Nin Ku Dilay Geed Hadhle Kuma Geeyo Ee In Aasaasayaashii SNM

Nin Ku Dilay Geed Hadhle Kuma Geeyo Ee In Aasaasayaashii SNM Jeelka Loo Taxaabo Loona Diido Xuquuqdoodii Siyaasadeed Iyo In La Tirtiro Taariikhdoodii Keebaa Danbi Qarana Aan Idin Waydiiyee!
Beryahaan Jaraa’idka dalka ka soo baxa iyo websidhada waxaa lagu soo qorayay in Wasaaradda waxbarashada Somaliland ay Manhajkii waxbarashada dugsiga dhexe ka tirtirtay qaybtii ugu muhiimsanayd ee ku saabsanayd taariikhdii Somaliland soo martay tii ugu mudnayd ee ahayd halgankii hubaysnaa ee mujaahidiintii SNM la galeen taliskii Siyaad Barre. Halgankaasi wuxuu soo bilowday 1981kii wuxuuna dhammaaday sannadkii 1991kii markii albaabada loo xidhay taliskii macangaga ahaa ee xasuuqa foosha xun ku hayay shacabka Somaliland oon wax danbiya ooy galeen uusan jirin ee loo xasuuqayay inay doonayeen xuquuqdooda aasaasigaa oo kaliya.

Mujaahidiintii SNM markay gacanta ku qabteen dhulkoodii hooyo, ayaa durbadiiba waxaa Muqdisha lagaga dhawaaqy dawlad uu hoggaminayo Cali Mahdi oon lahayn tayo iyo khibrad ay Soomaaliya ku hoggamiso, wax talaana haba yaraatee kalamay yeelan xaq u dirirkii SNM oo dhulkoodii si buuxda gacanta ugu hayey. Xaajadu markay halkaa mareysay ayuu shacabka Somaliland go’aansaday inaysan dibdambe wax la wadaagi doonin Koofurta Soomaaliya oon aqoonba awood-qaybsiga iyo hannaanka ummad loo hoggaamiyo, taasina waxay dhashay in lagu dhawaaqo la soo noqodkii Somaliland oo la iska illoobo Soomaaliweyn oon aad u ognahay meeshay ku danbeysay. Nasiib darro himiladii Soomaaliya waxaa afka dhulka u daray siyaasiyiinta reer Koofureedka oo kursigu kala waynyahay danta Qaranka waanad aragtaan 18 sano oo fawdo iyo isqabqabsi mooyaane aan laga arag wax horumara ayna la soo taaganyihiin Somaliland-neey ceelka nagula soo dhac.

Waxay ummad waliba qaddarisaa taariikhdeedii iyo abaalkii raggii u soo halgamay xoreynta dalkooda, wixii wali ka sii noolna si gaara baa loo qaddariyaa oo sannad kasta waxaa loo sameeyaa XUS QARAN waxaana khudbado qiireleh laga jeediyaa fagaarooyinka dadku isugu yimaado waxaana odayaashii ka soo badbaaday dagaaladii soo maray loo aqoonsadaa mujaahidiin iyo geesiyaal. Waxaa kaloo loo dhisaa TAALLO lagu xasuusto dadkii u soo dhintay danaha Qarankooda oo lagu magacaabo Taallada dal-jirka daahsoon (National Monuments). Waxaad arkaysaa in magacyada jidadka waawayn iyo Iskuulada lagu magacaabo mujaahidiintii hore waxaana lagu bartaa dhammaan iskuulada iyo Jaamacadaha wadamada reer galbeedka si aan loo halmaamin taariikhdii dadkooda.

