Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Isniin, 25 Febr.

 Taliyihii hawlgelinta Ciidanka Puntland oo geeriyooday

Ciidan iyo Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo gaadhay Badhan

Ceerigaabo(Ogaal) Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland mudane, Cali Maxamed Qoorseef  oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ayaa xalay saqdii dhexe si nabad gelyo ah ku Gaadhay Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Gobolka Sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish galabnimadii Jimcaha ayuu Wasiirka Kaluumaysigu gaadhay magaalada Ceerigaabo, Islamarkaana waxa uu tilmaamay in u jeedada Socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu u tegi lahaa deegaanada bariga Sanaag. “Hawlaha gobolka ayaan u socdaa waxanna u baxayaa xagga bariga  saxaafaddana marka aan soo laabto ayaan u warrami doonaa”Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Gelinkii danbe ee Shalay ayaa Wasiirka Kaluumaysigu uga baxay Magaalada Ceerigaabo dhinaca bariga Sanaag (Badhan). Ka dib markii uu muddo laba maalmood ah shirar gaar ah la yeeshay waayeellaka  iyo waxgaradka beesha bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo, kuwaasoo la sheegay in qaarkood soo jeediyeen in Wasiirku u baxo Deegaanada Bariga Sanaag iyadoo aanay wehelin wax ciidamo ahi.

Warku waxa uu intaa ku daray in Deegaanada Bariga fog ee Gobolka Sanaag ay ka jiraan maleeshiyaad taageera maamul-goboleedka Puntland, Hase ahaatee wararkii ugu danbeeyay ee xalay saacadihii danbe naga soo gaadhay Gabolkaasi waxa ay tilmaamayaan  in Wasiirka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gaadiidka qalabaysan (tekniko) iyo madaxda ciidammada Qaranka ee fadhigoodu yahay magaalada Ceerigaabo ay gaadheen magaalada Badhan iyadoo aan wax dhibaato ahii ka dhicin ilaa hada inta la ogyahay. In kastoo si weyn looga walaacsanaa isku dhac ka dhasha socdaalkan.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay xaqiijinayaan in saraakiil iyo ciidammo ka tirsan Puntland ay iyaguna ku suganyihiin degaanno ka mid ah degmada Badhan ee bariga Sanaag  kuwaas oo sida la sheegay isu diyaarinaya sidii ay isu hortaagi lahaayeen wafitaga Wasiirka Kaluumaysiga.

 Wasiirka Warfaafinta maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxman Maxamuud Bangax oo shalay wax laga weydiiyay dhaq-dhaqaaqyada Bariga Gobolka Sanaag ayaa waxa uu ku dooday inuu Jiro Ciidamo ka tirsan Maamulkooda iyo Ciidamo Somaliland ahi ay isku horfadhiyaan deegaanka ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag, Islamarkaana in kasta oo aanu soo qaadin socdaalka Badhan ee Waftiga Wasiirka Kaluumaysiga ee Somaliland, hadana meesha kamuu saarin isku dhac ciidan oo uu sheegay inay suurtagal tahay.

Bishii afraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Wafti Wasiiro iyo Hay’adaha Samafalka isugu jiray ay gaadheen Deegaanka Degmada Dhahar waqtigaas oo ay soo weerareen maleeshiyaad taabacsan Puntland.

Geerida Taliyihii Hawlgeglinta Puntland

Taliyihii Howlgalinta Ciidanka maamul Goboleedka Puntland Soomaaliya Xiif Cali Taar ayaa ku geeriyooday shalay gelinkii hore Shil baabuur oo ka dhacay Deegaan aan ka fogay tuulada Tukaraq ee gobalka Sool, waxaana sidoo kale shilkaasi dhaawac ka soo gaadhay qaar ka mid ah ciidamadiisa.

Xiif Cali Taar (Marxuumka) waxa uu Dawalada  Mbeghati uu u hayay jagada Taliyaha ciidamada dawlada Faderaalka ee Guutada 4aad , wuxuuna sidoo kale mudooyinkii ugu danbeeyey ku jirey Dibu habeyn la sheegay inuu doonayay inuu ku sameeyo ciidamada Puntland oo kala daatay. Ka dib markii lagu bur-buriyay Dagaalo ay Ciidamada qaranka Somaliland kula galeen deegaanka magaalada Laascaanood, wakhtigaas oo uu, Marxuumka shalay Geeriyooday laftiisu hogaaminayay.

