Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Isniin, 31 Dec.

 Qoys 7-ruux oo ah oo isku meel madfac ku laayayXalay: Weeraro iyo dagaal baahsan oo gees Ilaa gees hadheey Muqdisho

Muqdisho (Ogaal/W/Wararka) – Dagaallo culus oo baahsan ayaa xalay ilaa shalay gelinkii danbe ka socday deegaano kala gadisan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho  waxa dagaalo ba’an oo u dhexeeya kooxaha ka soo horjeeda Dawlada Cabdilaahi Yuusuf iyo joogitaanka ciidamada taageera ayaa waxay ka kala dheceen,  Isgoyska Kaasa Balbalaare ‘Wadada Tarabuunka, ‘Isbitaalka xooga, Guryaha African village. Wadada Km -4, Jidka wershadaha iyadoo sidoo kalena gantaalo lagu garaacay Madaarka Muqdisho.

Inta la ogyahay 7-qof oo isku qosys ah ayaa dagaalada Xalay fiidkii ku geeriyootay ka dib markii Madfac ku habsaday guri ay daganaayeen oo ku yaala wadadda Janaraal Daa,uud.

Dadkan shacabka ah ee gantaalkaasi guriga ay deganaayeen ugu tagay ayaa la sheegay in 5- ka mid ahi ay caruur ahaayeen iyo Hooyadood, dadkaasoo ka mid ahaa qoxooti ku noolaa guryo cooshado ka sameysan oo ku yaala xaafadda Janaraal Daa’uud ee Degmada Yaaqshid.  

Qoyska masiibadu ku habsatay ayaa la sheegay in Aabihii oo wakhtigaa ka maqnaa uu ka badbaaday.

Ka hor intii aan madfacu baabi’in qoyskan ayaa sida lagu faafiyay badi idaacadaha Muqdisho waxa la maqlayay  madaafiic xoog leh oo la isku weydaarsanayo goobo ka, agdhaw fadhisin Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin xarunta Wasaaaradii hore ee gaashaan dhiga’ Guul wadayaasha ‘iyo Garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadium.  

Sida uu Idaacada Shabelle goor danbe oo xalay ahayd u sheegay afhayeenka ciidamada midawga afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho Captain Paddy Ankunda kooxo ku aad u hubeysan gaadiid weheliyo ayaa iyana weerar culus ku qaaday saldhiga ciidamada Uganda oo ku taala Agagaarka KM4 ee Xaafada Hodan magaalada Muqdisho. 

Sarkaalkani waxa uu sheegay inay is difaaceen hase ahaatee, ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha labada dhinaca kala gaadhay.

Weerarka lagu qaaday ciidamadda Uganda ayaa kusoo beegmay xili deegaano badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho xalay ay dagaalo ka dhaceen.

Warku wuxuu intaa ku daray in intii weerarka ciidamada Uganda lagu qaaday uu soo socday sidoo kale madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dagaaladan Muqdisho xalay ku baahay ayaa loo arkaa kuwo qorshaysan oo kooxaha ka soo horjeeda ciidamada taageeraya Cabdilaahi Yuusuf ay ku muujiyeen awooda ay weli u leeyihiin inay qaadaan weeraro baahsan. Iyada oo aan ilaa hada la xaqiijin karin khasaaraha dhab ahaan dagaaladani geysteen.

 

Burco: Doorashada maayar xigeen cusub iyo deedafaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Burco (Ogaal)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa durtay, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaantay kalfadhi aan caadi ahayn oo shalay ay isugu yimaadeen Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco,  oo ay ku doorteen Maayar ku-xigeen cusub.

Sida uu sheegay Maayarka Magaalada Maxamuud Xasan Dhego-laab, amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu dedafeeyay doorashada Maayar-xigeenka cusub, oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Falay. Kaas oo uu Maayarku sheegay in joojinta Doorashadaa ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ku sababaysay, in sharcigu dhigayo marka loo eego tirada Xubnaha Golaha deegaanka Burco oo 21 ah, uu codka lagu guulaysanaa yahay 14. Halka uu Maayar xigeenkan cusub ee la joojiyey uu ku guulaystay cod dhan 13, ka dib markii uu jagada kula tartamay Maayar ku-xigeenkii hore Baashe Muuse. Halkaas oo tirada xubnaha Xildhibaanada ah eek al fadhiga lagu doortay Maayar-xigeenkan goob-joogga ka ahayd ay dhamayd 17 Xildhibaan. Isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Taliyaha Booliska Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

“Ma rabo in aan sheego lacagta madaxfurshada ah ee labada gabdhood” Cadde Muuse

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka) – Kooxo budhcad ah oo afduub ku haysta laba gabdhood  oo hawlo samafal ka waday Maamul Goboleedka Puntland, Islamarkaana ka shaqeynayey hay’adda MSF ayaa dalbadey madax furasho sida Wakaalada wararka ee Reuters uu shalay u sheegay hogaamiyaha maamulkaasi ee Cade Muuse.

