Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Axad, 30 Dec.

 Somaliland Dunnida la aqoonsanyahay ma geli-doontaa  2008?

 “Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland.” William deB. Mills

 “Tan immika Maraykanka ee la xayaysiinayo ee uu yidhi wax kale maaha, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaa waanu idin soo dhawaynaynaa laakiin….” Dr, Dixood

Hargeysa (Ogaal) – “Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland. Dagaalyahanka Saxaaraha Galbeed (Polisario Front), waxay digniin adag ka bixiyeen inay dagaal balaadhan la galaan dalka Marooko haddii aan wax horumar ah laga gaadhin wadahadallada socda ee la xidhiidha aayaha qarannimadooda. Tanina waxay u muuqataa inay lagama-maarmaan noqon doonto, ka dib marka uu dhaco Shirwaynaha Guud ee Jabhadda Polisario bilaha Juun iyo July ee sannadkan ay saacaddaha koobani ka hadhsan yihiin.

Somaliland, ayaa sidoo kale laga yaabaa in la aqoonsado sannadkan foodda inagu soo haya, taas oo macneheedu noqon karo dagaal balaadhan oo dhexmara Soomaaliya, maadaama ay Somaliland qorshaynayaan balaadhinta xuduudihii hore ee xilligii uu Ingiriisku ka talinayay Somaliland. Dalalka kale ee suuragalka ay noqon karto inay madaxbanaanidooda helaan oo khilaafaadka aayo-ka-tashigoodu uu muddo soo taagnaa, waxa ka mid ah; Jasiirradda Taiwan, Madhesh, iyo Waqooyiga Ciraaq ee Kurdistaan, taasoo aftida guud ee laga qaadayo magaalada Kirkuk sannadka 2008, ka dhigi karta inuu sannadkaasi noqdo mid ay dagaallo ba’ani qarxaan.” Sidan waxa maqaal uu kaga faaloonayo dunida 2008, ku sheegay qoraaga William deB. Mills oo uu walaac kaga muujiyay siyaasada dunida iyo sanadka cusub ee aynu fooda la galay isaga oo dhinacayo badan oo uu ka eegayo ka dib ay soo baxday in dunidu sii gelayso mugdi iyo dagaalo. 