 

 

Somaliland: Maanta oo kale 48-sanadood ka hor

 

“Ma jirto Somalilanders-ku sabab ay u del-delaan masuuliyada Hantida kaliya ee Gacantooda ku soo hadhaysa”  The Economist

London (The Economist/Ogaal)- Muddo 48 sannadood haatan laga joogo iyo maanta oo kale maxay Somaliland ka filaysay wacyigii markaa xiisaha iyo xamaasadda badan ay dadweynuhu u hayeen? Inta aynaan hoos ugu daadegin qormadeenan, waxa xusid mudan in warbaahinta caalamka ee kala duwani ay waqtiyadan dambe aad uga hadlaysay heerka caalamku ka taagan yahay aqoonsiga Somaliland. Isla markaana waxa si joogto ah arrinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland uga hadla khubarada u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda Gobolkan Geeska Afrika, kuwaasoo badiba dhalasho ahaan ka soo jeeda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

Wargeyska The Economist ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa dib inoogu celinaya xusuustii aayo-ka-tashiga qarannimo ee Somaliland dhamaadkii bishii February 1960-kii, xilliggaas oo maqaal uu daabacay Wargeysku kaga hadlay arrimihii waqtigaa gobolkan yaalay iyo madaxbanaanidii Somaliland iyo Soomaaliya oo qarka soo saarnayd. “Dabayl bedelaadda dastuurrada ah ayaa ka qarxaysa Gobolka Geeska Afrika oo dhan. February 17, British Somaliland waxa ka dhacay doorashooyin guud, kuwaasoo ahaa kuwii labaad ee waligeed ka dhaca Somaliland Protectorate (Maxmiyadda Somaliland), xisbigii ku guulaystayna waxa si degdeg ah u bedelay guulihii xidhiidhka ahaa ee uu gaadhay. Xubnaha Somaliland ee la doortay, ayaa haatan gacanta ku dhigaya Gole Baarlamaan oo aan xataa jirinba saddex sannadood ka hor.” Sidaasi waxay ka mid ahayd maqaalkii uu daabacay Wargeysku Feb 1960. Wargeyska The Economist, oo xilligaa saadaalinayay mashaakilaadka ka hor iman kara labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu intaa ku daray; “Labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya-ba waxay wajahayaan xaaladdo khatar ah oo caydinimo la gelayso iyaga oo dalal madaxbanaan ah. Hase ahaatee, labadoodaba waxa u wanaagsan inay maskaxahooda geliyaan haddii ay ku degdegaan ku fogaanta Itoobiya. Sababta oo ah ma jiri doono dal reer galbeedka ka mid ah oo ka taageeraya cadaawado ay kula kacaan Itoobiyaanka.”

Wargeyska oo ka hadlayay werwer ay ra’yul caamka Ingiriis ka qabeen midawgii labada waddan, isla markaana u muuqda inuu canaan ku saarayo Ingiriiska diyaarin la’aan reer Somaliland ka muuqatay oo loo arkayay in aanay u bislayn hanashada madaxbanaanida, ayaa yidhi; “Xilliga xorriyadda labada waddan waxay ku salaysan tahay dhamaadka tobbankii sannadood ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ugu qabatay inuu Talyaanigu xorriyadooda ku siiyo, oo bisha Juun ay Talyaaniga cago-jiidka ahi ka baxaan Soomaaliya, halka Ingiriiska jooga Somaliland uu ka dambayn karo. Haddaba, Somalilanders-ku waxay tixgelinayaan inay tagaan, isla markaana xaqiiqdii ma jirto sabab caqli-gal ah oo ay u deldelaan masuuliyaddahooda u taagan hantida keliya ee u hadhaysa. Somali National League (SNL) ayaa ku guulaystay 20 ka mid ah 33 kursi ee baarlamaanku ka kooban yahay; SUP, oo ah koox yar oo samaysantay wax yar ka hor doorashooyinkan ayaa ku biiray SNL, isla markaana helay 12 kursi. Tanina waxay kaga tagtay gacmo-madhnaan Xisbiga NUF, oo ku guulaystay badiba kuraasta isku-daygii doorashooyinka sannadkii hore, isla markaana ah xisbi uu Ingiriisku xubnihiisa si khatar ah ugu tabobaray dawladnimada, kuwaas oo ka helay baarlamanka hal kursi. Dhamaanba axsaabtu waxay isku raaceen in Somaliland iyo Soomaaliya ay is-raaci doonaan sida ugu dhakhsaha badan, oo aan habsan lahayn.”

