UDUB ma waxa ay isku khaladay SNM iyo KULMIYE?

Maalmahan waxa warbaahinta Somaliland aad looga hadala hayay warar aan lagu farxin oo sheegaya in manhajka Somaliland laga saaray gabi ahaanba taariikhdii iyo halgankii SNM oo ah ururkii aasaasay Somliland, dadaalka badana u galay Sidii ay Somliland uga xoroobi lahayd Taliskii Maxamed Siyaad Barre oo cadaadis iyo cabudhin iyo bandoo aan loo fadhiyin ku soo rogay dadka ku uuman Gayiga Somaliland.

Waxaan aad u xasuustaa 2000-2001, oo ahaa sanadkii aan ku jiray waxbarashada dugisga Hoose/Dhexe, gaar ahaana sanadkaasa waxa aan ku jiray Fasalka 8aad, waxaanu barahaygii amintaasi ii dhigay Taariikhdii SNM, waxaanan aad u fahmay nuxurka uu xambaaarsan yahay halgankii iyo gobanimodoonkii SNM, Waayo xiligii ay SNM halganka wadday waxa aan ahaa ilmo dhalaan ah,waxase xaqiiqada SNM aad iiga dhaadhacsiiyay manhajkii xiligaas loogu talogalay Ardayda Fasalada 8aad, kaliya manhajkaasi ma uu ahayn mid i fahamsiiyay Taariikhdii SNM, ee waxa uu wax wayn ka taray aqoonta aan u leeyahay Qaranka Somaliland, waayo waxa uu manhajkaasi tilmaamayay haayadaha madaxa bannaan ee Somaliland, sida Bangiga dhexe, Maxkamadaha, waxa kale oo uu tibaaxayyay Wasaaradaha Qaranka kuwa ugu mihiimsan waxaanu daaha ka qaaday shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha Mihiimka ahi,waxa kale oo uu iftiiminayay shaqooyinka Golaha Guurtida inta aan xasuusto.

Hadaba waxa is waydiin mudan maxaa keenay in manhajka Somaliland laga saaro Taariikhda SNM?, jawaabta waxa aan u arkaa, waa farogalin ay sameyeen dad aan jeclayn Somaliland, waayo waxa aan xasuusanahay muran dhex maray Wasaarada Waxbarashada iyo Haayada UNESCO xilligii la samaynayay manhajka Fasalada Hoose, UNESCO waxa ay xiligaa diiday in ay daabacdo Calaamado muujinaya xadka iyo calanka Somaliland, iyada oo ay Haayadaasi ku dooday in ay manhajka ku jiraan waxyaabo ka hor imanaya midnimada Somaliland, waa su;aale Haayadaas maxaa uga Shan iyo Toban ah, manhajka ay Somaliland qoranayso, iyadu waa Haayad samofal oo ka shaqaysa Arimaha Bulshada, mana aha in ay wax farogalin ah ku samayso arrimo Siyaasadeed, waxaanse aaminsanahay in ay inooga soo dhacday xagga xukuumada, oo ay isha xukuumada ka aragtaya daciifnimo.

Haddaan u soo laabto Taariikhda SNM, waxaan aaminsanahay in uu ururkaasi yahay urur qadarin iyo tixgalin ka mudan ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waa ururka gogla darmada aynu ku jiifno, waa ururka wadanka ka xoreeyay faqashtii xasuuqa ka gaysatay Gayiga Somaliland, waa ururka isu keenay dhamaan dadka wada daga Gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Sanaag, Togdheer, Iyo Sool, ee ku dhawaaqay gooni isu taaga Wadankan, mana aha in waxqabadkiisa la tirtiro, ururkaasi waxa uu si nabad ah ku wareejiyay maamulkii Wadanka markii doorashada lagaga adkaaday ee uu Talada Dalka la wareegay Marxuum Cigaal 1993.

Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabayna su’aal aan waydinayo Wasaarada Waxbarshada iyo xisbul xaakimka guud ahaan, Waxaan leeyahay UDUB oow ma waxaad aragteen Ragii SNM oo ku wada jira KULMIYE, markaas ayaad is tidhaahdeen, SNM ba waa KULMIYE ee taariikhdeeda tirtira?,

Siciid Maxamuud Gahayr
Karachi, Pakistan.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.