Somaliland marka laga hadlayo, todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxa jiray dhawaaqyo ka turjamaya in Somaliland soo jiidatay indhaha Caalamka, ka dib markii lagu guuldaraystay in Somalia oo dhaqaale badan lagu bixiyay laga dhaliyo nabadgelyo. Iyadoo dhawaaq culusi ka soo yeedhay Wasaarada difaaca Maraykanka oo ay Somaliland debecsanaan siyaasadeed ugu muujiyeen. Sidoo kale, waxa jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay siyaasiyiin iyo madax u badan mudanayaal iyo aqoonyahano ka soo jeeda wadanka Ingiriiska oo u ololayn jiray qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo sheegay in habdhaqanka iyo talaabooyinka xukuumada Madaxweyne Rayaale ay wiiqi karaan sumcada Somaliland ku iibsami karto siyaasad ahaan. Sidaa daraadeed, iyada oo dhawaaqyadaa laga duulayo, ayaa waxa Dr, Cumar Cilmi Dixood oo ahaa ergaygii khaaska ahaa ee Somaliland Ictiraaf-raadinta u qaabilsanaa, ka hor intii aanu dhawaan ku dhawaaqin inuu xilkaasi iska casilay ayaa Idaacada Radio Horyaal Waydiisay sida uu ula muuqdo dhawaaqa Dawlada Maraykanka iyo mustaqbalka dhaw ee Somaliland. Dr Dixood  waxa uu si adag u duray siyaasada Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay mid uu xuubsiibatay kalitalisnimo, “Marka horeba caalamka dawlado badan ayaa inala shaqaynayay, Somaliland tan iyo 1991-kii maamulkeedii waa lala shaqaynayay oo mucaawimo ayaa la siinayay, oo EU-da xidhiidh ayaynu la lahayn, oo UN-ka maamuladooda xidhiidh ayaynu la lahayn. Laakiin, mar walba shuruudo ayaa la inagu xidhayay, waxa la ina lahaa hadaad doonaysaan aqoonsi waddadaa mara, tusaale ahaan markii ugu horaysay, waxa la inagu yidhi AU-da ka dhamaysta, mar waxa la inagu yidhi idinku Soomaali ahaan laftiinu waa inaad wadda hadashaan, laakiin wixii mashaariic ah ee aanu ka caawin karo waanu idinka caawinaynaa. Tan immika Maraykanka ee la xayaysiinayo ee uu yidhi wax kale maaha, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaayeen waanu idin soo dhawaynaynaa waana aanu idin caawinaynaa. Ta kale, Maraykan wuxuu arkay Xamar oo gubanaysa, markaa waxa la yidhi halkan degan ee aan dhibaatadu ka jirin  xidhiidh halala sameeyo, islamarkaana halaga caawiyo xaga nabadgelyada illaa inta doorashooyinku dhacayaan, haddii markaa la arko maalin walba wax aan wanaagsanayn oo Gacanta ama Lugaha lagula jiro, Maraykanka qudhiisu wuxuu odhan doonaa, kuwani khayr malaha’e iskaga yaaca. Adduunka maanta waxa xukuma Hay’adaha  Caalamiga ah sida Amnesty International iyo dadka xuquuqda Bunu’aadmiga ilaaliya oo kale oo nin kastaba ka adag. Haddii qawaaniinta shaqsiga loo dhigay iyo xuquuqda bini’aadmiga aad ku tumato, waliba adiga oo aan aqoonsi haysan cid kula hadlaysaa ma jirto. Markaa annigu waxaan leeyahay, madaxnimada marka laguu dhiibo., waa inaad meesha wax ku kordhisaaye, inaad wax kala daadiso maaha.” Sidaas ayuu yidhi Dr, Dixood isaga oo la hadlaya Madaxwyne Rayaale, mar uu ka hadlayay saamayn uu sheegay in xadhigii Siyaasiyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran ku yeeshay Somaliland waxa uu yidhi. “xadhiga siyaasiyiintii hore ayaa Somaliland dhibaato iyo dhaawac wayni ka soo gaadhay. Shantii sannadood ee uu xukunka hayay ayay dad badan is barteen oo Ingiriiska guriga Odayaasha ka tirsan, oo siyaasiyiin ahaa, Wasiiro ahaa. Dhaawacaas uu gaystay ayaan maanta ragii wax wada-shaqayni ka dhexayn. Isaga (Madaxweynaha) iyo dad badan oo inala shaqaynayay oo inala ololeynayay niyad jab ayaa ku dhacay. Waxa weeye Daahir Rayaale, dimuquraadiyada yaanu ku tumanin, maaha Madaxweyne la ictiraafsan yanay, waxaynu nahay jabhad doonaysa ictiraaf iyo dawladnimo. Markaa nina yaanu intuu gaadhsiisan yahay ka dheeraynin ayaan anigu leeyahay, saasaanay Somaliland wax ku noqonaysaa, sidaas ayaanaynu daydaygii hubka kaga dhignay, ee dawladu yaanay dayday noqon ayaan u jeedaa.”ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu sheegay in qaabkii loo xidhay siyaasiyiinta Urur siyaasadeedka Qaran uu meel ka dhac ahaa waxana uu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale inaanu talaabo taa la mid ah ku noqon.  Dr, Dixood waxa kale oo uu ku dooday in uu Somaliland u shaqaynayo, Balse uu ka fadhiistay kaliya wada shaqayntii uu lalahaa xukuumada. Waxa kale oo uu sheegay in ictiraafka Somaliland aanay hortaagnayn mucaaradku. “Mucaarid, khaakhuul wadaa ma jiro. Mucaaradku waa ka hubka iska dhigay, mucaaradku waa ka codbaahiyaha qaatay, mucaaradku waa kaa xitaa diidanba in la mudaharaado, mucaaradku waa ka 80-ka cod aqbalay, Siilaanyo 80-cod ayuu aqbalay, haduu dhibaato wado muu ogolaadeen.

Markaa waxaan leeyahay, mucaaradku waxba ma wadee mucaaradka yaan eed aanu lahayn la saarin,. Waxa dhibaatada wada wixii daydaygu ku kici jiray, raga ku kacaya ee dadka taxaabaya ee Tiknikada soo kaxaysanaya, wixii inamadii yaryaraa halkan ay ku kici jireen ayay dawladu ku kacday. Rag siyaasiyiin ah oo aasaasayaashii ah, oo aqoonyahano ah oo ayaa guryahoodii inta tikniko lala tagay xabsiga dhexdiisa maxkamad lagu saaray, taas ayaa ah khalad, taas ayaananu uga digaynaa inay mar labaad dhacdo.” Sidaas ayuu yidhi Dr Dixood waxana uu intaa ku daray.   “Waxa la yidhaahdaa Afrikaanku markay dawladnimada doonayaan, 1960-kii ilaa 70-kii, waxay samaysan jireen wajiyo wanaagsan, marka ay wax noqdaan ee Calanka loo taago kursigana ay ku fadhiistaan ayay kalitaliye noqon jireen, kani. (Rayaale) isagoon melba gaadhin ayuu shan sano dadkii ku xukumay. Markaa waxaan uga digaynaa, in kasta oo aan markii hore xoog looga fiirsan wixii dhacayba way dheceen, inaan wax danbe oo khalad ah dadka siyaasiyiinta ah lagula kicin waayo ixtiraam ayay mudanyihiin.”

“Rayaale Muu badalin Siyaasadii Cigaal waxa uu qabtayna oo hagaagsanina ma jiraan”

 Waraysi – Dr. Axmad Xuseen Ciise:

        

Hargeysa (Ogaal)- . Dr, Axamd Xuseen Ciise ayaa sheegay in siyaasada maanta Somaliland ay ku dhisan tahay habkii Lixdamaadkii iyo qarnigii la soo dhaafay, isla-markaana loo baahan yahay isbedel cusub oo dhinaca hogaanka ah.

