Dawlad Qaran!

Waa XAQ DASTUURIYA in ururo la furto si ay ula tartaman xusbiyada jira. Waxaa ururka QARAN ku garabtaganahay inay Xaqooda Dustooriga u dagaalaman, si ay uga qayb galan doorashada Dawlada hoose.

Haddiise Dawlada Dahir Riyale is hortaagto ururka Qaran inuu ka qaybgalka doorashooyinka dawladaha hoose, waxaan ururka Qaran kula talilahaa inay ISBAHAYSATAAN Xusbiga KULMIYE, ee ayna ku BIIRIN, taasi ayaa dalka iyo ururka Qaranba waxtar u leh.

Nasiib darada Xisbiga KULMIYE haysataa waxa ay tahay, inaanu Xusbigu haynin FIKRAD Ummada Somaliland ee isbadal doonka ah uu ka dhaadhiciyo oo dadka soo jiidata. FIKRAD dadku ka dhex arkaan dantooda. FIKRAD XUSBIGANA GUUL AY KU HANTAAN XUKUNKA DALKA U SOO HOYSA.

Su’aasha dadka isbadal doonka is waydiinayaan waxaa ay tahay, hogaanka xusbiga KULMIYE kalsoonida dadka ma hayaa si uu ugu guulaysto doorashooyinka dalka ka dhici doona?

Somaliland taag uma hayso Dahir Riyaalo oo soo noqda. Waxaanan qabaa in Somaliland ay u baahantahay sidii Dahir Riyaale looga badbaadin lahaa. Sidii Dahir Riyaale iyo KOOXDANI budhcada ah ee dalka afduubtahay la iskaga kaxayn lahayn waa hawl ummada Somaliland u wada tala.

Haddaba waxaa loo bahanyahy in Xusbiga KULMIYE la isgarabtaago, oo la taageero doorashada MADAXTOOYADA, Siiranyo iyo cidii kale ee Xusbiga KULMIYE u doortaba. Lakiin waa inuu Xusbiga Kulmiyana OGALAADO INUU CONTRACT (AXDI QARAMEED) LAGU DHISAYO DAWLADA QARAN OO DADKA SOMALILND LA GALAAN.

Uma jeedo DAWLADA QARAN, dawlad ururka Qaran dhiso. DAWLAD QARAN waxaan uga jeeda dawlad lagu dhiso SHIR QARAN oo dadka Somaliland ee AQOONTA lihi ay ku garfeeyan sidii tiirarka DAWLADA SOMALILAND ku istaagi lahayd loo qotomiyo.

SHIRKA QARANA LAGU MAGACABO GUDIYO MADAX BANAAN, IYO XUBNAHA KA MID NOQONAYA, OO LAGU SOO XULAY AQOONTOODA, WAYA ARAGNIMADOODA, WADANIMADOODA IYO DACADNIMADOOD. GUDIYADANI MADAXA BANAAN HOWSHOODU WAA SIDAY DAWLADA QARAN ULA DHISI LAHAAYEEN XUSBIGA LA DOORAN DOONO.
Dadka ISBADAL doonka ahi, waxaa ay diyaar u yihiin inay talooyinka lagu dhisayo DAWLAD QARAN isku keenaan, si loo badalo DAWLAD-JABHADEEDKA TODABA-IYO-TOBAN SANNO meelna ina gaadhsiinwayday, loona badbaadiyo SOMALILAND.

DHISITAANKA DAWLADA QARAN OO AY DADKU U ARKAAN INAY ‘CREDIBILITY’ LEEDAHAY, OO KEENAYSA ISBADAL KAAMILA AYUUNBAA DADKA LAGA IIBIN KARAA, SIDAA AYAANA COD DADKA LAGU HELAYAA. DADKA WAA IN LA TUSO, LAGANA DHAADHICIYO IN DAWLADA IYAGA MATASHA LA DHISAYO, IYAGUNA KA QAYB QAATAN DHISMAHEDA IYO ABAABULKEEDA.

