“Madaxweynaha Mwai Kibaki Ayaa Mar Kale Dib Loo Doortay” – Guddida Doorashooyinka Kenya

Musharax Raila OdingaNAIROBI KENYA (Somaliland.Org) — Guddida Doorashooyinka Kenya (ECK), ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooinka dalkaas waxana tartankii madaxweynaha Kenya ku guulaystay Madaxweynaha Mwai Kibaki. Waana sidan sida codadka loo kala helay:

47%  Mwai Kibaki
44% Raila Odinga
9% Kalonzo Musyoka

Madaxweyne Kibaki wuxuu helay 4,584,721, halka ninka la tartamayay ee Raila Odinga uu helay 4,352,993. Waxyar kadib markii lagu dhawaaqay natiijada waxa Madaxweyne Kibaki loo dhaariyay 5 sannadood oo dambe, sidii horeba dad badan ka saadaaliyeen taasoo dhinac loogala jeedo in ay ku quustaan dadka rabshadaha wada.

Markii natiijada lagu dhawaaqayay waxa ka dareeray goobta masuuliyiintii xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) ee Raila Odinga. Waxa bilaabmay rabshado kale kadib markii lagu dhawaaqay natiijada.

Codad Layswaydaariyay – Dhacdooyinkii Kenya

  • Aftiyo aan rastmi ahayn oo la qaaday bilihii ugu dambeeyay ayaa dhamaantood Raila Odinga kaga horeeyay Madaxwyahana.
  • Markii tirinta codadka la bilaabay ilaa wax yar ka hor intii aan natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqin Axaddii, waxa horeeyay Raila Odinga
  • Maalintii Jimcaha ahayd wuxu Raila Odinga ka horeeyay Madaxweynaha 1 milyan oo cod
  • Intii u dhaxaysay Jimcihii ilaa Axaddii waxa madaxweynuhu helay codad ka badan 1,230,000 oo ka soo baxay 50 demgo oo ka mida 210 degmo ee dalka
  • Waxa guuldarro weyn la kulmay musharixiiintii xisbiga Madaxweynaha waxana kuraasoodii waayay in ka badan 20 wasiir iyo Madaxweyne ku xigeenkii
  • Goobo ka mida meelaha laga taageero Kibaki ayaa la sheegay inay ka codaysay tirro ka badan dadka ka diiwaan gashan halkaas laguna sheegay isusoo baxa 115% tirada diiwaan gashan.
  • Guddida doorashooyinku wax jawaab ah oo cad kamay bixin sababta loogu soo gudbinwaayay tirinta codadka iyo halka la kala marayo ee 51 degmo oo ka mid ahaa 210 degmo ee dalka, degmooyinkaas oo ahaa kuwa Madaxweynuhu taageerada ku lahaa
  • Goobaha tirinta codadka ee calaamad su’aashu saarnayd ayaa loo diiday goobjoogayaasha caalamiga ahi inay goobjoog ka noqdaan
  • Waxa jira warar sheegaya waraaqo loogu codeeyay Madaxweynaha hase yeeshee dadkaasi aanay wax cod ah ka dhiiban tartanka musharixiinta baarlamaanka, taasoo tilmaamaysa in waraaqahaas codaynta lagu riday kadib markii codaynta la soo afjaray lana soo saaray natiijada tartanka baarlamaanka.

Wararkii hore (Sabti, 29 December 2007) Guddiga doorashooyinka ECK, ayaa sheegay inay hakinayaan tirinta caawa kana codsaday in warbaahintu kala dareerto dibna ugu soo noqoto aroornimada Axadda ah. Hore waxa lagala horyimid buuq iyo qaylo markii ay ku dhawaaqeen natiijooyin ka soo baxay degmooyinka Madaxweyne Kibaki xoogga ku leeyahay, kuwaas oo hoos ugu dhigay faraqa u dhexeeya labada musharax 38,000 oo cod oo uu ku horeeyay Odinga. Ilaa iyo hadda waxa lagu dhawaaqay qiyaastii 86% codadka guud oo ah 180 degmo oo ka tirsan 210-ka degmo oo laga codeeyay waxana la sugayaa in lagu dhawaaqo 30 degmo oo kale. Ku dhawaaqistaas laga horjoogsaday guddoomiyaha guddiga ECK, ayaa Madaxweynuhu kaga hormari lahaa xisbiga Raila Odinga.

