnaanaysaa siyaasada Wasaarada Arrimaha Gudaha. Waayo waxa jirtay mudo halkan laysku qabsaday sanaaduuqda degmada Gabiley, tiina waa mid wali taala, maaha wax dhamaystirmay. Markaa inay haddana, mar labaad nagu soo gaadho waa arrin u baahan in laga wada hawl-galo, annaguna ka maamul ahaan arrintaa waanu ku dhex-jirnaa, kolayna Wasaarada waa hawl u taala, oo su’aalihii ay qolada Komishanku maalintii dhawayd na waydiiyeen ayay ka mid ahayd, Wasaarada Daakhiliga waa hawl u sii taala, annaga kala xadayntu nooma taalo, waana dalka oo dhan oo loo baahan yahay inay ka dhacdo.

Meelaha dhibaatooyinka gaarka ahi ka sii jiraana, ee sidaas oo kale laysku qabtana si aanay mar labaad u dhicn waa in laga hawl-galaa.

S: Waxa jira deegaano ka mid ah degmada Gabiley oo waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii dhawaan ka da’ay jiidan ee qabawga diiran watay oo waxyeelo u gaystay xoolo iyo dadba sideed ugu gurmateen deeganadaa dhibaatadu ka dhacday?
J:
Maamul ahaan, in aanu dadkayagii soo eegno iyo siday wax u dhaceen waanu ku khasbanayn, Maayarkaa tagay, dadkii dhibaatadu soo gaadhay raashin aanu u ururinay, inkasta oo aanaan wali gaadhsiin, hadana, dadkii dhibtu gaadhay waanu soo eegnay, hay’adaha iyo cidii hawshaa danaynaysay waanu siinay warbixinta intii degmadayada khusaysay.

  

Waa maxay jaranjarooyinka loo maro dal madaxbanaan?

Caqabadaha la tijaabiyay ee Somaliland iyo dalalka Ictiraaf raadiska ah hor taagan

By Joshua Keating

New York (Ogaal)- Iyada oo dalka Kosovo oo madaxbanaanidiisa ku dhawaaqay dhawaan la aqoonsaday, ayay dalalkii kale ee ku xigayna raadinayaan sidii ay u mari lahaayeen wadadii ay ay Kosovo jeexday. Haddaba, maxay yihiin caqabadaha ku xidhan in dal madaxbanaanidiisa la soo noqday sida Somaliland ay caalamka aqoonsadaan, ama dal hadda u tabaabulshaysanaya inuu goosto? Waa laga yaabaa inaad ka fekerayso in la gaadhay waqtigii dalkaaga la aqoonsan lahaa, way dhacdaa inaad calan leedahay, lacag gaar ah samaysato, astaanta calankaaga samaysato, balse waa maxay tallaabada xigta ee lagaaga baahan yahay? Guud ahaanba su’aalahaas waxa is-waydiiyay, isla markaana eegaya jaranjarada loo maro dhismaha dal la doonayo in la aqoonsado Mr Joshua Keating, oo ka tirsan khubarada ku takhasustay qawaaniinta caalamiga ah ee gaar ahaan lagaga hawlgalo Qaramada Midoobay. Mr Joshua Keating, oo maqaal ay warbaahintu faafisay ku faaqidaya arrintaas, ayaa qodobaynaya tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah dal raadinaya madaxbanaani buuxda, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

Tallaabada 1aad: Hubi inaad sharciga ku taagan tahay:

Sida aad isugu deyayso inaad ku dhawaaqdo madaxbanaanida dalkaaga aad ka soo shaqaysay, ayaa qawaaniinta caalamiga ah ee sida caadiga loo isticmaalaa ay kuu sheegayaan heerarka ugu yar-yar ee lagu noqdo waddan qarannimadiisu buuxdo.

-Waa inaad leedahay xuduud-dhuleed qeexan.

-Waa inuu dalkaagu leeyahay ummad joogto ah.

-Waa inaad leedahay dawlad.

-Dawladaadu waa inay awood u leedahay la-shaqaynta dalalka kale.

