Madaxii Xafiiska Hay’adda Hallo Trust ee Hargeysa oo Toogasho lagu dhaawacay

Hargeysa (Somaliland.org) – Sarkaal u dhashay dalka Armenia oo madax ka ah Mashruuca Hay’adda Ingiriiska ah ee Miina-saarka, HALLO TRUST ka fuliso Somaliland ayaa toogasho lagu dhaawacay maanta, magaalada Hargeysa. Waxaana dhaawiciisa galabta loo qaaday Jabuuti.

Ninkii falkaasi geystey oo isagu ka tirsanaa shaqaalaha muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ayaa isagana boolisku dhaawac ku qabtay. Waxaana labadoodaba loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo gargaar degdeg ah iyo daaweyn loogu sameeyey.

Sida wararku sheegayaan, ninka dilka geystey oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusuf (Cabdi Madoobe), kana mid ahaa hoggaamiyayaasha ama madaxda kooxaha miina-saarka muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ka shaqeeya, balse, shaqada laga eryey laba maalmood ka hor ayaa saaka barqadii xafiiska ugu tegey ninka Armenian-ka ah ee madaxda ka ah Barnaamujka hay’adda HALLO TRUST ee Somaliland. Waxana la sheegay inuu ku ridey xabad baastooladeed, taas oo kaga dhacday Caloosha. Hase yeeshee, waxa isagana xabad lugta kaga dhaawacay ilaalada Booliska ah ee xafiiska hay’adda, isla markaana gacanta ku dhigay ninka falka geystey. Waxaana labada ninba dhaawacooda la geeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo qalliino fudud iyo daaweyn loogu sameeyey.

Waxa la sheegay in labada ninba dhaawacoodu fudud yahay. Ninka Armenian-ka ah ayaa la sheegay in dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in xabaddu ay calooshiisa ka gudubtey, mindhiciradana aanay jarin, halka ninka muwaaddinka ah laftiisa la sheegay in xabbadda oo kaga dhacday lugtu aanay jebin lafta.

Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa sheegay in ninkaas iyo baastooladii uu falka ku geysteyba gacanta ku hayaan, isla markaan ay baadhayaan sababta keentay dilkaas.

Ninka falka geystey ayaa la sheegay inuu weydiisanayey hay’adda Xuquuqdiisii, kadib markii shaqada laga eryey, taas oo uu saaka kala hadlayey sarkaalka madaxda ka ah xafiiska ee uu dhaawacay.

Hase yeeshee, Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ninkaas la siiyey xuquuqdiisii isla maanta, ka hor intii aanu falka geysan.

Dareenka Dadka;

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa ka firka-naxay warkaa toogashada ninkaas, iyada oo ay xasuusisay dilalkii hore ee lagu diley Afar ka mid ah shaqaalaha ajnebiga ah ee hay’adaha gargaarka sannadihii 2003-2004, kuwaas oo lagu tilmaamay falal argagixiso, qaarkoodna la qabtay raggii geystey. Hase yeeshee, waxa ay neefsadeen markii la sheegay in ninkaasi aanu dhiman, dhaawaciisuna uu fudud yahay iyo weliba kadib markii la xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay ninkii geystey toogashadaas, isla markaana uu ahaa nin hore uga shaqayn jirey hay’adda.

HALLO TRUST:

Hay’adda Hallo Trust oo ah urur Ingiriis ah oo aan dowli ahayn, kana hawlgala miina-saarka dalalka dagaaladu ka dhacaan ee dunida Saddexaad ayaa xafiiskeeda Hargeysa lagu tilmaamaa meel musuqmaasuqa, maamulxumada, dulmiga iyo tacaddiga muwaaddiniinta ka shaqaysa ku caanbaxday.

Muwaaddiniin badan oo u shaqayn jirey hay’adda Hallo Trust oo qaarkood ku waxyeelloobeen ama ku naafoobeen hawlgallada Miinada ee hay’addaasi dalka ka waddo ayaa la sheegay in xuquuqdooda shaqaale iyo ta dhaawaca ka soo gaadhey miinadaba hay’addu duudsiday.

