Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti, 29 Dec.

“Waxa Jiray rabshado iyo qalalaasayaal weeraro xambaarsanaa”

Warbixin hordhaca ah oo Goobjoogayaashu Caalamiga ah ee S/land ka midtahay ka soo saareen doorashada Kenya

 

Nairobi (W. Wararka/Ogaal)- Machadka Jamhuuriga Caalamiga (International Republican Institute), ee fadhigiisu yahay magaalada Washington DC, ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray doorashooyinka ka dhacay dalka Kenya, qiimayn ay ku sameeyeen ku sheegay in dimuquraaddiyadda dalkaas ay muhiim u tahay doorashooyinku. isla markaana waxay dadka reer Kenya ku amaaneen nabadgelyada ay ugu dareereen goobaha cod-bixinta.

Machadka IRI, oo goob-joogayaal caalami ah isugu keenay doorashooyinka madaxtinimo, baarlamaan iyo dawladdaha hoose, ayaa war-saxaafadeedkooddan ku sheegay in hanaanka dimuquraadiyadeed aanu ahayn oo keliya cod-bixinta, balse loo baahan yahay in si dhamaystiran loo buuxiyo shuruudaha dimuquraadiyadeed. war-saxaafadeedkoodan, oo ay ku xuseen goob-joogayaasha caalamiga ah inay ka mid yihiin wufuud reer Somaliland ah, oo aad u dheeraa isaga oo aanu soo koobnay waxa uu u dhignaa sidan: “Dadka reer Kenya way u han-waynaan karaan hanaanka ay u qabatimeen qawaaniinta aasaasiga ah ee dimuquraadiyadda, marka loo eego doorashooyinkan muhiimka ah. Goobihii cod-bixinta ee ay goob-jooga ka ahaayeen Kooxaha Machadka IRI, hanaanka ay wax u socdeen, waxa uu u muuqday mid furan, axsaabta siyaasadda wakiillada ka socda, goob-joogayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba waxay helayeen fursadda ay ku indha-indheeyaan qaabka ay doorashadu ku furantay. Hase yeeshee, sida ka dhacda doorashooyin fara badan oo caalamka oo dhan ah, Guddiga Doorashooyinka Kenya (ECK) waxay ahayd may iclaaminin furitaanka goobaha cod-bixinta xilli hore.”

Machadka IRI, waxa ay sheegeen in mudadii lixda bilood ahayd ee ay ololayaasha doorashooyinku socdeen wacyigelin badan la sameeyay, si ka qaybgalka codaynta dadweynuhu u badato. Waxaanay intaa ku dareen inay jireen rabshado iyo qalalaasayaal weeraro xambaarsanaa, kuwaas oo loo geystay murashaxiin iyo dadka abaabulka qaabilsan, iyo xad-gudubyo loo geystay haween badan, isla markaana waxa uu machadku war-saxaafadeedkiisan ku xusay in ay jireen isku-dhacyo ay iskaga horyimaadeen kooxo iska soo horjeeda oo ay dhiirigelinayeen dareemo kacsan oo siyaasadeed. “Dhacdooyinka sidan ah iyo rabshaddahaasi waxay khaasatan nasiib-darro ku yihiin dimuquraadiyadda Kenya, taasoo sababi karta xataa isku-buuq dhaca maalinta doorashada,” ayaa ka mid ahaa qoraalka war-saxaafadeedka. “Iyada oo dalka Kenya uu hore ugu tallaabsanayo dhinaca dimuquraadiyadda iyo doorashooyinkii xorta ahaa, ayaa Machadka IRI, waxa ay wufuuda ka socotaa ku dhiirigelinayaan dadku inay sii wadaan ixtiraamka ay u hayaan hanaanka dimuquraadiyadeed, iyo inay aqbalaan natiijada go’aanka kama dambaysta ah ee doorashooyinka.”

