Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Axad, 24 February

 Hirdanka siyaasadeed iyo hawlaha shirweynaha Xisbiga Kulmiye halkay marayaan?

  

Hargeysa (Ogaal)  – Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Muxumed Madar ayaa sheegay inaanay jirin wax khilaaf ah oo ka taagan qabashada shirweynaha xisbiga Kulmiye oo la mudeeyay dhawaan, Islamarkaana waxa uu ku dooday in dadka ay iskaga khaldantahay dhaqanka dimuquraadiyada iyo khilaafaadku.

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay idaacada Horyaal shalay. Waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan.

S: Gudoomiye muddo dheer baad ku soo jirteen qabanqaabada shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye bal nooga waran Gudoomiye sida ay ku soo dhamaatay iyo natiijada aad haysaan?

J: Waa dhab muddo dheer baanu ku soo jirnay qabanqaabada shirweynaha, dhib badanina way naga soo qabsatay run ahaantii, taasoo ah dedaal dheeraad ah iyo wakhti badan oo aanu ku luminay. Haatan iyo gebogabadii waxaanu soo gaadhnay heerkii aanu ku soo dhamaynaynay hawshaa iyada ah, isla-markaana aanu qaban lahayn shirkii. Sida aadla socotaana waxaanu u muddaynay 29-ka bisha 3-aad ee sanadkan 2008-da hadii Alle yidhaahdo, wixii hawlo ahaa ee shirkaasi nooga baahnaana 95% way noo dhamaystiran tahay. Haday tahay xag siyaasadeed, dhaqaale iyo xag farsamaba.

S: Muddo dheer baad qaban-qaabada ku soo jirteen, iminkana muddo bil iyo dheeraad ahaa ayaa inaga xigta xila aad u cayinteen in shirweynuhu qabsoomo, maxay tahay sabab aad muddada intaa leeg ugu riixdeen?

J: Waa muddo ilaa 40 cisho ah oo aanu fursad u siinay inay dadku ku soo diyaar-garoobaan. Sababta keentayna waxay tahay waxa laga imanayaan dhamaan Lixda gobol ee Somaliland ergooyinka ka soo qayb-galayaana inay fursad iyaguna u helaan ay ku soo diyaar-garoobaan. Siiba waxaanu tixgelin gaar ah siinay dadka qurba-jooga ah ee ka imanay dalka dibada, hadday tahay Maraykan, Yurub iyo hadii ay joogaan Carabahaba, inay wakhti u heleen ay ku soo diyaar-garoobaan.

S: Muddo fara badan oo aad qaban-qaabada hawshan ku soo jirteen ayaa dadku waxay sheegayeen in qabsoomida shirka ay lugta jiidayeen khilaafyo iyo wax la mid ahi. Markaa ma waxaad leedahay arrimahaas oo dhan waanu ka soo gudubnay oo waxaanu u diyaar-garoobaynaa qabashadii shirwaynaha?

