Karaahiyada Xukuumada iyo Kifaaxii Yuusuf Goboobe

Waxa ay cid waliba ogtahay in aanay banaanayn cay badheedh ah iyo af-lagaado ku wajahan shakhsi iyadoo loo marinayo wibsite sita magaca Somaliland waxa meel kadhac ah in magaca iyo sharafta cawaa’il iyo caruur aan waxba galabsan laga soo duro mareego sita magac Ummadeed.

Waxa ayaan daro ah in aynu aragno shaashado ogolaaday inay cay qoraan aqoonna moodaan sidaas iyo xirfad.

Waxa beryahan danbe muuqata in loo weel samaystay shaashado ku fogaada cay aan geed laysugusoo toosin si weliba dhaqanka ka baxsana loo maamulo qadafayada iyo cayda iyadoo fulanimo badanina ka danbayso oyna jirin badheedh iyo is muujin ee la amaanaysanayo oo lagu gabanayo magacyo aan jirin oo kooban ama naanaysyo qarsoon.

Aadbaan uga xumahay in qof nool oo dhiig iyo dhaqan lehi qof aan xil iyo xaqtoona ka sidan warbaahinta internet-ka cay iyo af-lagaado usoo mariyo isagoo ku difaacaya xukuumad xaq loogu leeyahay in wixii khaldan iyo wanaagba laga faafiyo, mida kale xukuumadu haday wax ka tirsato warbaahinta madaxa banaan iyadaa is daafacda oo weliba haysata awood ku filan sida weriyeyaal, wargeysyo, Idaacado, iyo dabcan TV-yo aan cidina la wadaagin oy ka fushato waxay dan iyo wacyi moodo.

Waa wax ku cusub dhaqankeena waxase loo aanaynayaa madaxda Somaliland waayo waxa laga raacay Mujaahid Yuusuf C Gaboobe guushuu ka keenay safarkiisii ugu danbeeyey ee uuku maray dhawr wadan oo Yurub ah Sida UK, Norway, iyo Irland oo uu ka keenay guulo hana-qaaday oo hinjiyey Somaliland tilmaan iyo taariikhna dhaxal-siiyey.

Yusuf Gabobe waxa jirtey in loo xidhay maxaa wargeyska aad maamushaa wax uga sheegay qoyska madaxweyne Riyaale iyo musuqmaasuqay faraa kula jireen iyadoynu ognahay mihnada rasmiga ah ee saxaafaduba ay tahay inay usoo gubiso Bulshada waxay ka ogaato Siyaasada arimaha Bulshada dhaqaalaha dhismaha dhacdooyinka taagan horumar iyo hanti urursi kay ku foogantahay xukuumadaa joogta iyo ta mustaqbalba, shacabkana waxa ka wakiil ah saxaafada madaxa banaan sida Idaacadaha wargeys-yada TV yada iyo iwm, waxana u marag ah intay isu jiraan Wadamada saxaafadoodu madaxa banaantahay iyo kuwa la cabudhiyo oo ku danbeeya bur-bur, khaatumo xumo iyo weliba Taariikh madow.

Hadaba akhristow dhowaan waxa wargeesyada maxalliga ah iyo badiba webabka Somaliland lagu soo ban-dhigay (Somaliland Passport) uu sitey muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa loo yaqaan (entry visa stamp) ee gudaha dalku-markaas oy si waafiya ugu muuqato shaabadaha Norway iyo Irland, arintaasu waxay ahayd horuumar iyo wax u kordhay Somaliland waxase ka hinaasay ka xanaaqay kana xajiimoodey Xukuumadeenii hakay ka xurmayn lahayd ka xalaalaysan lahayd ooy beriba odhan lahayd qaadan maynu laassabasare e’ noogu dhufta shabadaad ugu dhufateen Suxufugii Somaliland waxay noqon lahayd wado halaq lama waabiyeen, Allese ma’ tusine waxa madax maray hinaase geesa dibi u yeelay kana duul duul batay kii Haweenka, waataa gaadhey cadaawad fool xun basaasnimo lagu faano oo laysugu hanjebo website-yo la’ kiraysto oo lagasoo caayo Muwaadinkii islaha guulbaad kasoo hoysey halkaagii waa kuwaa naadiyey ee raadinaya cid cayda muwaadinka maqaam geeyey dalkiisii. Sow maaha micnuhu halkaa ha lagu hayo sow maaha yaanay haraad beelin sow mahaa yaanay hanaqaadin sow maaha ha fadhido farow?

