Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 31 Jan.

  “Somaliland faro-guudkood  ayuun bay ka heshaa dhaqaalaha Afrikaanku kaga qaadaan Maraykanka dagaalka argagixisada”By Matt Mainen

Washington (Wahington Post/The Retriever Weekly/Ogaal) – Xukuumadda Maraykanka ayaa danaynaysa aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay siiso Somaliland, sidaana waxa lagu sheegay maqaal uu baahiyay Wargeyska The Washington Post, oo ay ka xigteen shabakaddaha wararka caalamka qaarkood.

Maqaalkaas oo uu qoray Mr Matt Mainen, oo ka tirsan Wargeyska The Retriever Weekly, oo ka soo baxa dalka Maraykanka, kaas oo Wargeyska Post ka soo xigtay dood ay baarlamaanka Maraykanku ka yeesheen arrimaha xilligan ee Soomaaliya, waxa uu weriyuhu ku sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tusaale fiican u tahay dhulalka ay dawladduhu ka jiraan ee xuduudaha leh, balse maamuladoodu ay yihiin dawlad-gobollo. Maqaalkaas oo aad u dheeraa, isla markaana uu suxufigu kaga warramay inta badan dalka Soomaaliya, oo uu sheegay inay u kala jajabtay qaybo kala duwan, waxa qaybta uu kaga hadlayo Somaliland oo aanu si gaar ah uga soo xullay maqaalkiisa ku yidhi: “Maqaal lagu daabacay Wargeyska The Washington Post (“Dooddii Maraykanku waxay isu bedeshay inay taageeraan khilaafaadka”) kaas oo lagu sheegay in Maraykanku uu tixgelinayo inuu aqoonsi diblomaasiyadeed siiyo maamul-goboleedka Somaliland ee ku yaala waqooyi/galbeed ee Soomaaliya. Inkasta oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee lala yeesho qaramada gaarkooda u goáy ay sababto muran qalafsan, haddana waxa jira xaaladdo khaas ah, oo waafaqsan heerka caalamiga ah ee lagu ixtiraamo maamul leh madaxbanaani buuxda iyo xuduud-dhuleed dhamaystiran oo la xidhiidha dhulka ku jira xuduudahooda rasmiga ah, kaas oo mudan in la aqbalo. Qaddiyadda Somaliland waa tusaale xooggan.

Somaliland ma aqoonsana dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya, isla markaana waxay isu arkayaan inay haystaan madaxbanaani buuxda. Inkasta oo ay kooban tahay caawimada dibadeed ee ay helaan, maadaama ay dalalka iskood isu taagaa ay ka helaan wax aad u yar dawladdaha aanay la wadaagin wax xidhiidh diblomaasiyadeed, ayaa haddana Somaliland waxay u tallaabsatay si cajiib leh. Bishii February 27 (2007), Nicholas Kristof, oo ah aqoonyahan aad loo yaqaano, ayaa maqaal uu cinwaan uga dhigay “Dhulka Caanaha Geela iyo Malabka,” oo uu ku qoray Wargeyska New York Times, waxa uu ku sharraxay Somaliland sida qaran dimuquraadiyadeed oo degenaansho haysta, oo ay ka taliso dawlad si fiican oo xor ah u shaqaynaysa oo lagu soo doortay doorashooyin xor ah, isla markaana ay si wanaagsan uga jiraan adeegyadii arrimaha bulshada oo ay ku jiraan dugsiyadii, cusbataaladii iyo xataa laybareeriyadii. Marka la barbar dhigo magaalada Muqdisho, halkaas oo uu qofku dareemi karo qaawanaan inuu soconayo, haddii aanu jidhkiisa oo dhan hubaynin, oo aanu haysanin qoryaha darandooriga u dhaca, waxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa hoy u tahay “Barwaaqada dahabka iyo suuqa dhaqaalaha [halkaasoo] kooxo dad ah, oo badankoodu yihiin haween, ay malaayiin doollar dahab u dhigma qiime ahaan iyo dhagxaanta qaaliga ah iyo sarifka lacagaha qalaad, waxa ay kaga ganacsadaan oo la fadhiyaan banaanada.”

“Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa doonaysa inay cadaadis ku saaraan xukuumadooda sidii xidhiidh diblomaasiyadeed loola yeelan lahaa Somaliland, taasoo u arkaysa inay taasi tahay tallaabo sax ah oo dhinacaa (Somaliland) loo qaadayo, marka loo eego dagaalka lagala soo horjeedo Al-Qaacidda iyo muslimiinta mayalka adag. Iyada oo dalal badan oo Afrikaan ahi ay dhaqaale badan kaga helaan Maraykanka dagaalka argagixisada, kuwaas oo aan guul ka gaadhin, ayaa Somaliland waxay arrintaa ku heshaa wax faro-guudkood ah oo dhaqaalahaas ka mid ah, balse taas natiijadeedu waa inay noqotaa abaal-marin ay ku helaan dedaalkooda oo ay yeelataa hanaanka sidii dal madaxbanaan. Maadaama la doonayo in guul laga gaadho dagaalka argagixisadda lagula jiro, ayaa dagaalkani waxa uu noqonayaa mid fikir ahaaneed, balse maaha dagaal u dhexeeya dimuquraadiyadda iyo islaamka, isla markaana ma jiraan cid maaro u heli karta kooxaha islaamiyiinta ah, oo aan ka ahayn in laga sameeyo xukuumado furfuran oo xor ah, oo ka dhasha dhulalka ay iyagu (Kooxaha Islaamka) jecel yihiin inay gacanta ku hayaan. Sidaas daraadeed, ma kala cadda mustaqbalka Soomaaliya, marka la barbar dhigo Somaliland, waana sida ay u leeyihiin (Maraykanka), “Shimbirta gacantaada ku jirtaa, waxay ka wanaagsan tahay laba shimbirood oo duurka ku jira.”

Madaxii Xafiiska Hay’adda Hallo Trust ee Hargeysa oo Toogasho lagu dhaawacay

 Hargeysa (Ogaal) – Sarkaal u dhashay dalka Armenia oo madax ka ah Mashruuca Hay’adda Ingiriiska ah ee Miina-saarka, HALLO TRUST ka fuliso Somaliland ayaa toogasho lagu dhaawacay shalay, magaalada Hargeysa. Waxaana dhaawiciisa Islagelinkii danbe ee shalay loo qaaday Jabuuti.

Ninkii falkaasi geystey oo isagu ka tirsanaa shaqaalaha muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ayaa isagana boolisku dhaawac ku qabtay. Waxaana labadoodaba loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo gargaar degdeg ah iyo daaweyn loogu sameeyey.

Sida wararku sheegayaan, ninka ku eedaysan falkan toogashada ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusuf (Cabdi Madoobe), kana mid ahaa hoggaamiyayaasha ama madaxda kooxaha miina-saarka muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ka shaqeeya, balse, shaqada laga eryey laba maalmood ka hor ayaa gelinkii hore ee shalay xafiiska ugu tegey ninka Armenian-ka ah ee madaxda ka ah Barnaamujka hay’adda HALLO TRUST ee Somaliland. Waxana la sheegay inuu ku ridey xabad baastooladeed, taas oo kaga dhacday Caloosha. Hase yeeshee, waxa isagana xabad lugta kaga dhaawacay ilaalada Booliska ah ee xafiiska hay’adda, isla markaana gacanta ku dhigay ninka falka geystey. Waxaana labada ninba dhaawacooda la geeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo qalliino fudud iyo daaweyn loogu sameeyey.

