Cawodhalad

Maansadan abwaan Siciid Maxamuud Gahayr wuxuu ku soo dhawaynayay sanadka cusub ee hada bilaabmaya, waxaanu ilaahay ka baryayaa, inuu sanadkaas tagay cidhib xumadiisa bulshada ka hayo, sanadkan cusubna ka dhigo sanadkii aqoonsiga, caafimaadka, nabada, barwaaqada, hanuunka, iyodambidhaafka, baydadkii maansaduna waa kuwan:

Caalamkeenan dunidii

Waa goob cajiiboo

Wax kastoo cusaybiba

Calal buu noqonayaa

Cunugii yaraabaa

Cirro yeesha gooruun

Cadceedii timaadaa

Mar uun bar carrawdaa

Sanadkii curtaa amin

Cishuun buu dhamaadaa

Ee caawa kaa tagay

Caadiloow lurtiisiyo

Carcaraaf haraatiya

Cisdhib xumada naga hay

Kan kalee cusaybkaa

Cawo noogu bilaw oo

Caadiloow ka yeel kii

Ciidayadan dahabkaa

Carrigayagan luulkaa

Curdinkayagan laantaa

Calankeedna tawxiid

Ku cumaamadaysmay

Citiraaf la siiyee

Qaran caana oo jira

Loo calaamadeeyee

Farxad aan ciyaarneen

Ku cawayno rayn rayn

Caafimaadku waa sade

Cududoo bukootaa

Cabashay horseedaa

Cudur aad la daristaa

Nafta wuu cawarayaa

Cadka wuxu udhuubaa

Caday qaabadiisee

Sanadkan cusaybkaa

Caadiloow ka yeel kii

Caruur iyo cirooleba

Saxo ay ku ciidaan

Cadar weeye udugloo

Carfi weeye nabadani

Cilmi lagu helaayoo

Cashar lagu bartaayoo

Cuud lagu dhaqdaanee

Colaaduu rafaad iyo

Ubad cawda laga jaro

Ubadkoo la caydhsado

Caarcaar la waajaho

Cadligoo la aasiyo

Dulmigoo cirkaas mara

Cidhibtoodu weeyee

Sanadkan cusaybkaa

Caadiloow ka yeel kii

Muslimiinta caamkood

Cadaankiyo madawgaba

Amnigoodu caga dhigo

Curashada abaartiyo

Jiilaalku waa ciin

Noolaha cadiba oo

Aadmiga cidhiidhshoo

Caradana goblamiyoo

Caal badaya duunyee

Sanadkan cusaybkaa

Caadiloow ka yeelkii

Caydhkiyo hilaaciyo

Daruuruhu curtaanee

Ceelashuna tif gaadhaan

Cilladaha haraadkuna

Cidhif nooga weecdaan

Caqiidada islaamkiyo

Diinteenan culuqaa

Ruuxaan ku camal falin

Loo ciidmi maayee

Cadaw weeye shaydaan

Ciwaj noo tilmaamoo

Marin aan cudoonayn

Cagta saara nagu loo

Cidda uu kaxaystaa

Naar bay ku ciirtaa

Olol uu ka cimidhyee

Sanadkan cusaybkaa

Caadiloow ka yeel kii

Inta caasiyawdee

Caadaystay xumahee

Khayrkana ka caydhee

Salaaduu ku culusyiin

Maalkay culaysaa

Sako cuud ka dhiibayn

Ramadaan cantuugee

Xaaraan calaashada

Cafis kaad ufidin layd

Carrabkoodu samo dhaho

Cay ay ka dheeryiin

Cafiifiin ka yiin qalad

Cimrigaa is gurayoo

Horaa loo caddeeyoo

Qof kastaa cammuud iyo

Iil buu cagaa galin

Caawimo ka dheertee

Allaylehe wax caaqila

Ruuxii cibaadada

Casarkiyo habeenkaba

Cabaydhoow sameeyee

Haddaan caawa hoyanana

Caadiloow allahayoow

Adigaa casiisoo

Cadiimoo sarreeyee

Janadii cagaarnayd

Cosobkiyo ugbaadkii

Caleemii ifaayiyo

Curubtii uroonayd

Cuyuunka iyo aragtida

Cinabkii bislaadiyo

Canbihiyo tufaaxii

Timirtii casaatiyo

Cambaruudki fiicnaa

Wabi caynba cayniyo

Malabkii culnaa iyo

Caanii macaanaa

Khamrigii carqaladiyo

Laga saaray ceebaha

Biyihii cankayagiyo

Calooshaba uroonaa

Inta aad cabsiiseed

Cidla uga gargaarteed

Marwo uu la ceeshiyo

Xuural cayn cad siiseed

Carrigii fardawsaad

Ku casuumtid naga yeel

Caadiloow allahayoow

Caad iyo samuud iyo

Fircoon iyo colkiisiyo

Cadho kaad uqabataa

Xaalkii cakiranyoo

La ciqaabayaayooy

Cawadiisu darantoo

Ciil aan waxtarahayn

Dibnihiisa cunayoo

Celin naawilaayoo

Samhariira ceelkeed

Ku cashayn saquumoo

Cadkiisaa gubmaayee

Caadiloow allahayoow

Adigaa casiisoo

Cadiimoo sarreeyee

Naga reeb colkaas aad
Ku caweeya naar odhan

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.