Lakiin Dahir Riyaale ayaan ridaynaa oo Hatidii Ummad boobay, oo Dastuurka ku tuntay.
CODKA DADKA LAGU HELI MAYO.
LIIS BALANQAADYO AH, DADKU IIBSAN MAYAAN. Wayo, dadku hore ayay UGU HONGOOBEEN BALAN QAADYADAN OO KALE, dibna u rumaysan mayaan.
ODAYAAL SULDAANO/CAAQILO isku sheega oo la soo abaabulay CODKA DADKA LAGU HELI MAYO.

Teeda kalana, dadku waa ka daalay CALAACAL, iyo in la istusaaleeyo Maamul xumada, Cadaalad darada dalka ka jirta. Dadka inta Caqli lihi waa aragtaa Dawlada Dahir Riyaale halka ay Dalka la marayso, Qofka taa aan garanayna waa, qof habow ah oo hadal iyo wacyi toona galaynin. Haddba waxaa Xusbiga KULMIYE iyo Mucaaradka looga fadhiyaa inay keenan FIKRADO iyo habkii loo badbaadin lahaa dalka ee DAWLAD QARAN oo dadka u wada CUNTANTA loo samayn lahaa. Waxaan u arkaa in ay Nasiibdaro tahay in aanu ku jirno nin nacayb iyo maamul nacayb ragaaday.

Dad badan ayaa waxaa ay u arkaan hogaanka Xusbiga KULMIYE koox kursi doona, oon badalaynin habka mamulka dawladdeed ee dalka jirta, ee badankoodu ka mid ahaayeen. Haddii ay doorashada Madaxtooyada ku guulaystaan. Qorshe kasta oo ay dadka u soo bandhigaan, dad badani kalsooni kuma qaban inay HIRGALIN DOONAN.

Haddaba Xisbiga KULMIYE iyo Ururka Qaran oo wadajira ayaa guulaysankara. Dadka Somalilandna ka badbaadinka Dawlad xumadan ku habsatay, waa haddii ay u hawlgalan sidii DAWLAD QARAN oo ummada horumar KAAMILA u horseeda u qorshayn lahaayeen.

Si dadka kalsoonidooda loo helo waa in Ururka Qaran iyo dadka Somaliland ee isbadal doonka ah, waa inay AXDI QARAMEED (CONTRACT) xusbiga KULMIYE la galaan.

Contract-gani ama AXDI QARAMEEDKANI waxaa hordhac u ah:

In Ururka QARAN iyo Xusbiga KULMIYE sida ugu dhakhsaha badan, doorashooyinka ka hore, ay u bilaabaan ABAABULKA SHIRKA QARAN, SHIRKANI oo lagu casuumi doono dadka Somaliland ee aqoonta leh ee guda iyo dibadba ku nool. Inta aan doorashooyinka dhicin ka horna, la bilaabo ururinta talooyinka/xogaha lagu dhisayo DAWLAD QARAN. Hadaba haddii xusbiga KULMIYE/Ururka Qaran ku guulaystaan doorashada, waa in SEDDEXDA BILOOD (AMA 100 CISHO) ee ugu horaysa, HIRGALIYAAN in Shir QARAN oo dalka gudihiisa ku qabtaan, talooyinka ka soo baxana lagu dhiso DAWLAD QARAN.

Hadaba Contract-ga AMA AXDI QARAMEEDKANI lala galayo KULMIYE waa inuu yidhaa:

“Inuu Hogaanka Xusbiga (Musharaxaa Madaxwaynaha/ Ku-Xigeenkiisa, iyo Xubnaha gudida dhexe KULMIYE) waa inay ugu DHAARTAA UMMADA SOMLILAND, haddii ay ku guulaystaan Doorashada MADAXTOOYADA, inay dhisayaan Dawlada QARAN, EE DALKA IYO DADKA U DANA, een ahayn Dawlad SHAKHSI, KOOX ama XUSBI leeyahay. SEDDEXDA BILOOD (AMA 100 CISHO) ee ugu horaysa dalka gudihiisa ku qabtaan Shir QARAN oo dadka Aqoonta leh iskugu yimadan kuna abuuraan DAWLAD QARAN.