J: Run ahaantii, waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego in dadka waxyaabo badani iskaga khaldan yihiin, qaban-qaabo shirweyne ma hawl-yara. Markaad doonayso inay doorashadaadu nidaam dimuqraadi ah ku salaysnaato ma hawl-yara. Sidaad ogtahayna Xisbiga Kulmiye waa xisbiga keliya ee u taagan inuu dimuqraadiyada dalka u horseedo oo uu ku hago, oo arrintaasi xisbiyada kale kaga gedisan yahay. Markaa tan la leeyahay cid baa is-haysata iyo khilaaf baa jira. Waxaan filayaa dadku waxay kala saari la’yihiin dimuqraadiyadii iyo khilaafkii. Waxaan halkan ka caddaynayaa inaan wax khilaaf ah iyo wax awood kala jiidasho xisbiga dhextaalaa ma jirto. Maadaama ay dad badani isugu yimaadeen Xisbiga, dadkuna ay wada yihiin dad maskax furan, xisbiguna uu yahay xisbi dimuqraadi ah. Runtii ahaantii, aaraadu had iyo jeer waxay noqonaysaa dee aaraada waa laysku khilaafi karaa, sida loo qabanayo shirka, sida wax loo samaynayo. Damac siyaasadeedna meesha wuu ku jiri karaa. Waxaasoo dhami waxay u baahan yihiin runtii dedaal. Maaha sidaasaan ku idhiye yeel. Waxa weeye in lays qanciyaa bay u baahan tahay in laga wada hadlaa bay u baahan tahay, hawsha la galayaa hawl yar maahee, in xisbigu isaga oo gacmaha is-haysta galaa bay u baahan tahay. Wuxuunbay ahayd jilcin iyo sida ugu quruxda badan ee shirkaasi inoogu qabsoomi lahaa, qof wal oo damac lihina u isaga oo raaliya uu uga soo qayb geli lahaa shirka. Ta noogu wayni taasay ahayd. Waxaanaan halkan ka caddaynayaa in wax khilaafaad ah oo dhexdayada yaala xisbi ahaan oo ku saabsan shirkaas iyo qabsoomida jirin. Annaga oo gacmaha is-haysana shirkii sidaa aan ugu dhawaaqnay aan ku heshiinay inaanu ku qabano. Sidaana uu ku qabsoomi doono haddii Ebbe yidhaadho wakhtigaanu u cayinay shirweynihii.

S: Waxaad leedahay caqabado kasta iyo hirdankii jirnayba waanu ka guulaysanay?

J: Runtii caqabadahaa jira ee la sheegayo ayaanaan anigu ogaynba. Run ahaantii waxa na dedajinayay ma jiro. Waxay ahayd wakhtiga ay ku haboon tahay qabashada shirweynuhu inuu qabsoomo ee hawlahayaguna noo dhamadaan. Waxa weeyaan cidda shirka wada galaysa iyada oo u diyaar ah oo raali ku ah inay galaan bay tahay. Taasina waxa weeye maanta mid naga soo gebo-gabawday.

S: Waa imisa ergooyinka ka soo qayb-galaya shirweynaha tiradoodu?

J: Ergooyinka ka soo qayb-galaya shirweynaha waa ergo ku dhow ilaa 500 oo qof, 50 kalena waxay kaga soo qayb-galayaan goob-jooge ahaan. 550 ayuun baa markaa qorshaha noogu jira inay isugu yimaadaan shirka furitaankiisa.

S: Shirweynuhu muxuu qabanayaa, maxay tahay ujeedada shirweynuhu?

J: Shirweynahan waxay tahay ujeedadiisu sida noogu cad distoorka iyo xeerka xisbiga. Ujeedadu waxay tahay in marka hore lagu ansixiyo distoorkii iyo barnaamijka xisbiga, in lagu doorto shirgudoonka xisbiga, in lagu doorto golihii dhexe ee xisbiga. Intaas ayuu ka kooban yahay ujeedada shirweynuhu, hadii aanan kala ilawsanayn.

S: Dad badan baa waxay rumaysnaayeen mudadii badnayd ee aad soo wadeen qaban-qaabada shirweynuhu inay horseedayso burbur markaa wax burbur u soo jiidi karaa ma jiraa?

J: Anigu qaybka wixii maqan ma sheegi karayo. Laakiin, sida diyaar-garowga iyo tabaabushuhu yahay kii xisbigu si dhab ah ugu dhismayay, ee aan wax tafaraaruq ahi ka soo dhex-baxayn ayaan ku rajo-waynahay inuu noqonayo shirwaynaha aanu qabsanaynaa.

S: Marka la eego wakhtigii dheeraa ee aad soo wadeen qabanqaabada shirweynaha oo sida aad sheegtay dooddo badani gudihiisa ka jirtay ma saadaalin kartaa waxay natiijada shirweynuhu noqon karayso?