Tallaabada 2aad: Ku dhawaaqida madaxbanaanida:

Waxa hambalyo iyo tusaale inooga dhigan heerarka ku dhawaaqidda madaxbanaanidooda ee Somaliland, Transnistria, iyo dalal kale oo aan iyaguna ka qaybqaadan doonin Ciyaaraha Olombikada wax waqtiga dhaw ah. Iyada oo aad buuxisay qawaaniintii lagaaga baahnaa, isla markaana aad ku dhawaaqday qarannimadaada, ayaa haddana aan la odhan karin in taas macneheedu ahayn in arrintaada si ilaa xad ah loo qaato. Hase yeeshee, marka aad samaysatay qaran shaqaynaya, waxa jirta xaqiiqada ah inaad rajayso faa’iidooyin muhiim ah, xataa iyada oo dalkaaga aan la aqoonsanin. “Marka qarannimada waddan samaysanto oo dal gaar ah uu noqdo, waxa faa’iidooyinkiisa ka mid ah aqoonsigiisa xuduudeed iyo adkaynta qarannimadiisa,” sidaa waxa yidhi Pro. Stefan Talmon, oo ah khabiir Shuruucda Arrimaha Bulshada Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Oxford, isla markaana qoraa ka ah qawaaniinta caalamiga ah ee aqoonsiga loo isticmaalo. Seerbiya marnaba kuma khasbi karto Jamhuuriyadda Kosovo inay dib ugu noqoto Seerbiya. Kosovo waxay ka faa’iidaysanaysaa Qaraarka Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ku mamnuucday in xoog la isticmaalo. Shuruucddaas waxa la sameeyay intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa si loo ilaaliyo jiritaanka dalalka aan weli dhinacnaba ka helin aqoonsiga.

Tallaabada 3aad: Hel Aqoonsiga:

Ma jiraan wax badan oo laga tilmaamo inaad dalkaaga samaysato ilaa ay dalalka kale aqoonsadaan jiritaankaaga. Aqoonsiga caalamiga ahi waa waxa dalka u ogolaada sharcinimada uu kaga mid noqonayo beesha caalamka. Dabiiciyan, inkasta oo dalalka horumaray ay doonayaan inay u qaataan arrinta aqoonsiga siyaabaha ay ku qanacsan yihiin, haddana, “Aqoonsigu waa wax aad isaga horimanaya, sababta oo ah waxa isugu jiraa oo uu xambaarsan yahay shuruuc caalamiya iyo siyaasado caalami ah,” ayuu yidhi Mr Talmon. “Dadka qaarkood waxay leeyihiin Aqoonsigu waa sharci-siyaasadeed saafi ah. Waa xukun ay leeyihiin dalalka jiraa inay aqoonsi bixiyaan iyo inkale, sidaa daraadeed, Aqoonsigu xuquuq ma laha.” Tani waxay khaasatan xaqiiq ahayd xilligii Dagaalkii Qaboobaa; bal aynu eegno qadiyaddii sharciyeed ee qarannimada dalalkii Waqooyiga Fiiyatnaam iyo Koonfurta Fiiyatnaam, Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya, iyo Jarmalkii Bari iyo Jarmalkii Galbeed, yay dalalkaasi ku kala xidhnaayeen ayaad is-odhan kartaa? Xataa ilaa maanta tiro ka mid ah dalalkii dagaalkii qaboobaa aafeeyay ayaan aqoonsi haysan, sida dalalka Falastiin, Taywaan, iyo Waqooyiga Jasiiradda Qubrus.

Maraykanku ma laha siyaasad rasmi ah, oo ay u tixgeliyaan aqoonsiga, sida ay caddaysay Wasaaradooda Arrimaha Dibaddu. Markaa halkii uu madaxweynahoodu go’aan ka gaadhi lahaa dalka ay aqoonsanayaan, waxa uu go’aankaa gaadhayaa haddii uu dalkaasi samaynayo xidhiidho diblomaasiyadeed oo uu Maraykanka la yeelanayo, kuwaas oo iyana ku salaysan danaha qaranka Maraykan. Sidaa aawadeed, marka aad waydiisato aqoonsi ay ku siiyaan, horta hubi inaad sharraxdo sida ay madaxbanaanidaadu ugu wanaagsanaan doonto Ameerikaanka. Waqtiyadii hore, dalka la aqoonsanayaa wuxuu taas ku sharraxi jiray inuu ka soo horjeesanayo shuuciyadda, intaas ayaana ku filnayd. Balse maanta istaraatiijiyaddaha Maraykanka danaha u ahi way badan yihiin, inkasta oo Jamhuuriyadda Kosovo caddaysay inay hoggaanka u jarayso xayndaabka taageerooyinka ay weli Ruushanku siinayaan.