Dr. Axmed waxa kale oo uu ka hadlay arrinta gobolka Sool, Ururka Qaran ee muranka-sharci ka taagan yahay, waxaana uu taageeray in Ururka Qaran xaq u leeyahay inay ka qayb-galaan tartanka doorashooyinka Golaha Deegaanka, waxaana uu xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaalena ku dhaliilay masuq-maasuq, cadaalad-daro, ku tumasho sharci iyo arrimo kale oo fara badan, kuwaasoo uu tilmaamay in xukuumada talada haysaa caado ka dhigatay.

Dr. Axmed Yuusuf Ciise waxa uu sidaa ku sheegay waraysi ay la yeelatay shabakada Awdalnews.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayayna, waxa uu u dhacay sidan.

S: Miyaad isku sharaxaysaa Madaxweyne Somaliland oo run ah?

J: Waxaan iska Sharaxayaa xisbiga kulmiye ee aan ka mid ahay, tartanka xisbiga dhexdiisa waan bilaabay oo waa dhab.

S: Iyada oo Siilaanyo Guddoomiye ka yahay oo weliba isaga lagu wado in uu musharaxa kowaad yahay, maxaad ku dhalliishay Siilanyo ee kugu kalifay in aad tartanka soo gasho?

J: Horta dimoqraadiyad baynu qaadanay, dimuqraadiyadiina in la dhiso weeyaan. Markaa waa in axsaabtu dimuqraadi noqdaan. Markaa horta waa in ay furnaataa in xisbiga dhexdiisa tartan dhaco oo uu kula soo bixi karo qofka uu is leeyahay xisbigu wuu ku badin karaa. In la yidhaa uun maaha nin baa gudoomiye ah oo ninkaas uun baa musharax noqonaya, waa in xisbiga dhexdiisa laga tartamo oo nin walba soo bandhigaa barnaamijkiisa, iyo hoggaamintiisa, dabadeedna xisbigu kala doortaa oo yidhaahdaa kanaa maanta naga maraya.

S: Markaa ma waxaad is leedahay barnaamijka uu Axmad Siilaanyo wato maaha barnaaamij xisbigu ku soo bixi karayo?

J: Aniga oo aan ka Axmad Siilaanyo waxba ka sheegin, anigu waxan leeyahy ka aan wato iyo aragtida aan wato iyo halka aan is leeyahay Somaliland ha gaadho, waxaan is leeyahay barnaamijkaygu dadka wuu u cuntamayaa. Markaa aniga oo waxba is barbardhig samaynin kayga ayaan ku calool wanaagsanahay in ay Somaliland u baahan tahay, waxa kale oo aan arkayaa oo aniga ii muuqda in isbedel siyaasadeed loo baahan yahay. Waxanan qabaa in siyaasadda Somaliland maanta lagu wado inteeda badani ay ku dhistan tahay aragtidii iyo aqoontii siyaasadeed ee lixdanadii qarnigii hore. Markaa is bedel ayaa loo baahan yahay, da’ cusub baa loo baahan yahay. Markaa waxan is leeyahay ummaddii oo isbedelkaa u baahan adigu waad noqon kartaa qofkii kaalintaa buuxinayey. Markaa aniga oo ku kale dhalliilin waxaan is leeyahay ka anigu aan wato xisbigu wuu ku faa’iidayaa, dadkana wuu u cuntamayaa.

S: Doodda ka dhex taagan labada wasaaradood ee Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibada ee Dawladda Maraykanka ee ku saabsan Somaliland teebaad u malaynaysaa in ay xoogga yeelato?

J: Horta dooddaasi waa dhab oo way jirtaa. Maalmihii hore ee jaraa’idka lagu soo qorayna waad aragtay. Sida aan u arko anigu waxa weeyaan in dooddaasi dhammaatayba oo aanay jirin wax ay isku hayaan. Waayo Washington D.C baan dhawaan ka imid oo waan ogahay sida arrimuhu u socdeen. Waxa labada qolaba isku waafaqsan yihiin in ay Somaliland xidhiidh la sameeyaan oo si dhakhso ah ula sameeyaan ayey labada qolo isku waafaqsan yihiin, oo dhawaan aynu arki doono dhaqdhaqaaq ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykan, taasna waxa loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

S: Markaa dhaqdhaqaaqaa iyo soo dhawaanshahaa dawladda Maraykanu soo dhawaatay, miyaan la odhan karin waxa ka dambeeya dawladda maanta dhisan ee Rayaale?