J: Hadii Alle yidhaahdo waanu ku rajo waynahay, saadaal ahaana waxaan qabaa sida maanta hawl-qabadkayagu uu ahaa. Marnaba wixii Ilaahay qoray waa halkeeda. Laakiin, tabaabushahayaga waxaanu ku rajo waynahay 90% inay noqon doonto mid sida ugu quruxda badan u dhaca, mid ka turjuma himilada umaddu ay ka sugayso xisbiga, ama khatarta wayn ee dalkan ku soo socota ka badbaadiya inay ka soo bixi doonaan haddii Ilaahay yidhaahdo shirweynaha.

S: Gudoomiye, tartanka dimuqraadiyadu waa mid ku cusub umaddeena, shirweynahan uu xisbigu qabsanayaana waa kiisii labaad, markaa ma kaaga muuqata marka la eego qaabka aad u daadihinayseen ama u soo wadeen ma ka muuqataa bisayl siyaasadeed oo ay bulshadu gaadhay ama xiligii koowaad xisbiga?

J: Waa dhab oo dimuqraadiyadu way innagu cusub tahay. Maanta xisbiyada jiraa waa Shan jir, markaa waxa weeye Shan jir markaynu leenahay waxa weeye Xisbi waliba hal shir ayuu qabsaday, kani waa kii labaad. Mudadaa shanta sanadood ah ama da’daa shan jirka ah markaan u eego xisbiga Kulmiye, waxaan rumaysanahay ama aan aaminsanahay inuu xisbi ku astaysan dimuqraadiyad dhab ah oo dhexdiisa ka jirta. Markaa waxa weeye xisbiyada gudahooda inay ka bilaabanto dimuqraadiyadu. Xisbiga Kulmiye waxa uu ka turjumayaa ama u taagan yahay inuu taa ka dhabeeyo, gudihiisana sidii uu maanta hawsha u galay waxay tilmaamaysaa oo ku cad, kuna astaysan tahay in dimuqraadiyad niyad ah uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo mustaqbalka.

Mudanayaasha Guurtida oo dood adag yeeshay

“Hargeysa 8:00 habeenimo suuqyo aan la marin baa jira oo rag iyo haween  shufto ahi haystaan…” Xildhibaan  Maxamed Maxamuud Diiriye,

Hargeysa (Ogaal)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood xasaasi ah, fooda isku daray fadhigoodii shalay oo uu gudoominayay kusimaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Nuux Fure.

Mudanayaasha Guurtida oo maalmahan u dambeeyay ku guda jiray doodaha kal-fadhigoodka 35aad, ayaa shalay si addag uga dooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin, waqtiga diiwaan galinta cod-bixiyaasha, waxyaabaha dhaawici kara nabadgalyada, Idaacad dalka wada gaadha iyo qodobo kale. Mudanayaashii doodooda ka dhiibtay fadhigii shalay waxa ka mid ahaa xildhibaan Ibraahim Ciise Buux, waxana uu doodiisa ku dhaliilay Komishanka doorashooyinka, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waa 45 maalmood muddada diiwaan-gelintu, oo waa Shan-shan cishaa lagu leeyahay diiwaan-gelintu. Kolka la yidhaahdo Somaliland Gobol walba Shan maalmood ha la tira-koobo. Sharcigu wuxuu ahaa ugu yaraan bil, ugu badnaana Saddex bilood ayay ahayd wixii aanu sharciga hore ku baas-garaynay. Markaa haddii Saddexdaa bilood laga dhigo oo lagu daayo maxaa dhacaya? Si ay shacbiga Somaliland ay u wada helaan fursad ay isku wada diiwaan-geliyaan. Waayo, marka muddo la sii kordhiya-ba, shacbigii Somaliland baa soo kordhaya, oo dadkii baa inoo soo badnaanaya. Laakiin, Shan maalmood marka la yidhaahdo, Ka mijinta cunaya ee Hargeysa joogaan is-diiwaan-gelinayn.” Xildhibaan Ibraahin Ciise, wuxuu intaa ku daray oo uu soo jeediyay in xubanaha Komishanka su’aalo laga weydiiyo arrintaa. mar uu ka hadlayay baahida loo qabo Idaacad dalka wada gaadhana wuxuu yidhi, “Midda kale, Idaacad waa loo baahan yahay, Wasiirkii mar hadduu inoo qoran yahay isaga ayaa ka jawaabi doona.” Waxaanu sheegay Mudane Ibraahin Ciise Buux, in loo baahan yahay Ciidan tayaysan nabadgalyada suga.

