‘Ragii Hore Isku Sharaxay Ee Laga Adkaaday Rag Kaloo Cusub Ha U Baneeyan’ Boqor Cismaan Buur-Madow

Anigu ma lihi Madaxweyne Rayaale ha loo kordhiyo lakiin ragii hore looga adkaaday ha keenaan Rag cusub oo Xisbigooda ka tartama, waxaanan leeyahay mar labaad haysa soo sharaxina”, Sidaa waxaa yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madaw oo ka mid ah Madax-dhaqmeedyada reer S/land oo isagu jooga Magaalada Dubai waxaanu sidaasi u sheegay waraysi uu la yeeshay Wargayska Haatuf.

Waxa kale oo jawaab kulul ka bixiyey hadaladii hanjabaada ahaa ee C/laahi Yuusuf dhawaanka u soo jeediyay Somaliland.
Ugu horaynba Boqor Cismaan Buur-Madow waxa uu yidhi “Iyada oo aan filayo in Xukuumadu ay ka jawaabtay hadaladii ka soo yeedhay C/laahi Yuusuf, haddana waxaan jecelahay inaan ummada u sheego hadalka C/laahi yuusuf ka soo yeedhay nooca uu ahaa, madaama aan aqoon dheer u leeyahay, horta hadalka ka soo yeedhay C/laahi Yuusuf waxa uu ahaa hadal oohina oo ilamadu ka da’ayso oohintuna waxay u qaybsantaa saddex nooc sida yaxaaska oo marka uu wax liqayo ooya, qofku marka uu wax jeclaadana wuu ooyaa iyo oohinta sakaratal mawdka, hadalkan uu ku hadlayna waxa uu ahaa oohintii sakaraatal mawdka balse ma hayn hadal raganimo ah.

Hadaba Waraysigii Boqor Cismaan Buur-Madow wuxuu u dhacay sidan:-

S:-Waxa la sheegaya in ciidamo ka tirsan dawlada Imbagaati ay Puntland u yimaadeen xoojin ciidan oo ay doonayaan inay Gobolka Sool dib u qabsadaan arintaa sideed u aragtaa?

J: Horta C/laahi Yuusuf iyo ciidankiisu wax cabsi ah Somaliland kuma hayaan, meel ay Somali degto oo ay dhibaato ku hayn karaana ma jirto waayo jabhadii SSDDF ee uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf waa nin dagaalka niyada ka jecel, balse sida xaqiiqdu tahay C/laahi Yuusuf waa nin fule ah, ilaa xiligii SSDF ilaa maanta tuulo kaliya oo uu C/laahi Yuusuf dagaal ku qabsaday ma jirto, hase ahaatee waxaad moodaa inuu ka daba ciyayo sidii dacawga ciidamada Itoobiyaanku halkay qabsadaan, lakiin awood uu wax ku qabsan karaa ma jirto, dadka reer Somaliland na way yaqaanaan C/laahi Yuusuf.

S:Beryahan dambe waxay dadku kugu xantaan inaad ka gaabisay arrimaha dalka Somaliland, oo aad danayso arrimaha Somalia ka aloosan, arrintaa maxaad ka odhan lahayd?

J:Waa runtaa oo dagaalka gudaha siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Somaliland ayaa ku soo noqday, anigu ma qabo in lagu habsaamo dagaal gudeed, maanta waxay Somaliland isku haysataana ma jirto, waxaanan aaminsanahay inaynu focus-ka saarno xasarada iyo dhibaatada inagaga oogan Somalia, aniguna beryahan tasaan danaynayaa,waxaanan qabaa in xag-xagashada gudaha layska iloobo, kana fikirno cadawga dibada.

S: Waxaa jirta in doorashadii goleyaasha degaanka iyo Madaxtooyada dib loo riixay, taas oo ay asxaabta mucaaradkuna walaac weyn ka muujinayaan in doorashadaasi dhici doonto wakhtiga loo qabtay, arintaa sideed u aragtaa?

