Tirtiridda Taariikhda Halaganku Ma Siyaasadda Xukuumaddaa, Mise Waa Fikirka Wasiirka Waxbarashada?

Sida aynu la wada socono waxa dhawaan muran badani ka dhashay kadib markii manhajka waxbarashada Somaliland laga saaray cutubyo ka hadlaya Somaliland iyo halgankii SNM, taasi oo shacbiweynaha reer Somaliland si aad ah uga biyo-diideen.Tirtiridda Taariikhda Halaganku ma Siyaasadda Xukuumaddaa, mise waa Fikirka Wasiirka Waxbarashada?

Tallaabadan ayaa waxa dadka qaar ku macneeyeen in ay xukuumaddu si ilduuf ah u samaysay arrintan amase aanay waxbaba kala socon daabacadda buugaagta manhajka waxbarashada, maadaama ay inta badan gacan ka geysato hay’adda waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNESCO, halka kuwo kale ku tilmaameen inay tahay mid xukuumaddu ka badheedhay oo lagu eegayo dareenka ay ka bixiyaan shacbiga reer Somaliland.

Haseyeeshee, waxa madmadowga ka saaray shirkii jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Waxbarasahada Md. Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne) oo qirey sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay in aan lagu dhigin fasalka 8aad taariikhda halganka, waxaanu isagoo faahfaahin ka bixinayey arrintaasi yidhi; “Taariikhda halgankii SNM uu ahaa mid ku kooban qabiil kaliya, sidaas darteedna buun-buunintiisku keeni karto burbur ku yimaadda qaranka Somaliland.” Md Gadhweyne waxa kale oo uu yidhi hadal kaa hore ku lidi ah, isagoo caddeeyay haddana in halganka SNM ahaa kacdoon shacbi oo aan la kale sheegan Karin.

Wasiirka sida ka muuqata hadalkiisu wuu is-burinayaa, waxase uu si cad u muujiyay fikirkiisa ah in halgankii SNM yahay mid uu burbur keeni karo hadal-hayntiisu, waxaanad mooddaa in aannu fahansanayn macanaha iyo muhiimadda ay taariikhdu u leedahay ummaddaha dunida. Tusaale ahaan; waddamada reer galbeedku waxay ku guuleysteen in caalamadka oo dhan manhaj waxbarasho looga dhigo taariikhda dagaal-weynayaashii dunida ee 1aad iyo 2aad, taas oo ujeeddada kaliya ee ka leeyihiin tahay in ay dunida ka badbaadiyaan sidii aannu dagaalweyne 3aad oo lagu hoobtaa dhexdooda uga qarxin. Dhinaca kale haddaynu ka eegnana diinteeda samaawiga ah waxa uu Rabbi (SWT) innoogu sheegay in ka badan ¼ inay tahay dhacdooyin ama qisas soo maray qoomamkii innaga horreeyay si aynu u noqono kuwo ugu cibro qaatay ugana faa’iideysta khaladaadkii iyo gefafkii ay galeen ee ku kufriyeen ummadahaasi, taas oo gayaynsiisay hallaag iyo ciqaab dhanka Rabbi kaga timaad.

Haddaba, waxaannu wasiirku fahansanayn xikmadda ka dambaysa taariikhda iyo barashadeeda oo aan looga baqayn in ay noqoto mid burbur keenta, haseyeeshee loogu talogalay in ay ummaddaha ka badbaadiso burbur ku yimaadda, isla markaana ay uga faa’iideystaan xalinta mashaakilaadka la soo gudboonaada.

Madaxweyne Woodrow Wilson (USA) oo muhiimadda taariikhda leedahay ka hadlayeyna waxa yidhi; “A nation which does not know what it was yesterday, does not know what it is today, nor what it is trying to do.” “Qaranka aan garanayn waxa uu ahaa shalay, maanta iyo waxa ay barri noqon doonaa midna ma gartaan.”

Sidoo kale waxa xusid mudan in taariikhda halganka SNM tahay ta bud-dhiga u noqotay walaatinimada iyo wax-wada-qabsiga bulsho-weynta reer Somaliland maanta ku wada nooshahay ee ay ku gaadheen horumarka dhinac kasta leh, kaas oo u baahan in la xasuusto, waxaanad mooddaa in ay soo ifbaxayso aragtida shakiga ah shacbiga badhkii weligii qabeen ee ahayd in siyaasiyiinta reer Somaliland intooda badan iyo xukuumadihii talada dalka isaga danbeeyey midna in aanay daacad ka ahayn goonni-isu-taagga Somaliland. Si kale haddaynu hadalka u dhignana waxa jirta in taariikhda halganka dadka qaar ku xajiimoodaan, maadaama aanay ka dhex muuqan oo lagu xanto in ay yihiin kuwii la qaxay nidaamkii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre.

Isku soo wada duuboo halgankii SNM iskaba daa in lagu tilmaamo mid qabiili ahaa ee waxa la odhan karaa wuxuu horseeday in gebi ahaanba ummaddii Soomaaliyeed ee ku hoos noolayd nidaamkii diktaatooriga ahaa ee Siyaad Barre in ay ka gilgishaan oo dagaal hubeysan kale hortagaan. SNM waa taa ta ay kaga duwanayd ayaa la odhan karaa jabhadihii kale ee Soomaalida, tusaale muuqdana waxa u ah gacantii weynayd ee ay siisay jabhaddii USC iyo SPM, inkasta oo aynu wada ogsoonahay carqaladdii SNM kala kulantay jabhaddii SSDF ee uga soo horreysay Itoobiya.

Su’aasha isweyndiinta lehna waa Tirtiridda taariikhda halaganku ma siyaasadda Xukuumadaa mise waa fikirka wasiirka waxbarashada? Haddii ay tahay fikirka wasiirkana waxa la gudboon in inta aan la eryin inuu shaqada iska casilo, haddayse tahay siyaasadda xukuumadda Somaliland waa mid shacbiga u taal ee Illaahay ha badbaadiyo Somaliland.

Khadar Ali Gas, Jamhuuriya o­nline

This entry was posted in Editorial. Bookmark the permalink.

Comments are closed.