Xildhibaan  Maxamed Maxamuud Diiriye, oo ka mid ahaa Mudanayaasha doodooda dhiibtay, ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxa ka mid ahaa arrimaha nabadgalyada, “Waxaan la qabaa mudaneyaasha, nabadgelyadu guud ahaan Somaliland meel wanaagsan bay joogtaa. Waxa jira waxyaabo badan oo nabadgelyo xumo abuuri kara. Waxa kow ka ah sicir-bararka maanta dalka ka jira, haddii sicir-barar dhaco, oo dhaqaalo-xumo dhacdo, oo baahiyi dhacdo boob wax la yidhaahdao ayaa dhacaya, kaasina dhibtiisuu leeyahay. Waxyaalaha u baahan in laga gaashaanto oo wax laga qabto ayuu ka mid yahay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diirye, waxaanu intaa ku ladhay, “Midda kale dalka Somaliland, dadka reer Somaliland ee jooga iyo dadka kale ee soo galaytiga ah, waxa badan dadka soo galaytiga ah dhinac kastaba ha ka yimaadeene. Dadka haddii soo galaytigu ku batana waxay keeni kartaa dhaqan xumo, dhaqan-xumaduna waxay keeni kartaa nabadgelyo-daro, tuugo, cadaw kuugu soo dhuunta, oo kaa faa’iidaysta ciduu doonana kuu adeegsada. Markaa waxaan leeyahay waa inay xukuumadu indho badan u yeelato oo la ogaado dadka soo galaytiga ah iyo qaabkay dalka u joogaanba.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay cadaalad-daro dalka ka jirto, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Caddaalad-daraa jirta, cadaalad-daradana waa la yaqaanaa meelahay ka jirto, dhulkay ka jirtaa, maxkamadahay taalaa, dhibaato badan bay leedahay, ha lala xisaabtamo oo Wasaaradda Cadaaladda ha lagula xisaabtamo. Waayo, waxyaalaha nabadgelyo xumada keenaya ayay ka mid tahay.” Waxaanu soo jeediyay Mudanuhu in nabadgalyada la adkeeyo, “Magaalada Hargeysa ee aynu joogno 8:00 habeenimo hadaad gaadho suuqyo aanad mari Karin baa jira oo shufto ah. Waa la yaqaan, oo berigii hore ragguun baa habeenkii shuftayn jireY, imika dumarka ayaa iyaguna la shufteeya oo raggii la socda. Waxaan jeclaan lahaa in la soo celiyo wadaadii la odhan jiray Wanaag farista, oo ciidan bilays ah la siiyo si ay awood u yeeshaan.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diirye.

“Gobolka Sanaag Maamul kaliya ayaa ka jira”

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(Ogaal) -  Guddoomiye-ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna  ku simaha guddoomiyaha  Cabdi-casiis Xasan Siciid oo uu weheliyey guddoomiyaha degmada Xingalool Iimaan Warsame Cirroowe  ayaa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay  xafiiskiisa magaalada Ceerigaabo wuxuu ku beeniyey sheegashada guddoomiyennimada gobolka Sanaag oo ninka magaciisu yahay Max’ud Siciid oo idaacadda BBC-da ka hadlay sheegtay 21/2/08, isagoo sida uu sheegayna xilliga uu waraysiga bixiyay ninkaasi  wuxuu ku sugnaa magaalada Ceelbuh (Bariga Sanaag),