Mid ka mid ah muwaaddiniintaas oo ku dhaawacmay hawlgal miino isaga oo u shaqaynaya hay’adda Hallo Trust ayaa la sheegay in Maxkamadda Sare ee Somaliland u xukuntay xuquuq dhan $26,000 (Lix iyo Labaatan Kun oo Doollar), balse, ilaa iyo hadda aan loo fulin xukunkaas.

Ninka falka toogashada ah geystey ayaa la sheegay in uu dalbanayey xuquuqdiisa, isla markaana ninkaa madaxda ka ahaa hay’addaas ee dhaawacmay uu si cad ugu sheegay in aanu wax xuquuq ah u haynin. Waxayna wararku sheegayaan in ninka Armenian-ka ahi uu ka mid yahay madaxda ajnebiga ah ee ku ilbaxay musuqmaasuqa iyo tacaddiga shaqaalaha muwaaddiniinta ah ee ka hawlgala hay’adda.

Dad badan oo maanta ku booqday ninka la dhaawacay cusbitaalka ayaa sheegay inuu aad u ladnaa, isla markaana uu ku dhadhabayey in la geeyo Nairobi. Waxaana loo fahmey in uu xaq badan ku doonayo dhaawaca fudud ee gaadhey.

Dhinaca kale, waxa iska caadi ah caddaadiska iyo cagajugleynta madaxda hay’adda ee ajnebiga ahi ay ku hayaan shaqaalaha muwaaddiniinta ah iyo xitaa masuuliyiinta ka hoosaysa, kuwaas oo baqdin iyo bah-dil weyni ka muuqdo.

Masuuliyiinta sii jooga xafiiska Hallo Trust oo aan telefoon kula xidhiidhay, oo aan weydiistey inay ii saxaan sida uu u qormo magaca ninka Armenian-ka ah ee la dhaawacay waxay ku dhici kari waayeen inay ii sheegaan, iyaga oo ka cudurdaartay in ay ii sheegaan. Taasina waa calaamad kale oo muujinaysa mu’aamarad fara badan oo lagu tilmaamo inay ka jirto ama ka socoto hay’addaas.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

12 Responses to Madaxii Xafiiska Hay’adda Hallo Trust ee Hargeysa oo Toogasho lagu dhaawacay

  1. Ahmed says:

    Kaba soo qaad in rasaasta adiga lagugu dhuftay, ama walaalkaa ama wiilkaaga amaba aabahaa. Sida imika qaarkeen u hadlayaan umaynaan hadalneen. Waayo? (1) dembi dil ka wayni ma jiro markaa waxa fiican in si kale looga jawaabo xaqdarooyinka (2) ma hayno akhbaar rasmi ah oo sida wax u dhaceen ah.

    Dembiyada ka dhasha cadaalad xumada dawlada ayaa kow ka ah.

  2. Ahmed says:

    Inkasta oo dhib la wada qabo ma fiicna in falalkan la dhiiri geliyo. Xalku wuxuu ku jiraa inaad codkaaga kala noqoto madaxda suurto gelisay cadaalad xumada oo aanad u codayn. Inaga oo waxan oo dhib ah tirsanayna hadii codkeenii aan markale siino xukuumadan miyaan denbiga inagu lahayn, ilayn inagaa u yeedhanay madaxweynaha hadda jooga iyo wasiiradiisa e.

