“Maamul ahaan wixii naga soo horjeeda waa in aanu qabano, intaanay annaga na qaban” – Maayarka Laascaanood

Laascaanood (Ogaal) – Maayarka Magaalada Laascaanood Axmed Daahir Xaaji Xasan ayaa waraysi uu wergeyska Ogaal xalay khadka Telefoonka ku siiyay waxa uu ku sheegay in dawlad hoose ahaan ay bilaabeen ururintii cashuuraadka kala duwan badhkood, Islamarkaana waxa uu eedayn u jeediyay odayaal magaalada Laascaanood ka soo saaray baaq ay ku sheegeen inaan xukuumadu wax la tashi ah kala samayn maamulka loo dhisay magaaladaasi.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S.Maayar ugu horayn waxaad nooga warantaa xaalada Magaalada Laascaanood, maamul ahaan iyo guud ahaanba?

J.Maamulka Degmada aan madaxda ka ahay, xaaladiisu meel fiican bay maraysaa, maamulkiina nooc uu yahayba waa dhaqaajinay, wax Allaale iyo wixii degmada khuseeyay ee maamul la odhan jiray ee waaxo ahaa, dhamaan waa la dhaqaajiyay.

Cashuurtii magaalada waanu ka bilownay, haddii ay tahay tii gaadiidka soconaya laga qaadi jiray, haday tahay ta dhulka iyo haday tahay ta laga qaado xoolaha Sayladaha la keeno. Cashuurta dhamaan waan dhaqaajinay, marka laga reebo cashuur sanadeedka guryaha laga qaadi jiray iyo meheradaha waawayn. Wax dhibaato ah oo naga horyimina ma jiraan, waad garanaysaa meel maamul cusub yimi kolay dhibaatooyin iyo wax way iska jiraan. Laakiin, ilaa iyo hadda hawluhu meel fiican ayay noo marayaan, wayna noo socdaan, intaasi waa xaga cashuuraha iyo maamulka. Hawlaha noocaas ah oo kale amaan la’aan ma socdaan, amaankuna aad buu u wanaagsan yahay, oo haba yaraatee wax dhibaato ahi ma jiraan, oo maamul ahaan indhahaanu ku haynaa oo markaanu qoonsano cid wax wadwada ama wax naloo sheego dee taxadirkeedaanu leenahayoo, waxa weeyaan go’aamadaanu soo saarnay waxa ugu waawayn dadka laga tuhun qabo inay falal ku jiraan. Waxa weeyaan inay ka baxaan falalka ay ku jiraan, ama haddii ay ka bixi waayaan laguba qabto hawshaa ay wadeen ayaanu go’aamada u soo saarnay.

Haddana waanu ku talo jirnaayoo, cid Allaale iyo cidii aanu tuhun u qabno waxa weeyaan dad badan baa markay hawshaa ogaadaan runtii noo yimaada, oo ilayn tuhun badan qabayoo, si hoos-hoos ahna u yidhi annaga waxaad nagu ogaataan dad caadiya oo mujtamaca ka mid ah, nabadgelyadana ka shaqeeya in aanu ka mid noqono. Annagu hadaanu nahay Somaliland in aanu wanaag kula shaqayno oo wax dhibaato ah u gaysan dadka ayaad nagu ogaanaysaan, walibana sidaa kaga hadhi mayno oo waxaanu wadnaa sidaanu war joogto ah u helo ama ha joogaan ama ha maqnaadaane, wixii maamul ahaan naga soo horjeeda in aanu liis garanayno. Waxa weeyaan in aanu qabano intaanay annaga na qaban, oo aanay dhib noo gaysan, oo aanay maamulka dhib u gaysan, oo aanu iyaga ka taxadiro oo aanu qabqabano. Hawshaa iyana waanu wadnaa, maamul ahaan waanu ka wada hawl-galaynaa gudiga nabadgelyadana.

