Muj. Muuse Biixi oo si kulul u beeniyey war lagu faafiyey Waaheen iyo Wargeyska Haatuf

 Hargeysa (Somaliland.org) – Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa si kulul u beeniyey war maanta ku soo baxay bogga hore ee Wargeyska madaxa bannaan ee Haatuf, kaas oo uu wargeysku ka soo xigtey Websiteka Waaheen, isla markaana sheegay in Muuse Biixi Jawaab ka bixiyey hadal dhowaan ka soo yeedhay Maxamed Cabdi Iskeerse.

Wargeyska Haatuf ayaa caddadkiisii maanta faafiyey war uu sheegay in uu ka soo xigtey Waaheen, kaas oo sheegayey in Muuse Biixi uu u caddeeyey Waaheen in aanu ka tanaasulin damaciisa ah inuu isu taago Musharraxa Madaxweynekuxigeenka ee xisbiga KULMIYE, isla markaana uu cambaareeyey Maxamed Cabdi Iskeerse oo dhowaan sheegay in Guddi uu xubin ka yahay ay Muuse ku qanciyeen in uu ka tanaasulo musharraxnimadiisa, taasna uu ka aqbalay.

Muj. Muuse Biixi, oo warkaasi ka jawaabaya waxa uu saaka soo saaray warsaxaafadeed kooban oo u qoran sidan:

“Wararka ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee la sheegay inay ka soo xigteen meesha la yidhaa “Waaheen” oo anigu aanan aqoon.  Waxaan ummadda u sheegayaa inaan cid Waaheen ka socotaa aanan arag oo i waraysatay.

Arrinta KULMIYE iyo hawlihiisu, waxay ku socotaa sidii shir ahaan jirey iyo talo ururin.

KULMIYE waa xisbi Dimuqraaddi ah, wuu doodi, wuu tartami, si wadajir ah oo midaysan ayuu u dhammaysan doonaa hawlihiisa.

Mr. Maxamed Cabdi Iskeerse, waa saaxiibkay, waana odaygayga, mana dhici karto, mana geyno rag saxaafadda wax isugu sheegsheega.

Arrintaa Been-abuurka ahna waxa sameeyey rag KULMIYE iyo Somalilandba u cadow ah.

Ugu dambayn, waxaan ka raalligelinaynaa taageerayaasha KULMIYE iyo ummadda Somalilandba, warkaa beenta ah ee uu baahiyey Websiteka Waaheen ee Wargeyska Haatuf ka sii qaatay”.

Warkan lagu tilmaamay been-abuurka ay faafisay Waaheen waxa uu ka dambeeyey war uu bixiyey Maxamed Cabdi Iskeerse oo toddobaadkan ku soo baxay wargeyska Ogaal, kaas oo Mr. Iskeerse ku sheegay in Guddi uu ka mid yahay ay ku qanciyeen Muj. Muuse Biixi Cabdi inuu ka tanaasulo musharraxnimada jagada Madaxweynekuxigeenka Xisbiga KULMIYE.

Arrintan musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi oo markii u horreysey hadal-haynteeda saxaafadda lagu arkay toddobaadkan ayaa la filayaa inay qayb ka tahay damacyo badan oo ka soo baxay xubnaha xisbiga wakhtigan loo diyaargaroobayo Shirweynaha labaad ee xisbiga oo qabanqaabadiisu dhowaan soo gebagebowday, isla markaana la doonayo in dibadda lagu sii dhammeeyo shirweynaha ka hor.

Muj. Muuse Biixi marna si rasmi ah daboolka ugama qaadin musharraxnimadiisa, mar maanta suxufiyiintu su’aalo ku saabsan warsaxaafadeedkiisa weydiiyeenna wuu diidey inuu xaqiijiyo, waxana uu ku celceliyey in arrimahaasi ay yihiin kuwo u yaalla xisbiga, ciddii damac ku jiraanna ay weydiisanayso xisbiga.

Hase yeeshee, tan iyo markii uu bilaabmay qabanqaabada shirweynaha 2aad ee xisbiga, waxa soo baxayey ololayaal siyaasiyiinta xisbiga qaarkood ay ugu jireen musharraxiinta Xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, kuwaas oo la sheegay in Muuse Biixi uu ka mid yahay ragga u ololaynaya Musharraxa Madaxweynekuxigeenka.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.