J: Horta ictiraafka iyo waxqabadka ciddii keentaaba way ku mahadsantahay. Haddii ay dawladda Rayaale keento iyadaa maanta jirta. Hadday maanta keento guul diblomaasiyadeed, ama ha ka dambayso iyadu ama yaanay ka dambayne, hadii Somaliland gaadho guul diblomaasiyadeed waxa ku mahadsan oo magaca ku leh qofkaa jooga ayaa ku leh, kama xumin, kamana xumaanayno haddaanu anagu xisbiga kale nahay. Waayo waxay Somaliland u baahan tahay weeyaan.

Haddaba in kasta oo Somaliland adduunku u soo joogsaday Somaliland-na wax baa laga doonayaa. Lama siinayo kaadh furan. Waxa laga doonayaa dimuqraadiyaddii ay bilowday inay dhammaystirto, waxa laga rabaa in ay xuquuqul Insaanka ay ilaaliso oo aanay Amnesty International warqado u qorqorin oo aanay ka dacwoon ayaa laga doonayaa. Waxa laga doonayaa in maamulkeeda ay musuqmaasaqa iyo cadaalad darrida ka saarto ayaa laga doonayaa. Markaa in Somaliland iyadu gurigeeda hagaajiso ayaa loo baahan yahay.

S: Arrintaa madaxda Ururka Qaran ee dhawaan la sii daayey ka dib markii ay muddo badan xidhnaayeen, arrintaasi muran badan bay keentay oo dhinaca axsaabta ah, iyaga qudhoodu waxay yidhaahdeen arrintaa kama hadhayno oo xaq baan u leenahay in aan Urur samayno. Markaa distoorka Somaliland miyuu oggol yahay in Urur kale oo ka dheeraada saddexda maanta jira la sameeyo oo nimankani xaq bay ku joogaan mise arrintoodu fad-qalalo ayay keeni doontaa?

J: Horta arrintaa anigu marar badan baan ka hadlay. Markaa aan kuu soo koobana nuxurkeeda, anigu waaxan aaminsanahay in marka doorashada golaha deegaanka la galayo in xaq loo leeyahay in ururo cusubina furmaan, tartankuna uu tartan furan noqdo. 

S:Waxa jirtay in dhawaan niman suxufiyiin ah oo ka soo qaxay Muqdisho ay yimaadeen, dabadeedna ay dawladda Somaliland waddanka ka baxa tidhi. Arrintaa sideed u aragtaa adigu?

Arrintaasi qalad iyo gaf weyn baan u arkaa. Nimankaasi niman qaxootiya bay ahaayeen, dagaal ka soo cararay, waanan ognahay Xamar waxa ka haysta suxufiyiinta rag iyo dumarba, waynu ognahay inta lagu dilay iyo inta lagu dhaawacay iyo inta jeel la geliyey. Markaa qofka ka soo qaxa dhibaatada caynkaas ah in tacadi lagu sameeyo oo weliba Somaliland oo kale oo dhibaatadu hore u soo martay ay yidhaahdaan dalka nooga baxa qalad baan u arkaa. Waxan jeclaa in Somaliland ay magan ka helaan inta kale ee iman doontana in aan Somaliland sidaas oo kale u gelin.

S: Niman badan baa u tartamaya jagada Madaxeyne-ku-Xigeeenimada KULMIYE. Markaa Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu, ma tigidh keliya bay ku wada tartamayaan mise laba goor baa la kala dooranayaa?

J: Horta doorashada weyn ee heerka qaran ah marka la galayo waa isku tigidh keliya, Xisbigayaga dhexdiisa imika way kala baxsan yihiin. Sidii berigii hore uu ahaa ayuu weli yahay distoorka cusub ee xisbigu. Laakiin distoorkaa weli lama ansixin oo shirweynaha ayaa ansaxinaya. Aniguse waxan aaminsanahay in ay israacaan oo isku tigidh noqdaan. Waayo waa in ay noqdaan laba qof oo wada shaqaynaya oo siyaasad keliya ku wada socda. Haddii kale waxa dhacaysa in labadii qof ee ugu sarreeyey dalku ay kala ra’yiba yihiin oo kala hadaf yihiin ayaa laga yaabaa. Markaa runtii waxan jeclaan lahaa shirweynaha marka la qabto in la beddelo oo labada qof ee ordayaa ay isku tigidh noqdaan.

S: Waxay dad badani leeyihiin Madaxweynanimada Somaliland in badan bay joogtay dhinaca galbeedka markaa waxa la gaadhay xilligii bariga, arrintaa sideed u aragtaa?

J: Horta in Somaliland bari iyo galbeed loo kala qaado anigu maba aaminsani. Waayo Somaliland way isku dhex jirtaa, waa la wada degaa, meel walba waa la wada joogaa. Markaa anigu ma aaminsani in bari iyo galbeed loo kala baxo. Waxaanan qabaa in aanay arrintaasi dhab ahayn oo aanay jirin. Waayo, Daahir Rayaale ayaa Madaxweynaha ah oo Boorama ka yimid, markaa galbeedba waad ka dhigi kartaa isaga. Labadii Madaxweyne ee ka horreeyeyba waxay ahaayeen reer Burco. Markaa waxad odhan kartaa dee intii badnaydba Madaxweynayaasha Burco ayaa ugu badnayd. Markaa run ma aha in galbeedku haystay Madaxweynanimda Somaliland in badan.