Tirooyinkan markii dambe soo baxay ee muddada yar ku beddelay natiijada waxay ka soo baxeen qaybo ka mida 51 degmo oo lala raagay natiijadooda lana ogayn waxa la kala marayay, cabsina laga qabay in dawladdu ku shubanayso, waxana xukuumaddu ku macnaysay taageero degmooyinkaas looga hayay Madaxweynaha, taasoo shakigeeda leh marka la eego tirada wasiirada ah ee xukuumadda ka tirsanaa ee waayay xubinimadii baarlamaanka oo gaadhaya 20 wasiir, halka madaxweyne ku xigeenkii laf ahaantiisu uu waayay kursigiisii baarlamaanka.

Waxa aan is qaban guuldarradaas xubnaha xisbiga dawladda ku habsatay iyo guusha ay ka sheeganayo codadka tartanka madaxweynaha oo aad u sarraysa.Hubaalna haddii sida la filayo uu hormaro Madaxweyne Kibaki waxay horseedi doontaa qalallaase laga baqayay inuu dalka ka dhaco dad badanina ku dhintaan. Waxana la iswaydiindoonaa, iyada oo guddiga doorashooyinku (ECK) ay haysato isgaadhsiin casri ah, sababta keentay in aanay ka warhaynin sida tirinta codadka ee degmooyinkaas maqnaa ay u socotay ee kellifay in wakhtigan uun la ogaado natiijadooda.

Rabshado iyo gadood ayaa ka dillaacay meelo kala duwan dalka Kenya, halisna gelisay nabadgelyada iyada oo la sheegay in tukaamda iyo xafiisyada baayacmushtarkaba albaabada loo xidhay.

Dadka rabshadaha wada ayaa kala taageersan labada musharax waxana ay ka soo kala jeedaan qabaa’ilka Raila Odinga ee Luo, iyo kuwa Madaxweynaha ee Kikuyu. Kikuyu waxa u badan maalqabeenka iyo siyaasiyiinta ka soo qabtay xilal sarsare dalka Kenya, sida madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaas Jomo Kenyatta. Daniel Arap Moi ayaa isagu ka soo jeeday qabaa’ilka yaryar, inkasta oo uu doorkan taageeradiisa la barbar istaagay madaxweynaha. Raila Odinga wuxuu ahaa maxbuus wakhtiyo ka mida muddadii uu Arap Moi xilka hayay.

WARARKA CAALAMKA IYO SIDA LOO ARKO DOORASHOOYINKA KENYA

International community must not accept fraudulent Kenyan election result – Steel

29 December 2007

Lord  Steel of AikwoodCommenting on the Kenyan Presidential election, former Liberal Party Leader Lord (David) Steel, who was brought up in Kenya and knows President Kibaki and his opponent Raila Odinga well, said:

“Events today in Kenya are deeply worrying. The extraordinary delay in announcing results from Thursday’s election indicates that the figures are being manipulated behind the closed doors of the electoral commission.

“This afternoon with 21 seats still to be declared the Commission was giving the lead to Raila Odinga by 4.3 million to President Kibaki’s 4 million. Later these figures changed to 3.8 million each – giving Mr Odinga a lead of under 40,000 votes with no other constituencies announced.

“Mr Odinga has been clearly ahead throughout the two days of counting until now. At the beginning of the year I drew attention to the fact that the members of the Commission were appointed by the President without consulting the opposition parties.

“Unfortunately the Commonwealth Secretariat and the EU, both of whom have been observing the election failed to intervene adequately at the time.

“The situation in the country is potentially extremely dangerous because of the tribal rivalries in the election. The international community must make it clear they will not accept a fraudulent result.”