Mr Lennox-Boyd, oo ahaa Xoghayihii Gumaysiga u joogay Somaliland, ayuu wargeysku soo xiganayaa oo sannad ka hor xilliggaas (1959) la waraystay xilli uu ballanqaadyo khiyaamo ahaa u jeedinayay Somalilanders-ka; “Xoghayaha Gumaysi ee Somaliland Mr Lennox-Boyd, ayaa hadh geliyay sannadkii la soo dhaafay markii uu ballanqaadayay taageerada Ingiriiska ee Somaliland haddii ay raadiyaan “wada-shaqayn dhaw” oo ay la yeeshaan Soomaaliya. Waxa suuragal ahayd in marka la gaadho xilliga xorriyadda ay labada dhinac ay aad u yaraan lahayd danaynta ay haatan aadka u doonayaan ee guud ahaanba midawga tooska ah.” Maqaalka Wargeyska The Economist ee xilliggaas oo lagu qaadaa-dhigayay sidii reer Somaliland, gaar ahaan dadkii magaalooyinka joogay aanay u fahansanayn aayahoodii lumayay, iyo sidii xataa reer koonfureedku ay uga cago-jiidayeen inay si degdeg ah u xaqiijiyaan midawggaas ilaa inyar oo indhaha kala-haysay mooyaane, ayaa haddana maqaalkan uu xilligaa faafiyay, waxa uu barbar dhigayaa xaaladda xilligan ee aqoonsi-raadinta Somaliland. Si la mid ah sida khubaro badani ay aaminsan yihiin Somaliland qadiyadda gooni-isu-taageedu waa mid ay badiba dalalka waawayni jecel yihiin in ciddi uun kaga horayso, si ay markaa iyaguna u daba-galaan, hase ahaatee, wargeyskan oo xilligaa shaaciyay in maamulkii Somaliland ka talinayay ee Ingiriisku ay lug ku lahaayeen midawgii Soomaaliya, ayaa haatana shaaciyay in horumarka Somaliland uu ku jiro sida uu Ingiriis ka yeelo!

Xildhibaan (Duur) Xisbigeed ka soo baxday?

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka mid ah Wafti ka socda Baarlamanka  Somaliland oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay-ba ku sugnaa Dalka Ingriiska, Islamarkaana ka tirsan mudanayaasha Galaha Wakiillada ee ka soo baxay xisbiga talada haya ee UDUB ayaa waraysi kooban oo uu siiyay shabakada wararka Inarnetka ee Qaran kaga hadlay arrimaha ugu muhiimsan ee socdaalkooda iyo waxyaabo kale.

Waraysigaasi waxa uu dhacay sidan:

Su’aal:- Xildhibaan marka hore bal socdaalkiina aad UK ku timaadeen faah-faahin kooban naga sii?

Jawaab-: Hadaan soo koobo, socdaalkayagu waxa uu ahaa mid rasmi ah oo aanu ku nimid dalkan Ingriiska, waxa aananu ka koobnayn xildhibaanada Somaliland oo dhan UDUB, Kulmiye iyo UCID, waxa aanu booqanay oo lanagu marti qaaday aqalka Barlmaanka dalka Britain, waxii aanu u soconay oo ahaa dan guud iyo in aanu taageerno socdaaladii uu madaxweyne Rayaale ku iman jiray dalka Ingriiska, taasna waxa aanu cadaynay in aanu anaga iyo xukumadu isku mawqif nahay oo aanu taageersanahay xukumadayda, adigu waxa aan ku odhan karaa socdaalkayagu waxa uu ahaa guul iyo is afgarad

Su’aal-: Xildhibaan adiga Xisbigee lagaa soo doortay oo aad ka soo baxday?

Jawaab:- Xisbiga UDUB ee talada dalka gacanta ku haya, haa xisbiga UDUB ayaan ka soo baxay oo aan ka tirsanahay kana mid ahay golahiisa fulinta isla markaasna aan ahay xildhibaan UDUB ah.

Su’aal:- Xildhibaan waxa jirta ama dhacdayba in xisbigaas aad ka tirsantahay iyo adiga uu jiro khilaaf idiin dhaxeeya oo xagaaga loo tirinaayo in aad tahay ka abuura dhibka oo dhan arintaas maxaa sababay?

