Ninba wuxu ku dilan yahay halkuu daacad kaga hadho

In dhoweyd waxa saxaafadda ku soo baxyey warar ka hadlaya SAR dhawr dabaq ah oo laga bilaabay gurigii hore Madaxweyne Riyaale deggenaa markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka dalka.  

 
Waa war yaable oo soo kordhay xilli dalku ku jiro xaalad adag oo dhawr aag ah, waa ta kowaade dawladda oo laga sugayo dhaqaale tiro badan oo lagu sugo amniga gobollada bari oo ciidan baaxad lihi ku sugan yahay waa ta labaade iyada laga sugayo dhaqaale  degdeg ah oo lagu hir-geliyo doorashooyinka xilligoodii dib uga dhacay. In xilligan la bilaabo sartan oo kallifaya boqollaal kun oo dollar waa af kala qaad.
 
Madaxweynuhu hadduu gurigii uu geli lahaa July 2008 kadib ka fikirayo oo ku qancay inu xafiiska ka dhacayo distoorka ayaaba u oggol in la dammaanad qaado guri uu dego marka madaxweyne/ku xigeen xukunka dhiibaan, waana taas malaha arrinta Madaxweynuhu u sii gogol xaadhanayaa, balse waxay kaga habboonayd oo sharaftu ahayd inu hawshaas u dhaafo dawladda tiisa ka dambayn doonta inkastoo tii ku dhacday marwadii cigaal ka tegey oo ahayd fadeexad qaran oo dawladda maanta joogtaa dabbaalatay uu xusuusan yahay
.
Mudane Madaxweyne "Xalaal duhur baa la qashaa" sidii aad ka yeeshay marwadii Marxuun Cigaal ka tegay in lagaa yeelo haddii aad ka baqayso waa arrin la garan karo, balse adigu ha sababin inay mid ka darani kugu dhacdo oo aqalka aad bilawday dibedda lagaa dhigo illayn waxad noo xaqiijiseen oo aad sheegteen in loo dhisayo madaxtooyada qaranka e
 
Garashada iyo garaadka wacani waxay inna tusayaan in sharciyaddu tahay jidka qudha ee lagaga bedbaado dulmiga, haddiise aad hore wax u soo dulmiday nabsigeedaa ifka kugu sugaya aakhirana ciqaabteedaa kuu taal.
 
" Ninba wuxu ku dilan yahay halkuu daacad kaga hadho – hadraawi"
Tixdan qiimaha lihi waxay daah furaysaa culeyska iyo xikmadda rabbaaniga ah ee ku dheehan xilka iyo sida qofka ka leexdaa goor dhow ugu dhacayo uubtii uu gacantiisa ku qoday
 
Gebogabadii waxay ila tahay yaan waqti badan lagu lumin guriga odaygu dhisayo mar haddii aanu dafirsanayn in Madaxtooyada qaranku leedahay. Waxa markhaati noqon doona waqtiga oo been ma sheege ahe.
 
Daha Farah
London UK
This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.