  3. Shueib A. Gaboose says:

    Anigu waxaan aaminsanahay hadalka Wasiirka Daakhligu yidhi oo ahaa qofkii dhibaato haysato ama xaq ka maqanyahay ha usoo maro sharciga oo hay’adaha sharciga ha u yimaaddo isagoo dacwad qoran wata laakiin yaan muwaadiniintu sharciga gacantooda ku qaadan. Xaashaa lilaahiye MD Cabdullaahi Cirro kuwii isaga uyimid oo xuquuqdoodii dastuuriga hayd ula yimid saw ma ahan kii ku yidhi waxaad waddaan waa fawdo oo haddaydaan joojin jeelkaa la idin dhigayaa ee Wasiirku hannoo caddeeyo meesha muwadiniintu u aadayaan sharciga. Waxaa xaqiiq ah meel dil iyo dhibaato ka dhacday waxaa yaalla dulmi oo ka dhibta gaystay u waayay cid wax kala qabata iyo meel uu u ciirsado. Anigan idin la hadlaya ayaa dhul aan iibsaday oo aan lacagtii oo dhan wada bixiyay ayuu kii aan ka iibsaday dhulkii kala badhoo badh boobay markaan dawladdii iyo odaydhaqmeedyadii reer Hargaysa aan wax natiijo ah ka waayay laaluush iyo annagaa ka keenaynee bal maanta qaadkii keenna i dilootay ayaan ku fakaray inaan soo kiraysto dhallinyaro hubaysan oo aan sharciga gacmahayga ku qaato. Hase yeeshee anoo muddo dheer qurba joog ahaa iyo khibraddii aan ka soo kororsaday caalamka nabadda jecel ayaan intaan xisaabtamay aakhirana eegay ka tanaasulay dhulkii aan lacagta badan ee $doollarkaa ka bixiyey waxaan kaloo go’aansaday inta musuqmaasuqu ka awood waynyahay sharciga inaanan xoola danbe iska galin meel Afrikaan maamusho. Markaa ninkaa Somalilanderkaa wuxuu sameeyay wax uu ka maarmi waayay oo markuu hareerihiisa eegay wuxuu ka waayay wax sharciga u hiiliya wax yidhaahda lacag laaluusha oo inta laga qaato aan waxna looqabanayn mooyee waana waxaad ku tusaale qaadan kartaan haddaysan dawladdu iyadu noqon ta ilaalisa sharciga waxay tagi doontaa in qaar badanoo xuquuqdoodii lagu tuntay ay iyaguna gacanta ku qaadan doonaan sharciga. Ee balaayo madax la qabtay leedahee minjo la qabto maleh ee arrintani waa idiin digniin waxaa kaloo jira qaar badanoo somalilanders ah oo dulman oo wali ka xishoonaya inay shaciga gacmahooda ku qaataan ee taana halla ogaado.

  4. Ahmed Shire says:

    Yusufow, Maanta Somaliland waxay Ictiraafkeedii ku baadi doonaysaa Diimuqraadiyada oo aan laga been sheegin. Summadda iyo astaanta diimuqraadiyadana waxaa aasaas u ah xaqsoorka, caddaaladda iyo qaddiyad kasto taagan in laga run sheego. ma uu jiro nin jecel in xaqiisa la duudsiyo. Hadaba Yusufow, anigu waxaan qabaa in aanay suxufiyuuntu wax aan jirin dadweynaha u soo ban dhigin.

    Adigaan ba ku weydiiyey e , haddii aad xog ogaal u tahay muwaadin xaqiisii la duudsiyey oo ay weli ka laalantahay, ama adigaba taadii la duudsiyey, una waayey meel aad ula ciirsato, haddii Tafatire(suxufi)xog ogaal kuu ahi taada soo qoro, ma ka xumaan lahayd mise waad ku farxi lahayd?

    Teeda kale, haddii qoraalku runta taabanayo, miyaan qiimayn waafiya laga helayn oo diimuqraadiyasan?

    Ilaahay xaqa ha inna garan siiyo.

  5. Cabdillaahi Cawed Cige says:

    Gacalkay,

    Dilka iyo dhaawacuba waa dhacaan, waa iska dhacaan, qadaf iyo badheedh intaba waa u dhacaan. Shan iyo afartan Soomaali ah baa lagu dilay Koonfur Afrika(Waddan inaga weyn, lacag badan, dawladsan) sannadkii dhammmaaday. Magaalada Landhan dilka dhallinyarada Soomaaliyeed halka uu marayo waad ogtihiin.