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag waxa uu sheegay inaan ninka sheegtay inuu Gudoomiye ka yahay Gobolka Sanaan aanu iman Karin kuna sugnayn meesha uu sheegtay inuu joogey xilliga uu waraysiga bixiyay. “Gobolka Sanaag hal maammul ayuu leeyahay  waana maammulka Somaliland xuduudaha gobolkuna waa xidhan yihiin  wax ka jiraana majiraan meel uu ku sugan yahayna lama yaqaan ninka 21/2/08 BBC-da ka sheegtay inuu yahay guddoomiyaha gobolka Sanaag”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay badhasab-xigeenka gobolka Sanaag. Isagoo intaas ku daray “Dhammaan degmooyinka dhinaca Bariga ee  Badhan  Laasqoray  Dhahar  iyo  Xiingalool iyo weliba Fiqi-fuliye iyo guud ahaan degmooyinka kale ee Galbeedka intaba waxa ka shaqeeya maammulka Somaliland.  Badhasaabka gobolka Sanaagna waa Cali Cabdi Hurre aniguna badhasaab-kuxigeen ayaan ka ahay imminkana kusime badhasaab ayaan kasii ahay  xarunta gobolkuna waa magaalo-madaxdan Ceerigaabo ee aan manta kusuganahay”.

 Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag waxa kale oo qaylo dhaan ka muujiyey abaaro ba’an iyo biyo la’aan ka jirta gobolka Sanaag”Sida aanu horeba warbaahinta uga shaacinnay waxa jirta abaar ba’an iyo biyo la’aan xooluhuna waa dhimanayaan siiba degaannada xagga buuraleyda oo ugu sii daran  halka meelaha kalena biyo la’aanta ba’an ay ka jirto markaa arrintaas waxaanu codsanaynaa in wax laga qabto”. Sidaas ayuu yidhi Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag

“Mar hadaan Burco joogo waxa waajib igu noqotay inaan umadii la kulmo,..”

Dr, Gaboose

Hargeysa (Ogaal)- Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay inuu kulamo kala duwan iyo xog-waraysiyo la yeeshay qaybaha bulshada gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco.

Dr. Gaboose waxa ku tilmaamay socdaalkiisa gobolkaas inuu la xidhiidho casuumad uu ka helay Urur cilmi baadhista siyaasada ka shaqayn doona oo dhawaan halkaa lagaga dhawaaqay. Waxaana uu sidaa ku sheegay xog-waraysi kooban oo uu Wargeyska Ogaal la yeeshay.

Waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan: -

S: Gudoomiye waxaad nooga warantaa ujeeddada socdaalka aad Burco ku tagtay?

J: Magaalada Burco, horta berigii Ururka aan aasaasnay iyo hawlihii Ururka Qaran wax badan bay nala soo dabaalatay, ka dibna xadhigii waxay ahayd gobolka ugu culus gobolada iyada iyo Hargeysa iyo Ceerigaababa. Ka dib markaa waxaan jeclaa mar ay noqotaba inaan tago. Hase yeeshee, qorshaha aan u tagay wuxuu ahaa Hay’adda la magac baxday Togga, oo maamul wanaaga ka shaqayn doonta gobolka Togdheer iyo dalkaba ayaa na casuuntay, Axsaabtay casuuntay, Xukuumaday casuuntay Ururka Qarana way casuuntay iyo Salaadiintii dalkaba.

Anigu Casuumadasaan u tagay, Casuumada ka sokowna mar hadaan magaaladii joogo waxa waajib igu noqotay inaan umadii la kulmo, uga sheekeeyo halka uu marayo xaalada ururka Qaran, umadii is xog-waraysano, talooyin waydiiyo, iyagu na waydiiyaan, dee arrimahaana dhawr shir baanu ka yeelanay.