Odayaashaa waxaa lagu casumaa gole kasta oo lagaga hadlayo soo yaayaalkii soo maray dalkooda si ay dhallinyaradu uga faa’idaysataan. Waxaad CNN ta ka maqaashaan musharax hebel oo ah nin jagada maxadweynaha Mareykanka isku soo taagay inuusan ka soo qayb qaadan dagaalkii FIYATNAAM oo runtii ahaa dagaal xaqdarraa laakiin dhanka Ameerikaanka waa taariikh soo martay oo ay xusaan sannad kasta. Musharraxaasina wuxuu ku waayi karaa himiladiisa siyaasadeed hadduusan qayb ka soo qaadan dagaalkii Vietnam. Ee seebay ku dhici kartaa SNM oo ahayd ta keentay guusha iyo qaranimada Somaliland in ragaan waxba ka ogayn wixii dhib la soo maray ay si fudud u masixi karaan taariikhdaa qiimaha wayn inoogu fadhida oo rag badanoo reer Somaliland ihi ugu shahiideen. Allaylahee waxaa dhabowday hal ku dhaggii Dr. Gaboose markuu jeelka Mandheera ku jiray uu ku soo halqabsaday oo ahayd ” Hadba geed ismaris baa u hadha guul dad leeyahaye miyaan Geedi Baaboo arladu galinba waayeynin” markaa Geedi Baaboo hadba inuu ku soo dhiirado waxaan ummadda qaban waa wax isheeda laga arkay.
Dalka Kanada wixii ka horreeyay dagaalkii 2-aab ee dunida ka qarxay 1939 ilaa 1945 kii dadka ku nool waxaa la odhan jiray muhaajiriintii Ingiriiska ee Noorad Ameerikaa ( British North America immigrants) laakiin markii dagaalkaasi dhammaaday ayuu ninkii markaa Kanada Prime Ministerka ka ahaa soo booqday qubuurihii askartii ku dhimatay dagaalkii Naasiga ee Jarmalku hoggaaminayay. Wuxuu aad uga qiirooday askarta cadadkaa le’eg ee u dhimatay danaha Kanada inaysan haysan dhalasha dalkay u dhinteen deetana markiiba intuu ku soo noqday Kanada ayuu dadaal u galay sidii dadka Kanada ku nool ay u noqon lahaayeen muwaadiniin Kanadiyaana meesha ay ka yihiin Muhaajiriin Ingiriisa taana wuu ku guulaystay waxaana la aqoonsaday xuquuqda muwaadiniinta Kanada oon mar dambe la odhan doonin Muhaajiriin Ingiriisa ee ay yihiin Muwaadiniin reer Kanadaa meel kastaba haka yimaadeene. Maantana Kanada waxay hoostimaadaa gabadh ka soo haajirtay Haayti oo dadaashay meesha Xukuumadda Somaliland laashay xuquuqdii kuwii Hargaysa ku dhashay miyeysan ahayn KAAF iyo KALA DHEERI.
Halkaa waxaa kaaga soo baxaya dadka caqliga lihi inay dhawraan dadkii keenay qaranimadooda oo iyaga la’aantood aysan gaadheen aayo ka-talintooda, nabad iyo caanana aan lagu waadheen. Qaddirinta iyo karaamaynta mujaahidiinta dal waliba leeyahay waa astaamaha xadaaradeed ee lagu garto ummadda halkaa ku dhaqan oo ummaddii aan lahayn taariikh ay dunida u soo bandigtu waa waxaan jirin iyo weel madhan oo lagu khasaaray. Nassiib darrada Soomaalida haysataa waxaa ka mida inaysan qaddarin ama qiimayn mudnaanta ay leeyihiin raggii u soo halgamay oo ka soo dagaalamay dhibaatooyinkii gumaysiga una dhintay siday nolol wanaagsan ugu horseedi lahaayeen urududufkan tirtiraya raadkii mujaahidiintoodii oo dadkii ka dhigay is-dhex yaacdo aan kala lahayn yar iyo waayeel iyo waxaan kala sarreyn aqoontiina ku soo ururtay afar maahmaahood.

Haddaan ku soo noqdo ula jeedada aan maanta qormadan uga go’leeyahay waxay ku koobantahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo la sheegay inay ka saartay manhajkii taariikhda fasal 8-aad qaybtii ku saabsanayd taariikhdii Somaliland iyo dagaalkii SNM la gashay nidaamkii kaligi-taliska ahaa ee keenay burbur iyo barakac baaxad weynleh, una shahiideen kumannaan reer Somaliland ah kuna waayeen hanti badan laakiin nasiib wanaag guushii iyo gacantii sare Alle siiyey mujaahidiintii SNM. Waxay ahayd in maanta wixii ka sii nool mujaahidiintii SNM loola dhaqmo si ka fiican sida Kanada iyo Mareykanku u tixgaliyaan raggii dagaalkii labaad ka soo badbaaday inta wali ka sii nool oo aan xataa laga qaadin canshuurta muwaadiniinta North America oo dhan laga qaado loona arko aabbayaalkii ummadda oo iyaga la’aantood Naazigii qarnigii 20-naad uu ka talin lahaa caalamkoo dhan.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin ku dilay geed hadhle kuma geeyo” maadaama uu noloshiiba kaa qaaday muxuu hadh iyo meel qabaw kaala doonin. Waxaa maahmaahdan u dhigma iyadoo aad looga dharagsanyahay wax qabadka iyo waxay tahay Xukuumadda talada haysaa AYAAD adinkuna Manhaj ka hadlaysaan iyo tariikh baa la tirtiray, ee miyaan indhihiinnoo shana raggii SNM taba aasaasay aan jeelka loo taxaabin si fool xunna loo xukumin loona diidin xataa inay siyaasadda dalkooda ka qayb galaan oon laga dhigin waxaan jirin laba Calina ismay waydiin! Markaa bal is barbar dhiga xaq-duudsiga lagu hayo mujaahidiintii SNM oo uu kow ka yahay MJ.Maxamed Xaashi Cilmi iyo qaar kaloo badan oo la iska hortaagay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd IYO tirtiridda taariikhdii SNM waxaana dhaba inuu dastuurkii Somaliland ku danbeeyay wax Carabtu tidhaahdo XIBRUN CALAA WARQA!