Tallaabada 4aad: Ku biiritaanka Qaramada Midoobay:

Tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1945-kii, xubinnimada Qaramada Midoobay waxay noqotay fursadda dahabiga ah ee sharcinimada caalamiga ah. “Marka lagaa ogolaado Qaramada Midoobay, taasaa ah ogolaanshaha qarannimo,” ayuu yidhi Mr Talmon, oo intaa raaciyay, “Waxay la mid tahay uun shaambad [taasoo tidhaahda] waxaad haatan xubin buuxda ka tahay beesha caalamka.”

Marka aad dalbanayso xubinnimada Qaramada Midoobay furuhu ma adka, waxaad u baahan tahay oo dhami waa inaad waraaqo toos ah u qorto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, adiga oo taas ku dalbanaya xubinnimadaada. Waraaqahaasi waxa xusid mudan inay noqdaan kuwo qoraalkoodu gaaban yahay oo fudud. Tusaale wanaagsan waxa inooga dhigan, bal eeg dalabkii lagu guulaystay ee Jamhuuriyadda Montenegro, ay kaga mid noqotay Qaramada Midoobay dhawaanahan. Markaa ku soo dir dalabkaaga adireeska:

Ban Ki-moon

Secretary-General

The United Nations

First Ave. at 46th St.

New York, NY 10017″

Xafiisyada Laamaha Dawlada magaalada Laascaanood oo xadhiga Laga jaray

Laascaanood (Ogaal) – Wufuud ka socota Golayaasha Dawlada Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa shalay xadhiga ka jaray xafiisyada dawlada oo dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyay mudadii magaalada Laascaanood dib ugu soo noqotay Gacanta Somaliland.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Magaalada Laascaanood ugu horayn Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed aya waxaa uu shalay xadhiga ka jaray, guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood oo dayactir wayn lagu sameeyay, Islamarkaana waxa halkaa kaga warbixiyay xaalada Gobolka iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dayactirku Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo sida ay u shaqeeyaan ilaa sideed Wasaaradood oo xafiisyo ku leh halkaasi.

Waxaa wafdidu socdaalkooda ku xejisay Saldhiga Dhexe ee magaalada Laascaanood oo isna ka mid ahaa goobihii dacaytirka dawlada Somaliland ku samaysay iyo sidoo kale xafiiska Dawlada hoose, Goobahaas oo dhamaantood markii xadhiga laga jaray ay warbiximo ku bixiyeen masuuliyintoodu.

Mudadii ay Gacanta Somaliland ku soo noqotay magaalada Laascaanood oo mudo dhawr sanadood ahayd ay haysteen Maamulka dawlad Gaboleedka Puntland ee Somaliya, waxa ay dawlada Somaliland ku celcelinaysay inay wax badan ka qaban doonto addeega iyo Horumarinta Gobolka Sool oo dib u dhac ka muuqday, iyadoo la sameeyay Gudi uu Madaxweyne ku xigeenku Gudoomiye u yahay oo loogu talagalay inay dhaqaale horumarineed u ururiyaan Gobolada Bari.

 Seyoum Mesfin iyo Nuur Cadde  oo u baxay Itoobiya

Khilaafka Xubnaha Ugu sareeya Dawlada Somalia

Iyo Fashilaada kulankii dhexdhexaadita ee Baydhabo

Baydhabo (Ogaal/W.Wararka) – Ra’isal Wasaaraha Dawlada Mbeghati Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa shalay galinkii danbe ka dhoofay Magaalada Baydhabo. Ka dib markii sida wararku sheegayaan la isku afgaran waayay kulan Albaabadu u xidhnaayeen oo shalay hogaamiyayaasha Dawlada Mbeghati iyo Seyoum Mesfin ku yeesheen Baydhabo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kulankaasi shalay, hase ahaatee warar lagu faafiyay Idaacada Garoowe ayaa sheegaya in is-afgaranwaa uu ku dhamaadey kulankaasi, taas oo sababtey in Nuur Cadde iyo Mesfin u ambabaxaan magaalada Addis Ababa.