S; Haddaan ku soo noqodo tii M/Ku/Xigeenka ee xisbiga dhexdiisa waxa muran badani ka taagan yahay Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka. Somaliland sidaad u ogtahay waxay ka kooban tahay beelo, dimoqraadiyadeeduna sidaas bay ku dhisan tahay. Dad badan baa waxay leeyihiin Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka kama socon karaan beel keliya, dad kalena waxay leeyihiin way dhici kartaa. Arrintaa adigu sideed u aragtaa?

J: Horta marka hore xisbigu wuxu eegayaa sida uu food u heli karo iyo cidda marka uu soo saaro food keeni karta ayuu eegayaa. Taas baa horta sal u ah. Markaa waa in aanu xisbigu u eegin qabiil iyo gobol midna ee uu yidhaahdaa yaa iga maraya, ayuu dadku qaadanayaa. Taas markaad ka soo gudubto waxa iyadana aad barbar dhigaysaa in Somaliland sidaa aad sheegtay ay tahay gobolo iyo beelo ay tahay oo weli halkaa aynu ku jirno. Markaa kol haddii ay sidaa tahay in muuqaalka Somaliland uu ku wanaagsan yahay in talo wadaag iyo dan wadaag iyo wax wada wadaag la noqdo oo markaa beeluhu ay ka wada muuqdaan oo miisaanka meeshu dadka u qaybsanaado ayaa haboon. Markaa in xisbigu labadaa in uu isku miisaamo weeyaan oo uu eego siduu cod ku helayey iyo sidii muqaalka Somalilandna aanu u xumaadeen. Mana aha in Madaxweynaha iy Ku-Xigeenka uun laga fikiree waan in shanta boos ee waaweyn laga fikiro sida guddoomiyaha maxkamada, labada gudoomiye ee golayaasha iyo Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka in intaaba laga fikiro sidii dadka Somaliland uga muuqan lahaayeen weeyaan. Markaa xisbigu waa in uu yidhaahdaa yaa iga maraya, laakiin haddana waa in uu ilaaliyaa muuqaalkaa guud ee Somaliland leedahay ee isku dheeli tiran.

S: Adigu ma wadataa murashax ku-xigeenkaaga?

J: Haa waan wataa laakiinse weli aniga iyo qofka aan wataaba ma aanaan gaadhin meeshii aan ku shaacin lahayn. Laakiin arrintaasi waa arrin noo dhammaatay weeye.

S: Dawladda Rayaale wax dhaliila oo aad u jeedinaysaa oo gaar ahi ma jiraan?

J: Dawladda Rayaale waxaan qabaa in aanay wax horumar ah oo la taaban karo oo sidaa u sii weyn aanay samayn, odhan maayo wax ay qabatay ma jirto. Laakiin dawlada Rayaale waxay daba socotaa uun dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal. Waayo Dahir Rayaale ilaa 1997 ayuu u ahaa Madaxweyne-Ku-Xigeen. Markaa dawladani waa dawlad maanta kow iyo toban jirsatay, dhab ahaantii Dahir Rayaale muu badelin siyaasadii Cigaal badideedii muu badelin. Markaa dawladaa 11 jirka ahi ma qabo in ay wax badan oo hagaagsan qabatay. Weli waxan arkaa in aan maamul wanaag aanu jirin. Musuqmaasaq badani jiro, dawlad 57 wasiir iyo wasiir-ku-xigeen iyo wasiiru-dawla leh, dawlad miisaaniyadeedii dhaafin kari weyday 26 malyuun, dawlad ictiraafkii la doonayay aan runtii sidaa ugu hawlgalin oo inta badan waxay tidhaahdaa dawladdu waan garaacnay albaab walba, laakiin anigu waxaan qabaa in aanay aqoonba meesha albaabku yahay ee ay inta badan gidaar uun garaaacayaan oo aanay la iman aqoontii diblomaasiyadeed ee looga baahnaa.

Waxan qabaa in dawladdu ay xakamayn kari weyday musuqmaasaq aad u badan oo dalka ka jira, in ay dawladda 11 jirsatay ay cadaalad keeni kari weyday oo cadaaladu maanta tahay halka ugu liidata. Ta ugu dambaysa waxa weeyi in golayaashii loo sameeyey in Somaliland ay hagaan in dawladu ay moron ka dhex abuurtay, oo labadii gole la curyaamiyey oo sharci dejintii Somalilandba la curyaamiyey. Markaa runtii dhaliilo aad u badan baan dawladda maanta joogta u hayaa.

S: Ugu dambayn shirweynihii KULMIYEe ee raagay goorma ayaa laga yaabaa in uu qabsoomo?