    Waxa se aniga xiiso badan i geliyay qaabka warka loo soo tebiyay; waa qaab dhiillosaareen ah, qaab u eg in warku u ballaadho si ka weyn sida uu yahay. Dadka warka qaabkaas usoo tebinayaa waa dad jecel in dhiillo Somaliland ka dhacdo, iyaga gartay, se waa maxay doorka saxaafaddeennu?

    Imisa qof oo muwaaddin ah ayaa badheedh xabbad loogu dilaa oo bogga hore ee degellada Internetka ee wararkeenna qabsada? Inyar. In warka la soo tebiyaa waa toos, in se uu ufo ka ballaadhan dhacdada lafteeda warku kiciyo maaha.

    Xitaa maqaalka aynu faalladan ka bixinayno bal u fiirso;

    Xigasho: “Sida wararku sheegayaan, ninka dilka geystey oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusuf (Cabdi Madoobe)”

    Ninku miyuu dhintay? Mise waxa ay ku habboonayd “ninkii dhaawaca geystay?”, ma afka Soomaaliga ayaa maqluuban mise weriyaha ayaa u baahan inuu maanka gashado qaabka warka uu soo tebinayo loo akhrisan doono?

    Bal adba…

    Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

  6. nasriinnuura says:

    Qaabka warku ugu soo baxay websitekani kolay ilama qurux badna, laakin hadana taa lafteeda meesha ka saari mayso in la sheego wixii ka jira hayadda shilku ka dhacay xarunteeda shaqo.

    Sax maaha in qofna sharciga iyo fulintiisa uu gacantiisa ku qaato, waxaanaan aaminsanahay in hadii qof kastaa ku kalsoon yahay sharciga oo uu ogyahay in aan lagu dulmiyayn aanu falal sidan oo kale ah ku kaceen. Sidaa awgeed iyadoo aan cidina dafirin in aynu dawlad nahay hadana waxaynu si weyn u ognahay in aanay dawladeedun inoo damaanad qaadi karin in aynu helno maxakamaddo cadaalada ku dhinta. Iyadoo aanan shilkan ku xukumayn in ay ka danbaysa cadaalad daro waxay in badan oo inaga mid ahi ogtahay kiisas badan oo kale oo si cadaalada ka baxasan loo maamulay kuwaasoo ka dhexeeyey shaqaale muwaadiniin ah iyo hayaddo ama shirkaddo ajaanib ah.

    Markaa meesha waa ku jirtaa in la sheego wixii jira ee warka la sheegayo xidhiidh la leh laakin waxay u baahantahay in si xirfadaysan oo aan caadifadi ku jirin loo sheego.

  7. ibrahim says:

    danbiilaha gaystay falkan waa in la mariyaa waajibkiisa si dhakhso ahna maxakamad loo soo taagaa, waxaabase u malaynayaa in madaxda Soomaalida ah ee u dhaxaysa shaqaalaha iyo maamulka ajanabiga ahi ay ka soo bixi waayeen waajibkoodii qancinna kari waa yeen waxa uu ka cabanayay intaanu gaysanin falkan uu ku toogtay ninka ajaanibka ah, hadii madaxda Soomaalida daacad ka noqdaan shaqadooda oo si wacan u fahmaan shaqaalaha dhicimayso waxyaabahaas oo kale, taasoo sumcad darro u keenaysa sharafta dalka iyo dadkaba.

  8. Yusuf says:

    Waa qalad in qof wax tabanayaa xukun gacantiisa ku fuliyo, dowlad baynu nahay nidaam iyo maxkamadaa jira, waa qofka wax tabanayaa uu u maro dariiqa iyo nidaamka dacawadaha.