Hadaanay sidaas ahayn, muxuu galabsaday muxuu geestey ma’ xil buu cid u hayaa isagaaba is xil-qaamay e’ ma’xaqbaa loogu leeyahay xumaanta ma’ xeerbaa sidaa yidhi?

Dhugo akhristow sooyaalka iyo kifaaxii Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxay qoyskiisu geeyeen magaaladii aqoonta ee cadan isagoo 3-4 jir ah wuxuu ku dhamaystay Cadan dugsiga hoose dhexe iyo sareba wuxuna u tegey Yuusuf waxbarasho dalkii loo yaqaaney Soviet Union (Rassia) wuxuna ku soo bartay cilmiga loo yaqaan xidhiidhka caalamiga ah ( International Relations) wuxuna ku danbeeyey west Germany isagoo sii watey waxbarashadiisii badhtamihii 70dii wuxu u anba-baxay yuusuf Gacanka hodanka wuxuuna ka shaqeeyey Kuwait iyo Qadar. 1980 kii ayuu wuxuu ka mid ahaa Yuusuf Gaboobe dhalinyaro isu abaabushey u diyaar garowga ku dhawaaqistii SNM iyagoo u dibed baxay wacyigelinta Jaaliyadii taageersanayd ururkaas ee deganayd Dooxa, Qadar.

6dii April 1981 markii lagaga dhawaaqay si rasmi ah SNM warbaahinta Yussuf wuxuu ka mid noqday gudidii ugu horeysey ee Dooxa siday ku talo galeen way u dhacday, wuxuuna noqday xubin aad u fir-fircoon oon daalin taasuna waxay keentay inay isha ku hayn kari weydo safaaradii faqashta ee dalkaas joogtey.

Safiirkii faqashta halkaas u joogey oo la odhan jirey Sabban iyo (Cismaan Saalax Sabe) oo ahaa Ereteri xidhiidh fiicana la wadaagey dawladii faqashta ayaa waxay dacweeyeen Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo 6 nin oo kale, waxayna kaliftey in Yuusuf iyo saaxiibadii looga yoodho xaruntii sirdoonka (mukhaa-baraad-ka) waa NSS tii oo kale e’ waxa loo sheegey inay u hanjebeen safaarad Dawlad Carbeed oonu saaxiib nahay iyo nin marti ahaan ugu sugan bay yidhaahdeen dhulka-yaga, sidaasdarteed waxa lagu war geliyey in dalka laga masafurinayo dhamaantood waxa cabasho iyo mudaaharaad xoogan kaga jawaabey kana muujiyey safaarada Dawlada Qadar ku lahayd Washington USA horteeda ardaydii taageersanayd halgankii hubaysnaa ee SNM.

Yussuf Abdi Gobobe wuxuu ahaa nin aan waqtigaas cidi wehelin oon xaas iyo caruur lahayn 6da nin ee saaxiibadiina waxay lahayeen dhamaan xaasas isagoo halkaa ka duulayana wuxuu go’aansaday saaxiibadiina u sheegay inuu qiranayo oo dusha u ridanayo wixii eedayn ahayd iyagana bayaamin doono baraa’adooda, dabcan way la’ yaabeen way farxeen way rumaysan waayeen waxaaanay laabta gashadeen kal-gacal iyo xasuus dhumuc iyo dherer dhaadatay.

Yuusuf wuxuu u qirtay sirdoonkii Qadar inuu isagu keli ku ahaa wixii eedayn iyo xujo ahaa ee loo haystey oo aanay la wadaagin cid kale, ayaa wuxuu codsaday inuu uga baxo dalkooda isagu oo aanay iyagu u masaafurin Mugdisho, waa laga aqbalay waxana la yidhi keenso tigidh iyo alaabtaadii.

Sanadii 1983 ayuu yuusuf Cabdi Gaboobe ka dhoofay magaaladii Dooxa ee uu jeclaa, wuxuna ka degey Addis-Ababa isagoo uga gudbey xaruntii SNM ee Diri-dhabe wuxuuna si rasmi ah uga mid noqday ururkii iyo halgankii ka soo galaaftay meheradiisii iyo mukeyifkii qaboobaa, inkastoo uu ku calool samaa lixda qoys ee magansaday kuna baaqday go’aankiisii geesinimada lahaa iyo is fideyntiisii aanay cidina ku dirqiyin.

Sandkii 1991 kii ayuu Yuusuf nasiib u yeeshay inuu soo galo magaalada Hargeysa isagoo ka mid ahaa mujaahidiintii xoraysay wadanka Somaliland oy ugu danbeysey isagoo gabana.