J: Waxaan qabaa inkasta oo shirku dib u dhacay, haddana hawshiisii intiisii badnayd dibadda ayaa lagu qabanayey. Markaa in kasta oo aan shirweynihii la isugu iman oo aan la ansixin distoorkii iyo barnaamijkii xisbiga, haddana wax badan baa la qabtay oo intaa waa la shirayey oo intaa waa la hadlayey oo intaa arrimaha xisbiga ayaa laga hadlayey. Markaa shirku wuu iska socday, immika waxaan filayaa in waxaas oo dhami iska dhamaadeen oo marka xajka laga soo noqdo in shirkii la furi doono ayaan filayaa

  Af- hayeenkii G. Banaadir oo Dil qorshaysan lagu khaarajiyay

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay isa soo tarayaan qaraxyada iyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho, oo Caalamku ku tilmaamay inay tahay Ciraaq-da labaad, ayaa shalay Qarax Bam lagu dilay Masuul ka tirsan Maamulka Mbeghati ee Somalia.

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali, ayaa dhaawac ka soo gaadhay Bam waddada dhinaceeda loogu aasay u dhintay. Afhayeenka oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Keysaney, ayaa wuxuu ku geeriyooday Cusbatalka watqi Qalliin lagu samaynayay, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay dhanka madaxa.

Qaraxa uu u geeriyooday Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir , ayaa wuxuu ahaa mid loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, taasi oo dhawaqa ay sameysay markii ay qaraxday laga maqlayay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho. “Wuxuu ka baxay Gurigiisa, waxaanu ku socday Geerash u dhaw markii ay Miinadu la qaraxday” sida waxa yidhi Cabdirashiid Axmed oo ah masuul ka tirsan Xafiiska Maamulka Gobolkaas.

Mar sii horeysay ayay ahayd markii uu ka badbaaday qarax miino oo la doonayay in lagu dilo, kaasi oo loo geliyay meel aan u dheereyn gurigiisa oo ku yaala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Maxamed Muxyaddiin Cali  intii aanu ku soo biirin maamulka gobolka Banaadir ee aan loo magacaabin xilka afhayeenka Maamulka Gobolka, waxaa la sheegay inuu ahaa Tifaftiraha Wargeys Todobaadle ah oo magaalada Muqdisho ka soo bixi jiray.

Dhinaca kale, Kooxo hubaysan oo la sheegay inay ka tirsanaan jireen Maxaakiimtii Muqdisho, ayaa la sheegay inay la wareegeen Magaalada Guri-ceel ee gobolka Galguduud. ka dib markii ay halkaa ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanku. Siday sheegeen dad goob joogayaal ahi, kooxahan ayaa Magaalada ka soo galay saddex jiho, si ay ula wareegaan. Hase yeeshee, qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Mbeghati u qaabilsan gobolkaas, ayaa beeniyay jiritaanka warkan.

 Puntland: Shirkadda Africa Oil oo ku hanjabtay inay ka baxayso heshiis saddex-geesood ah

Garowe (W. Wararka/Ogaal)- Shirkad Kanadiyaan ah oo shidaal-qoddista ah, oo lagu waday inay hawleheeda ka bilawdo waqooyiga maamul-goboleedka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan yihiin saxeexa Cabdillaahi Yuusuf, kaasoo ay ku xidheen guda-galka barnaamijkooda.

Shirkadda Africa Oil Corp, oo caan ku ah Canmex Minerals, isla markaana heshiis shaqo-wadaag ah ay ku wada jiraan Shirkadda Ustaraaliyaanka ah ee Range Resources Ltd, ayaa bishan January ee foodda inagu soo haysa la filayay inay hawshooda ka bilaabaan gobolka Garoowe ee maamulka Puntland. Hase yeeshee, Shirkaddaas ayaa maamuleheeda qaybta Afrikaanku waxa uu dalbaday in Cabdillaahi Yuusuf saxeexo markhaati-furka lacagta la bixinayo iyo inuu codsigoodu ahaa in la siiyo lacag dhan $20 milyan, taas oo loo kala qaybinayo Shirkadda Ustaraaliyaanka ah ee Range Resources iyo Cabdillaahi Yuusuf.

Guddoomiyaha Shirkaddaas qaybteeda Afrika, ayaa ku hanjabay inuu dib uga noqonayo heshiiska uu kula jiro labadaa dhinac ee Puntland iyo Shirkadda Range, haddii uu Cabdillaahi Yuusuf ka gabado saxeexa dekumenti dhab ah oo rasmi ah, sidaana waxa lagu faafiyay shabakaddaha wararka qaarkood. Warku wuxuu intaa ku daray in Wasiirka dhaqaalaha Puntland Maxamed Gaagaab iyo wakiilka Shirkadda Range Liibaan Muuse Boqor, ay labaduba toddobaadkan magaalada Nairobi u joogeen dib u soo noqoshada Cabdillaahi Yuusuf, oo ka imanayay magaalada London, ka dib markii halkaa muddo lagu dawaynayay. Isla markaana waxa la sheegay in labada nin midkoodna aanu ku soo noqon Puntland.

