Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo La-taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda u magacaabay Ambassador Buraale

 Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u magacaabay Ambassador Yuusuf Jaamac Buraale inuu noqdo La-taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda.

Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo, warqadda magacaabista oo uu maanta soo saaray, kuna socota Danjire Burraale, waxa uu ku qoray oo uu yidhi;

Mudane  Danjire,

Markaan  tixgeliyey aqoontaada Dublamaasiyadeed iyo waayo-aragnimada aad u leedahay dhinaca siyaasadda, oo aad in badan ka soo shaqaysay, isla markaana aan  eegay baahida Xisbigu u qabo in jagadan cid loo helo, waxaan maantoo ay bishu tahay 29 January 2008 kuu magacaabay in aad noqoto La Taliyaha  Arrimaha Siyaasadda ee Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE”.

Waxana uu intaas ku daray oo uu Guddoomiyuhu la socodsiiyey dhammaan xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE inay gacan ku siiyaan Danjire Buraale xilka loo magacaabay.

Ambassador Yuusuf Jaamac Buraale oo ah diblomaasi ku xeeldheer siyaasadda dibadda waxa uu ahaa Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Addis Ababa, Ethiopia, waxana uu ku biiriy xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Dec. 3 2007, isaga oo kaga dhawaaqay ku biiristiisa xisbiga KULMIYE xaflad loo qabtay in ka badan 400 oo qof oo isugu jira Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Odayaal iyo waxgarad kale oo isku magacaabay “Isbeddel-doonka Beelaha Garxajis” oo ku biiray xisbiga KULMIYE.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.