Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Tirsan Mukhaabaraadka Masar Oo Booqasho Gaaban Ku Yimi Somaliland

Wuxuu Sheegay Inuu Booqasho Shakhsi Ah Ku Joogo Somaliland, Waxaanu Wada Hadalo La Yeeshay Masuuliyiinta Ugu Sar-Saraysa Dawladda

Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) Ashraf Al-Wardani oo loo malaynayo inuu ka tirsan yahay mukhaabaaraadka dalka Masar ayaa dhawrkii maalmood ee ina dhaafay booqasho gaaban ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sarkaalkan oo diiday inuu saxaafadda la hadlo waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta ugu sar-saraysa Somaliland ee Arrimaha Debada, Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin.

Weriye ka tirsan Haatuf oo sarkaalkan kula kulmay Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayuu sarkaalkani u sheegay inuu yahay diblomaasi ka socda Safaaradda ay Masaaridu ku leedahay dalka Djibouti, hase yeeshee wuu diiday inuu xog intaa dhaafsan ka bixiyo ujeedada socdaalkiisa. “Waxa aan ahay Diblomaasi, warbaahintana lama aamini karo, sidaasi darteed way adagtahay inaan wax kuu sheego” ayuu yidhi, Sarkaalkani oo uu weriyuhu weydiiyay ujeedada socdaalkiisa.

Waxa kale oo uu sarkaalkani weriyaha Haatuf weydiiyay, arrin ku saabsan xadhiga suxufi ka tirsan Wargeyska Haatuf oo dabayaaqadii bishii January, 2008, lagu xidhay madaarka dalka Djibouti, ka dib markii ay dawladda dalkaasi diiday inay u fiisayso Passaport-kiisa, laakiin sarkaalka ma sheegin sababta uu mawduucaasi u xiisanayo.

Hase yeeshee ilo ku dhaw dhaw Sarkaalkan Masriga ah ayaa sheegay inuu Masuuliyiinta Somaliland kala hadlay sidii la iskugu soo dhawayn lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti oo aan waqtigan xaadirka ah wanaagsanayn.

Sida ay warar xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland Haatuf u sheegeen sarkaalkani waxa uu u sheegay in dawladda Masar ay haatan wax ka bedeshay siyaasadeeda ku aadan Somaliland, isla markaana ay haatan danaynayso sidii ay dawladda Somaliland wax ula qabsan lahayd.

Sarkaalkan oo ay Haatuf weydiisay mansabka shaqo ee uu ka hayo Safaaradda Masar ee Djibouti wuu diiday inuu sheego, waxaanu ku gaabsaday in aanu saxaafadda la hadlaynin.

Sarkaalkan Masriga ahi markii uu dalka imanayay waxa uu la soo hadlay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland, waxaanu u sheegay inuu dalka ku imanayo booqasho shakhsi ah, markii uu dalka yimidna aad ayuu isku ururinayay, isaga oo sheegay in aanu dalka booqasho rasmi ah ku joogin, sidaasi darteedna aanu wax war ah siinaynin.

Waxay ahayd sannadkii 2004-tii, markii uu dalka Somaliland booqashada ku yimid Safiirka dalka Masar u jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana wada hadalo la yeeshay dawladda Somaliland, balse sida ay wararku sheegeen waxyaabaha uu Safiirkaasi markaa kala hadlay masuuliyiinta Somaliland waxay noqdeen qaar aanay jawaabtoodii raali gelin waxyaabihii uu la socday oo ay ka mid ahaayeen wada hadalo uu doonayay inay Somaliland ku qanciso ka qayb galkii shirkii kooxaha Somalia oo waqtigaasi ka socday Imbagathi.

Ilaa waqtigaasi ma jirin wax wefti oo ay Dawladda Masar u soo dirtay Somaliland.

Hase yeeshee, dawladda Masar intii ka dambaysay 1998-kii markii uu booqashada ku tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Qaahira, dawladda Masar waxa ay Somaliland u soo dirtaa macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada sare ee Somaliland.

Macalimiintan oo ay Somaliland aad ugu baahnayd waxa maalgeliya Baanka horumarinta Islaamka, waxaanay macalimiintu dhigaan maadooyinka cilmiga ah, gaar ahaan kuwa Sayniska, waxaanay macalimiintaasi ku baahsan yihiin gobolada iyo degmooyinka.

Sidoo kale, waxay Masar muddo sannado ah bixin jirtay deeq waxbarasho oo ay siiso ardayda dhamaysata dugsiyada sare, iyada oo ay ardaydaasi wax ka soo bartaan Jaamacadda Azhar oo ku taala dalkaasi.