Waxa la sheegay in labada ninba dhaawacoodu fudud yahay. Ninka Armenian-ka ah ayaa la sheegay in dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in xabaddu ay calooshiisa ka gudubtey, mindhiciradana aanay jarin, halka ninka muwaaddinka ah laftiisa la sheegay in xabbadda oo kaga dhacday lugtu aanay jebin lafta.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cabdilaahi Ciro), oo falkan ka hadlay ayaa isaguna sheegay in Ciidamada nabad-gelyadu ay baadhayaan arrintan, isla markaana ay gacanta ku hayaan Baastooladii falkaa lagu galay iyo ninka ku eedaysanba.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in eedaysanaha falkan loo qabtay  (Cabdi Madoobe) uu Hay’ada Hollo Trust u shaqaynayay muddo gaadhaysa Sideed Sannadood, islamarkaana uu ka mid ahaa shaqaale dhawaan hayadu dhintay oo xaqiisii la siiyay.

Taliyaha Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo isagana wax laga weydiiyay falkan ayaa ku raacay Wasiirka arrintaasi isaga oo sheegay taliyuhu in muddadii heshiiku ka dhamaatay eedaysanaha, Isla maantana la siiyay xuquuqdiisii. Hase-ahaatee, Mr. Cabdi Madboobe oo Warbraahintu dhiniciisa wax ka waydiisay sababta ku kaliftay in uu toogto sarkaalka Ajanabiga ah, ayaa waxa uu ku dooday  in uu duudsiyey xaquuqdiisii mu’waadinimo.

Eedaysanahan ayaa markii danbe loo gudbiyay xarunta baadhista denbiyada oo dhacdadan gacanta ku haysa.

Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqda aadamaha Qaranka Axmed Yuusuf Xuseen ayaa falkan lagu dhaawacay sarkaalka u shaqaynayay Hayada miinada dhaleeceeyay. Waxana uu tilmaamay inaanay haboonayn in qofka wax tirsanayaa sharciga gacantiisa ku fushado.

Baarlamaanka Maraykanka oo la horgeynayo mooshin lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland

“Waan taageerayaa mooshinkaa sharci, haddii aan qoraal taageero ah ugu gudbinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo haddii baarlamaanka la horgeynayoba……”

Howard Coble: Mudd. Baarlamaanka USA ka tirsan

Washington DC (SSI/Ogaal)- Mooshin qoraal ah, oo ka hadlayay in ay tahay in Dawladda Maraykanku aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland, ayaa la diyaariyay, isla markaana loo soo bandhigay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Sidaana waxa faafiyay Wargeyska Sub-Saharan ee ka soo baxa dalka Itoobiya.

Qoraalka mooshinkan, oo ay soo diyaariyeen koox isku magacaabay “Saaxiibbada dadka reer Somaliland,” ayaa waxa lagaga dalbanayaa in Dawladda Maraykanku ay si rasmi ah u aqoonsato qarannimada Madax-bannaanida Somaliland. “Guddaha Xuduudeheeda xilligii gumaysiga, oo aan wali baabi’in, ayaa waxa sabab caqli-gal ah, tallaabada loo qaaday dhinaca abuuritaanka nabadgelyada gobolka geeska Afrika, una sahasho inay aqoonsadaan (Somaliland) qawaaniinta aasaasiga ah ee caalamiga ah,” Sidaa waxa yidhi Patrick Limberry oo ah Madaxa Garabka Kooxdan Saaxiibada Somaliland ee Maraykanka, kaas oo xildhibaanada kongareeska Maraykanka kala sheekaystay hordhaca mooshinkan u aqoonsanaya Somaliland sidii waddan madaxbanaan. Isla markaana waxa uu halkaa ka akhriyay war-saxaafadeed ay kooxddiisu soo saareen.

“Hadda waxaynu raadinaynaa cid inala qaadata mooshinkan, sidaa aawadeed, waxa la horgeyn karaa mid ka mid ah labada aqal (baarlamaanka Maraykanka). Mar horeba way arkayeen Dawladda Somaliland iyo qolooyinka Somaliland uga ololeeya Maraykanka guddihiisa. Bar-bilowgii ugu horeeyayba, waxaan kulamo la yeeshay Xildhibaanada Aqalka Odayaasha iyo kuwa Golaha Wakiillada  ee aan anigu ka midka ahay,” ayuu yidhi Sen. Patrick, mar uu u warramayay Shabakadda wararka ee lagu magacaabo Addishorn.com, sida uu faafiyay Wargeyska Sub-Saharan Informer ee ka soo baxa Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Mr. Patrick Limberry waxa uu la kulmay, Xildhaano ay ka mid yihiin Sen. Dole, Sen. Burr iyo Sen. Coble oo saddexdooduba ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ah iyo Xil. Miller oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Dimuqraadiga ah, xubinna ka ah Guddiga arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Maraykanka.

