Waraysiga VOA Ee Madaxweyne Rayaale Wuxuu Daah Furey Aqoondarida Sharciga Ee Xukuumadda

Faallo – Khadar Xasan Cali Jamhuuriya Times London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waxa dhawaan waraysi dhinacyo badan ah la yeelatay Idaacadda VOA, laanteeda Afka-soomaaliga. Werysigaasi oo Madaxweynaha wax lagaga weydiiyay xeer cusub oo xukuumaddiisu ugu talogashay saxaafadda. Md. Rayaale oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Horta wax sharci ah oo samaysani ma jiro, [Proceture] (qanaawiin) sharcigu haddii aannu [Penalty] (ciqaab) lahayn sharci maaha, waa marka u horreysa, sharci iska furan oo [Penalty] (ciqaab) lahayna sharci noqon maayo, Law-ga (sharciga) waxa la yidhaahda ka ciqaabta leh.” Waxaanu intaa raaciyay hadal kaas ku liddi ah, waxaannu yidhi; “Waxa jira mid (Sharci) ay soo qoreen oo qaar badani khilaafsan yihiin sharciyada iyo dastoorka oo meesha yaalay baa jira. Beesha caalamka horumartay ayaanu COPY ka soo qaadanay, adduunka iminkana in la fikiroba looma baahna ee waxa lagaga daydaa waddamada hore u maray wixii shaqeeyey.”

Hadalladan is-khilaafsan ee ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale, ayaa noqday kuwo bulshadu ka dhex abuuray buuq iyo ismaandhaaf lagu diidan yahay weedhaha afka Madaxweynaha ka soo baxay, waxana ka mid ah kelmadaha sida weyn u xagtay bulshada sharciga oo uu ku tilmaamay haddii aannu ciqaab wadan in aannu sharci ahayn, sababta oo ah sharciyada oo dhami ma wada laha ciqaab. Bal si aynu iskula fahamno macnaha dhabta ah ee ereyga sharci waxa habboon in aynu qeexno sharciga laftiisa.

Sharciga waxa lagu macneeya qaynuun, xeer iyo nidaamyo isku duuban oo dad gaar ahi ku dhaqmo, amase dadyow badan ka dhexeeya, nidaamyadaasi iyo xeerarkaasi oo ah kuwo lagu heshiiyay. Waxa dejiya waaxda xeer-dejinta, dhowrista iyo meelmarinta sharciyadana waxa iska leh waaxda fullinta; sharraxaadda iyo fasiridiisana waxa leh waaxda garsoorka. Sharciyadana qaybaha ugu waaweyn waxa ka mid ah sharciyada maddaniga ah (civil law) oo aan iyagu intooda badani wax ciqaab ah lahayn, waana sharciyo dunida oo dhami isla aqoonsan tahay oo sharci ah.

Sidaa daraadeed, waxaad moodaa in aan madaxweyne Rayaale isaga oo aan u hubsan oo cadho badan iyo ciqaab uu la rabo saxaafaddu ay ka muuqato in uu ka jawaabay su’aashan dhinaca sharciga ah macnihiisa la xidhiidha. Waayo shuruucda oo dhammi ma wada laha ciqaab, gaar ahaan kuwa maddaniga ah, waxana hadalka Madaxweynaha loo fahmi karaa in ay muujinayso sida weli shuruucdii askarinimadu ay maskaxdiisa uga sii guuxayaan. Mana aha khasab in sharciyada iyo xeerarka oo dhammi wada yeeshaan ciqaab, sidaa awgeedna lama wada mid noqon karaan Xeerka Ciqaabta Soomaaliya (Somali Panel Court) ee dalkeena sida aadka uga shaqeeya, inkastoo intiisa badani ka horimanayaan distoorka qaran.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Rayaale yidhi, in xeerka saxaafadda ee xukuumaddu wakiillada u soo gudbisay uu yahay mid ay caalamka hore u maray ay ka soo qaatee, taas oo ah waxba kama jiraan. Waxaanay dadka xeel-dheerayaasha dhinaca sharciga ku takhasusay daraasaad ay sameeyeen ku caddeeyeen in xeerkani yahay mid laga soo qaatay dalka Yaman oo aynu runtii ka wada dheregsanahay halka uu dunida kaga jira, isla markaana Somaliland dhinaca dimuqraadiyada 100% ay kaga horeyso, kaasi oo hoos dhac ku keeni kara geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda dalkeenna ka jirta, haddii aynu xeerarka ka soo dheegano dal ka mid ah kuwa ugu hooseeya dunida Carabta marka loo eego dhinaca xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda Insaanka. Waxa iyana xusid mudan in markii Yemen dhaqangalisay sharciga ay caalamku si aad ah ugu dhaleeceeyaan xukuumaddaasi meel-marinta xeerkan, maadaama uu ku salaysan yahay ciqaab iyo cabudhin aan saxaafadda oo kaliya ku koobnayn, balse saamayn weyn ku leh xorriyatul-qawlka (Freedom of speech).

