Maraykan Oo Dib Uga Noqday Bogaadintoodii Madaxweyne Kibaki

Musharax Raila OdingaNAIROBI, Kenya (Somaliland.Org) — Dawladda Maraykanka ayaa ku keliyaysatay bogaadin ay u fidisay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, iyada oo hore ugu hambalyeysay “guusha” uu ku guulsaytay tartanka Madaxweyne ee dalkaas ka dhacay Khamiistii. Mawqifkeedan oo dad badan ka yaabiyay sababta ay ugu degdegtay ayaa imika dawladda Maraykanku dib uga guratay, kuna soo dhawaatay mawqifka dalalka reer Europe (EU) ay ka taagnayeen natiijada doorashooyinka Kenya.

Dawladaha reer Europe ayaa iyagu mowqifkooda caddeeyey iyaga oo walaac ka muujiyay mugdida ku jira tirinta codadka iyaga oo aan wax bogaadin ah u fidin Mwai Kibaki haba yaraatee, waxana ay ku baaqeen in dhacdooyinka calaamatul su’aalku saaranyahay wax laga qabto inta aan natiijada lagu tilmaamin mid caddaalad ku dhacday.

Afhayeenka Madaxeynaha Maraykanka ayaa imika caddeeyey in Maraykanku laf ahaantiisu walaac ka muujinayo nidaamka doorashada loo maamulay, isla markaana soo jeediyay in wax laga qabto khaladaadka ku gedaaman nidaamkaas si loo soo afjaro muranka ka dhashay doorashooyinka. Waxana uu caddeeyay inaan Maraykanku aanay bogaadinayn Mwai Kibaki iyo Raila Odinga midkoodna inta laga jawaabayo su’aalaha ka soo baxay tirinta codadka.

Khubarada joobjoogga ah ayaa fikirkoodu si aan rasmi ahayn ugu janjeedhaa in Raila Odinga ka codad badnaa Madaxweynaha isla markaana ku guulaystay doorashada, hase yeeshee mugdiga jira awgeed ay adagtahay in si toosa ay ugu badheedhaan fikirkooda ayna ka horayso in la helo markhaatiga muujinaya cidda rasmi ahaan guushu raacday ayna lagama maarmaan tahay in baadhintaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo nidaamka loo tiriyay codadka. Baadhitaan dhexdhexaad ah ayaan suurto gal ahayn haddii guddidaga doorashooyinka Kenya (ECK) iyo dawladduba ay ku sii wadaan mowqifkooda qalafsan, kaasoo ECK ku samaysay go’aanka degdegga ah oo guusha lagu siiyay Madaxweynaha iyada oo aan la sugin ama aan jawaab lagu qanco la siinin xisbiga ODM iyo ururada goobjoogeyaahsa ahba iyo tallaabada iyaduna degdegga ahayd ee loogu dhaariyay Madaxweyne Kibaki saacaddo gudahood markii lagu dhawaaqay natiijada muranka keentay, oo sida ay u dhaceen la moodo inay ahaayeen wax meel ay isla sii dhigeen dawladda iyo shaqaalaha ECK.

Waxa suurto gal ah in Maraykanku mowqifkiisa ku aaddan doorashada uu beddelay markii uu ku keliyaystay bogaadinta uu u fidiyay Madaxweyne Kibaki iyo wararka tiiraanyada leh ee dhimasha kor u dhaaftay 100-ka qof ee ay sababtay ku shubashada cad ee dalkaas ka dhacday.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.