Goob-joogayaasha IRI, waxay dusha ka ilaalinayeen inka badan 100 goobood oo ku baahsanaa guud ahaanba sideeda goobol ee uu dalka Kenya ka kooban yahay. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedkana, waxa goob-joogayaasha Machadka Jamhuuriga Caalamiga ah ka socday hogaaminayay Constance Berry Newman, oo xubin ka ah Guddiga maamulka Machadka IRI, horena u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa arrimaha Afrikaanka. Wufuuda kalena, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inay kala yihiin; Xuseen Axmed Caydiid, oo xubin ka ah Guddiga Fulinta Xisbiga Somaliland ee Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE), isla markaana xubin ka ah guddiga diiwaan-gelinta qaranka; Joel Barkan, oo barafasoor Cilmiga Siyaasadda iyo Sayniska ka ah Jaamacadda Iowa; Cumar Jaamac Faarax, oo xubin ka ah Guddiga Fulinta Xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana xubin ka ah guddiga diiwaan-gelinta qaranka Somaliland; Irena Hadziabdic, oo xubin ka ah Komishanka Doorashooyinka Bosnia iyo Herzegovina; Maureen Harrington, oo hore u ahayd madaxa barnaamijka Machadka IRI ee Koonfur Afrika; Cabdillaahi Siciid Ismaaciil, oo xubin ka ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland (UCID), isla markaana xubin ka ah Guddiga Diiwaan-gelinta Somaliland; Anne Itto, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaybta Koonfureed ee Xisbiga Suuddaan ee SPLM; Simon Kun, oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda Qaranka ku-meelgaadhka ah, isla markaana ah madaxa Komishanka Gargaarka Bani’aadaminimo ee Koonfurta Suuddaan; Sylvestre Somo Mwaka, U adeege xuquuqda aadamaha ah, isla markaana caawiye u ah madaxweynaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka ee xaruntiisu tahay magaalada Kinshasa, ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo; Ronald Nehring, oo ah guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga ah ee Gobolka California; Ambaassadoor Lange Schermerhorn, oo hore Maraykanka ugu joogay dalka Djibouti; Iyo Bushara Hussan El Tali, ku-xigeenka xoghayaha tabobarrada iyo balaadhinta dhismaha awoodeed ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Xorraynta Suuddaan.

Machadka IRI oo sheegay inay dalka Kenya kala shaqeeyaan isbedellada siyaasadeed, iyo sidii loo horemarin lahaa ajandayaasha ololayaasha lagaga hadlayo arrimaha khuseeya codeeyeyaasha, ayaa tan iyo sannadkii 1983-kii goob-joognimo uga soo qaybgalay doorashooyin ka dhacayay inka badan 130 waddan.

M/Weyne ku xigeenka oo dhagaxdhigay Dhismayaal lagu kordhinayo Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa(Ogaal) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Khamiistii doraad dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu darayo jaamacada Hargaysa oo ay maalgaliyeen Baanka Islaamku.

Dhismayaashan lagu kordhinayo jaamacada Hargaysa waxa ku baxaya lacag gaadhaysa $450,000(Afar boqol iyo konton kun oo doolar). waxaanu dhismahaasi qaadanayaa muddo toban ilaa sideed bilood ah,

Sida ay sheegeen maamulka Jaamacada Hargeysa lacagta loogu talagalay hawshan waxa loo qaybiyay laba boqol iyo shan iyo konton kun oo Dollar oo dhismaha lagu hirgalin doono iyo boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo lagu qalabayn doono.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay bilowga dhismayaashani ayaa waxa dhagaxdhigay Khamiistii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyayna waxa uu ugu mahadceliyay Baanka Aduunka oo mashruucan ugu deeqay Jaamacadda Hargeysa. Iyadoo hawshan dhiraandhirinteedana ay dedaal-badan u galeen maamulka Jaamacadu.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu xusay in ardaydan wakhtigani ay ka nasiib badan tahay ardaydii hore, isaga oo tibaaxay in dhismaha Jaamacadan ee hore bilowgii qorshuhu ahaa in jaamacad loogu talagalay ayuu yidhi, hadana qorshihii laga bedelay oo dugsi sare laga dhigay.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka codsaday Maamulka iyo ardayda jaamacaduba inay ka faa’iideystaan dhismaha iyo qalabka loo dhigi doonaba. Isaga oo sidoo kalena ku guubaabiyay inay dedaalka dhinaca Tignolajiga casriga ah iyo culuunta Sayniska ku dedaalaan maadaama maanta tartanka ugu badan arrimahaasi dunidu ugu jirto.

Dhismaha cusub ee jaamacada lagu kordhinayo waxa hirgalinaysa shirkad wadani ah oo lagu magacaabo Axad Construction Company.

Taasoo ku guulaysatay tartan loo galay dhismaha dhismayaasha cusub ee Jaamacadda lagu kordhinayo.

 

 

Qalaalaasaha iyo Weerarada qorshaysan ee caasimadii dhiiga

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Ciidamada Maamulka Mbeghati ee Somalia, ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof, meel duleedka ka ah Magaalada Muqdisho.