Waxa iyana la yaab leh in madaxweynuhu ku tilmaamo xeerkan mid aan sharci u ekeyn, inkastoo Golaha Baarlamaanku ay ansixiyeen sannadkii 2004 (Xeerka Saxaafadda (Xeer No. 27/2004)), isla markaana xukuumadduna ay saxeexday sidaana uu ku dhaqan galay.

Xeerkana waxa la odhan karaa waxa uu hordhac u yahay qorshaha xukuumada ay rabto in ay ku xakamayso saxaafadda kuna dhinto xorriyatul-qawlka shacbiga reer Somaliland ku soo caano-maalayeen dhawr iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyay, taas oo ah ta caalamku maanta ugu soo joogsado dalkeena, haddiise xukuumaddu sidaa u wado waxay caqabad weyn ku noqon doontaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xorriyadda oo aasaas u ah Somalilandta cusub (Moderate Somaliland). Waxana u daliil ah sida madaxweyne Rayaale carrabka ugu dhuftay in ciqaabta dunida ay sharciyada ka soo qaataan ku ridaan saxaafadda dalalkooda ay ka mid tahay in lala wareego wargeyska ku xadgudba xeerka saxaafadda, inkastoo waa sida uu hadalka u dhigaye aanay xukuumaddiisu weli ku dhaqaaqin in ay la wareegto wargeys.

Dhinaca kale haddii aynu ka eegnana waxa tan iyo intii ay xukuumaddu faragalinta ku samaysay dalladdii isku xidhka ururrada xuquuqda aadamaha u doodda ee SHURO-NET ay wax yar kadib ba u soo gudbisay Golaha Wakiillada xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo runtii la odhan karo waxa dhaama meelmarinta ama ansixinta xeerkaas la’aantiisa, maadaama madaxweynuhu soo magacaabayo cidda soo xuleysa, isla markaana ka dhex dooranayo 20-ka ruux ee la soo xulo guddida komishanka.

Marka la isku soo wada duubana xaqiiqdu waxay tahay in aan Somaliland maanta u baahnayn xeer cusub oo saxaafadda lagu cabudhiyo, kaas oo laga soo min guureyay waddan nidaam kali talis ahi ka jiro. Waxaana la gudboon xukuumadda iyo mudanayaasha wakiiladu in ay isla eegaan sidii dib u habayn loogu samayn lahaa xeerka saxaafadda ee aynu iminka haysano oo runtii la odhan karo waa mid aad uga fiican kan ay xukuumaddu ka soo qaadatay Yemen.

Wareysiga Madaxweyne Rayaale waxaad ka garan kartaa sida ummaddeennu ay wali aqoondaridu uga haysato dhinaca sharciyada. Waxaana lama huraan in lagu baraarujiyo masuuliyiinta qaranka, shacbiga iyo shaqaalaha dowladaba sidii ay u baran lahaayeen sharciga dalka, taasi oo saxaafaduna qayb lixaad leh ka qaadan karto.

Mudanayaasha Golayaasha Baarlamaanka Somaliland-na waa in ayna marnaba meelmarin xeer kasta oo lagu xakamayno saxaafadda xorta ah, isla markaana hoos-u-dhac ku keeni kara xorriyadda aasaasiga ah muwaadiniinta reer Somaliland. Waana in ay ogsoonaadaan in ummadaha ku nool caalamka maanta lagu qiimeeyaa horumarkooda heerka ay ka joogaa xorraytul-qawlka iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. Soomaaliduna waxay ku maahmaadaa, ‘Geella duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad ka fileysaa

This entry was posted in Editorial and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.