Cadde Muuse waxa uu muujiyay in labada gabdhood oo todobaadkii hore laga afduubay magaalada Boosaaso ay ilaa hadda caafimaad ahaan wanaagsanyihiin, “Waxaan la xidhiidhney afduubayaasha. Waxana ay noo sheegeen in shaqaalaha u qafaalani ay caafimaad qabaan.”Ayuu u sheegey wakaalada Wararka ee Reuters Cadde Muuse. “Ma rabo in aan sheego lacagta madaxfurshada ah ee labada gabdhood ee ay dalbadeen afduubayaashu, laakiin waxba heli maayaan” ayaana hadalkiisa ka mid ahaa,  Madaxweynaha Puntland.

Cadde Muse waxa uu caddeeyay in afduubayaasha labadan hablood qafaashay ay yihiin , kooxo hore  afduub ugu qabsadey wariye Faransiis  ahaa oo maalin ka hor markii labadan dumarka ah la afduubay isaga lagu soo daayay madaxfurasho gaadhaysa 100,000 oo dolar. Islamarkaana ka dhoofey Boosaaso.

Cadde Muuse waxa kale oo uu sheegay in lacagtaa madaxfurashada looga qaaday wariyaha ay isku khilaafeen kooxdii howlgalkan fuliyay, isaga oo ku dooday in sidaa ay u sheegeen xubno ay ka qabteen ciidankiisu budhcadani markii ay afduubeen labadan hablood ee u shaqaynayay Hayadda MSF.

Waxa jira warar muujinaya in Budhcadan oo loo arko shabakad isku xidhan oo aanay ka madhnay masuuliyiinta maamulkaasi ay dalbadeen lacag madaxfurasho ah oo gaadhaysa 400,000 oo doolar si ay sii daayaan labadan dumar ah.

Cadde Muuse oo dhawaan Idaacada codka Maraykanka ee VOA ka waraysatay burburka iyo nabadgelyo xumada maamulkiisa soo foodsaartay, waxa uu ku dooday in dibada lagaga soo duulay, Isaga oo isla warysiga su’aalo kale oo lagu sii weydiiyay-na ku eedeeyey Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga maamulkiisa Siciid Maxamad Raage inuu ka danbeeyo afduubyada ka dhacaya Boosaaso ee lagu ugaadhsanayo dadka ajaanibka ah.

Labadan dumarka ah ee ugu danbeeyay ee afduubka loogu hayso duleedka magaalada Boosaaso oo u kala dhashay wadamada Argentina iyo Sbayn ayaa waxa dedaalo lagu soo deynayo wadda dublamaasiyiin ka socda wadamadooda oo halkaa u jooga sidii loo sii deyn lahaa.

Badaha Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland ayaa hore looga caagay budhcad badeed afduubka Maraakiibta iyo madaxfurshadooda ku welfay, waxana immika badahaasi ka hawlgala Maraakiib ciidamada Faransiiku leeyihiin oo ilaaliya badeecadaha ka gudbaya, gaar ahaan deeqaha loo wado dalka Somalia.

“Hadduu musuqmaasuq arkay (Maareeye-xigeenka W. Biyaha Burco) muxuu hore ugu sheegi waayay?”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco

“Markii xafiiskii shaqadu ka socotay …la xanibay, ee ninkii furaha hayayna la baxsaday, ayay khasab noqotay inaanu jebino”

Burco (Ogaal)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Axmed Ismaaciil, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu baahiyay Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Burco, oo uu ku sheegay in Musuqmaasuq ba’ani ka jiro Wakaaladdooda, isla markaana lagu shubtay daymihii ay Wakaaladdu ku lahayd Wasaaradaha.