    Sida uu tifaftiruhu u qoray warka qudhiisa ayaa u eg mid dhiirinaysa falka dhacay, mana haboona in waxaaso kale ay ku soo baxaan meel indhaha dadka, ogow tifaftirow in la inagu qiimaynayo sida aynu wax u qoranyo. Crime meel walba wuu ka dhacaa caalamka waana la baadhaa baadhis horteedna waxba lagama sheego.

  9. Maxamuud says:

    Waa xaaraan in dadka waddanka innoogu martida ah ee weliba ku hawlan danaheenna la waxyeeleeyo. Ciddii wax tabanaysaa waa in ay ku raadsataa waxay ay tabaynayso si nabadgelyada iyo ilbaxnimada iyo dhaqanka waddankeenna waafaqsan. Waa in aanay jirin cid isku dayda in ay shirciga gacanteeda ku qaadato. Waxan qabaa qofka sidaa yeelaa in if iyo aakhiroba khasaare joogo.

  10. hassan sagal says:

    Horta aad ban uga xumahay in wax laga naxaa uu waddanka kasoo yeedho lakin denbiga oodhan waxaa iska leh dowlada laba sababood aawadood

    1- iyada oo muwadinka shaqaalaha ah ee u shaqeeyaa hay adaa anu helin xuquuqda uu leyahay iyo mushaharka uu xaqa u leeyahay sababta oo ah hayada marka horeba nin dowlad ah ayaa dhiil la gala markaa isaga ayaa jiheeya markaa isaga ayaa u laqima mushahar iyo xuquuq iyo sida ay u shaqaynayso markaa waxaa dhacaysa in muwaadinku xuquuqdiisa waayo mushahar aan u qalminna lasiiyo waayo waxa lasiiyo muwaadinka shaqaalaha ah iyo waxa ay hay’addani kula xisaabtanto dowladaha ay wakiil ka tahay wax isu dhow maaha markaa waa in ay dawladu tacadiga haka dayso muwadininta

    2- ammaanka ajanebiga dowladda ayaa ku shaqa leh waa in xafiiskasta ama meelkasta oo ay joogan ajenebigu waa in labaadha qofkasta oo u gelaya ama shaqaale ha ahaado ama qof kalaba ha ahaado markaa waxa yaraanaysa dhibaatada dhacda lakin marka hore waa in la muujiyaa dalal badan waayo haddaan tusaale u soo qaato adduun inta aan arkay weli ma arag xafiis aad dan ka leedahay ama hay ad meel deggan oo aad dan ka yeelato oo aan jeekin ama baadhis lagu samaynayn markaa way yaraanaysaa dhacdada caynkan oo kale ah markaa haddii kale wax fudud weeye in qofwaliba sameeyo sababta oo ah waddanka waxaa gacanta dadka kujira hubkii noocuu doonaba ha ahaadee. Ujeeddaydaydu waxa weeye dowladdu dadaal dheerada ha samayso dadkana wax qanciya haloo sameeyo ALLAA MAHADLEH

  11. Ahmed Shire says:

    Haddii meel xaq darro iyo musuqmaasaq ka jiro, way adagtahay in ilaalin sugan lagu sameeyo nabada iyo xasiloonida. Bani Aadamka dulqaadkiisu xad buu leeyahay. Haddii uu xadka dhaafo waxba kama duwana miino qaraxday. Fal kasta oo dhaca lana mid ah kan oo kale wuxuu salka ku hayaa xaq darro iyo musuqmaasaq. Dawaladda Somaliland ayaa xilku ka saaranyahay sidii ay uga hor tegi lahayd falkan iyo wixii la mid ahba inta aanu dhicin.

  12. Webmaster says:

    Kadib dilalkii dalka hore uga dhacay, miyaa lagu guuldarraystay ilaalinta amniga dalka? Maxaa daliil ah inaan dhacdadani dhiirrigelindoonin falal kale? Sidee loola dhaqmaa dadka ku kaca dilal/isku day dilal hubaysan? Marka aad eegto hubka badan ee gacanta muwaadiniinta ku jira, ajanebigu nabad ugu noolaan karaan Somaliland?