Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Coventry

Xildhibaan Maxamed faarax Qabiile ayaa aad loogu soo dhaweeyey xaflad aad loo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Coventry . xafladaas waxaa soo agaasimay Jaaliyada Somaliland ee Coventry ee cariga ingiriiska , waxaana goobtaas aad u soo buuxiyey dadweyne aad u badan oo Somaliland ah oo degan Gobolka West Midlands , iyagoo ay dadkaasi aad u xiisaynayeen in ay maruun arkaan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo markii hore ahaa Macalimiintii Waaweynaa Somaliland, iminka ah Xubin Firfircoon oo barlamaanka Somaliland ah, waxaanay dadku aad u jeclayeen wararka dalkii hooyo oo ay aad u sugayeen .

Waxaa halkaa aayado quraana iyo ducoba ka jeediyey Mudane,Maxamed Xasan Yey
intaa ka dib,waxaa lagu soo dhaweeyey oo hadalkii furay Gen,maxamed jamac wersame(Fadhi-kusalaan) oo ah oday weyn oo jaaliyada iyo Somalilandba xushmo iyo qiimo ku leh , Waxaa iyaguna halkaa mahadnaq ka soo jeediyey odayshii jaaliyada ee soo agaasimay xaflada Mudane Cali Cabaade Weyd , Cabdiqaadir Macalin, iyo Cabdiraxman cawil ahna Xildhibaanada keydka ah ee xisbiga kulmiye gobolka saaxil metelayeyna jaaliyada isna Magaalada Leicester Uk.

Soo dhaweyntaa ka dib waxaana hadalkii lagu soo celiyey gudoomiyaha shirka Mudane , Ciise Muuse Maxamed oo isaguna halkaa ka jeediyey mahadnaq balaadhan
waxaanu ku bilaabay hadalkiisii :- waxaa noo farxada anagoo ah jaaliyada somaliland ee Coventry inaanu ku soo dhaweyno Magaalada coventry Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile isagoo ku hambalyeeyey sida Xildhibaanku u ajiibay martiqaadka jaaliyada ,isagoo hawlihii qaranka ku jira sida hadana uu nooga aqbalay inuu noo yimaado oo weliba warbixin naga siiyo wadankii hooyo dhinac kasta, marlabaad anagoo qiyaasi karin shucuurtayada kuna faraxsan imaatinka xildhibaanka inaanu la kulano xildhibaan Somaliland oo sharaftiisa iyo qiimahiisa leh ku soo dhow Jaaliyada Somaliland ee Coventry intaa dabadeed waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile,xildhibaanku waa dedaal badan yahay hadjeerna waxuu ka hadlaa arimaha iyo xaaladaha dalka ka jira ,isagoo aad isugu hawla soo dhaweynta dadkii Somaliland ee soo doortay , markasta isku taxalujiya inuu ogaado baahiyahooda .

Xildhibaanku waxuu aad ugu mahadnaqay soo dhaweynta iyo karaamada loo sameeyey ,isagoo aad ugu mahadnaqay dadkii soo agaasimay xaflada gaar ahaan ,dhalinyarada, odoyaasha iyo masuuliyiinta jaaliyada.  Waxaanu balanqaaday inuu hawshaa qaran ee uu hayo sidaa aad iigu maamuusteen ayuu yidhi aan u xejinaayo ,waxna anaan iska hagranayn intii karaankayga ah,ilaahayna igu guuleeyo.

Waxa uu sheegay inuu ka mid yahay xildhibaano 15(shan iyo tobana) oo loo soo direy Ingiriiska si ay kor ugu sii qaadaan ka midhodhalinta ictiraafraadinta Somaliland iyo joogtaynta xidhiidhka Sl iyo UK.

Waxaanu ahayn wafti aad u balaadhan oo miiisaan siyaasadeed uu culus leh, waxaana aanu ka koobanahay sadexda xisbi qaran iyadoo aanu metelayo dhamaan shacabka Somaliland, intii aanu joognayna Sl waxaa la kulanay Madaxweynaha Somaliland waxaana aanu kala hadalnay booqashadisii hore meelaha haboon in wax laga qabankaro iyo sida aanu uga heli karno talo siin taasna si fiican ayey inoogu dhamaatay ayuu yidhi xildhibaanku. Xildhibaanku waxuu aad uga hadlay dhinacyada ,Siyaasada, Ganacsiga,Waxbarshada,Garsoorka Miisaaniyada ,Doorashada iyo ka midhodhalinta qadiyada Somaliland isagoo aad ugu dheeraday in loo midoobo qadiyada somaliland qofku xisbi kasta ha ahadee,waxuu aad ugu dardaarmay dadka Somaliland inay midnimada iyo iskuduubnaanta aad ugu dedalaan ,marka ayna markasta ka warhayaan dalkii hooyo, oo ay qaybtooda ka qataan , horumarinta arimaha dalka , waxuu xusuusiyey inay xildhibaanada uk ee deganadooda ka iibiyaan qadiyada Somaliland ka dhaadhiciyaan inay ku biiraan saxiibadooda u ololeeya Qadiyada Somaliland.