Jawaab:- Horta ma jiro khilaaf aniga iyo xisbiga UDUB, naga dhexeeyaa mana jirto wax khilaaf ah oo xisbiga na dhex maray, laakiin waxa jirta muran na dhex maray aniga iyo xukumada, taasina waa aragtidayda oo aan u arko mid aan ku saxsanahay oo ah shaqadayda in aan diido wixii aan is leeyahay ma haboona, hadaan kuu sheegana waxa khilaafka aniga iyo xukuumadaydu aanu iskaga hor nimid waxa ay ahayd arintii miisaaniyada, anigu waxa aan ahay gudoomiye ku xigeenka gudiga maaliyada, markaa arintaasi hadaan ka hadlo waa mid aniga i khusaysa oo shaqadaydii ah, mana jirto wax intaas dhaafsiisan oo khilaaf ah oo aniga iyo xukumada naga dhaxeeya ama na dhex yaala.

Su’aal:- Xildhibaan waxa iyana jirtay khilaaf iyo buuq idin dhex maray adiga iyo gudoomiyaha Golaha Wakiillada bari dhexdaas ahayd, arintaas maxaa sababay?

Jawaab:- Arintaasi way jirtay laakiin waxa ay ahayd mid aan anigu ku saxsanaa oo gudoomiyuhu iyo shir gudoonkaba aan idhaahdee waxa ay ku baaqeen kulan aan loo balansanayn oo ahayd in loo codeeyo mudo kordhintii Golaha Guurtida, markaa waxa ay ahayd ama tahayba in arinka noocaas oo kale ah loo balamo oo aan si deg deg ah loo qabanin taas ayaanan diidanaa anigu, waanan ku saxsanaa, lakiin arintaasi xiligaasi golaha ayaa xaliyay oo shir ayaanu ka galnay khilaafkaasi, markaa golaha ayaa runta noo kala sheegay ana waxii aan ku qaldanaa ii sheegay xiligaasi iyagana qaladkoodii u sheegay arintaasna halkaas ayaa lagu af jaray.

Su’aal:- Waxa Xildhibaan ay dad badani kuu arkaan nin khilaaf badan oo xadhig lama sitaan ah oo kalba meel ka fadkudiya arintaas adigu sideed u aragtaa?

Jawaab:- Qosol ka dib. Maya ma ahi xadhig lama sitaan ee waxa aan ahay qof waajibkiisii uun gudanaaya oo shaqadiisii qabsanaaya, labada arimood ee muranku ka dhacay ee aan midna xukumada kaga soo hor jeedsaday midna shirgudoonka labada arimoodba waa laba aan anigu u arkaayay mid aan ku taagnaa wadada saxda ah walina waan aaminsanahay in aan saxsanaa, wax kastana xalinteeda waan u taagnahay wixii aan ku qaldanahayna in aniga cida ay khusaysaa ii sheegto waxa aan ku saxsanahay ay ii sheegaan.

Su’aal:- Xildhibaan hada socdaalkiina UK, waxa ay dad badani aaminsanyihiin in aad adiga iyo rag kale oo aad saxiibo tihiin oo aad wada socoteen ee ka soo jeeda xisbiyada kaleba aad u ololaynaysaan xisbiga Kulmiye arintaasi maxaa ka jira?

Jawaab:- Taasi waa been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn, anigu UDUB ayaan ka soo baxay isagaan ahay, laakiin waxa jirtay markii dalkii la joogay waxa jirtay marar dhowr ah oo aan ka codeeyay xukuumada oo aan ka soo hor jeedsaday oo aan xaga kalle ka soo jeedsaday, taasina waxa ay ahayd uun mid shaqsiyan ah oo ku salaysnayd sidii aan is lahaa waa ta saxda ah, laakiin arinta aan halkan u maraynaa waa mid qaran oo aan wax olole ah xanbaarsanyn oo ah mid guud iyo qadiyadeena taasi oo aanu ku taageersanahay socdaaladii uu hore halkan (Ingiriiska) uu Madaxweyanahu ugu yimid taasi oo aanu ka muujinay anaguna Barlamaanka dalkani in aanu taageersanahay xukumada oo aan ka midaysanahay sidii dalka aqoonsi loogu heli lahaa iyo wax qabad kaleba.

Su’aal: Sidee ayaad u argtaa arimaha dhaq dhaqaaqa ee ururka qaran?

Jawaab: Waxa aan u arkaa mid xaq ah oo ay sharciga ku taaganyihiin qodobkiisa 14′aad oo qeexaaya in ay sharciyan furan karaan urur, waana lagu qaldamay runtii.

Su’aal:- Adigu waxa aad tahay xildhibaan sharci dejinta ah marka aan runta ka hadalo ma waxa aad leedahay waxa ay ku saxsanaayeen in ay arimo olole oo siyaasadeed ka bilaabaan Gobolada dalka ee ay soo wada mareen badankooda iyaga oo aan sharciyaysnayn?

