Xukuumadda Somaliland Oo Koox Carab Ah Ka Joojisay Ugaadhsi Ay Hore Ruqsad Ugu Siisay Shimbiraha Iyo Duur-Joogta

Berbera, February 22, 2008 (Haatuf) – Xukuumada Somaliland ayaa Ugaadhsato u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ka joojisay inay dhamaystaan howlihii ay dalka u yimaadeen iyaga oo aan dhamaysan mudadii ogolaanshaha loo siiyay kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyay in ay ka talaabeen Aagii loo cayimay inay ka ugaadhsadaan shimbiraha iyo ugaadha kale ee duur-joogta ah.

Kooxdan imaaraatiyiinta ah oo tiradoodu dhamayd Toban nin isla markaana watay Toban galaydh (10 Falcons) oo Jimcihii toddobaadkii hore ka soo degay Madaarka magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ma jiro warar rasmiya oo dhinaca xukuumadda ka soo baxay oo sheegaya sababta dhabta ah ee ka danbaysa in xukuumaddu ka joojiso kooxdaasi carbeed inay dhamaystaan mudadii ay hore xukuumadda Somaliland ruqsada ugu siisay inay ka ugaadhsadaan Dalka, taas oo dhamayd toddoba maalmood, hase yeeshee sida ay Haatuf ka soo xigatay ilo xog-ogaal ka joojinta koooxdan carbeed inay sii wataan ugaadhsigooda ayaa ka danbaysay kadib markii wasiirka deegaanka iyo horumarinta miyiga JSL Fu’aad Aadan Cade laba maalmood kadib xiligii ay dalka soo galeen ka daba diray gaadhi Bileys ah amrayna in laga joojiyo inay sii wataan ugaadhsigooda iyaga oo xiligaasi ku sugnaa deegaanada xeebaha galbeedka Gobolka Saaxil gaar ahaan galbeedka Degmada Bulaxaar taas oo sida ilahani sheegayaan uu wasiirku ku sababeeyay inay ka talaabeen xadkii loo cayimay inay ku ekaado oo ku sinayd Bulaxaar.

Kooxdan oo si habaqle ah uga dhooftay madaarada Hargeysa iyo Berbera maalmihii shalay iyo doraad ayaa la sheegay in ay la noqdeen jawi ka duwan kii ay awal hore kala tegi jireen wadanka xubno ka mid ah kooxdaasi oo iyagu marar badan oo hore yimi Somaliland, kuwaas oo sida la sheegay qaatay dareen ay u arkayeen culayskii badnaa ee ay xukuumaddu saartay imaatinkoodii iyo ka daba geyntii xayiraaduba inuu dabada ku hayo heshiis la xidhiidha ugaadhsiga duurjoogta qaybo ka mid ah oo ay xukuumaddu la gashay kooxo ay isku dal [Imaaraadka] ka soo jeedaan kuwaas oo iyagu hore safaro isdaba joog ah oo ay ku ugaadsadaan shinbiraha juglayda loo yaqaan iyo Deerooyinka muddaba ka wadeen Deeganada Bariga iyo Galbeedka Xeebaha Gobolka Saaxil, kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan caa’ilada boqortooyada Imaaraad Abu Dhabi, iyadoo la sheegay in casuumada gaarka ah ee Madaxweyne Rayaale dhawaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ay iyagu u fudiyeen si heshiiska ugaadhsiga ah ay u kala saxeexdaan Madaxweynaha Riyaale iyo Maal-qabeenka Sheekh Xamdaan Binu Saayid Al Nahyaan.

Dhinaca kale, weriye ka tirsan Haatuf oo ku sugnaa maalmihii ay kooxdan carbeed ugaadhsiga ka wadeen degaanka Bulaxaar, waxa uu sheegeen in dad degaankaasi ay aad uga cawdeen kooxdan ugaadhsatada ah oo ay fara ba’an ku hayaan ugaadha duur-joogta ah iyo shimbirahaba, iyagoo dadkaasi sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay kooxahani yimaadaan degaanadaas, balse ay bishiiba laba jeer koox kuwan oo kale ahi yimaadaan isla markaana ugaadhsadaan shimbaraha iyo duur-joogtaba.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.