Waxuuna ahaan jirey xildhibaanku Macalimiintii hore Somaliland waxuuna raacinayey waxkasta oo uu sharaxaayo arinkale oo dhacday oo ku dabaqaayo dhacdo hore u dhacday sida mar uu ka hadlayey wararka wadanka laydinka keeno, INAAD NA TIDHAAHDAAN , WAAR MIYAAD SHAANDHEYSEEN MISE ANAGAA IDINKA SHAANDHEYNA , inaan wararka layska qaadan ee wax la hubsado, waxuu ka sheekeeyey xildhibaanku taariikhdii hore iyo sidii loo dhisay dalka maraykanka oo dhistaanka ay ka horeyso xeerka la sameeyo, Haddii caaqil aad samaynayso Ma Caaqilka ayaad sameynlahayd mise Xeerka ayaad sameynlahayd ayuu weydiiyey dadweynihii madasha fadhiyey , waxay yidhaahdeen,,, Xeerka , waxkasta waxaa ka horeeya sharciga lagu dhaqayo inaad horeysiiso.

Markii uu ka hadlay Midnimada ,,,waxu ka shekeeyey Laba Oday oo Reer Sl ah ayaa laga xidhay laba inan oo ay dhaleen , waxay ku heshiyeen in mid noqda ka isugu matalaya oo uu u hadlo, markii ay soo noqdeen ayuu ku tuhmay in uu mid uun u hadlay uuna mooday inankiisa oo keliya, markii soo noqday ayuu dadkii ku yidhi aniga iyo hebel col ayaan nahay ee oogaada , dabadeed maalin danbe ayaa laysugu yimi shir beeshoodu leedahay, odayshii cabashada hore uu u muujiyey ayuu hadana ku hal qabsaday ninkii hore ee ka cabanayey, dadkii ayaa la yaabay oo yidhi ,sowdigii yidhi col ayaanu nahay , dabadeed waxu yidhi iminkaba maanu heshiin ee wax aanaanu ku ceeloobi Karin ayaa meesha yaala, taas oo xildhibaanku ku macneeyey xisbiyadu inay noqdaan weel loogu baratamo samaha iyo hogaaminta dalka si distoorka iyo xeerarka dalka u degsan waafaqsan si daradeed waa in laga dayaa xanafta iyo xafiiltan dhaawaca himilada iyo midnimada umada , jaaliyada UK hadaad tihiin waxaan idinkula dardaarmayaa inaad tihiin saafaradii metelaysey siyaasada arimaha debada .

Guud ahaan si aad u wanaagsan ayuu dadkii madashaa fadhiyey ugu sharaxay shey kasta oo uu ka hadlay runtiina dadku aad ayey u qushuuceen isagoo aad ugu booriyey in dadku ay dalka ku soo noqdaan oo haddii ay karayaan ay maalgashadaan.

Halkaa waxaa ka hadlay Mr,Saadiq Maxamed Xasan Yey oo nin dhalinyaro oo aad u dadaal badan lana xiidhiidhay Guriga odayaasha aqalka Ingiriiska oo ku booriyey in la aqoonsado somaliland isagoo halkaa ku soo bandhigay warqadii uu u qoray iyo jawaabtii uu ka helay Guriga odoyaasha Ingiriiska runtiina waa arin aad u wanaagsan oo dhamaan dadkii halkaa yimi iyo xildhibaankuba ay u mahadnaqeen.

Waxaa isna Madashaa joogay Muwaadinka Somaliland Mr,Xuseen Maxamed (bisad) oo ah Ninka ugu dheer Dunida aynu ku uumanahay oo isaguna ka dhex muuqday fagaaraha xaflada.

Intaa ka dib waxaa halkaa su,aalo weydiiyey xildhibaanka dadweyne aad u badan , oo ku saabsan wadankii dhamaantood ,runtii waxuu uga jawaabay xildhibaanku si aad iyo aad u faahfaahsan oo uu raacinayo habkii macaliminadiisii hore taas oo aad ugu bogeen dadweynihii madaashaa isugu yimi Qosolna ay la rafteen , way badnayd qudbada Xildhibaanku oo aad moodaysay inaanu waxba ka tegin dhinac kasta Somaliland iyo jawaabihii dadka uu siiyey oo iyagu aad moodo inay dadku weydiiyeen meelkasta in ay ogadaan sida ay tahay ,runtiina waxuu u adeegsaday habkii macalinimadiisii hore oo ay aad uga mafsuudeen dadweynihii madashaa isugu yimi guud ahaanba , waxaanay ahayd xaflad lama ilaawana .
Qore, Adan Yuusuf Cilmi , Coventry UK.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.