Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo deedafeysey doorashada Maayorkuxigeen cusub

┬áBurco (Somaliland.org) – Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco ayaa fadhi aan caadi ahayn oo uu shalay yeeshey ku doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Falay inuu noqdo Maayorkuxigeenka magaalada Burco, kadib markii ay cod u qaadeen Maayorkuxigeenka xilka haya Xildhibaan Baashe Muuse. Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay doorashada Maayorkuxigeenka cusub.

Sida uu sheegay Maayarka Magaalada Maxamuud Xasan Dhego-laab, Wasaaradda Arrimaha Guduhu amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxay ku tilmaantay doorashada Maayorkuixgeenka mid aan waafaqsanayn sharcicga, iyada oo amarka wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu sheegay in doorashada Maayorkuxigeenka looga baahnaa inuu ku guuleysto 14, marka loo eego tirada xubnaha Golaha Deegaanka ee magaalada Burco oo ah 21 xubnood, halka uu Maayar xigeenka cusub ee la joojiyey uu ku guulaystay cod dhan 13, ka dib markii uu jagada kula tartamay Maayar ku-xigeenkii hore Baashe Muuse iyada oo tirada xubnaha Xildhibaanada ah ee fadhigaa goob-joogga ka ahaa ay dhamayd 17 Xildhibaan. Isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Taliyaha Booliska Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

Maayorkuxigeenka la doonayey in xilka laga qaado, Mr. Baashe Muuse ayaa la filayaa inuu saameeyey khilaaf ka taagan Wakaaladda Biyaha Burco oo ay ku kala qaybsameen Maayorka iyo Maayorkuxigeenka.

Maareeyekuxigeenka Wakaaladda Biyaha Burco, Muuse Cabdi Ismaaciil ayaa ku eedeeyey Maareeyaha Wakaalladda inuu musuqmaasuq kula shuraakeeyey koox ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Burco oo uu ka mid yahay Maayorku.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.