Muxuu la xidhiidhaa kulanka Baydhabo

Safar aan hore loo sii shaacin oo degdeg ah ayay Hogaamiyayaasha Dawlada Mbeghati. Cabdilaahi Yuusuf,  Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe kaga bexeen Magaalada Muqdisho shalay, islamarkaana ku tageen magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo uu sidoo kale gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya oo halkaa u tagay inuu dhex-dhexaadiyo xubnahan oo si weyn isugu khilaafay qaabka ay u wajahayaan wada hadalo dhex mara dhinacyada ka soo hor jeeda Dawlada Mbeghati.

Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Nuur Cadde ayaa waxay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin, sida la sheegay qaabka loo wajahayo dib u heshiisiin iyo hawlgalada Ciidamada ee magaalada Muqdisho, iyadoo Gudoomiyaha Barlamankuna la dhinac ama aragti noqdey Nuur Cadde oo doonaya inay wada hadal la yeeshaan cid kasta, taasoo sida wararku nagu soo gaadhayaan Cabdilaahi Yuusuf diidanyahay.

Waxana la sheegay in kulankaasi shalay ee Baydhabo aan lagaga gaadhin wax natiijo ah. Iyadoo wararka qaar iftiiminayaan in Nuur Cadde ku hanjabay in uu is-casilayo

Ka sokow dhex-dhexaadinta Wasiirka Arrimaha dibada Itobiya waxa lagu wadaa maanta inuu magalada Baydhabo soo gaadho ergeyga gaarka ah  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya.

  

Raysal Wasaare ku xigeenka Dawlada Mbeghati oo walaalkii lagu dilay shaki

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamada dowladda Mbeghati ee Somalia ayaa toogasho ku dilay shalay nin ay walaalo ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, ahna wasiirka warfaafinta Axmad Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Marxuuka la toogtay oo odhan jiray Abuukar Cabdisalaan Xaaji Aadan, ayaa waxa wakhtiga la toogtay uu taagnaa dibedda gurigiisa, isaga oo markaas ku hadlayay telefoonka gacanta.

Ciidamada toogtay ninkaasi ayaa sida wararku sheegayaan waxa ay galbinayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Mbeghati oo ku sii jeeda Madaarka Muqdisho sida laga soo xigtay dad goob joog ahaa. Waxana loo aaneeyay dilka ninkan in looga shakiyay inuu qorsheynayay weerar lagu qaado kolonyada baabuurta ah ee Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo u sii Jeeday Baydhabo oo shalay kulan lagu dhexdhexaadinayay ka dhacay .

Dhinaca kale qarax lala beegsaday gaadhi ay wateen ciidamada Ethiopia ayaa ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay-ba waxay caan u noqotay weerarada qorshaysan ee dhinacyada ku hirdamayaa ay isku beegsadaan, kuwaasoo inta badan ay waxyeelo ka soo gaadho dad aan waxba galabsan.

Ururka Xaqsoor iyo Dedaalada adkaynta Nabadgalyada

“Waxa noo qorshaysan sidii loo nidaamin lahaa banaan-baxyada xiliga ololaha doorashada” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-ciro) ayaa shalay 60 xubnood tababar  muddo shan maalmood ah  u socday ugu soo xidhay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Xaqsoor, isla markaana ay maalgalisay Hayadda UNDP, ayaa waxa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Madax-dhaqameedka, Booliska, Haweenka iyo Dhalinyarada Somaliland, isaga oo ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa adkaynta nabadgalyada iyo isu soo dhawaanshaha booliska iyo dadweynaha.