Uguna DHAARTAA dadka Somaliland, haddii ay fulin wayaan AXDIGA QARAMEEDKA ay la galeen dadka in dadku CODKOODA KALA NOQDO DAWLADOODA. Waa haddii ay ku guulaystaan Doorashad MADAXTOOYADA..”

Haddaba si uu u dadku kalsooni u siiyo AXDI QARAMEEDKA (ama CONTRACT-gani), waa in Xusbiga KULMIYE iyo Ururka Qaran iyo dadka ISBADAL DOONKA ay kala SAXEEXDAAN AXDI QARAMEEDKANI. DHAARTUNA IYO SAXEEXU AY KA DHACDO MEEL ‘PUBLIC’ AH, LAGANA SII DAAYO DHAARTA RADIYAHA IYO TELIFISHANKA MADAXA BANAAN.

Hadaba dawladaasi la dhisi doono waa inay ka koobnato SIDEED GUDI oo MADAX BANAAN, si loo dhiso DAWLAD QARAN looguna xardho ‘Khariirada horumarinta Somaliland’ (OR ‘The Road Map of Somaliland development’).

Haddaba GUDIYADA MADAXA BANAAN ee gundhiga u ah DAWLADA QARAN waa kuwani:-
1. Gudida turxan bixinta iyo dhamaystirka Dastuurka dalka.

Dastuurkeena waxaa uu jiray mudo dheer, walina waa qabyo, meela badana waxaa ay u bahanyihiin in dib loo eego. Haddaba meelaha u bahan saxida waxaa ka mida:

• In mushaharka Madaxwaynaha, Madaxwayne-ku-xigeenka iyo Wasiirada la xadido.
• In aanay Madaxtooyada ayna noqon DHAXALTOOYO. Madaxwayne-ku-xigeenkuna dhaxlin jagada Madaxwaynaha, haddii uu Madaxwaynuhu (Illahay inaguma keene eh) wax ku dhacaan ama la IMPEACH-gareeyo, waa in Madaxwayne ku meel gaadha (Lix bilood) la magacaabo inta doorashada Madaxwaynaha la qaban.
• SIDA KU CAD DASTUURKA DALKA, waa in la ogalaado in la furto ururo siyaasadeed 5-tii sanaba mar. Si ururaddu ula tartamaan xusbiyada jira. Tani waxaa ay ku qasbaysaa in xusbiyada soo baxaa in ay noqdaan xusbiyo dhisan. Ayna noqon xusbiyo NIN ama KOOX ama QABIIL iska leeyahay.
• Xisaabiyaha Guud, Xeer-Ilaaliyaha Guud, Hanti Dhawrka Guud iyo Baanka-dhexe waa in ay noqdaan Hay’ado Madaxbanaan, kana madaxbanaanadan Waxda Fulinta (Dawlada Dhexe). Dadka loo doortaana ay noqdaan dad Kalsooni isku qaba, ilaaliya dhex dhexaadnimadooda, ahna dad Aqoontooda, Wadaniyadoodu iyo Dacadnimadoodu sarayso. Sidaa daraadeed waa in aanu Madaxwaynuhu si toosa u dooran xubnaha shaqadani qabanaya.