War-Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Xildhibaan Howard Coble, oo ah muddane ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, waxa lagu sheegay inuu danaynayo, isla markaana uu taageerayo mooshinkan sharci, sidoo kalena uu diyaar u yahay arrintaas haddii uu qoraal taageero ah ugu gudbinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo haddii xaqiiqatan loo arkayo in mooshinkan la hor-dhigayo Aqalka Baarlamaankaba, sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka la soo saaray.

War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Wefti sare oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ay dalka Maraykanka ka ambabaxeen 19-kii January, ka dib booqasho siddeed Maalmood qaadatay oo uu halkaa ku tegay, mudadii ay halkaa joogeena, waxa uu kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka, Waaxda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka, Wasaaradda Difaaca, iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Amaanka Qaranka. “Booqashadan saaxiibtinimo ee midho-dhalka ahi waxay muujinaysay guda-galka Maraykanka ee xidhiidho dheeraad ah, oo uu la wadaago Somaliland, si loo balaadhiyo danahayaga guud ee aanu la wadaagno dhulalka gobollada amaanka ah ku yaala, ee horumarinta dhaqaale iyo isbedellada dimuquraadiyadeedba ay ka jiraan,” Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku, isla markaana lagu soo xiganayay war-saxaafadeedka ay soo saareen kooxda saaxiibada Somaliland.

54 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Golis

“Waa markii ugu horaysay ee 35 sarkaal oo Bolis ahi ka qalin jabiyaan heer Jaamacadeed Dalka gudihiisa” Gudoomiyaha Jaamacada Golis

“Waa in wadankeenu uu noqdaa mid ay doorashooyinku ku dhacaan  wakhtigoodii kuna  qabsoomaan  si cadaalad ah booliskuna ay ilaaliyaan cadaaladda” Marwo, Edna Aadan

Hargeysa(Ogaal) – 54 Arday oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa ayaa shalay la gudoonsiiyay shahaadooyin. Kuwaasoo qayb ka mid ahi ay ka tirsanyihiin ciidamada Boliska Somaliland oo mudo laba sano ah baranayey culuunta Baadhista danbiyada iyo qaybaha kale ee ardaydaas oo ka qalin jebiyay Culuunta dhismaha (Civil Engineering) iyo Layliga macalimiinta.

 Xaflad loo sameeyay qalin-jabinta Ardaydan oo lagu qabtay Xurunta Jaamacada Golis ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay shirgudoonka Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, Taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa, xubno Wasiiro ah, Maamulka Jaamacada, Ardayda, Waalidoontaada iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Waxaana ugu horeyn Xaflaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacada Golis Dr. Siciid Axmed Xassan, oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda ay la soo mareen hirgalinta Jaamacadda oo uu tilmaamay inay dedaal iyo wakhti badan u hureen, isaga oo sidoo kalana ka xogwaramay heerkii waxbarasho ee Ardayda qalin-jabisay iyo in rabitaanka maamulka Jaamacadu uu yahay mid ka duulaya baahida dalka iyo inay wax u soo kordhiyaan dalka iyo dadkooda labadaba. “Markii hore ujeedadayadu waxay ahayd in aanu Dugsi sare ka dhisno Biyo-shiinaha, markii aanu aragnay in Dugsiyada dalka soo badanayaan, iyaga oo marka hore yaraa ayaanu ku talo-galay inaanu ka dhigno College, maadaama ardayda dugsiga sare ka soo baxaysaa badanayaan, College ayaananu ku bilawnay, ka dibna Ardaydii College-ka dhiganaysay ayaa naga codsatay inaanu Jaamacad dhamaystiran ka dhigno, Wasaaradda waxbarashada ayaanu la xidhiidhnay, waanay noo suurtagaliyeen Jaamacada Golis, aadna waanu ugu mahad-naqaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Dr Siciid, waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Maanta waa maalin taariikhi ah, jaamacada Golis uun ma ahee dalka taariikhdiisa ayay ku qormaysaa, waana markii u horeysay ee tababarka booliska baadhista dambiyada iyo xirfada ciidanka heer jaamacadeed lagu barto, waxana bartay oo ka qalin jabiyay 35 sarkaal oo 7 yihiin ciidanka Asluubta halka 28 ay booliska ka tirsan yihiin.

