DJibuuti: Hayaanka Higsiga Horumarka By: M. Jaambiir, Tifaftiraha Wargeyska Ogaal

 Waa Jamhuuriyad waqtigan u eg mid dad badan kulmisay, soo jiidashada waxtar iyo qaneecaadka wax gashiga ayaa u muuqata ciyaar si fiican u dheelayaan. Isla-markaana ay ku hanteen barnaamijyo horumarineed oo qruxiyay Muraayadooda, dhaqaale shaqo, waxbarasho iyo guud ahaanba adeegyada aasaaska u ah nolosha guud..

Haddii aad haysato ama aad leedahay dhul khayraadkiisu badan yahay, balse aad ka gaajoonayso, waxay taasi muujinaysaa arad-aqooneed. Hase yeeshee, hadii aad aragto dal yar oo aan khayraad dabiiciya oo la majeerto lahayn, hadana horumar ku talaabsaday, higsiga nolol horukac lehna beegsanaya, waxa cad in halkaa garasho iyo aqooni ka adeegtay. Sidaa aawadeed, isbar-bar dhigani wuxuu iftiiminayaa, in fahamka, garashada, aqoonta iyo tacliintu, ay yihiin khayraadka dabiiciga ah midka ugu wayn.

Haatan Jamhuuriyada DJabuuti waxa loo arkaa mid xeelad ahaan iska iibisay jeebabka hodanka ah ee maalgashiga sameeya.

Lama odhan karo cagaarku waa mid simay dalka kor iyo hoos, hase ahaatee wuxu u muuqdaa mid koraya oo xawaare fiican ku socda, haddii uu sidaa ku sii socdana gaadhsiin kara Jabuuti, garaafka sawirka mustaqbalka ay balantoodu tahay inay gaadhaan. Kaasoo qorshe ahaan ugu yeedhaya , Jabuuti, “Dubia/Afrika”.

Qofka 1992-kii ay ugu dambaysay Jabuuti ee waqtigan xaadirka ah booqdaa, durba wuxuu dareemayaa isbedelka dhinaca Jidadka, dhismaha, ganacsiga, Dekeda iyo qaybo kale. isla-markaana waxa soo jiidanaya dhaqdhaqaaqa barnaamijyaa maalgelinta ee socda. Ma maqlaysid hadaladii Sagaashanaadkii dadka reer Jabuuti caanka ku ahaayeen sida, “Mushaharkii waa raagay. Dhowr bilood mushahaarooyinkii waa isgaadheen.”. haatana dhawaaqyadaa waxa bedelay, “Mashruucaa Kuwiat ba wada, kaana Sucuudiga, dhismihii Wershada sibidhkaa Cali Sabiix laga bilaabay, Xoollaa dhoofay.” Iyo weedho la mid ah oo dhamaantoodba ishaaraya shaqooyin si mashquul ah u socda. “Horumarka gobolku wuxuu ku xidhnaan doonaa, madaxbanaanida dhaqaalaha iyo sidaanu u dhiirigelino isku xidhka ganacsiga gobolka iyo abuurista illo shaqo oo isku halayn leh.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha guud ee Hay’adda Dawlad Jabuuti u qaabilsan dhiiri-gelinta maalgaashiga Mr, Cali Xasan Bahdoon oo waraysi arrimaha la xidhiidha siiyaya Joornaalka afka Ingiriiska ku soo baxa ee bishiiba mar oo la yidhaahdo (The Horn Africa Journal).

Hanaanka isu furanka dunida (Globalization) ee maanta lagu socdaa, wuxuu saamaxayaa, in wadan uu dal kale ku yeelan karo dhul beereed uu dalag ku beerto, haddii uu u baahdo. Sidaa aawadeed, Djabuuti waxay heshiisyo noocaas oo kale ah la gashay Suudaan iyo Itoobiya, siday ii sheegeen masuuliyiin arrimahaa u dhuun dalloola. Isla-markaana waxa qorshaha ku jirta barnaamij maalgelin ah oo ay doonayaan inay gudaha dalka wax kaga beeraan, sida geedka timirta. Dhinaca dalxiiska ayaa iyana u muuqata kaabe ay Djabuuti ku taamayso inay xoojiso. Isla-markaana waxay hirgeliyeen Huteelo waawayn oo loogu talo-galay soo jiidashada dalxiisayaasha, kuwaasoo lagu abuuray qaab maalgashi ah. “Djibouti place Kempinski, waa hotel ay maalgelintiisa iska kaashadeen laba maalgaliye (Nakheel-Kempinski), waxaana qaybtiisa labaad la furayaa Xagaaga sanadkan 2008. lacagta uu ku kacayna waxay lagu qiyaasay in ka badan $400 Milyan oo dollar oo u dhiganta 20 Bilyan oo Djabouti Franks ah.” Sidaa waxa lagu qoray buugga ajandaha rasmiga ah ee Jabuuti ee sanadka 2008.

Marka laga tago maal-gelinta shisheeyaha kale ee dunida ee Jabuuti soo jiidatay, wuxuu maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ciyaaray siyaasad uu ku kasbanayo ganacsatada Soomaalida. Taasina waxay haatan u egtahay mid midho dhalaysa. Isla-markaana waxa waqtigan ku sugan Jabuuti ganacsato door ah oo Soomaali ah, kuwaasoo loo fududeeyay tasiilaadkii ganacsigoodu ku degi lahaa Jabuuti, sida dhulka iyo dhamaanba inkaaniyaadka kale. sidaana waxa ku abuurmaya ganacsi ka soo jeeda maalgashi la wadaagayo, taasina waxay sababtay in maalqabeeno badan oo Soomaali ahi u soo guuraan dhinaca Jabuuti, kana yimaadaan Imaaraadka iyo meelo kale. siday ii sheegeen xubno ganacsatadaa ka mid ahi, waxay samaysteen Urur ganacsato, waxaana la filayaa dhawaan in Jabuuti laga furo Bangi Soomaali ah oo Saami qaybi lagu abuuray. Kaasoo haddii uu hirgallo ka dhigi doona tirada Baananka dalka Djabuuti laga furay kii Lixaad. “Runtii Madaxweyne Geelle wuxuu furay asbaab cusub, oo annaga waxtar noo ah, dalkiisana waxtar u ah, waxaanuu og yahay xilka dheeraadka ah ee maanta Soomaali ka saaran. aadna waanu ugu hambalyaynaynaa”. Weedhaasi waxay qayb ka ahayd afkaarta ganacsatada Soomaalida ah ee Jabuuti ku sugan.

Qofka lacagta haystaa wuxuu u baahan yahay meel kaashkiisu ka shaqeeyo, xuquuqda ganacsigiisana faa’iido ahaan sugaysa. “Maalgaliyayaasha dibadu (ajnabiga) waxay faa’iidada u helayaan si la mid ah sdiay u helaan kuwa wadaniga ah”. Sidaas waxa yidhi Agaasimaha guud ee Hay’adda dhiiri-gelinta maalgashiga ee Jabuuti.

Guud ahaan markaan u milicsano jewiga dhaqan/dhaqaale ee Jamhuuriyada Jabuuti, waxaan odhan karaa, waxay si fiican u adeegsadeen luqada dunidu isku maasho, taasina waxay u ekaysiisay maanta, mid ku jirta hayaan ay ku higsanayso bar-tilmaameed loogu yeedhi karo, Saylada kala horista Ganacsiga Afrika iyo Eeshiya. Taasoo hadii ay ugu wada hirgasho siday ku taamayaan ka dhigaysa Jabuuti bidhaan uga muuqata gobolka, si aanay hore uga muuqan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.