Related link(s):

About Lord Steel of Aikwood


Xisbiga Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa iyaguna guul sheegtay doorashada Dalka, wax yar kadib markii xisbiga Raila Odinga, oo hoggaaminaya tirada rasmiga ahi uu ku dhawaaqay guul.Guusha Raila Odinga sheegtay waxay ka dambaysay markii su’aalo badani ka yimaaddeen sababta aan loo soo xerayn natiijada degmooyinka badhtamaha iyo bariga dalka ee Madaxweynuhu xoogga ku leeyahay. Tiradii rasmiga ahayd ee ECK soo saartay oo weli socotay saacado ka hor waxay ka tarjumaysay 159 degmo oo ka tirsan 210-ka degmo ee dalka, waxana loo kala helay 49% Raila Odinga iyo 45% oo Madaxweynuhu helay. Xisbiga Raila Odinga ayaa sheegtay inay heleen 4,215,437, xisbiga Madaxweynuhuna uu helay 3,748,261, faraquna u dhexeeyaana yahay 467,176.

Wasiir ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ayaa isaguna sheegtay in xisbigiisu helay 4,533,181 cod halka ay Raila Odinga xisbigiisa siiyeen 4,206,062, waxayna sheegteen inay 300,000 ka horeeyaan xisbiga Raila Odinga. Tirada xisbiga Madaxweyne Kibaki sheeganayo ayaan cidina ogayn maadaama aan la ogayn sababta keentay dib u dhigga natiijada ee 51 degmo oo ay xoogga ku leeyihiin, degmooyinkaas oo ay ka jirto isgaadhsiin wanaagsani.Intii aan xisbiga dawladdu jawaab ka bixin guusha xisbiga Odinga ku dhawaaqay, ayaa xisbiga Odinga ku eedeeyay xukuumaddu inay isku dayayso inay ka ishaafalatayso natiijada iyaga oo is hortaagtay natiijooyinkii codadka ee degmooyinka maqan, kuwaas oo ay damacsantahay inay ku shubato si ay iyadu u sheegato guul. Waxana jirta cabsi ah in degmooyinka maqan, oo la filay inay yihiin kuwa dawladdu ku horayso, inay u badin doonaan dhinaca Madaxweynaha halkaana ay ka dhallandoonto rabshado iyo gaddood. Wararka ka soo baxaya meelo dalka ka tirsan ayaa sheegaya in ay jiraan gadood ka ay ku kaceen dad u badan taageerayaasha Odinga oo ka cadhaysan natiijada raagtay.Lama hayo tirada rasmiga ah ee dalka ka codaysay, sidaa awgeed way adagtahay in la yidhaahdo Odinga wuxuu helay kala badh codadka, waxase jirta cabsi ah in degmooyinka maqan ay dawladdu ku shuban doonto maadaama ay ogtahay tirada ka soo baxday ama ka soo baxaysa degmooyinka Raila Odinga oo ah kuwa codadkooda la hayo ama tirintoodu ay gebagebada ku dhowdahay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka (ECK) Mr. Samuel Kivuitu oo cadaaadis lagu hayo inuu ku dhawaaqo ninka guulaystay, ayaa laf ahaantiisu sheegay inuu la yaabbanyahay sababta keentay inaan natiijadu ka soo xeroon degmooyinka maqan isaga oo taa ku daray in degmooyinkaas ay ka jiraan isgaadhsiin wanaagsani, wuxuuna walaac ka muujiyay sababta raagsiisay natiijadooda. Waxuu dadka u sheegay inay ku dhawaaqi doonaan waxa ay gacanta ku hayaan haddii natiijooyinkii degmooyinkaasi ay soo xeroonwaayaan.



Warar iskhilaafsan oo Jimcihii ka soo baxay goobaha tirinta codadka ee doorashada Kenya ayaa mid waliba sheegay natiijo kala taageersan labada musharax ee ku tartamaya Madaxnimada dalkaas.Guddida doorashooyinka Kenya, ECK, ayaa iyadu soo saartay hordhac natiijada ah oo ay ka soo qaaday 28 degmo oo ka tirsan 210-ka degmo ee dalkaasi looga codeeyo, 28-kaas degmo oo uu Madaxweyne Mwai Kibaki ku horeeyay 175,000 oo cod.Dhinaca kale isugayn ay sameeyeen warbaahinta TV-ga ee Madaxa bannaan ayaa sheegaya in Raila Odinga uu Madaxweynaha kaga horeeyo tiro hal milyan oo cod ah.