S: Hore waxaad u soo saarteen go’aano dadkii ka qayb-galay shirkii Boocame in aanay soo gelin magaalada Laascaanood ama ay ka noqdaan go’aamadii shirka ka soo baxay, arrintaa ilaa hadda ma jirtaa cid loo qabtay?

J: Haa, arrintaa dad loo qab-qabtay way jiraan. Laakiin go’aankaa way ka noqdaanoo, nimankii waa waynaa magaca lahaa mabay iman, oo markay ogaadeen in hawshaasi jirto oo loo diyaar yahay , intii maarmi waydayna waxa weeyaan way isasoo dhiibinoo, kuwii la xidh-xidhayna saamaxaad bay naga dalbadeen, kuwii kale ee iska yimina waxay leeyihiin anagu waxaanu soo galay waanu ka baxnay, oo sidaasaanu ummada kaga mid noqonaynaaye nagu ogaada. Markaa qofku haduu yidhaahdo nabadgalyo iyo wanaag baan ka shaqaynayaa ama wixii aan ku jiray faraha ayaan kala baxayaa. Dee sabab aanu u sii cidhiidhino oo xaalada ugu adkaynaa ma jirto, oo waxaanu doonaynaa inaanu dadka soo ururino.

S: Maalmihii hore waa la idinka hor yimi, mudooyinkan dambe arrimahaasi sidey yihiin?

J: Arrintaasi waxay soo af-go’day ayaamihii ugu horeeyay ee ay dhagaxa iyo waxaa laamiga la dhigay, markaa arrintu way soo dhawaatay, maalinba maalinta ka dambaysana ammaanku wuu soo hagaagayaa.

S: Dhawaan waxa la sheegay in maleeshiyo ay rasaas magaalada agagaarkeeda ka rideen arrintaa ka waran?

J: Arrintaasi way jirtaa, waxaana jira warar is-khilaafsan oo ka soo baxaaya. Hase ahaatee, arrintaa waa lagu daba jiraa, walina lagama hadhin, dadka qaar waxay leeyihiin waxay ahaayeen koox is-abaabushay, kuwo kalena waxay leeyihiin waa xubno rabshad uun u jeeday oo ilaha ka sareeya Laascaanood ee lugtu soo mari karto rabshada ka waday, waana lagu daba jiraa.

S: Waxa jira baaq ay soo saareen odayaasha magaalada Laascaanood oo ay ku sheegayaan in aan lagala tashan markii xukuumadu idin magacaabaysay, ka deegaan ahaana aanay idinku kalsoonayn arrintaasi maxaad kala socotaan?

J: Waxaan kuu sheegayaa waa runtoodoo, lagalama tashan markii annaga nala magacaabayay. Meesha Puntland baa haysatay, kuwaa hadda baaqyada qorayaa waa kuwii Puntland-ta la shaqaynayay. Markaa waxa weeyaan iyada oo magaalada Puntland haysato oo kuwa baaqa qorayna sidaan dareensanahay ay Puntland la shaqaynayeen miyaa lagala tashan karaa.

suurto-gal ma tahay inta Laascaanood la yimaado in la yidhaahdo oo dawladu tidhaahdo hebel baan soo magacaabaynaa ee maxaa ka qabtaan?

Runtii markii annaga nala magacaabayay markaan xaqiiqda kuu sheego Dhulbahantaha magaalada (Hargeysa) joogaa Xildhibaan ha ahaadoo ama Wasiir ha noqdee arrin ay ku wada qanceenoo ay Madaxweynaha ka wada tashadeen ayaa laygu magacaabay aniga. Dadkana dad baa metela’oo, waxa weeyaan wax u gooya, Wasiirka Arrimaha Guduhu markuu I magacaabayay Laascaanood oo dhan lama odhanayn hebel ma ka dhignaa. Dhulbahante dad baa metela, oo gobolka Sool dad baa metela oo jooga Hargeysa, kuwaasoo Xildhibaano iyo Wasiiroba leh. Qofka xubinta noocaas ah ee muhiimka ah ee kaa heer gobol ama heer degmo ahee mid kastaba ha ahaadee, waxa lagala tashadaa Baarlamanka iyo Wasiirada gobolka meesha ka jooga. Gobol kastaana waa noocaas, markaas si ahaantaas ayaa magacaabistayda loo maray. Madaxweynuhuna isaga oo aan cidna igala tashan iskamuu kay magacaabine mujtamaca Dhulbahante ee meesha jooga (Somaliland) ayaa yidhi ninkaa noo magacaaba, Madaxweynuhuna wuu ka aqbalay, xubnahan kale ee xoghayaha iyo Maayar ku-xigeenkana iyaguna sidaas oo kale ayay ku timi magacaabistoodu. Wixii ka hooseeyana aniga ayaa xaq u leh inaan magacaabo.