2. Gudida Warbaahinta iyo Wacyi galinta dadka.

Dimaqradiya oo ah habka aynu qadana, hirgali mayso haddii aynaan warbaahinto noqon mid xor ah oo dadka wacyi galisa. Waa in dadku barto sharciyada iyo Dastuurka dalka. Waa in dadku helaan warbahin xor ah. Dadkeenu inteeda badan waxna ma qoraan waxna ma akhriyaan, sidaa daradeed, waa in uu jiro Radiyo/Telefishano xor ah oo Gudi Madaxbanaani gacanta ku hayso.
Waana in loo ogalaado Idaacado iyo Telefishino xor ah in dadku yeeshaan.

3. Gudida dibu habaynta DAWLADA (Dawlada Dhexe iyo Dawlada hoose).

Shaqalaha dawlada waa in tababaro loo furo, loona qeexo shaqada ay qabanayaan, lana siiyo darajo ku salaysan shaqada ay qabtaan. Qofkii shaqaada loo dhiibay ka soo bixi waayana shaqada laga saaro. Waa in shaqalahu ay shaqeeyan 40 sacadood wiigi, qofka sagsaaga shaaqadiisa, la ganaaxo ama la eryo. Shaqaalahana waa in la siiyo lacag ku filan oo ay ku noolan karaan.

Shaqooyinka muhiimka ah waa in loo tababaro shaqalo cusub, oo ka nadiifa musuqmasaq iyo tayo xumo shaqalaha dawlad ku habsatay.

Howsha ugu mihiimsan ee Gudidani waa in ay noqoto: Tababarida, shaqo siinta iyo shaqo ka fadhiista shaqaalaha hawshooda gaba. Gudidani waxaa ay daba galaysaa shaqaaluhu inay hawsha ay ummada u hayaan, ee ay lacagta ku qatan inay fulinayaan iyo inkale.
Dawlada hoose.

Waa in Mayerka si toosa lagu soo doorto. Waxaa ka codsanayaa Golaha Wakiilada in Xeerka Doorashada in aydun ku dartaan in Mayerka Magaalooyinku noqdo mid si toosa dadku u soo doortaan. Waayo, 25 xubnood oo shaqadoodu kala xadaysnayn waxaa ka fishaa qas iyo is qabsi joogta ah, sida dadku ka markhatiga yihiin.

• In nabad galyada, ama Ciidan Booliska magaalooyinka waawayn ay hoos yimadan Dawlada hoose. Mayerka iyo Gudida dagaanku ay Magacaabaan taliyaha Booliska.
• Waa in uu jiro Ciidan Boolis oo kooban oo hoos yimada Dawlada Dhexe.
• In Mayerka, Mayer-Ku-Xigeenka waa in ay Full-Time shaqeeyan, mushar ku filana qaataan. Xubnaha kale ee Gudida Degmooyinku waa inay Part-time ku shaqeeyaan, mushaharkooduna aanu badnaan. Noqdaana dad u bahnayn Gunada (ama Mushaharka) Dawlada Hoose siiso.
• In dawladaha hoose awood u yeshaan oo maamulaan, qorsheenstaan cashuurtooda, si ay ugu kaaban bahidooda.
• Gudidani waxaa ay la shaqynayaa, oo la talinayaan Dawlada Hoose. Si loo helo maamulo dawladado hoose oo si fiican u shaqaynaya.

Dawlada Dhexe.
Waxaa loo bahan yahay dawlada kooban oo ugu badnaan 12 wasaradood ah, mamulana wasiiro XUL ah oon XAL ahayn. Wasaaradaha Dawladu waa in ay ka koobnadaa:
1. Wasaarada Difaaca dalka.
2. Wasaarada Cadaalad.
3. Wasaarada Diinta.
4. Wasaarada Hawlaha Guud.
5. Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amaanka.
6. Wasaarada Arimaha dibada iyo xidhiidhka jahliyadaha Somaliland.
7. Wasaarada Maaliyada iyo Qorshaynta.
8. Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha.
9. Wasaarada xoolaha, Beeraha iyo horumarinta reermiyiga.
10. Wasaarada caafimadka.
11. Wasaarada waxbarashada.
12. Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayradka dalka.
4. Gudida Cadalada.

