Ma Cadda Qorshaha Diiwaan Gelinta Komishanka S/Lanad

Qorshaha Diiwaan Galinta Komishanka Doorashooyinka Qaranku Wuu Khilaafsan Yahay Xeerka Diiwaan Galinta Xeer Lr.37/2007

Qorshaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) ay doonayaan inay ku dhaqan galiyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaashu wuxuu si cad u khilaafsan yahay xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee xeer Lr.37/2007. xeerkan oo lagu maamulayo diiwaan galinta codbixiyeyaaha qaranka Somaliland sida uu dhigayo qodobkiisa 2-aad ee xeerkan ayaa jidaynaya waxa uu noqonayo diiwaanku; qaab dhismeedka maamulka goobaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha.
Wakhtiga la dhaqan galinayo diiwaan galinta iyo wakhtia kama dambaysta ah ee ay tahay inay shaqaalaha diiwaan galintu joogaan ama la geeyo goobaha dadka lagu diiwaan galinayo.

Wakhtiga ay soconayso diiwaan galintu, sida loo xafidayo agabka diiwaan galinta, siday warbixinaha u kala helayaan goobta diiwaan galinta, degmada, gobolka iyo xarunta dhexe.
Markay dhamaato mudada diiwaan galintu qofka ka taga jiidii uu iska diiwaan galiyay ee meel kale taga ee jecel inuu halkaa kale ka codeeyo xiliga doorashada waxa uu yeelayo iyo hadii habsan ku yimaado waxa dhaca, xilalka iyo waajibaadka ay kala leeyihiin masuuliyiinta diiwaan galinta ee goob, degmo, gobol iyo qaran, iyo qofka ay goobta ku xaqiijin kari waayaan muwaadinimadiisa wakiilada wasaarada arrimaha gudaha iyo maxkamada racfaanku. Fursada ay tahay in la siiyo, iyo guud ahaanba soo saarista liisaska.

Arrimaha dhamaantood, barnaamijka diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee KDQ soo bandhigeen wuxuu u dhigayaa qaab ka gedisan sida uu xeerku jeedinayo.
Waxa arrintaa tusaale ugu filan arrimahan:
1- Wakhtigan la dhaqan galinayo diiwaan galinta, wuxuu dhigayaa Qod: 12-aad, faqradiisa koowaad sidan:-

“Komishanku waa inuu ku dhaqan galiyo diiwaan galinta codbixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

Wakhtigan hada la joogo ee ay soo bandhigeen barnaamijkii ay ku dhaqan galinayeen diiwaan galinta codbixyeyaasha waxa ka hadlay taariikhda loo ciyimay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka muddo ku siman afar bilood oo keliya, wakhtigii sharci ahaana waxa la soo dhaafay laba bilood, mana jiro sharci u fasaxaya inay bilaabi karaan markay afar bilood ka hadhsan tahay maalinta doorashada”.
Qodobka 27, faqradiisa 1-aad, waxay dhigaysaa sidan:-

“Shan bilood ka hor maalinta doorashada waa in la gaadhsiiyo masuuliyiinta diiwaan galinta goobaha diiwaan galineed, lana bilaabo diiwaan galinta”
Mudadaa sharcigu tilmaamayana waxa la soo dhaafay hal bil welina lama shaqaalayn hawl wadeenadii ka haw geli lahaa goobaha diiwaan galinta”.
2- Qaab Dhismeedka Maamulka Goobaha Diiwaan Galinta Codbixiyeyaasha
Wuxuu dhigayaa Qod: 11-aad, faqradiisa 1-aad iyo 3-aad sidan:-
“1- Masuulka diiwaan galinta qaranka oo masuul ….
2- Masuulka diiwaanka Gobol kasta.
3- Masuulka diiwaanka ee degmo kasta.
4- Masuulka diiwaanka ee goob kasta oo codbixineed”
“3 – Qaab-dhismeedka maamulka goobaha diiwaangelinta waxa loo raacayaa xeerka doorashooyinka qaranka.”

Xeerka doorashooyinka hab-dhimeedka maamulku u socdaa waa: sii socodka-Qaran-Gobo-Degmo-Goob; soo noqodka-Goob -degmo-gobol-qaran. Markay dhamaato codbixintu shaqaalaha goobtu dokumentiggii iyo qalabkii shaqadaba waxay ku wareejinayaan degmada, degmada ayaana warbixinta natiijada degmada oo dhamaystirna soo gudbisa.