Tan iyo sannadkii 2005, waxa bilawga hawlaha shidaal-qoddista ka haystay maamulka Majeerteeniya carqalado is-barkanaa, oo ay ka mid ahaayeen dagaallo ay kala horyimaadeen qabaa’illada dega meelaha u calaamadsanaa shirkaddaha heshiisyada kala duwan lagula galayay baadhitaanka dhulka hoostiisa, isla markaana qaraxii ugu waynaa ee arrintani waxay soo baxday markii ay iskaga horyimaadeen Ra’iisal Wasaarihii siyaasadda lagaga adkaaday ee Cali Geeddi iyo Cabdillaahi Yuusuf oo rabitaankiisii uu ku doonayay in Puntland ay gaar uga ahaato Soomaaliya uu u arkay farogelin uu Cali Geeddi kula kacayay arrimaha gudaha gobolkiisa.

Shir lagaga hadlayo caafimaadka iyo tayadda talaalka Sanadka dhamaaday oo ka furmay Hargeysa,  

ilmahaaga rag hortooda laguma canaanto.

Hargeysa (Ogaal)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri, ayaa shalay aqoon iswaydaarsi lagaga wada hadlayo waxqabadka dhinaca caafimaadka ee sannadkan dhamaadka ah iyo tayada Talaalka uga furay xarunta Kalkaaliyayaasha caafimaadka ee magaalada Hargeysa masuuliyiin ka kala socday Hay’adaha Sama-falka iyo Ururada wadaniga ah ee ku hawlan dhinaca caafimaadka.

Aqoon iswaydaarisan oo socon doona muddo sadex maalmood ah, isla markaana ay  soo  qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ee Somaliland, ayaa ah mid lagaga wadahadlayay waxqabadka caafimaad ee sannadkan dhamaadka ah, waxtarka talaalka iyo sidii loo horumarin lahaa tayadiisa iyo sidoo kale tababar ay ka qaybgalayaashu ku baran doonaan sida loo cidhib-tiro xanuunka Jadeecada. Ugu horeyna Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay aqoon iswaydaarsigaasi, ayaa sheegay in cudurada soo noqo-noqda ee ay ka midka yihiin Dabaysha, Jadeecada, Shuban-biyoodka iyo kuwo kale ay qayb ka tahay Tallaal yaraantu. “Waxa la yidhi ilmahaaga rag hortooda laguma canaanto. Markaa Saxaafadii ayaa inala joogta oo kusii talax-tagi mayno. Waxaan qabaa inaynaan maanta filayn inaynu shir caynkan ah isugu nimaadono oo nidhaahno waar Talaaladeenii ayaa hoos u dhacay ee sidaynu wax uga qabanaa. Laakiin waxaynu filaynay maadaama sannadkii inoo dhamaaday inaynu nidhaahno Tallaaladii waynu ka gudubnay oo xanuunadii waynu cidhib-tiray’e,  lacagtii Tallaalada maxaynu ku qabsanaa. Waayo xanuunada qaar kood waxa la cidhib-tiray 2005-2006-dii, markaa maanta oo aynu joogno 2007 oo dhamaad ah inay inagu soo noqoto ayaa wax lala yaabo ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland.

Waxaana uu tilmaamay Wasiirku in ay qayb ka tahay hoos u dhaca Tallaalka iyada oo aan dadku wada fahansanayn muhiimada Tallaalku leeyahay, oo mararka qaar Waaliddiinta qaarkood u diidaan in la talaalo ilmahooda, “Waxay ahayd inaynu Wasaarad caafimaad ahaan wacyi-galin siino dadka, dhaliishana waalidka waynu la leenahay, oo waxay ahayd inaynu inagu dadka u sheegno sababta Tallaalkani u soo noq-noqonayo, sababta loo talaalayo iyo waxa laga tallaalayo. Markaa waxay ahayd intaynaan inagu dadka Tallaalka ula tagin inaynu wacyi-galin badan siino. Dhaliilaheena kuwaas ayaa ka mid ah. Aniga oo dareensan in Wasaaradda caafimaadka iyo shaqaaleheedu aad u firfircoon yihiin.”

 Wasiir ku-xigeenka caafimaadku waxa uu mahad naq u soo jeediyay Hay’adaha iyo NGO-yada kala shaqeeya dhinaca caafimaadka iyo dhamaan hawl-wadeenada Caafimaadka.

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay Agaasimadaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Anwar Maxamed Cige, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Kolay kulankan A.B.I-da, waxaanu u dalbanay, bal sidii aynu sare ugu qaadi lahayn xadigan talaalka ee aadka u hooseeya. Waxa weeye Sannad baa dhamaaday sannad cusub ayaynu galaynaa. Markaa in sidii hore loo shaqeeyo iyo in wax laga bedalo ayaynu ka wada hadli doonaa.”