Gudidani shaqadeedu waa in ay noqoto in ay isku xidhaan, dhexna u noqdaan SHACBIGA iyo DAWLADA (Waxda Fulinta, Waxda Gorsoorka, Waxda Sharci dajinta).

Waa in ay noqdaan gudi dadku u caban karaan haddii ayna cadaalad helin. Shaqada ugu horaysaa ee gudidani qabanaysaa waa inay noqoto, qiimaynta Gorsarayasha dalka maanta ka jira. Shaqadana ka fadhiisayaan garsooraha aqoonteed, iyo dacadnimo uu garsoore ku noqdo lahayn.

• Maanta Garsoorayaasha dalka ka jira badankoodu waa qaar aqoon ku filan lahayn iyo qaar ku milmay habka musuq masaqa iyo kala talis nimada ee dalka ka jira, markaa waxaa loo bahanyahay in Gudidani ay Waxda Garsoorka ka cawinayaa si loo tababarka Garsoorayaasha dalka, lana soo saro Garsoorayaal madaxbanaan, sharciga dalkana ixtiraama, cadalada dadka ku dhaqa.
• Gudidani waa in ay dhisaan Maxkamado ku meel gadha oo lagu xalilo mashaakilada yar yar, een u bahnayn Maxkamad iyo Garsoorayaal. Maxkamaddo ku salaysan habka JURY-ga, oo ka kooban shacbiga intiisa muxtarimka ah (Odayaal, Wadaado iyo Aqoon yahanba). Dadka Jury-ga noqonayana muddo gaaban lagu baro sharciga iyo sida u xaliyaan arimahan. Maxkamadani waxaa ay fudidaynaysaa Waxda Garsoorka dalku inay wakhti u helaan ‘Caseska’ u baahan Garsoore.

Shaqada ugu mihiimsan ee Gudidani qabanaysaa waa in sida uu Distoorka Somaliland dhigayo noqoto, Waax Madaxbanaan, kana madaxbanaan Waaxda Fulinta, ee Awoodii ciidan iyo tii Hantida ummada gacanta ku haysa.

Sidaa daraadeena, Mushaharada iyo kharashka Waaxda Garsoorka, iyo kuwa Waxda Sharci dajintuba ay si toosa uga timado Hay’da Treasury oo ah Hay’ad Madaxbanaan oo ah mid ururisa Hantida Ummada.

5. Gudida ururinta hantida ummada iyo la dagaalamka Musuqmasiqa.

Waxaa wadamo badan oo Afrikana la dagay ama qayrkood ka reebay waa MUSUQ MASAQA iyo DAWLAD XUMO, oo ah Dameer iyo labadiisa dan.

Markaa Gudidan waxaa ay la shaqaynaysaa Wasaarada Maaliyada, Xisaabiyaha Guud, Xeer-Ilaaliyaha Guud, Hanti Dhawrka Guud iyo Guddoomiyaha Baanka-dhexe iyo Hay’daha madaxa banaan ee hantida ummada qabta.

Gudidani waxaa kale oo ay la shaqaynasaa Golaha Baarlamanka, Wasarada Cadalada iyo Gudiyada kale ee madaxa banaan; sida Gudida Cadalada, Gudida Wacyi galinta iyo Gudida turxan bixinta iyo dhamaystirka Dastuurka dalka.
Tani waxa ay keenaysaa, in la abuuro sharicyada ay ku shaqeeyaan Hay’da ururinaysa Hanti ummada iyo Hay’da la dagalanka Musuqmasaqa. Iyo waliba si dadka lagu Wacyi galiyo ku dhaqanka sharciyadani, iyo si loo ciqaabo shakhsiga lunsada Hantida Ummada.

Ujeeda ugu wayn ee Gudidani loo samaynayo waa si loo sameeyo laba Hayadood oo madaxbanaan, oo kala ah Hay’da hantida ummada ururisa (Treasury Department), iyo Hay’da la dagaalamka Musuqmasaqa (Anti Corruption Agency).