Yuusuf kuma joogin oo isma dhigane wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Ururka mujaahidiinta ee Sooyaal waxanaan filayaa inuu ahaa gudoomiyihii ugu horeeyey ee Sooyaal, markuu xilka wareejiyeyna wuxuu Yuusuf aasaasay wargeyska madaxa banaan ee Haatuf oo la mataanoobey Haatuf Al carabi iyo weliba majalada Afka ingiriisiga kusoo baxda ee Somaliland Times. Waxuu kusoo kordhiyey wadanka horuumar waafi ah oo muuqda wuxuna gaadhsiiyey Somaliland dhegaha Caalamka qawl iyo qoraal ahaanba isagoo 2da Luqadood ee ugu caansan dunidana adeegsadey.

Kaalin iyo kulana Yuusuf Gabobe wuxuu nasiib u helay inuu ka mid noqdo suxufiyiintii Raysal-wasaarahii hore ee carriga Ingiriiska marti-qaadka uga fidiyey Qaarada Afrika si ay wax uga qoraan mashruucii uu Tony Blair ugu balan qaaday inuu Afrika ku hore marinayo, habeen casho sharaf loo sameeyeyna isagoo ka faa-iideysanaya ayaa waqti ay su’aalo weydiiyeen suxifiyiintu Wasiirka koowaad ayuu mujaahidku ma dayaco fursadaha soo mara e’ wuxuu weydiiyey (Ex prime minister Tony Blair) su’aal hadaan jilo ahayd, Mr prime minister anigu waxan ka imid dal yar oo la yidhaado Somaliland oon weli helin aqoonsi caalami ah nabad gelyo iyo dimuqraadiyadina ka jirto wxana caalamku nagu xidhay buu yidhi mr Gabobe warqadii gobanimada ee cadaynaysey inaad xornimo na siiseen (divorce letter) aad baa loo qoslay wuxuna yidhi Tony Blair 60 kii baanu idin siinay xornimo, waxa naga lumay buu yidhi Yusuf warqadii koobina (copy) ma haysano e’ arrintayada dib ha loo eego, xaqa aanu u leenahay aqoonsina hormood ka naqo ayuu ka codsaday. Subixii ayuu Yussuf Gabobe ku soo baxay wejiga hore ee wargeysyada ugu caansan wadankan sida (The Guardian) isagoo gacan-qaadaya oo bar-bar taagan Tony Blair.

Yussuf Gabobe wuxu nasiib u helay inuu waxbarasho mudeysan ka helo jaamacada ugu caansan Dunida ee Oxford University, gala-galaysi iyo khudbado cilmiyeysanba wuu ku dedaaley Mr Gabobe ogow akhristow xil aanu isa saarin looma igman kana hawl karsan kuwaynu igmanay waayo weli halgakii buu ku jiraa oo doorkii qalinka ayuu u guurey xilligan.

Yuusuf oo hoodo ku leh xafladaha lagu falan-qeeyo arrimo waaweyn ayuu soo bandhigaa qadiyada Somaliland markay u muuqato fursadi habeenada kulamada muhiimka ahi jiraan, waxana soo martay fursad kale oo yaab lahayd wuxuu Yusuf markalena nasiib u yeeshay in lagu soo casumo casho laga soo diyaariyey aqalka caanka ah ee laga soo maleego Siyaasada wadankan lagu hogaaminayo ee loo yaqaano (Chattam House) oo ay ka soo qayb galeen Hebelda wax laga weydiiyo aduunyada, ogow waa gurigii lagu go’aamiyey in Mandelaha Koonfur Afrika la siiyo mudnaan iyo taageero buuxda sida la wada ogyahayna uu kaga guuleystey xukuin midab takoorka. Halkaana Yuusuf wuu ka ololeeyey oo dhegihii dadkii caanka ahaa ee halkaa joogey aad waxay isu wediyeen Somaliland Somaliland Somaliland dabcan waxaanay gashay xantii wiiggaas ee carrigan Ingiriiska.

Wuxu yidhi Faahiye Mire Alla haw naxariistee (NIN WALIBA WUXUU BARQIYO KAA BADIYEE) e’ ninkanu wuxuu bartaybuu ku hawl galay isagoo ka daacada, waxanaan ku rajo badanahay inuu geyo gaadhina doon hadii Eebe idmo inuu maalin hogaamiyo dalkan dadkiisana u khayr iyo wanaag miiro insha Allaah.

Ammaano Alla,
Axmed X. Yuusuf Ducaale, London.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.