Madaxweyne Riyaale iyo Hay’adda Inter Peace oo ka wadahadlay fulinta qorshaha loogu talagalay doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xalay la kulmay wefti ka socda hay’adda Inter Peace ee nabadaynta iyo horumarinta Dimuqraadiyadda.

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani, Madaxweynaha iyo weftigu waxay ka wadahadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona badhtamaha sannadkan iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha loo dejiyey qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo sheegay in hay’adda Inter Peace loo igmaday hirgelinta doorashooyinka Somaliland ee soo socda.

Madaxa Weftiga, Mr. Jerry ayaa u sheegay Madaxweynaha – sida warsaxaafadeedku sheegay – in ujeeddada socdaalkoodu yahay inay dardargeliyaan sidii loo dhaqaajin lahaa qorshayaashii loogu talagalay in lagu fuliyo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo adeegyada kale ee lagu fulinayo doorashooyinka soo socda.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabadgelyaba, iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba,” ayuu yidhi Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyadu.

Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Riyaale u xaqiijiyey weftiga Inter Peace in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay dalka ka dhacaan doorashooyinka xor ah oo nabadgelyo ah.

Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu horkacayey Guddoomiyaha Komishanka, Maxamed Yuusuf.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi ayaa bishii Oktoober wada saxeexay heshiis dib loogu dhigay wakhtiga ay qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada, kadib markii ay lagama maarmaan noqotay in la diiwaangeliyo codbixiyayaasha doorashooyinkaas ka hor. Waxaana heshiiskaas weheliyey Jadwal (Time Table) loo dejiyey wakhtiga diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo doorashooyinku qabsoomayaan. Hase yeeshee, Madaxweyne Riyaale ayaa waraysiyo uu bixiyey maalmihii la soo dhaafay waxa uu muujiyey in aanu aqoonsanayn wakhtiga lagu heshiiyey in doorashooyinku dhacaan, balse uu sugayo in Komishanku cayimo wakhtiga ku haboon ee doorashooyinka la qabanayo.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News and tagged , , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.