Shaqada ugu horaysaa ee Gudidani waa in ay abuuran Hay’do Madaxbanaan oo maamula Dakada Berbera, Airportyada, iyo Wakaalada Biyuha. Tusaalo ahaan, Wakaalada Biyuha (Magaalo kastaaba) waa in ay noqoto NON-Profit, oo lacagta ay soo saarto iyadda dib loo galiyo.

Shaqada kale ee Gudidani waxa ay tahay in DIB U HABAYNTA Cashuuraha Dadka laga qaado (TAX REFORM). Si ay dib habayn ugu sameeyaan Cashuurta DAWLADA (Dawlada Hoose iyo ta Dhexe) ay qabtaan. Waa in Cashuurtu noqdaan Cashuuro Macquula, dalka oo dhana laga ururiyo. Een ku ekayn Dagaamo kaliya. Gudidani waa inay samayso hab fudud oo lagu ururinkaro Cashuurta, oo “Transparent” ah.

6. Gudida dhisida Dhaqalaha dalka iyo ganacasiga.

Gudidani waxaa ay isku xidhaysaa DAWLADA, Malqabeenada iyo dadka Somaliland ee dibada ku nool, si loo kiciyo mashaaricda dalku u baahanyahay, dadka ugu abuuraan shaqooyinka ay u baahanyihiin.

Gudidani iyaga oo la shaqaynaya Baarlamanka iyo Gudida turxan bixinta iyo dhamaystirka Dastuurka dalka, waa in ay abuuraan Banks dadku leeyihiin, iyo Somaliland Stock Exchange.

Dhaqaalaha Somaliland waxaa uu ku xidhanyahay Xoolaha, Beeraha, Kaluunka, Warshadaha, iyo Ganacsiga. Gudidani iyada oo la shaqaynaysa Wasaaradaha ay khusayso waxaa dhisayaan sidii loo kobcin lahaa illaha dhaqaalaha.

Mashaaricda ugu horeeya ee dalka laga hirgalinayo waa in uu noqdo Warshada Sibidhka, Mashruuca Wajaale, Warshadaha Laydhka ee magaalooyinka, iyo Biyo xidheenada dalku u bahanyahay.

Gudidani iyaga oo la kaashanaya aqoon yahanada cilmiga u leh Bayacmushtariga waa in ay sameeyan “Feasibility Study” mashruucyadan ugu mihiimsan ee dalku u bahanyahay, kadibna u qaybiyaan ‘shares’, una bandhigaan dadka somaliland ee gudaha iyo dibadaba ku nool.

Waana in laga ilaaliyo in shakhsi ama shirkadi lahaato in ka badan 5% mashruucyadani. Haddii qof ama sharkadi iibsato shares badan waxaa ay dadku u arkayaan mashruuc Qabiil uu leeyahay, tanina waxa ay dhibaato u keeni kartaa jiritaanka mashruucayadani iyo dhaqaalaha dalkaba.
Haddii si xilkasnimo iyo wadani nimo ku jirto loo magacabo dad daacad ah oo dadku ku kalsoonyihiin, waxaan qabaa in sanad gudihii lagu dhamastirikaro Mashaaricda dalku u bahanyahay inagoon cidna waxba waydiin.

7. Gudida dibu habaynta, tababarida iyo tayanta Ciidamada Qaranka Somaliland.

Gudidani oo ka kooban saraakiisha Somaliland ee xirfada iyo aqoonta u leh tababarid iyo dhisida ciidamada qalabka sida. Waxaa qaranka u diyaarinayaan CIIDAN QARAN oo darajadiisa leh oon ahayn CIIDAN-Jabhad ah. Waxaa ay ka dhigaayaan in Ciidankani aanu noqon ciidan ku xidhan Xusbi, Gobal(o) iyo Reerotoona.

