Hadalna La Kala Oran Og Allena La Kala Baryi Og Ee Allow War La’aan Hanna Cadaabin!!!

Markaan akhriyey maqaalkii dheeraa ee uu soo qoray Mujaahid Professor Ibraahiim Maygaag Samatar kuna daabacnaa Hadhwanaagnews taariikhdu markay ahayd Feb. 20, 2008 waxaan aad u ula dhacay sida wanaagsanee cilmiyeysan ee uu u soo bandhigay Md Ibraahiim Maygaag maraaxilkii adkaa ee uu soo maray halgankii hubaysnaa ee SNM la gashay nidaamkii kaligi-taliska ahaa ee ka talinayay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyey 1969kii-1991kii oo keenay burburka iyo barakaca ilaa maanta loo caalwaayay kana dhigay Soomaaliya meel balaayoo dhammi ka talo dhiibato kuwaasoo isugu jira qaar horay u ahaan jiray cadawgii ummadda iyo qaar immika bacadka isku soo qarinaya oo iska dhigaya kuwo nasteex wada. Runtii Professorku wuxuu si hagar la’aana usoo ururiyey isagoon waxba ka tagin halgankaasi sida uu ku bilowday, sababtii loo aasaasay SNM, Raggii ka danbeeyey in laga dhiidhiyo caddaalad darradii nidaaamkii Siyaad Barre ku hayay ummadda Soomaaliyeed siiba beesha dhaxe ee dulmiga xad dhaafkaa lagu hayay waxaana la yidhi qarni waliba ragiisa lehe miyaanay SNM ahayn geesiyadii qarnigii 20-naad.

Cid alla iyo inta caqli Somalilander-nimaahi ku jiro aad bay u fahamtay taariikhda dahabkaa ee uu soo koobay walaalkeen Ibraahiim Maygaaag Samatar oo ah mujaahid aqoonyahana aadna looga yaqaan geeska Afrika siiba Soomaaliya oo xilal waawayn uu ka soo qabtay dawladdii duntay ee Siyaad Barre iyo Ururkii xaq u dirirka ahaa ee xoreeyey Somaliland oo mudan in taariikhdiisa ilaa Jaamacaha dalkoo dhan lagu barto si jiilasha soo socdaa ay u ogaadaan dhibaatoyinkii dalkoodu soo maray iyo inaysan Somaliland iska imaan ee ay ku timid dhiig badan oo loo daadshay iyo rag fara badan oo u shahiiday wuxuuna ahaa jihaad la iskaga xoreeynayay waraabe aan arxan lahayn ee qarnigii 20-naad ka soo baxay Geeska Afrika. Haddaba iyadoo aad looga hadlay, dad badanna ay wax ka soo qoreen maraaxilkii kala gadisnaa ee Ururkii SNM soo maray ayaad moodaa in aan sida Professorku u soo qeexay oo kale aysan horay u jirin cid warwaafiya inaga siin kartay oo goobjoog ka ahayd min bilowgii ilaa dhammaadkii halgankii hubaysnaa iyo nidaamkii dimoqraadiga ku dhisnaa ee SNM lahaan jirtay.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa GAAL dil gartiisana sii ee akhristow waxaa jira dad badan oo xaasidnimo buuxisay quluubtooda oon marnaba la soo marsiin karin in halgankii SNM ahaa mid siyaasadeed oo adeegsanayay dagaalka hubaysan sida uu Professorku inoo sheegayna ay ka buuxeen xubnihiisa dhammaan dadka Soomaaliyeed laakiin duruufo jiray awgeed ayaa qaar ka mida beelaha Soomaaliyeed ay ugu suuroobi wayday inay ka muuqdaan amay ka noqdaan xubno firfircoon oo magac iyo awood ku yeesha Ururka dhexdiisa. Laakiin SNM aad bay isugu hawshay sidii dadka Soomaliyeed oo dhammi uga qayb gali lahaa kacdoonkii iyo halgankii hubaysnaa ee SNM hoggaaminaysay ee ninkii laga dhexwaayay isagaa ahaa kii la iska xoreynayay sida maanta kuwa hoggaanka inoo haya oon marnba ka soo qayb qaadan halgankii gobonimodoonka ee beesha dhexe ay xilka wayn iska saartay kana miro-dhalisay, maantana Alle mahadi si loowada simanyahay loogu noolyahay Somaliland qofkastaana xaq u leeyahay inuu ku hammiyo inuu ka qayb qaato siyaasadda iyo hoggaaminta dalka waa hadduu yahay mid daadcad u ah gooni-isu-taaga Somaliland.

Waxaa jira qaar xilwayn ka haya Jamhuuriydda Somaliland oo ka mida dadka uurka ka buka oo isdiidsiiya guushii iyo halgankii adkaa ee Snm dalkeeda u soo gashay waxaana waajib ku ah inay aad u akhristaan oo waxaa la yidhi dabiin far waawayn baa wax loogu dhigaaye ay dhawr iyo toban jeer akhristaan maqaalkii uu soo qoray Professor Ibraahiim Maygaag Samatar oo taariikhdii SNM soo koobay oon been abuurna lahayn faan-faanna uusan ku jirin ee ah xaqaa’iq ina soo maray. Waxaa la yidhi mel bugta iyo far baa is og ee kuwaasi hadday doonayaan inay iska saaraan cuqdadda gaamurtay oon dawada loo hayn ee ay u qabaan beesha dhexe ee dulqaadka iyo gobonimada Eebbe hibada u siiyey waa inay dib isugu noqdaan oo xasadnimadu waa xaaraane iska saaraan quluub xumida qabiilaysan. Allowse yaa kuwaas wax ugu dara Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse wallee iyagoo taka-dhabanayey habeen gudcura soo galilahaayeen sida Xaabsade oo kale.