S: Maayar, waxa jira, ka maamul ahaan dad kugu eedaynaya in xiligan cashuuraha aad bilawdeen, aad ku deg-degteen iyadoon si rasmiya maamulkii u dhamaystirmin. Arrintaas maxaad ka leedahay?

J: Arrintaasi, waxa weeye dadka waxaas ku hadlayaa, waa dadka meel ay ku leexdaan oo kale la’ maamulkuna inuu dhaqaaqo aan diyaar u ahayn, Puntland-na hoosta kala socda, ee dadka ku yidhaahda Maayarku kelidii buu go’aan iska gaadhay, oo wax iska bilaabay, oo cashuurtii Maaliyada iyo Baankii iyadoon la bilaabin. Hadaba waxaan kuu sheegayaa magaaladu ma maamul la’aan karto, maamulkuna hadaanu cashuur iyo nidaam bilaabayn, oo aanu samaysnayn shaqada ma wadi karo, haddii ay yidhaahdeen cidi nama ogana dukmantiskii Wasaarada Arrimaha Guduhu ugu talo-gashay degmooyinka iyo gobollada dhamaan waanu haysanaa oo waa naloo soo diray, isla-markaana waxaanu doonaynaa inaanu maamulka dhaqaajino, juwanadii cashuuraha lagu qaadi lahaana nooc kasta ha ahaadeene waanu haysanaa oo waa naloo keenay. Dee markaa annagu dadka inaanu u shaqayno ayay tahay ee inaanu meelahaa iska fadhinaa oo aanu nidhaahno baankii lama furin, miisaaniyadii lama dhaqaajin dee hawl annaga noo taala maaha. Magaalada qashin baa laga guraa, nidaamkii baa loo hagaajiyaa, xoolaha magaalada gudaheeda lagu iibin jiray, badhtankeedaa lagu qali jiray xilligii maamulka Puntland joogay, waxaas oo dhan iminka banaanka ayaanu u saarnay, gaadiid baanu u kiraynay, ciidan baanu u samaynay ilaaliya, wax Allaale iyo waxay u baahnaayeen oo dhan baanu u samaynay markaa hawshayadani waa hawl Madaxweynuhu nala og yahay in aanu cashuurta dhaqaajino, maamulka inta dhiman iyana waa wax la dhamayn karo oo dariiqeedii socdo.

S:Dadkii magaalada ka qaxay siday u soo noqdeen iyagu?

J: Dadku si aad ah ayuu u soo noqonayaa. Laakiin, lama odhan karo dadkii magaaladu way soo wada noqdeen. Laakiin dad badan ayaa soo noqonaya.

S: Xukuumada dhexe ma ka hesheen dhaqaale aad maamulka ku dhaqaajisaan?

J: Maya, wax caawimo ah meela kamaanu helin markaanu xaqiiqda ka hadalo. Laakiin, waxa naloo sheegay in gobolka hawlihiisu si balaadhan ay u soo socdaan, magaaladuna waa magaaladayadiiyoo wixii kharash ah ee aanu hawsha ku dhaqaajinayno magaalada ayaanu ka sii amaahanaa, annaga waxa daruuri noo ah in aanu shaqayno.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.