Gudidani waxa kale oo howsheedu noqonaysaa daryeelida askarta iyo reerahooda, waa in ciidanka la siiyo mushaharo ku filan, iyo waliba waa in Ciidanka la siiyo Beero ay beertaan, wixii ka soo go’ana loogu kardhiyo mushaharkooda.

8. Gudida Ictiraaf radinta

Gudidani waxaa ay isku xidhaysaa Wasaarada arimaha dibada iyo Jahliyadaha Somaliland. Haddaba hirgalinta qodabada kor ku qoran waxaa u gogal xadhayaan in ay fudidaato in dalkani aqoonsi helo. Marka la helo DAWLAD QARAN oo dadku leeyahay waxa hirgalinaysaa in aduunku u soo joogsado, markaasi ayuu dalkani ICTIRAAF helayaa. WAA HADII AYNU DACAD-KANAHAY INAYNU ICTIRAAF HELNO!!!

Aduunku marka uu arko dawlada Dahir Riyaale Hogaaminayo. Ee maanta dalka jirta, xataa dawladdaha doonayay inay ina Ictiraafan ayaa dib uga joogsanayaan.

Shaqada gudidani waxaa ay dardar galinaysaa in Jahliyadaha Somaliland ee dibadaha ku nooli ay u howlgalaan sidii Somaliland Ictiraaf u heli lahayd.

Haddaba waxaan ku soo gabagabaynayaa qoralkani. Waxaa dalkeena ka dhacay laba Shir Qaran. Mid waa shirkii Qaran ee Burco ka dhacay 1991, kaasi oo Beelaha Somaliland ay ku go’aansadeen in ay NABAD ku wada nooladdaan, dibna ula soo noqdaan dalkooda – Somaliland.

Shir Qarameedkii labaadna waa kii ka dhacay Boorame, kaasina waa kii lagu dhisay dawlad sal balaadhan, oo ahayd Dawlad XAL , oon ahayn DAWLAD XUL. Waxaa ay ahayd in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay keenan DAWLAD XUL ah, nasiibdarose DAWLAD Dahir Riyaale waxa ay noqotay DAWLAD u dhaqanta si KALI TALISNIMA AH, OO UMMADA SOMALILAND EE U CODAYSAY KU KHASAAREEN.

Dadka Somaliland waxaa ay u bahanyihiin in marka hore ay badalan dawlada Dahir Riyaale, kadibna mar saddexaad ay qabsadaan SHIR QARAN kuna dhisaan Dawlad QARAN oo Horumar KAAMILA DALKANI u horseeda. DAWLADANI oo lagu taago TIIRAR adag oo jiilasha soo kacaya ay dhaxlaan.

Dawlada QARAN waxaa la dhisi karaa marka la helo HOGAAMIYE dacad ka ah horumarinta dalka, oo abuura Gudiyo Madaxbanaan oo dhex dhexaad ah oo la shaqeeya. Gudiyo Madaxbanaan shaqooyinkoodu waxa ay tahay in HOGAANKA la doortay la dhisaan DAWLAD QARAN oo ku tagan TIIRAR ADAG.

Haddaba si taa loo helo, Xusbiga KULMIYE waa inay soo xulan Qofka noqonaya HOGAAN dalka. HOGAANKUNA waa inuu AXDI QARAMEED (CONTRACT) LA GALO UMMADA Somaliland, si uu u helo KALSOONI buuxda oo dadku ku doortaan.

Waxaan ku soo duubi lahaa hadalka, way fudidahay in aad cida talada haysa mamulkiisa cabaaraysid, kana soo horjeedsatid sida arrimaha dalka uu u maamulayo. Lakiin waa in aad fikrad ummada u cuntanta oo badalaysa taasi oo dalka lagu maamuli karo aad la timaadid, waa haddii aad dalka iyo dadka dantiisa wadid.
Eng. Omar Yousuf

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.