Maareeyuhu oo daba socday War uu Maareeye-xigeenkiisu toddobaadkii hore ku baahiyay qaar ka mid ah Wargeysyada dalka, ayaa Warsaxaafadeed uu Magaalada Burco ka soo saaray ku bilaabay, “Xilka Wakaaladda waxaan  la wareegay 8-dii Bishii June 2005, waxaan ugu imid dayn gaadhaysa 250-Milyan SL SH. Dakhligu wuxuu marayay 114,503,698, waxa biyo-gelintu ugu jirtay 2,638 Guri, shaqaaluhu waxa uu ahaa 88-Qof.  Hase yeeshee, hadda wax dayn ah laguma laha Wakaaladda, dakhligii waxa uu marayaa 200-230-Milyan oo SL SH. Biyo-gelintu waxa ay maraysaa 5,800 guri, shaqaaluhun waa 99-Qof”

Maareeyuhu waxa kale oo uu Warsaxaafadeedkiisaa ku sheegay in dayntii ay Wakaaladdu ku lahayd Wasaaradaha Dawladda oo ahayd 156-Milyan oo SL SH, oo uu sheegay in Maareeyee-xigeenkiisu tilmaamay in Jeebka lagu shubtay oo la musuqmaasuqay, ay wali ku maqan tahay Wasaaradaha, oo aan laga soo qaadin. Isla markaana, ay Wasaaradaha Dawladdu u ballan qaadeen in Miisaaniyadda xaniban ee 2007 ay lacag ugu dareen. Sidoo kale Maareeyuhu wuxuu sheegay in eedaynta Maareeye-xigeenkiisu u jeediyey ee ah in lacag la siiyo Shirkadda TOTAL, aanay sidaa ahayn, balse ay heshiis kula galeen Shirkadda Total inay shidaalka u soo diraan Wakaaladda, iyaguna ay lacagta u diraan. Isla markaana wuxuu sheegay in Maareeye-xigeenku wax ka go’aamiyay heshiiskaa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, wuxuu sidoo kale dedafeeyay inay jirto dayn ay Wakaaladdu ku leedahay D/hoose ee Burco, balse lacagta uu Maareeye-xigeenku sheegay ay tahay mid iyaga horaysay.

Mr. Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadlay Imtixaan ay Hay’adda Shaqaaluhu ka qaadday Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Burco, oo Maareeye ku-xigeenku ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn. “Ma  la rumaysan karaa ninka imtixaankii uu dalbaday ee ahayd in shaqaalaha Wakaalada lagu kala reebo ee goobjooga ka ahaa ee saacad-saacadda ula socday, isla markaana ku qancay natiijadiisii, in haddana uu maanta ku sheego sharci daro, Waa wax lala yaabo, Hay’addii shaqaaluhuna waa tii ka jawaabtay arintaa. Waxa kale oo maangaabnimo ah ninka xaqiray waxqabadkii Wakaaladda ee uu kaalintiisa ku lahaa, Haddii uu musuq-maasuq iyo khaladaad arkay muxuu hore ugu sheegi waayay, inta uu is-casilo.?” Ayuu yidhi Maareeyuhu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddaan yara iftiimiyo waxa ku kalifay Maareeye xigeenka arimhan, Habeenimadii 21/12/07, ayaa waxa  aniga ii yeedhay Badhasaabka, Maayirka, Maayir-ku-xigeenka iyo maareeye-ku-xigeenkayga, waxayna ii soo jeediyeen in Ninkii imtixaanka agaasimayaasha laga qaadayay diiday ee yidhi Grade B (Derejada B” ayaan joogayaa, ayaa waxay soo jeediyeen afartoodaasi nin imtixaamkii agaasimayaasha galay oo guulaystay in looga qaado booska. Ka dibna waxaan u sheegay in sifihii imtixaanku wada burburayo, kuwii la midk ahaa ee  aan imtixaanka galin ee dhimista la raaciyay ay iyaguna imanayaan, oo doonayaan booskoodii, taasina  dhibaatadeeda leedahay. Somaliland-na aanay hore ugu dhicin nin imtixaan galay oo ugu sareeyay oo la yidhaahdo ha laga qaado, odayaal ayaa noo yimiye, waxaan ugu jawaabay in arintani cadaalad ahayn, dhibtuna aniga igu soo noqonayso….Ninkaan xilka ku sii wareejin jiray markaan hawl meel ugu baxayo, waxa layaab ah in uu dafiro oo yidhaahdo cid kale ayuu kaga sii tagaa. Waxaanse xusuusinayaa Maareeye-ku-xigeenka inaanu ilaawin in Wakaaladdu hoos tagto Dawlada hoose, sida uu dhigayo xeerarka gobolada iyo degmooyinku No.23.”

