Murtidii Mr. Waddani

Mr Waddani!

Horta, dal madaxweynihiisii garan la’ meel uu jaan iyo cidhib dhigay, tallow taariikhda ma lagu maqlay? Immika, miyaa lay-nayla yaabayaa haddaynu nidhaahno madaxweynihiibaa naga lumaye ciddii aragtaay noo soo sheega!, oo baafino.

Siduu maalin u dhaqaaqay ee uu yidhi, ‘Addis Ababaan tagayaaye ii soo duceeya.’ Haddana Inuu Abu Dabey marayay la sheeg. Abu Dabey-na ka teg baa la yidhoo meeluu u kacay mooyi! Igawalla aqoonsi raadiskiisa mooyaane, waxaan ka baqayaa inuu col afka uga galo. Kii yaraa ee kamarada daba-qaadi jiray ee warkiisa soo diri jirayna miyuu ka hadhay doorkan, illayn waatanoo waxba lagama maqale.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.