Jawaab:- Horta waxa ay sharciyada ururka warqad ugu qorteen xukumada, maxkamada sare Golayaasha markaa waa loo soo jawaabi waayay taas ayaana ku dhalisay ficilada ay qaateen iyaga oo tirsanaaya in ay xaq ku taaganyihiin.

Su’aal:- Xildhibaan hadii ay Golahiina Wakiillada qoraal u soo qorteen maxaa ugu jawaabi weydeen ee aad hada u taageeraysaan?

Jawaab:- Aarintaas shir gudoonka ayaa la waydiin doonaa oo ka jawaabi waayay, iyaga oo qudha maahee, meelihii ay u qorteen oo dhami way ka aamuseen waana lagu qaldanaa ayaan qabaa.

Su’aal:- Ma waxa aad na leedahay Golaha Xukuumada iyo hay’adaha ay u qorteen ee ay ogolaanshaha waydiisteen ayaa qaldan dhamantood oo labadan nin ee Qaran ayaa saxsan?

Jawaab:- Waxii sharcigu siinaayo ee uu u ogolyahay in looga aamuso may qaban ayaan anigu qabaa oo aan leeyahay

Su’aal- Hadii aan u soo laabano wax qabadkii iyo waxa aad ku soo biirisay dadkii ku soo doortay maxaa la odhan karaa xildhibaan Duur waxaas ayuu qabtay oo ay dadkii soo doortay ku xasuusan karaan?

Jawaab:- Horta waxa aan wax ka qabnay sharci dajintii iyo hawlihii na soo maray oo dhan, ta deegaankii la iga soo doortay waxa aan si joogto ah u tagaa deegaankaasi la iga soo doortay waanan la socdaa baahidooda, waxa aanu gaynay hay’ado, waxyaabo badan ayaan gacan ka gaystay oo deegaankaasi la iga soo doortay laga qabanaayo, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo horumarka meelahaasi, ta kale dalka oo dhan ayaa deegaanka la iga soo doortaa la qabaa baahida la xaadka leh ee taala, Insha Alaahuna waa laga baxi doonaa oo dalkeenu waxa uu heli doonaa aqoonsi caalami ah wakhti aan fogayn

Wasaarada Arr/Dibada S/Land Oo ka hadashay Dublamaasi Masri ah oo socdaal ku yimi Somaliland       

Hargeysa(Ogaal) – Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland, Md Siciid Maxamed Nuur ayaa Sheegay in dalka Somaliland uu yimid sarkaal ka tirsan Safaarada wadanka Masar uu ku leeyahay wadanka Jabuuti, Islamarkaana waxa uu ku dooday in Sarkaalkaasi ay ka wasaarad ahaan ay u marti qaadeen. “Waxa la qoray sarkaal ka tirsan mukhaabaraadka Masar, oo booqasho gaaban dalka ku yimid,  Anagu {Wasaarada} runtii aad  iyo aad ayaanu u diidnay kalmadaa, in cidii danta Somaliland aanu ugu yeedhno lagu ceebeeyo Jaraa’idkeena, dawladuna uma yeedhato mukhaabaraad iyo basaasiin, ee haddii ay cid la hadlayso  waxay u yeedhataa cida metalaysa dawlada”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay War ku soo baxay Jimcihii todobaadkan Wargeysyka Haatuf oo daaha ka rogay in Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Masaaradu uu Somaliland booqasho gaaban ku yimi.

Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadu, oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Kalmadaas ayaanu idiinku yeedhnay in aanu si cad u beenino  oo aanay waxba ka jirin, waar jaraa’idku afka Somaliland ayuu ku hadlaa oo meel walba wuu gaadhay, isla markiiba waxa Carabi ku turjumay oo Email ku diray  macalimiinta Masaarida ee dalka ku sugan, taasina wax bay ina yeeli kartaa,  dadka aanu ka dhaadhicinaynay qadiyada Somaliland, ma aha in la caayo”

Wasiirul dawlaha oo ka hadlayay ujeedooyinkii ay ugu yeedheen dublamaasigaasi, waxa uu yidhi “Dublamaasigaasi anaga [Wasaarada Arrimaha Dibada] ayaa u yeedhnay waxana aanu kula shiray halkan , waxa kale oo aanu u geynay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxa kale oo uu kulamo la yeeshay xisbiyada, Baarlamaanka iyo Wasaarada waxbarashada, waana nin  aanu ka doonaynay inuu noo sameeyo xidhiidh wanaagsan oo dawladaha Somaliland iyo Masar dhex mara , waxaanu qabnaa inuu ahaa nin muhiim ah oo meel sare ka socda “.