Siday sheegeen dad goob-joogaayaal ahi, labada qof ee dhintay ayaa ka mid ah Ciidamada Booliska ee Maamulka Cabdilaahi Yuusuf. Kuwaas oo ay si gaadmo ah u dileen laba nin oo ku hubaysan Baastoolado.

Weerarkan ayaa ka dhacay Meel la yidhaahdo Siin dheer, oo masaafo 13km ah dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho. Halkaas oo boqollaal ka mid ah dadka ka baro kacay Dagaallada Muqdisho ay ku nool yihiin.

Sidoo kale, Cabdi Qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka Boliska dawlada Cabdilaahi Yuusuf ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday shalay.

Qaraxan oo ka dhacay Agagaarka Deegaanka Ceelasha Biyaha oo u dhaxeeya Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho ayaa ahaa Miino nooca Meelaha fog laga hago ah. Waxaana Miinadan lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo galbinaysay Cabdi Qaybdiid iyo Koox Fanaaniin ah oo Booliskaasi ka tirsan, kuwaasoo u sii jeeday Magaaladda Muqdisho.

Sida laggu faafiyay shabakaddaha wararka lama oga khasaaraha uu geystay qaraxaasi,. Waxaana ay Goobjoogayaal ka agdhawaa halkaasi ay u sheegeen idaacadda Shabelle in Qaraxa ka dib ay Rasaas xooggan fureen Ciidamaddii Illaalada u ahaa Cabdi Qaybdiid, taasoo argagax gelisay dadkaasi.

Gallad Cusmaan Cali oo ku sugnaa Waqtigii uu Qaruxu dhacayay Deegaankaasi oo ay deganyihiin dadkii ka barro kacay Muqdisho in markii ay gudubtay Kolonyaddii galbinaysay Cabdi Qaybdiid Ciidamadiisu ay halkaasi ka qabqabteen illaa 6 – Qof oo ka mid ah Dadkii ka barakacay Muqdisho.

Maaha markii ugu horaysay ee ay halkaasi ka dhacaan Qaraxyo sababay dhibaato gaadhay dadka ku barakacay halkaasi, iyo qaraxyo lala doonayo in lagu khaarajiyo masuuliyiinta dawlada Cabdilaahi Yuusuf iyo Ciidamada taageerayaasha ah ee Itoobiya.

Maydadka afar qof oo ayaa iyagana la sheegay in shalay laga helay Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo degmada Huriwaa ee dhinaca Waqooyi ee Magaalada Muqdisho. Halkaas oo la sheegay inuu dagaal ba’ani ku dhex maray Kooxaha ka dagaallamaya Muqdisho iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo ay weheliyaan Xulafadooda Maamulka Mbeghati. Dadka dhintay ayaa loo tuhunsan yahay inay dileen Ciidamada Itoobiyaanku. Kuwaas oo carqaladeeyay goobtii uu isku dhacu ku dhex maray iyaga iyo Kooxaha dagaalka kula jira.

Sidoo kale, Bam la dhigay waddada dhinaciisa, ayaa la sheegay inuu qarxay, halkaas oo ay marayeen Baabuur waday Ciidamo ka tirsan Maamulka Mbeghati. Hase ahaatee, wararku ma sheegin wax khasaare naf ah oo uu geystay Qaraxaasi.

Waxa jira waxyaabo ka xun dhimashada

Faadumo Cabdilaahi

Bosaaso (Ogaal)- Faadumo Cabdilaahi, waa 30 jir ka soo carartay Magaalada Muqdisho ee Somalia, waxaanay muddo 10 maalmood ah socotay 1,500km. iyada oo u kala socdaashay Magaalooyinka Afgooye oo 30km dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho iyo Magaalada Boosaaso ee Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia.

Faadumo waxay hooyadeed oo ku sugan Kaam Qaxooti oo aad u silic badan oo ku yaala Magaalada Afgooye kaga timi 4 Carruur ah oo ay dhashay. Kuwaas oo ay iyaga dartood u gashay socodka intaa le’eg, si ay ugu noolaadaan nolol ka wacan tan ay hadda ku nool yihiin ee saxariirka badan. Waxa baytal-qasiidkeedu ahaa inay u tahriibto oo ay tagto dalka Yemen, isla markaana u dhaafto dalka Sacuudiga. Halkaas oo ay naftu badday inay u socdaasho Magaalo-dekedeedda laga bilaabo socodka aadka u khatarta badan ee Tahriibta (Boosaaso). Iyada oo ka waramaysa waxay mudatay iyo siday waayaha nolosha u qaabishay, ayaa waxay hadalkeeda ku bilowday,