Barnaamijka KDQ waa kooxo toos uga hawlgalaya goobaha shan maalmood isla markaana shaqaalaha diiwaangelinta ee goobta warbixinta (2 hardcopies of all data) waxay toos ugu soo dirayaan xarunta KDQ. Dabeetana qalabkoodii ayay urursanayaan waxaanay u guurayaan goob kale oo gobol kale ah.
Waa laba nidaam oo kala duwan midka xeerku dhigayo iyo ka komishanku dhigtay.
3-Wakhtiga ay soconayso diiwaangelintu
Qodobada xeerrka ee ka hadlaya wakhtiga ay soconayso diiwaangelintu waa kuwan:
Qodobka 12-faqradiisa 2aad
“Diiwaangelintu waxay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badanayn saddex bilood.”

Qodobka 13-
“…, komishanku waa inuu furo diiwaangelinta codbixiyeyaasha muddo aan ka yarayn bil gudaheed, lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta,,,”
Qodobka 22 – Faqradiisa 2aad
“Meelaha ay jirto gaadiid xumo, dokumentigu waxa uu ku dhaxayaa diiwaangeliyaha goobta oo u gudbin doona diiwaangeliyaha degmada hal mar tdobaadkiiba maalinta Khamiista….”

Qodobka 23- Faqradaha 1 &2
“1 – Masuulka diiwaangelinta ee heer degmo wuxuu habaynayaa oo uu gelinayaa warbixinada diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba foomka uu siin doono komishanku, wuxuu u gudbinayaa masuulka heer gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangelintu uga qabsoontay todobaadkii tegey degmadiisa. Masuulka heer gobolna kadib markuu soo ururiyo warbixinta degmooyinka gobolka, wuxuu u gudbinayaa warbixina dhamaystiran komishanka qaranka.”

“2- Komishanka waxaa waajib ku ah inuu todobaad kasta ku daabaco wargeysyada qaranka, kana baahiyo idaacadda iyo telefishanka tirada muwaadiniinta isdiiwaangelinaysa iyo inuu sidoo kale qaato tallaaabooyin uu dadku ku wacyigelinayo si ay suurtogal u noqoto inay isdiiwaangeliyaan tirada ugu badan ee suurtogalka ah. Komishanku wuxuu buuxinayaa dhamaan foomamka loo baahdo oo dhan warbixintuna waa inay lahaato saxeexa maamulka soo diray.”

Qodobadani waxay si aan mugdi ku jirin uga hadlayaan hawl diiwaangelineed oo todobaado ka soconaysa goobaha diiwaangelinta ee degmo kasta, iyo inay degmadu todobaadkiiba hal mar soo gubinayso warbixin tafaftiran oo koobaysa hawsha diiwaangelineed ee ka qabsoontay todobaadkaa. Weliba qodobka 22aad faqradiisa 2aad ayaa si cad uga hadlaysa inay jiraan goobo diiwaangelineed oo gaar ah oo iyagu hal mar oo ah dhamaadka todobaad kasta looga baahan yahay inay soo gudbiyaan warbixinta goobta.
Dhinaca kale, waxay qodobadan iyo qaar kaleba qeexayaan xidhiidhka wada shaqayneed iyo masuuliyada ay kala leeyihiin jaranjarta masuuliyadaha diiwaangelinta oo waafaqsan nidaamka jaranjarada maamul ee xeerka doorashooyinka.

Qorshaha KDQ wuxuu ku xardhan yahay inay diiwaangelintu ka socoto goobta muddo todobaad ka yar oo shan cisho ah bedelkii todobaadada. Waanu ka duwan yahay qaabkiisa maamul ka xeerka doorashooyinka, waana qaab aanu jirin xeer banaynayaa.
Qorshahan diiwaangelinta ee KDQ ee diiwaangelinta ee shanta maalmood soconaysa wuxuu muwaadiniinta ka qaadayaa xuquuqdii sharcigu siiyay ee ahayd muddo dheer oo qof waliba si nefisa ikhtiyaarkiisa isugu diiwaangeliyo, waxaanay ugu bedeleen qarbo-qarbo iyo wakhti cidhiidhi ah.