J:Horta waxaan qabaa muddo kordhinta anigu dawlada kaliya kuma eedaynayee, kordhinta Xibiyada laftooda ayaa sabab u ah, iyagaa soo jeediyey oo ogolaaday, iyagaa Komishanka ku waafaqay, markaa waxaan qabaa inay saddexda Xisbi lug ku leeyihiin, in doorashooyinka dib loo dhigana aniguna shakhsiyan raali kama ahi.

S: Waxaad hore u sheegtay in Daahir Rayaale ay wali la tartamayaan ragii uu doorashadii hore ka helay, arrintaas maxaad uga jeedaa?

J: Macnaha arrinkaas waxaan uga jeedaa horta sida caadadu tahay, caalamka Dimuqraadiyada horumarka la gaadhay Xisbigu markuu doorasho ku tartamo, ninka dhacaa dib iskuma soo sharaxo, haday sida cadceeda inoogu soo taagnaadaan ragii laga badiyey oo ay soo hortaagnaadaan ninkii ka badiyey, anigu ma lihi Madaxweyne Rayaale haloo kordhiyo , waxaan leeyahay si ay saaxada doorashadu u qurux badnaato, nin walbaa Xisbigiisa jaanis ha siiyo, Ragii hore isku sharaxay ee laga adkaaday rag kaloo cusub, oo Xisbigooda ku jira oo tartama ha keenaan, si wajiyo cusub iyo Dimuqraadiyad u muuqato oo aanay Xisbiyadu u noqonin Monopoly, madaama ay iyagu dhaceen oo markii hore laga adkaaday, sidaasaan u jeeday imikana waan ku adkaysanayaa oo waxaan leeyahay in aanay gudoomiyayaashii hore looga adkaaday aanay marlabaad isa soo sharaxin

S:Qadiyada ururka iyo qadiyada furashada urur siyaasadeedkaba, sideed adigu u aragtaa?

J:Horta maxaa laga sheegaa Udub oo qudha, saddexda gudoomiye ee saddexda Xisbi way isku raacsan yihiin inaan urur kale la furin, waana arin Monopoly ah oo Dimuqraadiyada lagu jaanjaaminayo, arrinka lagu diidan yahay in ururo lagu furaa, waxaan soo jeedinayaa in ururada siyaasada la furto, qolada Qarana waxaan leeyahay arinka ha laga daayo mindi mindi ku taagta, sharciga u baydha, maxkamadahana kiiskiina ka furta, gudoomiyasha saddexda Xisbina waxaan leeyahay ha ogolaadaan in ururo la furto oo xisbiyada gudahooda lagala tartamo oo yaanay ka dhiganin dimuqraadiyadii isbaaro ay u dhigtaan ummada, dadku haday saddex nin ay u xidhnaato, arrinkaasina maaha mid Somaliland u wanaagsan ee waa in Xisbiyada gudahooda laga soo tartamo.

S:Sideed u aragtaa Manhajka waxbarashada Somaliland ee laga saaray taariikdii Halganka ururkii SNM?

J:- Anigu waxaan u arkaa in SNM ay Somaliland dhashay oo ay hooyadii keentay tahay, mana qabo inay jirto cid cuqdad ka qabta wanaaga ay Somaliland keentay, waxaanse odhan lahaa Dastuurka Qaranka halagu qoro xuquudii SNM, arrinkaa manhajkana xogo badan ayaan u raadsan.

S:Waxaa jirta martiqaad aad heshay kuna tagtay dalka Taiwan arrintaas faahfaahin naga sii?

J:Martiqaadkaasi wuu jiray, shir baanan kaga qayb galay Taiwan oo lagaga hadlayay macaawinooyinka ay u fidiyaan Africa, Madaxweynaha Taiwan ayaana ka soo qayb galay, qadiyada Somaliland na waanu kaga hadalnay, sida ay iyagu madaxbaanidooda u doonayaan inaynu inaguna u doonayno, waxaanay noo balanqaadeen in Somaliland ay wax inagala qaban doonaan arrimaha bani’aadanimada.

Xigasho: Haatuf

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.