Waxa xidhitaankii aqoon iswaydaarsigan hadal ka jeediyay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Ciro), oo sheegay in ay nabad-galyada Somaliland wakhtigan marayso meel fiican, isla markaana loo baahan yahay iskaashi buuxa oo laga dhex abuuro Ciidamada Booliska iyo dadweynaha reer Somaliland. Wasiirku waxa uu xusay in ay si weyn ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka soo socda iyo ilaalinta nabadgalyadooda, “Maadaama sannadkan 2008-du yahay sannad doorasho, waxa noo qorshaysan Wasaarad ahaan anaga oo kaashanayna Guddida doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaran in lagu dedaalo sidii loo nidaamin lahaa banaan-baxyada xiliga ololaha doorashada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi-ciro, Waxaanu Wasiirku u rajeeyay doorashooyinka soo socda inay u dhacaan si nabadgalyo ah. Isla markaana waxa uu aad ugu mahad naqay Hayadda UNDP iyo Ururka Xaqsoor, oo uu sheegay in talaabadan ay qaadeen wax wayn ka tari doonto kor u qaadidan nabadgalyada dalka guud ahaanba.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay dhinaca sharciga iyo cadaaladda ee Hayadda UNDP Mr. Stuat, oo u soo jeediyay ka qayb-galayaashu in ay ka faa’iidaystaan, isla markaana ay dadkooda iyo dalkoodaba uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay ku barteen tababarkan. Waxaanu mahad-nan u soo jeediyay Wasaaradda daakiliga, isaga oo Somaliland ku amaanay nabadgalyada ka jirta.

Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Maxamed-Saalax Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dedaalada noocan oo kale ah, ee kor loogu qaadayo nabada. Isaga oo Maxamed u soo jeediayay ka qayb-galayaashu inaanay dayicin wixii ay ku barteen tababarkan ee ay bulshada uga faa’iideeyaan.

Waxa kale oo xidhibtaankii tababarkan isna ka hadlay Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, oo carabka ku adkeeyay in ay ku dedaali doonaan sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen nabadgalyada dalka guud ahaanba, isaga oo xusay in ay qaadan doonaan ciidamo cusub, si tayada iyo tarada boolisku kor ugu kacdo.

Xubno ka mid ah ka qayb-galayaashii tababarkaa, oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wixii ay barteen uga faa’iidayn doonaan dadkooda iyo dalkooda, isla markaana ay soo dhawaynayaan lana shaqaynayaan Ciidamada Booliska, si nabadu taam u noqoto, iyaga oo u madad-naqay Ururka Xaqsoor iyo Hayadda UNDP.

Maxaa ku jaban Hadii Obama Xidho dharka Somalida?

Hargeysa (Ogaal) – “Obama waxaa la siiyey dharkan, (Dhaqanka Soomaalida) maadaama uu ahaa marti, oo weliba uu ahaa marti sharaf qiimo badan, waa uu qaatay, markaas ayaa lagu dhiiri geliyey in uu gashado oo isku eego” Sidaa waxa yidhi Gen. Scott Gration oo ka mid ah ciidamada Cirka Maraykan, Islamarkaana ka mid ahaa wafti Sen. Barack Obama Laba sano ka hor u raacay dalka Kenya Goob joogna ka ahaa kulamo uu Wajeer kula yeeshay dadka Soomaalida ah waxana uu intaa ku daray sarkaalkani oo uu sheegay inaan talaabadan lagu faquuqi karin Obama ee ay tahay wax dhaca marar badan.  “Taasi waa arrin aan dhammaanteen samayno.” Ayuu yidhi.

Jack Cafferty oo ka mid ah weriayaasha CNN oo arrinta xidhashada dharka Soomaalida oo taageerayaasha Hillary Clinton oo tartan adagi ka dhexeeyaa ku dureen Obama ayaa waxa uu  muujiyey in aan waxba ku jabnayn in uu xidho dhar hiddo u ah dad ama qabaail Afrikaan ah.

Qaar kamid ah dadka ka faallooda wararka ee TV-ga FoxNews ayaa sheegay in faafinta sawirkaas loola jeedey in lagu faquuqo Obama oo loo muujiyo in uu yahay Afrikaan, taas oo keeni karta, ayey yidhaahdeen, in Clinton ay ku lumiso qaar ka mid ah codbixiyayaasha loo yaqaan ”Duper Delegates” oo ah masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadiga oo doorashada kala saara haddii ay barbar ka dhac noqoto.