Waxa xusid mudan Ardayda Booliska ah oo halkan muddo laba sanno ah wax ku baranaysay in ay bilaash wax ku baranayeen, labadaa sannadood, iyaguna aad bay u dedaaleen oo iyaga oo Qaranka u shaqaynaya ayay kowda maalinimo halkaa (Jaamacada) diyaar ku ahaayeen, waanay ku mahadsanyiin sida ay dedaalkooda u muujiyeen.”

Guddoomiyaha Jaamacada Golis waxa uu tilmaamay oo kale in ku talagalkoodu yahay inay furan College dumarka  gaar u ah, isla markaana ay boqol hablood oo xaafidsan Qur’aanka Kariimka ah ku bilaabi doonaan. waxaanu sheegay inay hablahaas u dhigayaan dugsiga sare muddo laba sannadood ah, isla markaana ay u raacin doonaan College laba sannadood ah. Sidoo kalana waxa uu sheegay Dr, Siciid in ay qorsheeyeen inay furayaan Kuliyaddo lagu baran doono culuunta beeraha, iyo Suugaanta Af Soomaaliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay wax weyn u  tari doonaan hurmarka dalka. Waxaanu aad ugu mahad-naqay madaxdii iyo marti-sharaftii Xafladaas ka soo qayb-galay.

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, “Saraakiisha, booliska iyo Asluubta ee maanta halkan ka baxaya, ee ay u dhamaadeen labadii sanno ee hore, waan u mahadnaqayaa,  aad iyo aad waxaan ugu mahad naqayaa Guddoomiyaha Jaamacada Golis ee soo dhaweeyay hirgaliyayna Ciidanka booliska iyo asluubta iyaga oo aan wax lacag ah bixin. Sannadkan 2008-da waxaanu aad u rajaynaynaa in wax weyni ay iska bedalaan dhinaca booliska xaga waxbarashada iyo wixii kale ee boolisku u baahan yahayba.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubadad waxana uu intaa ku daray oo uu tilmaamay inay dedaal badan ugu jiraan kor u qaadida aqoonta Ciidanka Booliska. Islamarkaana waxa uu sheegay inay jiraan arday kala duwan oo kale oo Boliska tababaro ugu maqan, ayna jiraan rajooyin badan oo ay filayaan inay deeqo waxbarasho ka helaan dhinaca dalalka dibada, waxaanu xusay in ay si cadaalad ah imtixaam uga qaadaan cida ay u dirayaan tabarada dibada iyo gudaha dalka labadaba.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyana munaasibada hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay in amaanka iyo cadaaladu ay aas-aas u yihiin Nolosha binu-aadmiga, waxana ay tusaale u soo qaadatay dhibaatooyinka ka taagan wadanka Kenya.

Marwo Edna waxa ay  ku baaqday in doorashooyinku dalka ka dhacaan wakhtigoodii isla markaana ay  si cadaaladi ku jirto u qabsoomaan, “Waxaan ilaahay ka baryayaa in dalkeenu noqdo mid  nabad loogu nool yahay oo darsi  iyo fikrad ka qaadano dalalka aynu dariska nahay iyo waxyaabaha ka dhacaya tusaale ahaan dalka Kenya oo ahaa wadanka ugu shisheeyaha iyo dalxiiseyaasha badnaa in uu imika ku dhow yahay burbur, markaa waa in wadankeenu uu noqdaa mid ay doorashooyinku ku dhacaan  wakhtigoodii kuna  qabsoomaan  si cadaalad ah booliskuna ay ilaaliyaan cadaaladda.”