Maareeyuhu ayaa sidoo kale Warsaxaafadeedkiisaa ku yidhi, “Markii xafiiskii shaqadu ka socotay ee ay yaaleen kambayuutarada ay ku jireen liiska magacyada goobaha ay biyuhu ku jiraan la xanibay, ee ninkii furaha hayayna la baxsaday, ayay khasab noqotay inaanu jabino si aanay hawshu u  joogsan, Waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiinta xafiiska oo dhan oo wax qarsoodi ah ma ahayn, Laakiin waxa haboonayd in Maareeye-xigeenku  soo qabto ninkii furaha xafiiska la baxsaday ee dambiga galay inta uu difaacayo..Maareeye ku xigeenku haddii uu waramayay waxa haboonayd inuu sheego dhaqaalihii saddexda jeer aanu hawlaha caafimaad ugu dirnay Itoobiya, Abu-dabay iyo meelo kale ee lixda kun ee dollar kor u dhafay, Hase yeeshee,  waxa  uu ka la garan waayay maareeye xigeenku caadifadii qabiil oo ka xoog waynaatay iyo dantii qaran ee ummada loo hayay.”

Hargeysa: Aaraada Iimaamyada iyo Aamusnaanta Masuuliyiinta Wak. biyaya

Barkhad M. Kaariye

Marka laga yimaado Jidhaanta ka samaysantay goobta ay ka soo burqanayaan, inta aanad gaadhin isha bar bilowga u ah, waxa dhawr Mitir kaaga hor imanaya qulqulka biyaha sunsumaya. Kuwaas oo Gal ka samaystay mid ka mid ah godad ku yaala badhtamaha waddada oo aan sidaa uga fogayn. Tarshadda ay tuurayaan Taayirada Baabuurta waddada maraya ee ku dhacaya galkaa ceegaaga, ayaa ah mid dhoojaysay agagaaraha Jidkaas oo ah mid burbursan.

Goobtu waa Hargeysa, gaar ahaan mid ka mid ah degmooyinka Magaalada. Qasabadda jabtay waa Beebabkii muddo aan dhawayn la aasay midkood, Daxalka iyo madowga saaran oogada sare ee beebka jabay marka la halacsado, ayaa la garanayaa inuu yahay mid muddaba aasnaa, isla markaana ay dibedda u soo saareen cagta dadka iyo baabuurta dul marayay. “Shalayba markii ay Qasabaddani jabtay, waanu la hadalnay Wakaalladda Biyaha, balse ilaa hadda cidna looma soo dirin” tibaaxdaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka la deriska ah qasabaddan jabtay. Sidaan filayo, goobtan aan ka waramayaa maaha madasha kaliya ee sidan biyo uga idlaadeen, hase ahaatee waa inta ogaalkay ah amaba aan la kulmay, haddii aan si kale u idhaahdana, aan igu maqaalo ahayn, ee aan indhaha saaray.

Akhriste, xusuusnow, waqtiga ay biyahani cidlada ku dhammaadeen, waa maalin ka dib markii uu dhawaaq ka soo yeedhay qaar ka mid ah Iimaamada Masaajidada Hargeysa, oo sheegay inay Wakaaladda Biyaha Hargeysa Masaajidadaa ka jartay Biyihii.

Qof kastaa wuxuu isweydiin karaa sababta kalliftay inay Wakaalladda Biyaha Hargeysa biyaha uga goysay Masaajidadan? Hase ahaatee, Iimaamada ka cawday Jaritaanka Biyaha ee Masaajidada ay hor joogayaasha ka yihiin, ayaa ku tilmaamay in Wakaaladdu cudur-daar ka dhigatay in aanay D/Hoose ee Hargeysa oo u xil saaran bixinta lacagta xaddiga Biyaha ah ee ay Masaajidadu isticmaalaan, aanay xaraynin lacagtii.

Inkasta oo Masuul ka tirsan Wakaaladdu dedafeey jiritaanka warkaas, haddana akhriste wali ma joogsanin Iimaamada sheegaya xaqiijinta warkaa. Iimaamka Masjidka guriga Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu dambeeyay. Isaga oo sheegay in Wakaaladda Biyuhu ku soo dallacday lacag xaddigeedu ka wayn yahay jeebka iyo dhaqaalaha Masjidkan, oo aanu bixin Karin.