Md Siciid Maxamed Nuur, waxa uu ku dooday in masuulkaasi ay u gudbiyeen fariimo ku wajahan  sidii uu qadiyada JSL u gaadhsiin lahaa dalalka Carabta, waxaanu yidhi “Waxaanu sarkaalkaaas u sii gudbinay wixii dalka dan u ah ee Somaliland ka rabto dalalka carabta , gaar ahaan wadanka masaarida”.

Komishanka Doorashada Qaranka oo Maxkamada u gudbiyay Guddiga doorashada Gobolka Togdheer

Burco (Ogaal) – Gudiga Komishanka Doorashada ayaa magacaabay Gudiga doorashada Gobolka Togdheer iyo degmooyinkiisa, Islamarkaana u Gudbiyay gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer si loo dhaariyo.

Nuqul ka mid ah Qoraalka Xubnaha Komishanku u gudbiyay Maxkamada oo  ay ku saxeexan yihiin, Gudoomiye ku xigeenka Komishanka doorashada Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo Maxamad Ismaaciil Maxamad iyo Xasan Maxamed Cumar oo xubno ka ah Gudiga doorashadu Ujeedadeeduna ahayd dhaarinta xubnaha Komishanka ee Gobolka Togdheer iyo degmooyinkiisa, Islamarkaana la  ogaysiiyay Gudoomiyayaasha Xisbiyada ee Gobolka waxa nuxurkeedu uu u dhignaa sidan: “Mudane,

anagoo ah xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ee magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin waxaanu gudoomiye halkan kuugu soo gudbinaynaa magacyada xubnaha komishanka ee gobolka iyo dagmada waxaanan kaa dalbanaynaa inaad mariso dhaar wadareedkii uu xeerku qeexay (xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka)

komishanku isagoo gudanaya wajibaadkiisa uu qeexay xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka  wuxuu u magacaabay xubnaha magacyadoodu  hoos ku qoranyihiin

xubnaha Gobolka

1- Siciid Xaashi Yuusuf, Gudoomiyaha komishanka ee gobolka Togdheer

2 – Kayse Maxamuud Warsame, gudoomiye ku xigeenka komishanka ee Gobolka Togdheer

3- Cali Axmad Ismaaciil, xoghayaha gobolka

xubnaha dagmada

1 – C/risaaq Maxamuud guudcade gudoomiye

2 – Khadar Kaariye cune gudoomiye ku xigeen

3 – Cali Jaamac Yuusuf, xoghaye

4 – Khadar Cismaan Yuusuf, hubiye

5 – Foosiya Jaamac Cilmi, tiriye

6 – Saynab Yuusuf Siciid, tiriye”

Boorama iyo Kulanka Maayarada Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland

Boorama-(Ogaal)- Shir ay isugu yimaadeen Maamulada Dawladaha hoose ee Magaalooyinka Borama, Hargeysa, Gabiley,Ceerigaabo, Sheekh, iyo Berbera oo ku bahoobay Urur ay leeyihiin Dawladaha Hoose ee Somaliland (SMA) iyo Hayadaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay weheliyaan deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Wasaarada Hawlaha Guud ee dalka ayaa shalay ka dhacay Hoteelka Rays ee magaalada Boorama.

Shirkan oo Maalinta ah waxa lagaga hadlayaa Mashaariicda dhinaca horumarka magaalooyinka ee loo yaqaan SURP waxaana shirkani lagu gorfayay buug hor leh oo ku saabsan qorshaynta  “Planing Building Codes” Shuruucda Dhismaha lana doonayo In laga soo dheegto sharciyo laga siman yahay oo lagu dhaqo Dhismayaashada dalka oo dhan.

Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile oo shirkaasi furay ayaa isagu ku soo dhaweeyey Magaalada isla markaana sheegay in Maalinba maalinta ka dambaysa ay wada shaqaynta ay leeyihiin dawladaha hoose ee dalku soo wanaagsanaanayso lagana midho dhalinayo Ujeedooyinkii loo aas-aasay ururka dawladaha hoose ee dalka .

Maayarka Magaalada Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagu haya Jagada Gudoomiye-nimada Ururkan SMA oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay dowladaha Hoose ee dalka horyaalaan dhibaatooyin u baahan Iskaashi iyo in meel looga soo wada jeesto.

Waxaa kale oo uu tilmaamay Gudoomiyuhu in mudadii labada sanadood ahayd ee uu jiray Ururkoodu ay waxbadani u qabsoomeen balse wali loo baahan yahay in la dar dar galiyo si baahiyaha jira ay u noqdaan kuwa la dabooli karo.