Marwo Edna Aadan, waxay ciidamadaas tababarka dhamaystay ay  u rajaysay inay noqdaan kuwa wax ka tara taabo gelinta cadaalada iyo ku dhaqanka sharciga.

sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland Cali Cabdi Odawaa, oo ku dheeraaday mihiimada ay waxbarashadu leedahay iyo inay wasaarad ahaan taageersan yihiin cid kasta oo waxbarashada dalka kor u qaadaysa, isla markaana ay soo dhawaynayaan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah ardayda qalin-jabisay, Sida mid ka mid ah Ardayda Boliska ah Cabdisalaan (Diinqale) oo tilmaamay inay ku dedaali doonaan in aqoontii ay barteen ay Bulshada uga faa’iidayn doonaan, isaga oo dhinaca kalena codsaday inay loo dhamaystiro labada sanadood ee uga dhiman aqoontooda Jaamacadeed oo uu sheegay in muddo laba sanadood ah Jaamaca Golis ku caawisay.

ugu dambayntiina Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise (Talaabo) ayaa gudoonsiiyay Shahaadooyin ardaydii waxbarashadu u dhamaatay, iyada oo Jaamacadu xubno kale shahaadooyin-sharafyo guddoonsiisay, sida Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka waxbarashada Xasan X. Maxamuud,  wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan  iyo mid ka mid ah macalimiintooda. Waxa kale, oo xafladaas lagu soo bandhigay Suugaan iyo madadaalooyin ka turjumaya Baahida Waxbarashada iyo dhiirigelinteeda.

Muqdisho: Dib u gurashada Itobiya, Dardaar werinta Uganda iyo debaal dega shacabka

 Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) – Dawlada Uganda ayaa sheegatay in aanay iyaga oo keli ahi ku filayn soo celinta iyo sugida Amaanka Magaalada Muqdisho.

Warbixin uu daabacay shalay wargeeyska New Fition oo soo xigatay saraakiil sar sare oo ka tirasn dawlada Uganda ayaa lagu sheegay in mudo sanad ah ay wakhtigan gaadhayso laga soo bilaabo xiligii ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ay gaadheen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u tagay  howlo Nabad ilaalin ah, laakiin ayay tidhi warbixintu iminka ay soo wajahday Dhibaato adag oo aaanay kaligood sugu kari amaanka Magaalada Muqdisho.

Warbixinta uu daabacay wargeeysku waxa kale oo lagu sheegay in ciidamada Uganda ay naftooda khatar u galiyeen  xaalad adag oo ka taagan gobolka, gaar ahaan  wadan ay isku hayaan labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea waa sida warbixnta lagu soo daabacy’e.

Waxa ay ku doodeen saraakiisha  Uganda in Ciidamadoodu mudadii ay joogeen Somaliya ay ka qabteen hawlo badan, ayna gacanta ku hayeen madaarka iyo Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

 Dalka Somalia waxa ku sugan ciidamo Ka socda Dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasoo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM ee AU- du ugu talagashay in ay ka qaybqaataan nabad ilaalinta dalka Somaliya, waxaana horay u balan qaaday inay  ciidamo geyn doonaan  Dalka Somalia Dalka Nigeria iyo dalal kale oo ka mida ah Midowga Africa.

Dhawaaqa ka soo yeedhay ciidamada Uganda ayaa ku soo beegmey, xili ay soo baxayeen Ciidamada Ethiopia oo dib uga guuray in badan oo ka mid ah fadhiismihii ay ku lahaayeen magaalad Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn meesha ay u digo rogan doonaan.

Talaabada ciidamada Itoobiya ku baneeyeen fadhiisimo badan oo ay hore u deganaayeen magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha magaaladaasi aad u soo dhaweeyeen, iyagoo kaga jawaabay habeen hore banaanbax ay arrintaa ugu dabaal dagayeen.

