Madaxtooyada SL oo Jawaab ka bixisay hanjabaaddii Cabdillaahi Yuusuf: “Waxaanu kula talinaynaa C/llaahi Yuusuf inuu Dawadiisa iska qaato, una hoggaansamo…”

  Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalo hanjabaad ah oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Baydhaba, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Cabdillaahi Yuusuf ayaa waraysi ay la yeelatay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA waxa uu ugu baaqay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, isaga oo ku hanjabey haddii ay toddobaad gudihii kaga bixi waayaan ciidamada Somaliland gobolkaas inuu weerari doono.

Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Moogge ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaabayo hadalkaa Cabdillaahi Yuusuf, waxana uu yidhi:

‘’Anaga oo tix raacayna Waraysigii Toddobaadkan uu siiyay Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha Imbegati  Idaacada Codka Maraykanka , Qaybteeda Afka Soomaaliga VOA  iyo  Telefishanka AL Jazeera , taasi oo uu handadaad u soo jeediyay Somaliland inuu weerar ku soo qaadayo  haddii ay kala bixi waayaan Ciidamadooda Gobolka Sool , isla markaana uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Marka hore maaha markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo  inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo ku tilmaamay in arrinta gobolka Sool  ay tahay  mid u dhaxaysa  Somaliland iyo Dawladiisa Imbegati , waxaanu leenahay Somaliland   dawlad iyo shacbiba   waxay diyaar u tahay in ay  daafacaan dalkooda , iyada oo Somaliland  aanay cidna ku duulayn , hadana ay joogto  dhulkeedii iyo xuduudeedii  .

Cabdillaahi Yuusuf Marka uu leeyahay  xuduudkii Ingiriiska iyo kii Talyaanigu waxba kama jiraan , Somalilandna waa gobol ka mid ah Soomaaliya,  waa Been qaawan , caalamkuna wuu ka war hayaa  in Shacbiga Somaliland ay gobanimadooda  qaateen  26 , Juune 1960, iyaga oo markaa doortay in ay is raacaan  wadankii la odhan jiray Soomaaliya oo iyana gobanimadooda qaatay kowdii July.

Duruufta Israaca ee wakhtigaa taagnayd waxay ku salaysnayd  Shantii Soomaaliyeed ee lagu taamayay in ay midoobaan .

Bishii May 1991-kii , ayaa shacbiga Somaliland  go’aansadeen in ay kala soo noqdaan gobonimadoodii  iyo Madaxbanaanidoodii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya , markii ay ku khasaareen Is raaca .

haddaba , Madax banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland ee Mid Muqadas ah oo lama taabtaan ah oo aan cidna loo daba fadhiisanaynin.

Haddii Cidi xuduud Been been ah samaysay waxa  weeyi Cabdillaahi Yuusuf markii uu sameeyay Maamulka Majeerteeniya ee uu ku magacaabay wax la yidhaahdo Puntland , intii aanu madaxda ka noqon  maamulkii lagu soo dhisay Imbegati , isaga oo mar walba ku doodaya in dadka degan  gobollada Sool iyo Sanaag Bari ay isu isir yihiin .

Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool oo ka mid ah  dhulka Somaliland , waana la ogyahay baylahda iyo dayaca badan  ee ku dhacay gobolka Sool intii uu gacanta ugu jiray Maamulka Majeerteeniya, hadana gobolka Sool waxa uu ku sugan yahay Nabad iyo xasilooni , isagoo maamulkiisa ay gacanta ku hayaan dadkii degaanka u dhashay, isla markaana la hir galiyay dayac tirkii  adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Magaalada Laascaanood , iyadoo weliba sidii Madaxweynuhu ku cel celiyay dhawr jeer laga fulin doono Mashaariic wax ku ool ah gobolka Sool  Mustaqabalka dhow, kuwaasi oo ay ka mid noqon doonaan Mashruuca Biyaha  iyo Caafimaadka ee laga hir gelin doono gobolka Sool.

Cabdillaahi Yuusuf waxa uu ku cel celiyay xil baan ummada u hayaa oo  waan u dhaartay , haddaba aynu is weydiinee isaga oo Muddo yar u hadhsan tahay wakhtigiisii Muxuu u qabtay Soomaaliya.

Sida aynu wada ognahay Muqdisho iyo Baydhababa marka uu ka soo dagayo ama uu ka dhoofayo waxa lagu daadihiyaa gawaadhida Gaashaaman iyo Dabaabadaha .

Waxa kale oo uu ku dooday Cabdillaahi Yuusuf in Somaliland  ay xidhiidh la leedahay  kooxaha Muqaawimada ee AL Shabaab  ee ka dagaalamaya Soomaaliya , taakulayna loo soo mariyo Somaliland , isaga oo taa uga dan leh Beerlaxawsiga  uu adduunka u jeedinayo in ay Somaliland  ay xidhiidh la leedahay Kooxaha Iska caabinta , waxase u sheegaynaa oo adduunkuna ka war hayaa in Somaliland ay tahay  wadankii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga kooxihii xag jirka ahaa ee Al Qaacida xidhiidhka la lahaa , ka dib markii ay isku dayeen in ay  waxyeelo u gaystaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka .

Kooxahaasi waxa la soo taagay maxkamada  Somaliland wixii dambi lagu helayna Jeelasha ayay ku jiraan oo ay u xidhan yihiin .

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa , Cabdillaahi Yuusuf  Laba Arrimood ayaanu kula talinaynaa :

Waa ta hore  in uu u hogaansamo taladii ay siiyeen dalalka caalamka ‘’International Community” , waa arrin isna ogyahay anaguna ka war hayno , taas oo ah inaanu Somaliland  soo fara gelin.

Waa Ta labaade Waxaanu kula talinaynaa Cabdillaahi Yuusuf inuu daawooyinkiisa iska qaato oo uu u hogaansamo talooyinka ay siiyeen dhakhatarada Cisbitaalka Cromwell ee Magaalada London”.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.