Booliiska Oo Howlgal Ka Bilaabay Laascaanood Iyo Maxaabiis Berito Maxkamada La Soo Taagi Doono

Warkii 31-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal.com

Ciidamada booliiska magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilaabay howlgalo ay dadku soo qabqabteen howlgalkaas oo wali ka socda magaalada.

Ciidamada booliiska ayaa qabqabtay Dad boob u gaystay qaar ka mid ah meheradaha magaalada laascaanood xiligii dagaaladu ka socdeen agagaarka magaalada dadkaas oo in mudo ah ay booliisku ku raadjoogeen, waxaa kaloo iyana gacanta lagu dhigay Dhalinyaro La sheegay inay haysteen isgaadhsiinta Fooneeyaha Loo yaqaan kaas oo ay u adeegsan jireen Waxyaabo lidi ku ah amaanka guud ee gobolka sida uu Afnugaal. com saaka u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Booliiska Xuseen Taarwale.

Sidoo kale waxaa ay ciidamada Booliisku Soo qabteen wariye C/casiis Saleebaan oo hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood, wariye C/Casiis oo berito maxkamada la soo taagi doono isaga iyo eedaysanayaal fara badan ayaa ku eedaysan sida booliisku sheegeen faafin warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo iska horkeen bulshada reer Somaliland iyo tan gobolkaba, eheleda wariyaha xidhan oo ka codsatay ciidamada Booliiska in la siidaayo Wariyaha isla markaana ay damaanad qaadi doonaan waxii khalad ah ee danbe ayay usuuroobi wayday waxaana ay booliisku ku wargaliyeen inay maxkamada horgayn doonaan maalinta berito ah.

Ciidamada Amaanka Laascaanood ayaa shaqadooda labanlaabaya waxyar ka dib markii la dhamaystiray dhisida maxkamada gobolka iyo tan degmada laascaanood oo iyagu hada si toos ah ushaqaynaya.

Ugu danbayntii Hogaanka ciidanka booliiska Laascaanood Col Xuseen Taarwale ee Somaliland ayaa uga digay warbaahinta wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, Col Taarwale ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliisku fasax u haystaan soo qabashada cidkasta oo nabada deegaanka lidi ku ah isagoona ku baaqay dadwaynaha in booliiska gacan buuxda la siiyo si loo qabqabto danbiilayaasha.

Xafiiska wararka Afnugaal.com
Laascaanood

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.