S: Ururkan laga aasaasayay Burco muxuu kaga duwan yahay Ururadii hore ee la aasaasay?

J: Ururkani maaha kii hogaaminayay siyaasada, ee waa kii toosinayay siyaasada, ee cidda siyaasada wada hadday xisbi tahay iyo hadday xukuumad tahay ayuu u yahay weel u ansaxay fikir, fikirkay ururinayaan, mujtamacay ku dhex jiraan. Siday wax ku hagaagayaan ayay kaydinayaan, caalamka oo dhana Imback baa loo yaqaan, oo waa weel ay ku ururinayaan fikradaha iyo dhaqanka. Markaa fikirka xaalad walba oo dhacda ayay xukuumada u gaynayaan ama cida kolkaa hagaysa gobolka ama Qaranka. laakiin, inay toosiyaan iyaga khasab kuma aha. Balse caalamka wax garanaya ee jecel horumarka Hay’adahaas waxay u samaystaan inay ka qaataan xaqaa’iqa dhabta ah ee ay wakhti dheer ku lumiyaan si ay u soo ururiyaan.

S: Markaa sidee bay Dalwada iyo Axsaabtu ula shaqaynayaan, maadaama uu urur noocaas ah yahay?

J: Iyagu cilmigii bay hayaan, talo kasta way bixinayaan, tusaale ahaan soo qaato Sidee baa Ictiraafka loo heli karaa? Waxay baadhayaan doorar badan oo caalamku hore u soo maray, kuwa iminka jooga, waxaas oo dhan kolkay ururiyaan talay ka soo bixinayaan. Talada ay ka soo bixiyaana waxay u gudbinayaan cidda ay khusayso oo ay u gudbinayaan taladooda. Xukuumadu haday qaadanayso iyo hadday diidayso iyaday jirtaa ee iyagu kuma laha khasab. Laakiin, caalamka iminka u baahan ayaa qaata talooyinka.

S: Ka sokow taas waxaad sheegtay inaad kulamo la yeelatay dadweynaha gobolka, gaar ahaan Burco, waana ta aanu wali sharciyaysnayn Ururkiinu, xukuumaduna hore waxay u sheegtay in aydaan samayn Karin xidhiidho dhinaca dadweynaha oo ah, markaa waa  maxay waxyaabaha aad dadwaynaha kala hadasheen?

J: Markii hore olole maanu samayn, iminkana olole ma wadno. Waxa jira oo dadku isku khaldayaa ololaha oo ah wakhtiga doorashadu timaado ayaa cida loo ogolaado inay tartanka ka qayb-gasho ayaa barnaamijkeeda siyaasadeed ku soo bandhigaysaa. Iyada oo Astaamaheedana dibada ula soo baxaysa, markaa waa olole ha nala doorto ah oo lays iibinayo. Annagu waxaanu ku jirnaa waxa weeye, waa abaabul. Abaabulku wuxuu kaga duwan yahay ololaha, waxaanu doonaynaa Urur baanu nahay in nala diiwaan-geliyo, sababta aanu u doonaynaana waxa weeye sharciga ayaa taa ogol. Xuquuqna waanu u leenahay in nala diiwaan-geliyo.

Golaha Wakiillada Somaliland Oo laalay Ajandihii Kalfadhiga lixaad       

Hargeysa(Ogaal) – Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay ku kala qabysamay, islamarkaana laalay ajandaha ay ku hawl galayaan kalfadhigooda lixaad oo todobaadkii hore furmay.

Fadhiga Aqalka Wakiillada Somaliland ee shalay ayaa waxa shirgudoonku golaha soo hordhigay nuxurka dood ay xildhibaanadu ku falnqeeyeen qodobada ajandaha, hase yeeshee Mudaneyaasha ayaa ajandaha kalfadhigooda lixaad diiday.