Gobolka Ohio waxaa uu ka mid yahay gobolada uu ka dhici doono tartanka loo malaynayo inay ku kala baxaan Obama iyo Clinton. Gobolkaas waxa uu ka mid yahay gobolada ay ku nool yihiin Soomaali aad u tiro badan (Somali-Americans), kuwaas oo inta sharciga dhalashada Maraykanka qaadtay ay codayn karaan. Waxaase su’aashu tahay ma la arki doonaa Soomaali ku lebisan dhar la mid ah ka uu ku lebisan yahay Obama oo safafka ugu jira codbixinta Gobolaka Ohio, Texas, iyo gobolada kale ee doorashadu ka dhacayso?

Barack Obama ayaa waxaa uu sanadkii 2006 ayaa booqasho ku tegey Wadanka Kenya isagoo tagay Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaana magalada Wajeer halkaasi oo uu dadka reer Guuraaga ah ee uu ugu u balan qaaday in uu ceelal iyo daawooyin lagu daaweeyo xoolaha uu siin doono.

Barack Obama ayaa waxaaa uu tagay deegaanka Nyongoma Kogelo halkaasi oo uu kula kulmay Aayayadii oo dhashay Abihiis, Sarah Hussein Obama oo 87 sano jir ah, iyadoo deegaankasi ay si wayn ugu soo dhaweeyeen beesha uu ka soo jeedo asal ahaan ee Kenyanka ah waxaana uu markii danbe tagay Qabriga uu ku aasan yahay Aabihiis Xuseen Obama, isagoo sheegay in wakhti kasta oo ay ku qaadato dhalaanka ay mar ku laabtaan asalkoodii iyo meesha ay ka soo jeedaan.

“Lanagalama tashan xubnaha Komishanka G. Togdheer” Gudoomiyaha xisbiga Udub ee G. Togdheer

Burco(Ogaal) – Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn xubnaha komishanka ee loo magacaabay Gobolkaasi iyo degmooyinkiisa.

Waxana uu ku dooday in weftigii komishanka ee Togdheer hawlaha ka waday kala tashan magacaabisata xubnaha Komishanka Gobolka.

Gudoomiyaha Xisbiga  Udub ee Gobolka Togdheer, Ayaanle Cismaan Ibraahin, ayaa warsaxaafadeed uu arrintan kaga hadlayo soo saaray, waxanaa uu ku sheegay inaan lagu salaynin xubnaha Cusub wada tashi iyo kulamadii ay la yeesheen Komishanka doorashada. Waxana uu u dhignaa Warsaxaafadeedkaasi sidan:

“1-Hadaanu nahay xisbiga Udub, ee gobolka Togdheer waxaanu cadeynaynaa inaanaan ku qanacsanayn  kooxdan la sheegay in loo magacaabay komishanka doorashooyinka gobolka  Togdheer maadaama aan taladooda waxba nalaga  siinin, lana diiday wixii talo bixin ahaa ee aanu  u soo jeedinay xubnihii komishanka qaranka ee kooxdan dhisay, kooxda ay magacaabeena ay yihiin, koox ay jeebka iskaga siteen xubnaha komishanka qaranka ee gobolka yimi iyo axsaabta mucaaridka ahi maadaama  xisbi ahaan aan waxba nalaga waydiinin.

2-Waxay noogu muuqataa in Xubnihii komishanka qaranka ee gobolka yimi,aanay daacad ka ahayn sidii gobolka Togdheer iyo guud ahaanba Somaliland uga hirgalilahayd diwaangalinta muwaadiniinta, taasoo carqalad ku noqonaysa qabsoomida Doorashooyinka.

3- Waxaanu komishanka qaranka ugu baaqaynaa in arinkan dib loo saxo,gobolka Togdheerna loo dhiso dad u qalma oo dhexdhexaad  u noqon kara Axsaabta Qaranka,maadaama kuwani yihiin kuwo aan laysku waafaqsanayn,arimahan oo kalena loo baahan yahay in lagu sameeyo talo wadaag loo dhan yahay,lana doorto shakhsiyo lagu kalsoonaan karo oo gudan kara waajibkooda. Sidaa aawadeed mamulka xisbiga udub ee g/togdheer waxuu cadaynayaa in aananu ku qanacsanayn kooxdan la sheegay in loo magacabay komishanka doorashooyinka g/togdheer ”

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.