Daawo Sawirada BERBERA & Banaanbaxii Ugu Balaadhnaa ee lagu muujiyey qadiyada gooni isutaaga Somaliland Oo Siweyn Dadweynuhu Usoo Baxeen

dadweynaha.JPGBERBERA :Banaanbaxii ugu balaadhnaa ee lagu muujiyey qadiyada gooni isutaaga Somaliland oo siweyn dadweynuhu usoo baxeen

“Dadweynaha Reer Berbera caruur iyo ciroole mid ma hadhin waxay usoo baxeen xaqiijinta himilada ictiraaf doonta Somaliland”

“Umay kala hadhin Ururada Bulshada Shaqaalaha Shirkadaha sida Telesom, Caruur Ciroole iyo Dhalinyarada reer Berbera Muujinta Qadiyada gooni isutaaga Somaliland”
“Saaxil Waxay bixin doonta Taakuleynta ugu badan ee Ciidanka qaran waxaanu gacanta ku haynaa ilaa boqol milyan oo uruuriyey Ciidamada Qaran”

reerberberaoosoobaxay.JPG
Jawigu waxa uu ahaa mid degan oo cirka ay isku dahaadhay daruuro taas oo ay dadka qaar ku haldhabayeen in jawigu u muuqdo mid la ictiraafay Somaliland dadweynuhu waxay usoo baxeen sidii ciidaha oo kale waxaanay siteen calamo, qoraalo, maryo, ay ku xardhanyihiin “somaliland gooni isutaageedu waa muqadas” iyo qoraalo lamid ah iyadoo koox koox loo soconayo ayaa la yimid goobtii lagu balan sanaa ee guriga martida barxadiisa halkaasi oo ay shaqaalaha dawlada dadweynaha, ururada bulshada shaqaalaha shirkada Telesom oo uu horkacayo Maxamed Cabdi Faarax iyo dadweyne aan lasoo koob Karin Ururada haweenka, Hawla wadeenada Wasaarada iyo Waaxyaha Dawlada ee Berbera, Xisbiyada Qaranka.

maayarka_berbera.JPG
Uguhoreyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera ahna Duqa Degmada Berbera Md Cabdale Maxamed Carab Sandheere oo aad ugu dheeraaday macaanka ay leedahay hirgalinta himilada iyo qadhaadhkeedaba waxaana hadaladiisa oo uu maayarku yidhi “Munaasibadan manta waxaynu usoo baxnay qadiyada somaliland ee halganka loo soo galay oo aad moodo iminka ifafaalaha muuqda inay dhowdahay sidaynu illaahay ka rajaynayno halganka baa lasoo galay xabad waa laga soo gud bay halgankii maskaxda iyo siyaasada ayaa la wadaa sidii aynu caalamka uga dhaadhicin lahayn inaynu nahay dad ismaamuli oo dawlad ah, jawiga manta ayaad moodaa in la ina aqoonsaday oo roobkiibaaba ina dul fadhiya waxaan jecelahay inaan dadka reer Berbera u sheego inay xornimadu waa wax aad u dheer dadaal badan bay leedahay waxa laga yaabaa dad fara badan oo manta halkan joogaa inay midhaheeda aanay qaadan oo kuwa ka danbeeyaa gurtaan tusaale waxa idiinku filan nin ayaa 27 sano jeel ugu jiray qadiyada madax banaanida uu aaminsanaa jasiirada robber ariland ayuu ku xidhanaa waxa la odhan jiray Tanzania aya lagu geynaya halkaas ayaa lagu geynaya halkaas wax kasta ka qaado hadii waa uu diiday waad garanaysaa waxa uu ahaa halgamaagii Mandela Xoriyadu waxay u baahantahay simir dheer dadka qaar baa yar baqda waxas looma baahna”