Agaasimuhu waxa uu xusay in dalkan Somaliland yahay dalka ugu hooseeya dhinaca Talaalka dunida oo dhan marka loo eego. isla markaana waxa uu soo jeediyay Agaasimuhu in xooga la saaro sidii loo tayayn lahaa goobaha caafimaadka, horumarinta Talaalka iyo wax kasta oo caafimaadka lagu xoojin karo.

Dr. Maxamed Cabdiraxmaan, oo isagu sharaxaad ka bixinayay muhiimada aqoon iswaydaarsigani ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxaan filayaa inaynu hore isugu nimi intiina badan aqoon iswaydaarsigan oo kale, oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah, kaas oo ay qabatay W.H.O,. Kanina waa kii labaad oo runtii isugu jira laba qaybood, oo ka hore waxa uu ahaa (Codination meeting) shir-weyne dhinaca caafimaadka ah, oo hore wuu u jiri jiray Shir-weyne dhinaca caafimaadka ahi. Laakiin kani waa ku ka duwan, oo aynu kaga falanqoonayno sidii aynu u joogtayn lahayn iyo qayb tababar ah oo socon doona labada cisho ee u dambeeya.”

Cabdi Xasan Ducaale, oo ah Wakiil ka socday Hay’ada caafimaadka adduunka ee W.H.O, ayaa isna ka hadlay aqoon iswaydaarsigaa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, “Maanta (shalay) halkan waxa isku jira laba hawlood, oo midi ay tahay hawlaha la xidhiidha xidhiidhinta iyo sidii loo kala warqaadan lahaa arrimaha talaalka. Ta labaadna waxa weeyaan qayb la xidhiidha Jadeecada iyo sidii loo sugi lahaa xanuunkaas isaga ah. Waad ogtihiinoo 2006-kii waxaanu dhamaystiray olole balaadhan oo dalka ah, oo Jadeecadu way yaraatay hada, oo afartii bilood ee ugu dambeeyay waxa la helay 55 ruux oo qudha.” Sidaa ayuu yidhi Wakiilka ka socday W.H.O, waxaanu intaa ku daray “Taana waxa sabab u ah, Talaalka ayaa ahaa mid tayadiisu fiican tahay. Laakiin waxaanu ku tala jiraa in xanuunkii kasta ee Jadeeco loo maleeyo laga qaado dhiig, si loo sugo inuu yahay jadeeco iyo inkale, sida aynu dabaysha u daba socono, iyadana u daba galo. Waayo xanuunkan Jadeecadu wuxuu daba socdaa xanuunka Dabaysha, oo la rabo in la hakiyo dunidda oo dhan. Markaa Talaalkii iyo adeegyadiisii kale waynu wadnaa, ee qaybtan laabka ayaa soo korodhay oo aan ka dhicin sida booliyada iyadana loo dabagalo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Xasan Ducaale. waxaanu sheegay in Talaalku hooseeyo marka la is barbar dhigo Somaliland iyo dunida.

M/Weyne Ku Xigeenka Oo cayimay qiimaha qaadhaanka shaqaalaha dawlada laga jarayo

Hargeysa (Qaran)-Madxweyne ku xigeenka Somaliland, Ahna Gudoomiyaha Gudida taakulaynta qaranka ee Gobolada Sool, Sanaag-bari iyo degmada Buuhoodle, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wareegto uu soo saaray shalay ku muujiyay lacagta qaadhaanka ah ee shaqaalaha dawlada looga jarayo goboladaas oo ka khafiifsan mid hor uu ugu dhawaaqay.

 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in shaqaalaha dawladu aanay xamili karin lacagtii hore loo go’aamiyay in looga jaro horumarinta gobolada bari, taas oo sheegaysay in sadexda bilood ee ugu horeeya sanadka fooda inagu soo haya ee 2008 laga jaro mushaharooyinkooda bilkasta.

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, warsaxaafadeedka uu ku nasakhay go’aankiisa hore ee uu shalay gelinkii danbe soo saaray waxa uu u qornaa sidan :

“Gudida taakulaynta gobolada bari waxay go’aan ku gaadhay in waraaqdii tixraaceedu ahaa GTQ/DW/03-015, dib looga noqday ka dib markii la tixgeliyay duruufaha ay ku sugan yihiin shaqaalaha dawlada oo aan xamili karin in bil mushaharkooda laga jaro.

Waxana gudidu isla garatay sidan hoos ku xusan 1- darajada (A) waxa laga jari doonaa 75000 shilin Sl ah 2- darajada (B) waxa laga jari doonaa 50.000 oo shilin Sl ah 3- darajada (C) waxa laga jari doonaa 25000 oo shilin sl ah 4- darajada (D) waxba laga jari maayo.

Lacagta shaqaalaha laga jarayo waa mar qudha, waxana si toos ah loogu shubayaa xisaabta baanka dhexe Somaliland uga furan taakulaynta Gobolada bari, waxana wasaaradaha iyo Haa’yadaha dawliga ah la farayaa inay xil weyn iska saaraan fulinta Wareegtada” .

Source: xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.