Sida laga soo xigtay sarkaalka madaxda ka ah macalimiinta Masaarida ah ee Somaliland jooga, in ka badan $500 kun ayaa ku baxda ardayda Somaliland wax ka barata dalka Masar.

Inkasta oo ay Masaaridu hawlahaasi ka wado Somaliland, dadka caadiga ah ee reer Somaliland niyad caynkaasi ah uma hayaan intii ka dambaysay 1988-kii, markii ay dawladda Masar taageero xagga ciidamada ah ku siisay dawladdii kelidii taliyihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, xasuuqyadii iyo meel ka dhacyadii arxan darrada ahaa ee uu kula kacayay shacabka.

Dadka reer Somaliland ayaa intii u dhaxaysay 1930-maadkii ilaa 1980-maadkii, Masar iyo wadamada Carabta waxa ay u arkayeen cida ugu wanaagsan uguna dhaw ee ay xidhiidh iyo wax wada qabsi la yeelan karaan, laakiin intii ka dambaysay 1988-kii, markii ay dawladaha Masar iyo Carabtu taageerada Milateri siiyeen dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo dhegta dhiiga u dartay nus malyuun qof oo reer Somaliland shacab ah oo aan waxba galabsan, waxa soo baxay inay dadka reer Somaliland su’aalo iska weydiiyaan xidhiidhka dhaqan dhaqaale ee ay la leeyihiin Masar iyo Wadamada Carabta.

Sannadihii hore ee Sagaashamaadkii xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Carabtu wuxuu ahaa mid sanadba sanad hoos u soo dhacayay, ka dib markii ay wadamada Carabtu si toos ah iyo si dadbanba uga soo horjeesteen qaddiyadda Somaliland, isla markaana ay dawladda Sucuudigu xayiraad ku soo rogtay xoolaha oo ahaa waxa keli ah ee ay Soomaalidu debada u dhoofiso. Iyada oo sida uu qoraal xusuus qor ah ku sheegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Debada Somaliland, Mudane Gees la rumaysan yahay in dawladda Masar sabab u ahayd in xoolaha Soomaalida laga xayiro suuqyada Sucuudiga.

Sidoo kale, dadkii reer Somaliland ee ka xoogsan jiray wadamada Carabta ayaa iyaguna noqday kuwo la soo mastaafuriyay amaba u haajiray wadamada Yurub, waxaana sannadahan dambe isa soo taraya in saamayntii dhaqan dhaqaale ee wadamada Carabtu ku lahaayeen Somaliland ay u muuqato mid sii baaba’aysa ama taariikhda uun lagaga sheekeeyo, dadka caadiga ah ee dhalinyarada xilliganina aanay xiise caynkaasi ah u qabin xidhiidh dhexmara wadankooda iyo kuwa Carabta.

“Nin ku yidhi, Sinaan mayno adna buri sarayntii” Sidaa waxa yidhi, Guuleed Cabdi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee Hargeysa oo aanu weydiinay sida uu u arko xidhiidh dhexmara Somaliland iyo Carabta. “Walaal midabka Madaw ayay neceb yihiin, haddii aan tusaale soo qaato waa kuwii aabayaasheen ugu heesayay Masar markii 1950-maadkii, laakiin waxay inoogu abaal gudeen inay hubkii dadkeena lagu xasuuqayay Siyaad Barre siiso, waxa taa ka daran Sucuudiga oo ah dhulkii Barakaysnaa tacadiga ugu badan ayaa dadkeena loogu geystaa, maalin walba intaasi oo qoys ayaa marba ruux la soo mastaafuriyaa. Markaa sidii Turkiga diinta afkeena ku turjuman mayno’e, oo diinta iyo afka Carabigaba waynu baran oo Ilaahay ayaa ina amray’e, laakiin nimankaasi wax aynu xidhiidh kula samaysano oo aynu ugu xilano garan maayo” ayuu hadalkiisa ku daray Guuleed oo ka mid ah dadka fikrada Carabnimada ugu dhaw dhaw ee da’da yar.

“Waxa la gaadhay waqtigii Dastuurkeena laga saari lahaa xubin ka ahaanshaha Jaamacadda Carabta, weligeed wefti keli ah inooma ay soo dirin, caawimo kalena hadalkeeda daa, markaa adeer Midawga Afrika iyo kuwo kaleba waynu iska geliy’e nimankii Siyaad Barre sidaad aragtay u caawin jiray maantana sidaa inoo neceb, wax aynu la wadaagi karno ayaaba iska yar oo aan diinta ahayn” ayuu yidhi, Mustafe Cabdi oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa oo shalay Haatuf u waramayay.
 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.