dsc03270.JPG

Shiine Cabdi Barkhadle oo u hadlay Xisbiga KULMIYE waxa hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi “KULMIYE waxa uu la qabaa somaliland dadweynaheed oo lasoo baxay muujinta qadiyada gooni isutaaga somaliland manta qofka halkan taagan ee gudbinaya dareenkiisa waxa uu la mid yahay ka furinta taagan oo dareen iyo qowl iyo camal ayuu ku muujinaya qadiyada gooni isutaaga somaliland taasina waa taynu u soo baxnay waxaynu caalamka kusoo kordhinay Dimuquraadiyada daganaasho & nabadgalyo”

baadhasaabka_iyo_banaanbaxa1.JPG

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilahi Maxamed oo ka hadlay banaabaxa lagu taageerayay qadiyada Somaliland waxa hadaladii Badhasaabka kamid ahaa oo uu yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Bulshada reer Berbera haday shaqaalaha haayadaha Dawlada, Ururada Bulshada, Shirkadaha Wadaniga ah, iyo Dhamaan bulsho weyn reer Berbera aad iyo aad baad u mahadsantihiin, hadaladaasi iyo muujinta dareenada qadiyada Somaliland waxa laga akhrisanaya dunida oo dhan washinton iyo londan baa laga akhrisanayaa taas ogaada Arintani maaha mid fudud muujinta qadiyada gooni isu tag somaliland waa arin meel wanaagsan ayay maraysaa banaanbaxan oo kale waa waxyaabaha muujinaya sida aynu ugu halgamayno gooni isu taageen somaliland”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubin ka tirsan Xisbiga UDUB isagoo tilmaamay in gooni isu taiga somaliland yahay mid muqadas ah.

dsc03360.JPG
Gudoomiyaha Gobolka oo ka hadlay Waxyaabaha hortaagnaa somaliland waxa uu yidhi
“Waxyaabaha had iyo goor ina hortaagnaa waxa kamid ah iyadoo la odhan jiray dalkii gobol baa kamaqan oo sool mahaysaan iyadoo manta halkay taagantahay aynu wada ognahay meel wanaagsan bay maraysaa Ciidanka qarankuna Hambalyo ayuu ku leeyahay waxaanu uruurinaynaa taakuleynta ciidanka qaranka dadweynow hadii aynaan ciidanka daba taagnayna waxyba ma soconayaa, waxaanu iminka haynaa lacagtii ugu badnaynaa oo Boqol milyan taas ku bushaaraysta lacagtaas oo laga uruuriyey shaqaalaha iyo dadka reer Berbera waxaan rajaynayaa in taakuleynta ugu badan saaxil laga helo taas ku bushaaraysta”
Gudoomiyaha oo carabka ku adkeeyey in nabadgalyadu tahay tiirka kaliya ee somaliland leedahay isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa Caalamka oo dhan Muslim iyo Gaal la I noogu hiilanayaa ee la inoo hadal hayaa waa qodob kaliya kaas oo ah Nabadgalyada weeye nabadgalyada waa in la wada ilaashada oo runtii waa arin muhiim ah, waxaan manta wada ognahay in dadkeena halkaa jooga mid manta meel aan somaliland ahayn u dhaqaaqi karaa ma jiro marka laga reerbo labo boqol oo baasabooro haysta wallaahi aniga iyo caruurtaydu meelkale oo aanu u dhaqaaqno wallay naga tahay tan ayaanu ku dhimanaynaa tan ayaanu daafacaynaa aad iyo aad baad u mahadsantihiin ilaahayna wuu gargaarayaa” sidaas ayuu kusoo koobay Badhasaabku hadalkiisa.
Waxa lagu tilmaami karaa banaanbixii ugu balaadhan ee ka dhacay Berbera ee lagu taageerayo qadiyada gooni isu taiga somaliland marka laga yimaado madaxda halkaasi ka hadashay waxa iyaguna goobtaas gabayo suugaano iyo hal ku dhigyo ku aadan xornimada qaranimada iyo gooni isu taiga somaliland fanaaniinta Gobolka Saaxil.

Cabdikariim Siciid Saalax
info@waaberinews.net
BerberaSomaliland

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.