Dhinaca kale, ciidamo gaadhaya ilaa 100, Askari oo ka tirsan ciidamada daacada u ah dawlada Cabdilaahi Yuusuf ayaa sida ay faafisay idaacada Shabeele oo ka howlgasha magaalada Muqdisho, shalay baadhitaan u geystay dad shacab ah oo deegaanka Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir magaalada Muqdisho, talaabadan oo noqotay falkii ugu horeeyay ee toos ciidamadu ugu dhacaan shacabka in kasta oo ay hore u jireen cabashooyin xad dhaaf ah iyo eedaymo ciidamada dawlada loogu jeedin jiray inay iyagoo ku libisan dirayska dadka shacabka ah baadhitaano u gaystaan. Taasoo dawlada Cabdilaahi Yuusufna dhineceeda ka dafiri jirtay.

Ololihii Talaalka oo Shalay la soo geba-gabeeyay

Hargeysa (Ogaal)- Ololihii Talaalka Cudurka Dabaysha oo muddo seddex cisho ah si balaadhan uga socday Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland ayaa shalay la soo geba-gabeeyay.

Ololahan Tallaalka oo isniintii todobaadkan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, si rasmi ah ugaga dhawaaqay munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, xubno ka kala socday Hay’addaha WHO, UNICEF iyo marti sharaf kale ayaa  waxa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, oo sheegay in Cudurka dabaysha ay ku guulaysteen in Gobolada dalka laga dabar gooyo, isla markaana ay ololahan talaalka uga faa’iidaysanayaan ka hortaga xanuunkan oo uu sheegay in uu soo noq-noqdo. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Illaahay ayaa mahad leh, oo runtii inaga dhameeyay xanuunkan. Cudurkan Dabaysha Gobolada oo dhan waa laga cidhib-tiray, talaalkanina waa ka hor tag ilmaha la rabo in uu difaac u yeesho xanuunkan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir xigeenka Caafimaadku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hadafka dawlada, ka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waa in qof kastaa uu helo caafimaad, helina karo dawo.” Wasiir ku-xigeenku, waxa uu sheegay in Talaalkani yahay talaabadii ugu horeysay dhinaca talaalka ee sannadkan cusub ee 2008-da. isla markaana ay heegan u yihiin si kasta oo wax lagaga qabanayo caafimaadka bulshada guud ahaanba.

Waxa isna halkaas ka hadlay Madaxa Talaalada Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Maxamed Cabdi-raxmaan, oo faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u wajahayeen iyo sida looga hawl-galayo Gobolada, Degmooyinka iyo dhulka Miyiga ah intaba ee ku baahsan. Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hoos u dhaca xanuunkan waxa lagu gaadhay waa dedaal loo galay sannadihii ina dhaafay, oo uu ugu dambeeyay sannadkii 2007-da, oo laga talaalay 3000, oo Carruurta da’doodu 5 sanno ka hooseyso ah, iyada oo sannadkan cusub ee 2008-da, loogu talagalay in laga talaalo 4000, oo Carruurta shanta sanno ka yar ah. Waxa ka hawl-galaya 1198 kooxood, kormeerayaal isugu jira 238 qof iyo  35 baabuur, iyada oo meelaha aanay baabuurtu mari karaynin la adeegsan doono gaadiidka Awrta iyo Dameeraha, oo ay lagama maarmaan tahay in loo iscitmaalo meelaha buuraha ah.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, waxaanu Sheegay in ay hirgalinta Talaalkan iska kaashadeed Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adaha WHO iyo UNICEF.”

Waxa kale, oo iyana Xafladaas ka hadashay Mrs Sleavia, oo ka socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, oo iyadu sheegtay in xanuunkani yahay xanuun cadaw u ah carruurta yar-yar, isla markaana u baahan in laga feejig-naado, laguna dedaalo sidii loo cidhib tiri lahaa, waxaanay ku amaantay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay uga hawl-gashay cidhibtirka xanuunkan, oo geba-gabo maraya marka loo eego.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.