“Weli lama gaadhin xilligii wiilashii Kacaanka Kuuba ay wada-dhiman lahaayeen!”

HAVANA – Raúl Castro, oo ku soo hoos shaqaynayay hadhka walaalkiisa ka wayn ee Fidel Castro tan iyo maalmihii Kacaanka Kuubba, ayaa noqday Madaxweynaha Jasiiradda Shuuciga ah ee Kuuba, ka dib markii shalay jagadaa loo doortay, taasoo soo gunaanadaysa maamulkii Madaxweyne Fidel Castro ee dalkaa ka soo talinayay 49-ka sannadood.

Hadaladdiisii ugu horeeyay ee uu shalay u jeediyo golaha qaranka Kuuba ayuu Mr Raul Castro ku caddeeyay in ay yaraan doonaan isbedello lagu sameeyo hanaanka hoggaamineed, isla markaana wuxuu ballanqaaday inuu sii wadi doono la-tashiga uu arrimaha muhiimka ah kala yeelanayo walaalkiisa shaqada ka fadhiistay. Wuxuu intaa ku daray in walaalkii uu weli nool yahay, caafimaadkiisuna fiican yahay, isla markaana aan weli la gaadhin xilligii ay wiilashii dhaliyay kacaankii Kuuba saaxadda wada-dhaafi lahaayeen. “Fidel waa Fidel, taas sidaa ma u ogtihiin,” ayuu ku yidhi Golaha Qaranka Kuuba wax yar ka dib markii ay jagadaa isaga u doorteen. “Waa qof cajiib ah, dadkuna way sii wadi doonaan inay shaqadiisa sii wadaan xataa isaga oo aan halkan muuqaal ahaan u joogin.”

Raúl Castro oo 76 jir ah, ayaa muddo dheerba soo ahaa Wasiirka Difaaca, balse sidoo kale ka mid ahaa Dagaalyahankii Kacaanka Kuuba dhaliyay, ayaa xaaladda ugu adagi ay ka haysataa mashaakilaadka dhinaca dhaqaalaha. Ka dib doorashadiisa, waxa isagana loo doortay Madaxweyne ku xigeen dagaalyahanka kale ee kacaanka Kuuba ee José Ramón Machado Ventura, oo isna 76 jir ah, kaas oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Caafimaadka. Golaha Qaranka Kuuba oo ka kooban 39 saraakiil sar-sare oo milatari ah, ayaa dhamaantood ku hambalyeeyay Mr Raul Castro xilka loo doortay. Hase ahaatee, Maraykanka oo muddo ka badan 40 sannadood cuna-qabatayn ku hayay Jasiiradda Kuuba ayaa mar horeba saadaaliyay in aanu jirin wax isbedel ah oo ka dhacay dalka Kuuba, isla markaana ay sii saaraanayso cunaqabatayntii dhinaca dhaqaalaha ka saarnayd. Balse, ma jiraan codad taageero iyo dayro midkoodna ah oo Kuuba looga soo jeediyay dunida reer galbeedka. Qaar ka mid ah dalalka qaaradda Afrika iyo Laatiin Ameerika ayaa ka werwersan xaaladda dalka Kuuba iyo sida ay ku dambaysay xaaladda caafimaad ee Fidel Castro, maadaama aanay indhuhu qabanin xataa markii la sheegay inuu ku dhawaaqay xilka-degistiisa. Sidoo kalena waxa jira warar laysla dhexmarayo oo reer galbeedku faafinayaan oo sheegaya inuu Mr Fidel Castro mar horeba geeriyooday oo maamulka dalkaasi uu ka qarinayay indhaha caalamka.

Golaha Guurtida iyo Gabagabada Dooda Ajandaha kalfadhiga 35-aad

Hargeysa (Ogaal)- Doodii Xarunta Golaha Guurtida uga socotay Mudaneyaasha Golahaas, oo goluhu kaga dooday ajandaha kalfadhigii 35-aad qodobada uu ka koobnaa, oo ahaa qodoba xaasaasiya oo khuseeya, nabadgelyada guud ee Qaranka, Arrinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, qaylo-dhaanta abaareed ee ka soo yeedhaysa gobollada dalka iyo qodoba, ayuu shalay Goluhu soo gebo-gabeeyay.

