Tacsi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u diray shacbiga reer Sool

 Hargeysa (Somaliland.org) РGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray dadweynaha gobolka Sool iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, geerida ku timi Alle ha u naxariistee, Garaad Ismaaciil Ducaale oo maanta lagu aasay Magaalada Laascaanood, kadib markii uu xalay halkaa ku geeryoodey.

Dhambaalkaa tacsida ahi wuxuu u qoran yahay sidan:

“Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Shacbiga Somaliland, isaga oo uga tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuun GARAAD ISMACIIL DUCAALE, oo xalay 25.02.2008 ku geeriyooday Magaalada laascaanood, maantana lagu aasaayo Laascaanood.

Guddoomiyuhu waxa uu mar labaad si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii¬† fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

Alle ha u naxariistee, Aaska Garaad Ismaaciil Ducaale waxaa ka qaybgalay, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, xubno ka socdey golayaasha Baarlamaanka, masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimi Somaliland, Puntland iyo deegaamada kale ee Soomaalidu degto.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.