“Waxaanu ku noolayn Xaafadda Xamar-jajab (Koonfurta Muqdisho), waxaan suuqa ku iibin jiray Khudradda, si aan nolol-maalmeed ugu soo saaro Qoyskayga. Laakiin, inaanu suuqa u baxnaa waxay noqotay khatar aad u daran. Markii aanu qaxnay, hooyaday waxay ii soo jeedisay inaan socdaalo oo aan soo raadiyo nolol wacan, oo iyaduna ay Caruurta sii hayso. Markaas ayaan go’aansaday inaan Boosaaso imaaddo, oo aan tago Yemen, oo aan u dhaafo Sacuudiga.

Socdaalkaygii Boosaaso wuxuu igu qaatay 10 maalmood, halkaas oo dad badan oo ila mid ahi ay imanayeen. Qaar badan oo dadkaasi ka mid ah, ayay jidka ku dhaceen Maleeshiyo, kuwaas oo jid-gooyo dhigtay waddada. Halkaas oo ay mararka qaar dadka qaarkood tooganayeen. Gaadhigii aanu saarnayn aad buu u nasiib badnaa, sababtoo ah intii aanu jidka ku soo jirnay lamaanu kulmin wax dhib ah. Halka dad kale oo saarnaa gaadhi kale ay nasiib darnaayeen, kuwaas oo laba ka mid ah la dhaawacay, waxaana laga yimi mid ka mid ah Degmo yar oo ku taalay Jidkii aanu soo maraynay ee ku soo socday Boosaaso.

Ehel iyo qaraabo toona halkan (Boosaaso) iima joogto, sidaa darteed waxaan ku noolahay Kaam (Kaam Qaxooti oo ay ku jiraan dadka soo baro-kacay). Maalintii iyo habeenkiiba waxaan tagaa guryaha reeraha, waxaanan ka guraa Xashiishka, waxaanay I siiyaan 5,000 Somali Shilin ah markii aan qaadaba. Maalinta ugu wanaagsan waxaan qaataa 25,000 oo Somali Shilin ah, hase ahaatee maalmaha qaarkood ayaanan waxba helin oo aan wax waayaa.

Waan ogahanay oo waan garanayaa khatarta aan waajahayo tagitaankayga Yemen. Laakiin, waa maxay farqiga u dhaxeeyaa (Muqdisho iyo Yemen)? Muqdisho, kama war qabtid maalintii, ilaa aad aragto marka dambe iyada oo gabbalku dhacay. Waxaad maqlaysaa dumar la kufsaday oo la dhacay maalin kasta. Mid ka mid ah Jaarkayga ayaa la kufsaday, oo markii dambe si xun Ciidamadu ugu garaaceen Qori dabadii, waxay gashay Cusbatal, manay dhiman, mana noola. Markaas ayay ahayd markii aan aniga iyo Hooyaday go’aansanay inaan maro Jidkan khatarta badan ee tegitaanka Sacuudiga. Waan ogahay in tegitaanka Yemen aan ku dhiman karo, hase ahaatee waa mar kaliya. Waxa jira waxyaabo ka xun dhimashada qaar ka mid ah. Taas oo ah joogitaanka Muqdisho”

Hargeysa: Falalka Budhcadnimo iyo sugidda ammniga

‘Sakaaradii Budhka la kulantay’

Hargeysa(Ogaal) – Waxa mudooyinkii ugu danbaysay ku soo kordhayay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, falal budhcaddnimo oo inta badan ay ku kacaan kooxo dhalinyaro ahi.

Kulan amuurtan lagu lafagurayay oo lagu qabtay demadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdilaahi Ciro) Maayar ku xigeenka Hargeysa, Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo qaar ka mid ah waalidiinta degan xaafadaasi ayaa taliyayaasha saldhigyadda iyo rugaha Boliska ee degmada Ibraahim Koodbuur waxa ay ka warbixino kaga bixiyeen xaalada xaafadaasi, Islamarkaana waxa la islaqaatay in la xoojiyo ammniga, sida lagu faafiyay shabakadda wararka intarnetka ee Waaheen.

