“Haddii Aasaasayaasha KULMIYE Ay Muran Geliyaan Qabsoomida Shirweynaha, Waxay Noqon Doontaa Mid UDUB U Hiilisa” Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif)

 ”Haddii aasaasayaasha KULMIYE ay mugdi muran geliyaan qabsoomida shirweynaha iyo hanaanka dimuqraadiyadda, waxay noqon doonaan mid UDUB u hiilisa sidaa waxa yidhi, Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, haatana ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE oo shalay xarunta xisbigiisa ugu waramayay Wargeyska Haatuf.Mr. Jidhif waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xisbigiisa gudihiisa iyo mawduuca manaahiijta waxbarashada iyo arrimo kale.

Waraysigaasi waxa uu dhacay sidan:-
S: Waxa la idinku eedeeyaa inaad hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE ku guuldaraysateen qabashada shirweynihii xisbiga oo ku beegnaa bishii July 2007, dib u dhacaasina uu salka ku hayo khilaaf ka dhex aloosan loolanka murashaxiinta iyo qaabka loo gelayo shirweynaha oo lagu kala qaybsan yahay, arrimahaasi maxaa ka jira?
J: Horta waa run oo muddadii shirweynaha loo cayimay inuu qabsoomo suurto gal ma noqon, shirweynaha xisbiga waa khasab in la qabto, balse haddii ay aas-aasayaasha xisbiga KULMIYE ay muran geliyaan qaabkii uu ku hirgeli lahaa shirweynaha xisbigu ama hanaanka dimuqraadiyadu, waxa uu noqon doonaa mid u hiiliya xisbiga UDUB, KULMIYE iyo UDUB-na loolan baa ka dhaxeeya. KULMIYE laftiisana loolanka ka dhex socdaa waa mid dimuqraadi ah, haddii xal la gaadhi waayo, loolankaasina burbur bay keeni kartaa, balse guusha iyo guul darradu mar kasta KULMIYE ayay hortaalaa, waxaanay ku xidhan tahay sida looga faa’iidaysto fursadaha jira, isla markaana looga midho dhaliyo dhismaha xisbiga iyo hanaanka dimuqraadiyadeed.

S: Maadaama aad sheegtay haddii KULMIYE shaki badan geliyo qabsoomida shirweynaha oo xal kama dambays ah laga gaadhi waayo loolankiisa, miyaanay taasi xisbiga dhibaato u geysanin?
J: Runtii waxaan ku rajo weynahay in xal laga gaadhi doono ololaha dimuqraadiyadda, iyo wada tashiga ah ee ka dhex aloosan xisbiga gudihiisa, waxaanse kuu sheegayaa in arrimaha KULMIYE ee wada tashiga ay maalmo yar ku qosli doonto, in badana ka ooyi doonto, waxan socdaana waa wada tashi ee khilaaf aloosan ma jiro.

S: Dad badan oo xisbigiina KULMIYE taageersan ama axsaabta kale ku jira waxay xisbigiisa taageeradiisa shardi uga dhigaan oo shaki geliyaan sida uu xisbiga KULMIYE gudihiisa uga suurto geli karto isbedel dimuqraadiyadeed oo hab xalaal ah ku dhaca, taasi oo ay ku dooran karaan murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka?
J: Run ahaantii shacbiga Somaliland ee gudaha iyo debaduba taageeri badan ayay u hayaan xisbiga KULMIYE, isbedel ahi dimuqraadi ahi inuu ka dhex hirgalo xisbiga gudihiisana way u baahan yihiin, waxaana muhiim oo loo baahan yahay in dimuqraadiyaddu ay guulaysato mar walba, oo tartan la galaa.

S: Sideed u aragtaa manhajka la sheegay in laga saaray halgankii SNM?
J: Horta maamulkan maanta jiraa waxay u badan yihiin hadhaagii nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, lagamana filayo inay taariikhdii halgankii SNM ee aanay waxba ku lahayn ay ehel u noqdaan, nimaan taariikhdii SNM waxba ku lahaynin manhajka waxbarashada kama suurto gelin karo halgankii SNM, wax la aqbali karana maaha waa dambi umadda laga galay, halgankii SNM-na cid masixi karta ama qarin kartaa ma jirto, Madaxweyne Rayaale-na waxaanu u sheegaynaa haddii uu ka jawaabi waayo in taariikhdiisii hore ee la qariyay ay tanina u raaci doonto.

S: Wasiirka Waxbarashadu wuxuu sheegay in halgankii SNM ku koobnaa beel keli ah oo aanay u dhamayn beelaha reer Somaliland, tilmaamana in manhajka waxbarashada Somaliland, waxaanu sheegay in manhajka Somaliland iyo Somalia meel lagu soo wada daabaco, sideed u aragtaa?
J: Horta Faqashtu meel ay joogtaba waa isku milad, suurto galna maaha in manhajyada waxbarashada ee Somaliland iyo Somalia goob keli lagu soo wada daabaco ee waa in manhajka Somaliland dal gudihiisa lagu daabaco.

Xigasho: Haatuf

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.