Hase yeeshee natiijadii ugu dambaysay ee si rasmiga ahayd oo goor dhawayd ka soo baxday ECK ayaa markii u haysay xaqiijisay in Raila Odinga uu ka horeeya musharaxa kale 360,000 oo cod, waxana wararku sheegayaan in kala badh tirintii codadka la soo gebagebeeyay berito oo Sabti ahna laga faraxalan karo tirinta codadka.Weli si rasmi ah looma sheegi karo cidda ku guulaysatay tartanka.Madaxweyne Mwai KibakiGuddiga doorashooyinka (ECK) ayaa hore u sheegay inay tirinta codadka soo gebagebayndoonaan maalinta Axadda ah, taasoo 4 maalmood ka dhigaysa muddada lagu tirinayo codadka. Xisbiga ODM ee Raila Odinga ayaa taas shaki ka muujiyay iyaga oo sheegay tirinta sii jiitamaysaa ay keeni karto in dawladdu ku shubato doorashooyinka haddii aan dhakhso loo afjarin. Doorashadii tan ka horaysay ee dhacday sannadkii 2002, waxa tirinta codadku ku dhamaatay laba maalmood gudahood. ECK ayaa ku andacoonaya in doorkan tirinta codadku ay ka adagtahay maadaama ay codeeyeen tiradii ugu badnayd ee ka codaysa doorashooyinka dalka laguna qiyaasay inay isusoo baxeen (turnout) 70% boqolkiiba dadka codbixiyeyaasha ah, marka loo eego doorashooyinkii sannadkii 2002 oo ay isu soo baxeen 57% boqolkiiba.

Waxase layaab noqotay gobolada badhtamaha dalka ee ay ku badanyihiin taageerayaasha Madaxweynuhu oo lagu sheegay isusoo xad-dhaaf ah (95 boqolkiiba) taasoo ay adagtahay in la rumaysto, goobjoogayaasha dhexdhexaadka ah qaar ka mid ahina waxay ku tilmaameen inay tahay ku shubasho ay dawladdu ku kacday. Masuul ka tirsan xisbiga talada haya ayaa deedafeeyay eedaha ku shubasashada isaga oo difaacay tiradaas 95% ee codaysay inay ka dambaysay “dadka oo aad uga raalli ah Madaxweynaha”, inkasta oo dareenka dadka ee dawladda imika joogta laga arki karo xildhibaanada tirada badan ee waayay xubinimadii baarlamaanka taasoo loo aanayn karo quus ay ka joogaan waxqabadka dawladda iyo musuqmaasuqa dalka aafeeyay.

Xubno jagooyin sarsare ka hayay xukuumadda kana tirsanaa Baarlamaanka Kenya ayaa lagaga adkaaday kuna hadhay tartankii, waxana ka mida Madaxweyne ku xigeenkii Moody Awori, wasiirkii difaaca James Njenga Karume, iyo wasiirkii Waddooyinka Simon Nyachae oo dhamaantood ka tirsanaa xisbiga Madaxweynaha. Waxa kale oo xubinimadoodii baarlamaanka waayay saddex wiil oo uu dhalay Madaxweynihii hore, Daniel Arap Moi, kuwaasoo ku tartamayay kana tirsanaa xildhibaanada baarlamaanka Kenya. Ugu yaraana waxa kuraastoodii baarlamaanka waayay 16 wasiir oo xukuumadda ka tirsanaa.

Nidaamka dawladnimo ee dalka Kenya ayaa dhigaya in Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo wasiiradaduba ay ka soo baxaan baarlamaanka, cid aan ka tirsanayn baarlamaankana aan loo magacaabi karin xilalka siyaasadeed ee sarsare ee dalka. Taasoo bannaanka dhigtay Madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirada xubinimadoodii baarlamanka waayay. Madaxweyne Mwai Kibaki, oo 76 jir ah, wuxuu baarlamaanka ku soo biiray sannadkii 1963, wuxuuna xilkii ugu horeeyay ee wasiirnimo qabtay 1965, ilaa 1997 oo uu ka baxay xukuumadda isaga oo madaxweynihii hore kula tartamay doorashadii sannadkaas.