Warkan Jaraa’iddadu marar kala duwan oo hore ayay qoreen, hase ahaatee Masuuliyiinta sare ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo uu ugu horeeyo Maareeyaha Wakaaladdu, ayaa u muuqda kuwo aamus ka galay ka hadalka arrintan. Taasina waxay xoojinaysaa jiritaanka Warkan, sababtoo ah aamusnaanta ayaa la rumaysan yahay inay badh ka tahay qirashada.

Si kastaba ha ahaatee, isweydiinta meesha ku jirta ayaa ah, Maxay Wakaaladda Biyaha Hargeysa u qaban wayday biyaha daadanaya, inta Mudanta waa Masaajidka’e, qaarkood biyaha laga jarayo. “Ma ahayn in Wakaaladdu biyaha ka jarto Masaajidada qaakood, isla markaana ay ku soo dallacdo biil aanay awood u lahayn Iimaamyadu, hase ahaatee haddiiba ay lacagtu badatay, waxay ahayd inay kala xaasho cidda u xil saaran arrintan” weedhaha waxa fikirkiisa ku aaddan arrintan ku cabiray mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, oo dabcan tallaabo qaldan u arkay.

Isku soo wada duuboo, haddiiba ay Masuuliyiinta sar-sare ee Wakaaladdu aanay arrintan ka hadal, ama aanay tallaabo ka gedisan tan ay hadda qaadeen ku tallaabsan, waxay bulshada qaar badan oo ka mid ah ula muuqanaysaa mid ay Masuuliyiinta Xukuumaddu, gaar ahaan inta ay sida tooska ah u hoos tago arrinkani raali ku wada yihiin in Waysada laga gooyo badi Masaajidada Magaalada iyadoo siyaabo kale loogu raadin karo dhaqaale wakaalada ka caawiya wax soo saarkeeda.

“Waxaanu aaminsanahay inaanu xukuumada taageero markaa M/weyne…”

Madaxdhaqmeed ka soo jeeda beesha Gabooye  

Hargeysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha iyo Wax-gardka Beelaha Gabooye, ayaa Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahad Cismaan Buuri, ka dhigo Wasiir buuxa. Iyaga oo sheegay inuu u qalmo jagadaasi.

Sidaana waxa ay ku sheegeen qoraal ay xalay soo gaadhsiiyeen wargeyska Ogaal. Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan. “Madaxweyne, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka wuu mutaystay’e, nooga dhiga Wasiir buuxa.

Mudane. Madaxweyne, haddii aanu nahay Salaadiinta, Guddoomiyaha Beesha, Cuqaasha iyo wax-garadka beesha Gabooye. Anaga oo maanta taageersan Xisbiga UDUB.

Anagoo aaminsan in aanu maanta Xukuumada taageerno, waxaanu Madaxweyne kuu soo jeedinaynaa in aad Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka aad noogu magacawdo Wasiir buuxa. Anaga oo ku qanacsan sida uu ugu tafaxaytay hawlaha Qaranka ee uu ugu galaabaxay Gobolada Somaliland, isla markaana ku hawlan yahay ictiraaf-raadinta Jamhuuriyada Somaliland, ee dalka dibadiisa.

Madaxweyne anagoo u dhan hadii aanu nahay masuuliyiinta Beesha Gabooye, waxaanu mar labaad kaa codsanaynaa inaad Wasiir buuxa noogu magacawdid Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, waxaanu rajaynaynaa Madaxweyne inaad tixgalisid rabitaanka Bulshada.

Magacyada baaq.

1-Suldaanka guud ee beesha Gabooye. Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi, 2- Guddoomiyaha beesha Gabooye Xasan SHeekh Maxamed Aw Cali, 3- Suldaan Daakir Xasan Khaliif, 4- Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, 5- Chief Caaqil Cumar X. Cabdillaahi, 6- Chief Caaqil Cabdi-khadar X. Xuseen, 7- Chief Caaqil Cumar X. Cabdillaahi,8- Chief Caaqil Shiine Cali Faahiye, 9- Chief Caaqil Aadan Cismaan Kadaf, 1- Chief Caaqil Muuse Maxamed Samriye.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.