Siyaad Barre baa wuxuu odhan jiray heesta la yidhaahdo dadkaaga dhinac ka raac baan ugu jeclahay heesaha la ii qaado oo waxay dadweynaha ku baraarujisaa inaysan ka horimaan mawjad kacsan oo ayidsan tawradda barakaysan anna waxaan leeyahay waar dadkiina dhinac ka raaca oo iska saara cuqdaddii ina Siyaad Barre beelaha qaarkood ku beeray, hana la ogaado waxaa lagu jiraa qarnigii 21-naad oo ah qarnigii wax wada qabsiga, tacliinta, dimoqraadiyadda iyo farsadamada ee BIYO sacabbadaada baa looga dhergaaye aan gacmaheenna wax ku qabsanno.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane aanse jeclayn inaad heshaa daa’im abidkaaye” ee miyeysan dhab ahayn inay jiraan qaar aan jeclayn inay Somaliland noqoto dal madaxbannaan oo la aqonsado waliba kuwaasi xilal waawayn bay ummadda u hayaan waana kuwii diiday in tarriikhdii SNM lagu qoro manhajka Iskuulada dalka iyagoo isdiidsiinaya xaqiiqda dhabtaa oo aysan wali dhafoorkooda ka qallalin dhidiidkii faqashnimadu. Waxay marmarsiimo ka dhigteen inaan beeluhu u dhammayn ee beesha Isaaqa baa kali ku ahayd laakiin waxaa iswaydiin leh yaa u diiday inay ka mid noqdaan saw isagii Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-Cali idinka quustay sidii nabi Nuux iyo qoomkiisii ood Afweyne hiil iyo hooba isla barbartaagteen. Yaa idinka akhrisanaya inaad ku tiraabtaan SNM waxay ahayd reer qura oo beelaha kale loo diiday inay soo galaan sawtay gobollada koofurta ka jirtay jabhaddii la oran jiray SSNM bal dhaha iyana Isaaq bay ahayd.

Miyaan beelaha dega darafyada laaluush loo siin gobollo cusub si ay Afweyne daacad ugu noqdaan ugana soo horjeestaan beesha dhexe oo caddaalad darro xun iyo quursi lagu hayay. Bal iswaydiiya meeshii ugu danbeysay ee ciidamadii faqashtu isku soo urursadeen markay faaruqiyeen xeryahoodii ku yaallay Hargeysa, Berbera, Burco, Cerigaabo iyo meelo kaloo badan jawaabtaad ka bixisaana kaaga filan sidii reeruhu u kala faqashaysnaayeen.

Waqtigii uu socday halgankii adkaa ee SNM kula jirtay nidaamkii maamulka xumaa ee dalka rogay nasiib wanaag caalamka kama uusan jirin waxa maanta loo yaqaan argagaxisada taasoo sahashay siyaasiyiintii hoggaaminaysay SNM inay dunida ka dhaadhiciyaan durufta keentay in lala dagaalamo nidaamkii kaligi-taliska ahaa ee Siyaad Barre laakiin maanta ciddii xaqeeda raadsata dariiq kastaba ha u soo martee waxaa lagu shaambadeeyaa “waa argagaxiso” iyo waxaan run ahayn waxaadna moodaa inay habar waliba iska soo tolotay shaadh la yidhaahdo ARGAGAX oo la mida waxa caruurta gaaladu soo labistaan habeenka loo yaqaan HILOOWIINKA oo markaad albaabka ka furto aad ka argagaxayso waxa ay soo xirteen ee tolow shaadhkaa xaggee laga soo toshaa illayn waakan ciddii doonaysaa inay iska iibiso wadamada reer galbeedka ay soo xidhato shaadhkaas isagoo ah mid wajiyo badan loo isticmaalo oo kala leh muuqaalo midba midka kale ka acuudubillaysto.

Hadal iyo dhammaanti waxaa dhaba Oraahdan “hadalna la kala oran og Allena la kala baryi og” ee sida uu Professorku u soo koobay taariikhdii SNM waa mid xaqiiqa waxna kamuu tagin waana nin aqoon sare lehe si cilmiyeysan buu inoogu soo koobay inkastoo taariikhaas haddii loo hagarbaxo qoristeeda ay noqon lahayd sida ALFI LAYLA WA LAYLA oon waligeedba la dhammeeyeen sababtoo ah waxay lahayd dhacdooyin fara badan iyo dad badan oo ka soo qayb qaatay halgankaas. Waxaa jiray rag badan oo reer Somalilander sheegta oo ka soo horjeeday halgankii ummaddu isku xoreynaysay oo sida Professorku inoo sheegay markuu dagaalkii dhammaaday daaqadaha ka soo boodbooday. Waxay isticmaaleen siyaasaddii gorayada oo ahayd “Ciyaarta lug baan kula jiraa hadday hagaagto lugta kalena waan la soo galayaa hadday xumaatana lugtayda waan kala baxayaa”. Waxaa la sheegaa raggaasi inay dalka ka carareen markii SNM waddanka qabsatay laakiin saamaxaaddii loo fidiyay iyo siyaasaddii SNM ee ku dhisnayd inaan la kala aargoosan ayaa ku soo celisay dalka waxaadna moodaa sida ay maanta u dhaqmayaan inay yihiin xalay dhalay iyo qaaraan dunuub qaran galin ee tolow goormaa laga bixidoonaa hadba inuu sheegtu geed ismaris guul dad leeyahay!!!

Wa Billaahi Tawfiiq & Allaah Mahadleh
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Canada, Toronto

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.