Qorshaha KDQ wuxuu shaki la’aan luminayaa xaqii reer-miyigu u lahaa codaynta doorashooyinka mudada gaaban ee cidhiidhiga ah awgeed.
Dooda odhanaysa dadku maalin qudha ayay codaynayaane ma shan maalmood ayaanay isdiiwaangelin karayn waa dood sideeda u jaban waayo, kasokow faraqa ballaadhan ee u dhexeeya labada arrimood, waa arrin sharciya inay muddooyinkoodu sidaa u kala duwanaadaan oo aan gorgortan lahaynba.

4- Wakhtiga hadhsan, dhaqangelinta diiwaangelinta, iyo hawsha doorashada
haddii laga soo qaado inaanu sharcigu xadidayn wakhtiga dhaqangelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay taasi furantahay, xilliga loo cayimay doorashada goleyaasha deegaanka waxa imika ka hadhsan muddo ku siman afar bilood. Muddadaa afarta bilood ah iyo labada hawlood ee kala ah diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha ku beegan diyaarinta iyo qabashada doorashadu, sida la isu cunsiinayaa iyana waa arrin kale oo hor taala komishanka doorashooyinka qaranka.

Jadwalka barnaamijka diiwaangelinta codbixiyeyaashu siday sheegeen komishanku wuxuu u muddaysan yahay 25 maalmood oo ka horeeya shanta maalmood ee gobolka u horeeya la diiwaangelinayo + lixda gobol oo min shan maalmood ah + 14 maalmood oo gobolka u dambeeya diiwaangelinta codbixiyeyaasha la sii joogayo degmooyinkiisa. Isugeyntaasi waxay noqonaysaa 25 + 30 + 14 = 69 + 5 cisho oo geediya = 74 + 1 = 75 oo lagu daro maalinta u dambaysa ee ay soo guurayaan kooxihii degmooyinkaasi, taasoo macneheedu yahay 71 maalmood kadib ay soo bixi karaan liisaska hore ee codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay iyadoo ay hubaal tahay inay hawshaasi marka aanu wax dibu-dhac ahi ku iman, ay qaadan karto ugu yaraan dhawr maalmood. Dabadeetana waxa bilaabmaysa diyaarinta iyo daabacaada liisaska kama dambaysta ah. Isku soo wada duuboo wakhtiga ugu yar ee ay hawshaasi u baahantahay waa saddex bilood oo ka bilaabmaysa maalintay 25 cisho ee wacyigelintu bilaabato. Haddaba, haddii ay maanta noqon lahayd bilowgaasi waxa hawshii doorashada wkakhti u hadhay hal bil keliya, balse, sida muuqata marka dhinacyo badan laga eego, inteeda badani way ka baxaysaa meesha. Shaki la’aana hawshani waxay dhamaan kartaa iyadoo ay maalintii doorashada ay ka hadhsan tahay tobaneeyo maalmood. Haddii uu hakad yari ku yimaadana way isgelayaan oo hawshii diiwaangelinta cxodbixiyeyaasha oo aan dhamaan ayay imanaysaa maalintay doorashadu ku mudaysanayd.

Goleyaasha qaranku markay mudooyinka xeerka ku adidaydeen waxa sifo sharci looga haortegayay inaanay tan oo kale dhicin oo hawl kasta gaarkeeda loogu helo wkahti macquula.

Waxaan usoo jeedinayaa komishakna doorashooyinka Qaranka inay iska daayaan ismaqaaqa iyo indho-qabashada ummadda. Wadadan ay hayaan waa xagaaf meel dhow kusoo afgo’aysa. Waxaanan xusuusinayaa inay hawsha dhabta ah ee iyaga asal ahaan loo doortay ee laga sugayo inay ku fuliyaan wkhtigeeda ay tahay qabshada doorashada wakhtiga loo cayimay, taasoo diyaargaraynteedu ugu yaraan saddex bilood u baahan tahay, waayo mar kale in mudada la korhiyo komishanka oo xilkiisii ku fashilmay awgeed ma jirto cid u diyaar ahi.

Haddii ay doorashadu wakhtigeeda qabsoomi waydana waxa ogaataan wixii natiijo ah ee halkaa ka dhasha inaanay jiri doonin cid masuuliyadeeda idinla wadaagi doontaa.


Cabdillaahi M. Dahir

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.