Ajandahan la laalay oo ka koobnaa 8  qodob oo isugu jiray xeerar golahu ku sameynayo dib u eegis, kaabis iyo warbixinada guddi hoosaadyada Golaha cod gacantaag ah oo loo qaaday, waxa diiday 24 Mudane, waxa ogolaaday 17 mudane, mana jirin cid ka aamustay.

Fadhiga oo uu gudoominayay ku simaha Gudoomiyaha,  ahna Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdi-casiis Maxamed Samaale, oo uu dhinac fadhiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad, Md Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka muuqday kala qaybsanaan Xildhibaanada golahaasi ku kala aragti duwanyihiin ajandaha waxana ay dalbadeen qaar ka mid ah xildhibaanadu in la soo hor dhigo hadal qoraalka  doodii ay todobaadkii hore ka yeesheen ajandaha.

 

Ururka Xaqsoor iyo Kulanka adkaynta nabadgelyada

“Somaliland, waa dalka kaliya ee fashaliyey falalka ay ku kacayaan argaxisadu”

Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Ogaal)- Aqoon is-waydaarsi lagaga hadlayo adkaynta nabadgalyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa is faham dhex-mara booliska iyo dadweynaha reer Somaliland ayaa shalay ka furmay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Aqoon is-waydaarsigan oo socon doona muddo shan maalmood ah, oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka wadaniga ah ee Xaqsoor, isla markaana ay maalgalisay Hay’adda UNDP, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha booliska Somaliland, Masuuliyiin ka socday UNDP, Xubno ka tirsan Ururka XAQSOOR, ilaa 60 xubnood oo isugu jira Madax-dhaqameed iyo booliska Somaliland iyo Martisharaf kale. Inta uu socdo siminaarkani waxa lagaga wada hadli doonaa, sidii kor loogu qaadi lahaa nabadgalyada dalka guud ahaanba iyo is faham dheeraad ah oo bulshada iyo boolisku yeeshaan. Sidoo kalana ay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha dhibaataynaya nabadgalyada dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-ciro), oo aqoon iswaydaarsigaa furay, ayaa sheegay in ay Somaliland u baahan tahay booliis ka shaqeeyaya adkaynta nabadgalyada iyo xasiloonida. Isla markaana qof kasta oo Somaliland joogaa uu xaq u leeyahay ilaalinta nabadgalyadiisa, sharaftiisa, diintiisa iyo maalkiisaba, qof kasta oo dambiila ah oo la soo qabtana sharciga la horgeeyo, sidoo kalana dhaqan celin lagu sameeyo si aanu mar dambe u samayn fal-dambiyeed kale. “Waxaanu diyaar u nahay hadaanu nahay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Ciidanka booliiska-ba in aanu si buuxda ula shaqayno Culimo-awdiinka, Madax-dhaqameedka, Haweenka, dhalinyarada, Ururada bulshada iyo dhamaan bulshado-weynta Somaliland, si loo helo amni iyo nabadgalyo sugan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka daakhiliga Somaliland. Waxaanu xusay in Wasaaraddoodu u xilsaaran tahay nabadgalyada dalka guud ahaanba iyaga oo kaashanaya Ciidanka bilayska. Isla markaana ay Wasaarad ahaan wax badan ka qabteen nabadgalyada ilaa 2005-tii. “Somaliland, waa dalka kaliya ee Afrika ku yaala, ee fashaliyey falalka ay ku kacayaan argaxisadu. Waxaanu carabka ku dhuftay in booliska iyio Ciidamada Somaliland la hormarin doono shanta sanno ee soo socda.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha

Sidoo kale waxa aqoon is-waydaarsigaa ka hadlay Taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, oo ka waramay sida ay kor ugu qaadeen aqoonta iyo tayada ciidanka boliska, waxaanu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay soo dhowyihiin doorashooiyinkii, isla markaana ay feejignaadaan waayo-buu yidhi “Mar kasta oo ay doorasho soo galayso waxa jira dad ku dhex dhuunta shacabka si ay doorashada u carqaladeeyaan.” Mr. Saqadhi dubad waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidka dadweynaha iyo booliska, waxaanu soo jeediyey kulamada caynkan oo kale ah lagu dedaalo qabashadooda, si la isugu xidhnaado.
waxa iyana halkaa ka hadashay faadumo siciid oo ka tirsan hayada UNDP waxaanay ka qaybgalayaasha u soo jeedisay sida odayaal dhaqameedka booliska inay aqoon iswaydaarsigan ka faaidaystaan oo qof waliba sida ugu haboon e lagu wada shaqayn karo soo bandhigo, isla markaana araahda wax lagu gaadhi karo ay isku waydaarsadaan ka qayb-galayaashu.

waxa isna halkaa ka hadlay Stuart donalson oo ka socday UNDP, oo isna ka qaybgalaayasha u soo jeediyey inay fikirkooda soo bandhigaan Mr. Stuart waxa uu mahad-naq u soo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha booliska Somaliland.
 

UNICEF iyo soo noolaynta xidhiidhka Saxaafadda

Hargeysa (Ogaal)- Shir lagaga wada-hadlayay sidii ay u wada-shaqayn lahaayeen Warbaahinta Somaliland iyo Hay’adda UNICEF, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan, oo ay Hay’adda Unicef ku soo bandhigtay wax-qabadkooda kala duwan ee adeegyada aasaasiga ah, ayaa waxa warbixin dheer oo qoraal ah warbaahinta loo qaybqaybiyay u sharraxay Madaxa Hay’adda Unicef ee Somaliland/Somalia Mr. Christian Balslev-Olesen. Isla markaana warbixintan oo taabanaysay dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda biyaha, xuquuqaadka ubadka, cudurka HIV/AIDS, tamar-darrida caruurta yar-yar iyo guud ahaanba xaqiiqooyin la xidhiidha hawlihii u qabsoomay sannadihii tegay iyo kuwa ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan sannadkan 2008 oo qorshayaasha Hay’adda Unicef ugu jira. Sidoo kale, Hay’adda Unicef waxay shaaca ka qaadeen in tallaabo kasta oo warbaahintu uga baahdaan ay kala-shaqayn doonaan, taasoo masuuliyiinta hay’addaas loo caddeeyay inaanay hadda ka hor jirin xidhiidho noocaas oo kale ah oo uu xafiiskoodu la lahaa warbaahinta. Waxa kale, oo masuuliyiinta hay’addu ka hadleen in istaraatiijiyada ay ka duulayaan tahay mid ay kula shaqaynayaan Wasaaraddaha dawladda, oo taasna ay kala siman yihiin hay’addaha kale ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen xubno isugu jiray Guddoomiyayaal iyo Wariyayaal  ka kala socday warbaahinta Somaliland, waxay masuuliyiinta Hay’adda Unicef ku soo bandhigeen meelaha baahiyaadka ubadka, haweenka, iyo agabyada aasaasiga ahiba u badan yihiin ee ay tahay in awoodda la saaro, kuwaasoo dabcan loo baahanayo gudbintii dhinaca dadweynaha ee warbaahineed, si laysaga kaashado sare u qaadista dhinacyaddaas. Waxaanay masuuliyiintaasi ballanqaadeen inay diyaar u yihiin wixii xogo dheeraad ah looga baahdo mar kasta oo warbaahintu daba-joogto macluumaadyo la xidhiidha mashaariicda la fuliyay, fuli doona ama gacantaba lagu hayo ee u muuqan waaya sawirkii ay lahaayeen ama mad-madow soo galo. Kulankan oo Hay’adda Unicef oo lagu faaqiday xuquuqaadka caruurta iyo ilaalintooda, waxay warbaahinta ku adkeeyeen in haddii wada-shaqayn ay ka wada yeeshaan Hay’adda Unicef iyo Warbaahinta Somaliland markaa laga gaadhi karo horumarro la taaban karo.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.