Haddaba dawlad waxaa soo dhacdooyina ku soo kacday oon wax YAC yidhaahdaa uusan jirin dee wax kastaba
way ku dhiiran, reer Soomaliland-na waxay noqdeen sidii ninkii reer Xamarka ahaa ee feedhka lagu boobay oo uun la soo taagnaa CAR II NAQ! CAR II NAQ! CAR II NAQ! ilaa uu afka goostay ee shacabyahu xaalkiinii wuxuu dhaafi waayay inaad tidhaahdaan “waa in laga dhiidhiyaa” oo laba seddex cisho socota deetana la iska halmaamo ee bal aan sugno car ii naqdiinna iyo waqtiga soo socdaa wuxuu la yimaado use malayn mayo inay wax iska baddalayaan oo waa ishiisa laga arkaa ushiisa lagu dilaa. Riyaale iyo kooxdiisuna way idinka il heleen oo waxaad tihiin bay ogaadeen waxayna mareysaa in hadba jeebka lagala soo baxo wax dhiigiina gubaya oo la idinku tijaabinayo.

Waxay leedahay aayad Qur’aanka kariimkaa ka midihi ” Khamriga iyo Khamaarka dhibtooda ama dunuubtooda ayaa ka weyn manfacooda” ee dadyahaw keebaa wen in sidaa aan kor ku soo xusay loola dhaqmo mujaahidiintii SNM oo nool iyo in taariikhdoodii la tirtiro. Waxaan aaminsanahay in kaad soo qaadataaba uu yahay Godob Qaran iyo waxaan idin qaban. Su’aashaa jawaabteeda reer Somaliland baan u daynayaa waa afjooga looma adeego ee ha is xukumeen, waxaana nasiib darro weyn ah in uusan shacabkiiba waxba ka dhiidhiyayn ee uu noqday mid afka ka booteeya oo judhiiba iska caro-xumbo shiiqiya.

Gabagabo: Waxaad moodaa nasiibku inuu keenay guushii SNM ee aan dadkuba kala ogayn wixii loo soo dagaalamay iyo wixii laga dagaalamay waxay ahaayeen, talana ka noqotay hadba ninkii hooyaday qabaa waa adeerkay ee goormay OORFANADII faqashta ka soo hartay noqdeen adeerradeen iyo qaar inooga dhaw Mujaahidiintii SNM ee ina XOREEYEY! Hadalkii oo kooban dagaalkii SNM dadna wuxuu u ahaa guul weyn iyo gobonimo dhashay Somaliland, dadna wuxuu u ahaa qaraadh iyo guul darro waxayna ahaayeen kuwii Afweyne isla barbartaagay hiil iyo hooba SAAMAXAADII loo fidiyeyna way ka abaal dareen waxayna ismoodeen waxaysan ahayn balse aan sugno meeshay ciyaartu ku dhammaato. Waayaha adduunyadu marmarbay ku xasuusiyaan waxa maanta taagan oo la mida bilowgii 70-naadkii iyo heestii ADDUUNYOOY XAALKAA BA’ oo lagu xasuusto islawaynidii Tawraddii Siyaad Barre iyo qammaamiirtii inta la afgambiyey Jeelka loo taxaabay oon la mahadin!

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Asaalaamu Calaykum
Qalinkii Shueib A. Gaboose
Toronto/Canada

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.