Maxaa looga jeedaa isusoo baxa doorashadaka (voter turnout)?

Waxa jira tiro ka mid ah dadka xaqa u leh inay codeeyaan (eligible voter) oo aan haddana isu diiwaan gelin doorashada, sidaa darteed marnaba ma dhacdo in 100% dadka xaqa u leh codayntu inay ka wada codeeyaan doorashada. Waxa jira sababo badan, tusaale ahaan waxa jira dad da’ ah oo liita oo ama xanuunsanaya oo awoodi waayay inay codbixinta ka qaybqaataan amaba ay u suurto galiwayday iyaga oo safar kaga maqan degmadii iyo goobtii ay ka coday lahaayeen. Waxa iyaguna jira dad aan rajo ka qabin in doorashadu isbeddel keenayo, oo iyagu go’aansada inay iskood isagaga baaqdaan doorashada. Waxa jira dad jecel in isbedel siyaasadeed dhaco laakiin aaminsan halka cod ee uu qofkaasi leeyahay inaanuu waxba ka beddeli doonin natiijada doorashooyinka, halka qaar kalena ay quus ka joogaan nidaamka doorashooyinka iyaga oo isku difaaca inaan siyaasiyiinta kii yimaaddaaba uu ka kale la mid yahay, cidkasta oo la doortana aan waxbana iska beddeli doonin maamulku. Asbaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaan suurto galin in 100% dadka xaqa u lihi inay ka soo wada daahiraan goobaha codaynta.

Dalka Maraykanka waxa doorashooyinka isu diiwaangeliya 70% dadka xaqa u leh inay codeeyaan. Waxana codaysa qiyaas 50% boqolkiiba, taasoo macnaheedu yahay in kala badh dadweynaha Maraykanku aanay ka qaybqaadan doorashooyinka.

Codbixinta khasabka ah (Compulsory voting)
Inkasta oo badi waddamada dimoqraadiga ahi aanay ku khasbin muwaadiniintooda inay codeeyaan, waxa jira waddamo sharcigoodu khasab ka dhigayo in qofkasta oo muwaadin ahi codeeyo (compulsory voting), waxana ka mid ah dalalkaas dalka Australia iyo Peru. Haddii muwaadinku aanuu doonayn inuu codeeyo waxa khasab ku ah inuu isa soo xaadiriyo si uu isaga saaro liiska. Badiyaa dadka aan doonayn inay codkooda siiyaan musharax ka mida dadka tartamaya, ayaa sanduuqa ku rida warqan cad oo aan la calaamadin taasoo noqota cod khasaaray. Dadka sidaas u codeeya ayaan sharcigu waxba ka qaban karin maadaama aan la ogayn ama aan sharcigu oggolayn in la ogaado qofka muwaadinka ahi sida uu u codaynayo.

Dadka taageera codaynta khasabka ah ayaa difaaca nidaamkaas iyaga oo ku tilmaama in dawladaha dalalka codayntu khasabka tahay, ay dhab ahaan metelaan dhamaan muwaadiniinta dalka, halka dalalka aanay khasabka ahayn ay ku tilmaanaan in dawladdoodu ku timid rabitaanka inta yar ee dooratay inay codeeyaan.

Dadka aaminsan inaan codayta khasab laga dhigin ayaa doodooda ku sababeeya asbaabo ay ka mid yihiin waxa qofku aaminsanyahay sida diimaha qaarkood oo aan qofka u oggolaanin inuu ka qaybqaato arrimaha siyaasadeed. Halka waddamada qaarkood ee codayntu khasabka tahay ay ka jirto qalalaase iyada oo kooxo budhcad ahi ugu hanjabaan muwaadinka inay dili doonaan haddii uu ka codeeyo ama uu ka qaybqaado codaynta. Waddamadaas waxa ka mid ah dalka Peru ee Latin America, dalkaas oo ay ka jirto jabhadda hubaysan ee Shining Path (Waddada Cad) oo dagaallo ka wadda gobollo ka tirsan dalkaas.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.