Marar kala duwan ayay ciiddamada Bolisku qaadeen hawlgalo falalka budhcadnimo wax lagaga qabanayo, in kastoo hawlgaladaas si weyn loo soo dhaweeyay, haddana waxa mararka qaar talaabooyinka lagu sugayo amaanku galaaftaan dhalinyaro badan oo aan waxba galabsan. Islamarkaana dugsiyadda ku jira, iyadoo loo arko in gudiga nabadgalyaduna degdegsiiyo xabsiga ugu gudbiyaan. Iyaga oo aan hubsanin xataa inta macne ahaan noqonaysa “Sakaaradii budhka la kulantay”. Ee aan rabshadda ama dhibaatada loo soo qabtay waxba kala socon.

Inta badan dhibaatooyinka dhaliyaradda ka timaada ayaa loo aaneeyaa inay ugu weynyihiin sababaha keena shaqo la’aan baahsan ee ka jirta dalka, taasoo qayb muhiim ah ka ah arimaha sida weyn loogu dhaliilo xukuumada Madaxweyne Rayaale.

Go’aamo laga soo saaray shir ay yeesheen Haweenka isaga yimi Gobolada Somaliland

Hargeysa (Ogaal)- Shirweyne ay isugu yimaadeen 100 – xubnood oo ka socday Haweenka Somaliland oo ka kala yimi lixda Gobol ee dalka, ayaa maalintii Khamiistii lagu soo gebogebeeyay Magaalada Hargeysa. isla markaana laga soo saaray baaq ka kooban qoddobo kala duwan.

Shirkan ayaa ka qayb galayaashu kaga doodeen sidii ay Haweenku uga qayb qaadan lahaayeen saaxadda go’aan qaadashada dalka iyo sidoo kale sidii ay kaalin hor leh uga geli lahaayeen arrimaha bulshada. Halkaas oo ay saddexdii maalmood ee shirkani socday laga soo jeediyey warbixino ku saabsan arrimahaas. Haweenka isugu yimi Shirweynahan, ayaa 40 ka mid ahi ka socdeen Gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa, halka 60-ka kalena ay ka kala socdeen 5-ta gobol ee kale. Waxaanay ka qayb galayaashaas oo ka kala tirsan Ururada Haweenka Gobollada dalka iyo sidoo kale haweenka hormoodka ka ah dhaqdhaqaaqyada deegaanada ay ku nool yihiin. Waxa xafladdii xidhitaanka goob joog ka ahaa Wasiirada Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax iyo Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde.

Gebogebadii shirkaas, ugu horayn waxa hadal ka jeedisay Guddoomiyaha Dalladda Nagaad Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi, oo sharaxaad ka bixisay ujeedada shirka. Isla markaana aad ugu dheeraatay muhiimadda Shirka.

Waxa kale oo halkaa hadal ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasim Qodax, oo ka hadlay masuuliyadda Dumarka iyo kaalinta ay Bulshada kaga jiraan.

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sidoo kale isna ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay gebagebada shirkaas. Waxaanu ku dheeraaday doorka ay Haweenku ka qaataan dhismaha Bulshada.

sidoo kale waxa halkaa hadal ka jeedisay Yaasmiin Maxamed Nuur oo ka socotay Ururka Sahan.

Baaqii laga soo saaray shirwaynahaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

‘Ka dib markii aannu aragney kaalinta haweenka ku leeyihiin horumarka wadanka iyo dib-dhiska.

Ka dib markii aannu aragney doorka ay haweenku ku leeyihiin ka qeybqaadashada kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaalinta siyaasaadda.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka muuqan saaxadda go’aan qaadashada.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka qaataan kaalin mug leh dhamaan dhinacyada khuseeya noloshooda

Ka dib markaanu aragnay baahida jirta ee dhinaca arrimaha bulshada, garsoorka, siyaasadda iyo dhaqaalaha

Waxa annaga oo ka kooban haween ka yimid lixda gobal (Sanaag, Sool , Togdheer, Saaxil, Maroodi jeex, iyo Awdal) ee Somaliland iskugu nimi shirkan oo soconayay muddo seddex maalmood ah 25, 26, 27 December 2007. Markii arrimahaa si qoto dheer loo lafa guray waxa ay haweenka ka soo qaybgalay ka soo saareen baaq ku wajahan xukuumadda iyo golayaasha sharci dejinta oo ah sidan soo socata:

I. HAWEENKA IYO TALADA DALKA

-In ay dawladu xaqiijiso xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan qodabadda 8aad iyo 36aad ee sinaanta xuquuqda muwaadiniinta, waxa xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta loogu baaqaya in ay soo saaran sharci xaqiijinaya ka qaybqaadashada haweenka ee taladda dalka.

-Waxbarasho la xidhiidha kobcinta garaadka siyaasadda ee haweenka.

-Sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo haweenka

-In wacyigalin loo sameeyo haweenka, taasoo lagu dhiirigalinayo sidii ay haweenku isuigu tiirsan lahaayeen

II. ARRIMAHA BULSHADA

Dhinaca waxbarashada

-In ay dawladdu hirgaliso waxbarasho baahsan oo ay ka faa’iidaystaan dhamaan qaybaha bulshada sida dadka saboolka, reer guuraaga, hablaha guryaha lagu hayo, waa in xukuumadu ay fidiso sida dastuurka waafaqsan waxbarasho bilaash ah ilaa heer jamacadeed ah.

-Kor u qaadida haweenka xagga waxbarshada, gaar ahaan waxbarashada dadban. In la sameeyo goobo loogu tallo galey in kor loogu qaado tayada waxbarasho ee haweenka muddo ka maqnaa waxbarashadda.

-In la tayeeyo waxbarashadda waa in kor loo qaado aqoonta barayaasha, isla markaana loo helo mushahar ku filan.

-Ilo dhaqaale la sameeyo , lana sameeyo xirfada shaqo abuurid?

-In la helo qorshayaal lagu hor marinayo tayada waxbarashada dadban ee haweenka oo u dhiganta ta asaasiga ah ilaa heer jamacadeed iyo abuurida xirfado shaqo

-Naafadda waa in la dhiirgaliyo sidii waxabarasho u heli lahaayeen.

Dhinaca caafimaadka

-In wasaaradda caafimaadku soo noolayso habka saami qaybinta gobollada ee shaqaalaha xirfada leh sida dhakhaartiirta iyo kalkaaliyayaasha sare. Si loo badbaadiyo hooyooyinka iyo dhalaanka u dhinta daryeel la,aan caafimaad xilliga dhalmada

-In la loo fidiyo tababaro joogta dhakhaatiira, kalkaaliyayasha si ay u ogaadaan howlaha caafimaad iyo in la siiyo mushahar ku filan

-In wasaaradda caafimaadku soo saarto qorshayaal lagu horimarinayo tababaro loo fidinayo dadka deegaanka (degmooyinka, tuuloyinka) ku nool. Si loo helo dad aqoon cafimaad leh

-In kor loo qaado tayada goobaha caafimaadka illaa heer degmo, tuulo. Taasoo loo sameynaya xurmo caafimaad(MCH) goob kasta oo ay muhiim ku tahay.

-In la soo saaro shuruuc xakamaynaya tayada dawooyinka lana helo wax lagu xadidayo farmisiiyada sida xad dhaafka ah u furmaya ee aan aqoon caafimaad lahayn

-Wasaaradda caafimaadka iyo wasaarada ganacsiga waa in ay si wada jir ah u soo saaraan shuruuc lagu joojinaayo dawooyinka maskax ahaan, jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba wax yeeli kara qofka sida kuwa badala midabka

-In la sameeyo wacyigalin lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah. Wacyigalintaasi waa in ay gaadho wadanka oo dhan ilaa heer tuullo,degmo iyo gobal.

III. GARSOORKA IYO HAWEENKA

-In la xoojiyo dhaqangalinta shuruucda la xidhiidha arrimaha qoyska, isla markaana la cadeeyo cidda ka masuulka ka ah hirgalinta shuruucda. Meeshana laga saarayo xeer-dhaqameedka iyo odey-dhaqameedyada.

-Si loo yareeyo furiinka sii kordhaya wadanka waa in la dhiirigaliyo sidii loogu dhaqmi shareecadda islaamka arrimaha la xidhiidha qoyska

-In la sameeyo shuruuc lagu xakamaynayo tacadiga haweenka loo gaysto, sida kufsiga, garaacista. Khilaafaadka arrimaha qoyska waa in lagu xaliyo shareecada islaamka oo kaliya. – In la kordhiyo goobaha adeega sharciga ee haweenka aan awoodin inay helaan adeeg sharciyeed, lana gaadhsiiyo Goballada dalka oo dhan (legal Clinic).

IV. HAWEENKA IYO KOBCINTA DHAQAALAHA

-In xukuumadu soo saarto sharciga kala xadaynta ganacsiga si kor loogu qaado dhaqaalaha ganacsatada yar yar

-Aqoonta haweenka in kor loo qaado

-In la adkeeyo sanduuq dhaqaale oo haweenka ganacsiga ku jiraa ay leeyihiin

-In la xoojiyo meelaha ay ka jiraan guddiyo ganacsi ee haweenka, lana sameeyo meelaha aaney ka jirin.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.