Garaad Ismaaciil Ducaale oo ku geeryoodey Laascaanood

 Laascaanood (Somaliland.org) – Garaad Ismaaciil Ducaale oo ahaa iminka Garaadka ugu weyn Isimada reer Sool ayaa galabta ku geeryoodey magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo berrito lagu aasi doono.

Alle ha u naxariistee, Garaad Ismaaciil Ducaale waxa uu u geeryoodey xanuun uu u jiifey dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey.

Garaadku wuxuu ka mid ahaa Isimadii gobolka Sool ee ka qaybqaatay Dib u heshiisiintii Beelaha Somaliland iyo shirarkii Aaya-ka-tashiga ee lagaga dhawaaqay Madax bannaanida iyo Goonni-isu-taagga Somaliland ee lagu qabtay Burco 1991kii, kadib markii la ridey taliskii Siyaad Barre ee Muqdisho, isla markaana ay burburtay Jamhuuriyaddii Somaliya. Waxa kale oo uu ka qaybqaatay shirarkii Beelaha ee Boorame iyo Hargeysa, 1993 iyo 1997 ee lagu dhisay dowladda ilaa hadda ka jirta Somaliland. Waxana uu ahaa Garaad aan mawqifkiisa Somalilandnimadu is beddelin tan iyo 1991.

Alle ha u naxariistee, Garaad Ismaaciil 5tii sannadood ee ugu dambaysey jiifka ku talinayey, waxa xilkiisa sii hayey oo uu u igmaday wiil uu dhalay, waxaana la filayaa in wiilashiisa loo caleema-saaro Garaadnimada.

TACSI:

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax

Xildhibaan Cabdulqaaddir Maxamed Xasan (Indho),

Wasiirka Caddaaladda Somaliland, mudane Axmed Xasan Cali (Casoow),

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Fu’aad Aadan Cadde,

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Liibaan Ducaale Casayr,

Badhasaabka Gobolka Sool, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle),  

Iyo Dhammaan xubnaha Saddexda gole ee dowladda Somaliland kaga jira Beelaha Sool iyo Buuhoodle, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo shacbiga reer Sool iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Garaad Ismaaciil Ducaale. Waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo Iimaan inaga siiyo, Marxuumkana Jannadii Fardowsa ka waraabiyo. Aamin.

Innaa Lillaahu wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

  

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.