Fadhigan shalay oo uu Gudominayay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad, Md. Sheekh Axmed Nuux Furreh,  ayaa waxa ugu horayn doodiisa ka dhiibtay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac “Waxaan aaminsahay in dada Oromada ah ee dalka ka soo buuxsamay laga saaro, kuwaasoo aan dhibaato ay wadankooda kaga yimaadaan jirin, isla-markaana wadankeena inaga buuxinaya, waa dhibaato inagu timi oo dalku in wada qaadi maayo, waxaan taageersanahay Xildhibaanadii yidhi ha la saaro.

Haddii aan doonayno inaynu nabadgelyo xumo ka dagaalano way wanaagsan tahay maanta. Laakiin, waxa weeye Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku waxay ku heshiiyeen in doorashadu wakhtigeedaa dhacayso, wakhtiga uun aynu ku dedaalno in aanay dib uga dhicin.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Rayaale Khayre oo isna fikirkiisa ka dhiibtay fadhigii Shalay ee Guurtida ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Nabadgelyada in la sii wanaajiyo ayaa wanaagsan. haddii aan dhawr arrimood la ilaalin oo wax laga qaban, mar aan la filayn bay kharibmi doontaa baan qabaa anigu.

Ta labaad waxa weeye ee aan anigu u arko in nabadgelyada la ilaaliyo, waxaan anigu u arkaa dadka hore loo sheegay dadkaa faraha badan, ee magaalada ku dhex-daadsan ha la ururiyo oo ama hala saaro, ama ha loo sameeyo Kaam wax lagu siiyo, hadaan la ururin nabadgelyadan dhib bay u keenayaan.

Bilayskana waxaan qabaa in tayadiisa la hagaajiyo, oo dadka kiisaska baadha aqoontooda la kordhiyo ayaan soo jeedin lahaa. Arrinta dalka dhibka u keenaysaa waxa weeye dadka kiisaska dhulka la mariyo. Mushkilada dacwada Maxkamadaha ugu badani waxa weeye arrin dhulka. Waxaad arkaysaa dhul Maxkamadu qof u xukuntay oo hadana la leeyahay dib baa loo eegayaa, oo hadana cid kale loo xukumay, arrintaasina waxay ka mdi tahay waxyaalaha nabadgelyada waxyeelaya, waana in laga taxadaraa.”

Xildhibaan Xasan Madar oo Xoosh oo isna fikirkiisa dhiibtay ayaa ku bilaabay hadalkiisa: “Aduunkoo dhan baa og in nabadgelyo buuxdaa ka jirto Somaliland.

Waxaan qabaa waxyaabaha yaryar ee jir in hoos loo eego oo Madaxdhaqameedyada, sida Cuqaasha, Salaadiinta iyo innaga oo Guurtida ah waa inaynu dhamaanteen shirweyne la galaa, sidii wax looga qaban laha gobolka Hargeysa. Waayo, waxa jira Inamo dhalinyar ah oo Faashash sita, Baastoolado sita. Markaa taan leeyahay hoos ha loogu dhaco waa tas sidii wax looga qaban lahaa. Waa in laga fadhiisto, laga wada hadlo, bilays cayimana loo sameeyo.

Ta diiwaan-gelinta waxa Hay’ad baa u xilsaaran, 5 cisho ha ku dhameeyaan, ama bil ha ku dhameeyan ama 6 bilood ha ku dhameeyaan, iyagaa laga xisaabtamayaa, doorashaduna waa inay wakhtigeedii qabsoontaa, dadkuna waa inuu is-diiwaan-geliyaa. Golaheena Guurtiduna wacyi-gelinta wax baynu ku leenahay, oo waa inaynu gobollada u kala baxnaa, wacyi-gelinta inagaa khaas u leh. waxaan leeyahay halkaa dib baynu uga dhacnay, si ay innaga noqotayb”

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Gaaxnuug, oo isagu soo gebo-gabeeyay dooddii Guurtida ayaa ku dooday. “Nabadgelyadu way fiican tahay, waxase ku xeeran duruufo badan. Anigu waxaan aaminsanahay in Golaheenu arrinta komishanka soo wajahday wax ka waydiino sidii wax loogala qaban lahaa. Waayo, gobollada waxa ka soo yeedhaya qaylo dhaan abaar ku saabsan. Xeerkii aynu ansixinay ee diiwaan-gelintu wuxuu dhigayay qofka xuquuqdiisa aasaasiga ah ee uu ku codayn lahaa, oo waa masayrkii umada. Markaa qofku si uu isu diiwaan-geliyo wakhtiga ku haboon waa in xaaladaha jira iyo duruufaha ku xeeran laysla eegaa.”

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.