Mushkiladda Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland

Sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland siyaasada dhaqaale ee aynu qaadanay  dal ahaan waxa weeye habka dhaqaalaha furfuran ee saylada xorta ah. (Free market economy) iyada oo laga duulayo habkaas  oo ku salaysanyahay nidaamka lahaanshaha gaarka ah.

Waxaa dalka Somaliland laga yagleelay shirkado ganacsi oo gaar ah, isla markaana dhinacyo badan ka kooban iyo maalgelin  kale oo wadani ah. habka dhaqaalaha furfuran iyo madaxbanaanida gaarka ah ee Somaliland qaadatay meelaha ka faa'iidaystay ee durba uu ka muuqdo horumarka wanaagsani waxaa ka mid ah shirkadaha Isgadhsiinta. hadaba iyadoo xukuumada Somaliland dhiiri gelisay madaxbanaanida Isgaadhsiinta ganacsi ee gaarka ah, ayaa waxay ogolaatay abuuritaanka shirkado is gaadhsiineed oo badan, isla markaana si gaar ah loo leeyahay.

Waxaana taas u daliil ah in ay Somaliland ka jiraan shirkado is gaadhsiineed oo madax banana, Sida Telesom, Telecom, STC, Soltelco iyo kuwo kale. Run ahaantii waa dhiiri gelin aad u wanaagsan iyo talaabo horumar ah waana wax dan u ah dadweynaha Somaliland guud ahaan in ay helaan taleefan ku yimaadda tar tarka shirkadaha badan.

Hase yeeshee waa ayaan daro foolxun, fa'iidadii  looga fadhiyey Adeega iyo tartanka shirkadaha badan, haddii ay noqotay dhibaato culus iyo cunsuriyad liidata oo dad weynaha dhabarjab ku noqotay sida imika taagan, mushkilada iyo macno xumida  adeegga isgaadhsiineed ee wakhtigan ka taagan Somaliland.

Waxaa muraayada laga daawado u ah Afar shirkadood, TELESOM, TELECOM, STC. iyo SOLTELCO. shirkadahan mid kastaaba waxay gaarkeeda uga hawl gashaa Somaliland. shabakado casri ah, layman talefoon oo dhulka hoostiisa mara iyo waayiro lagu taxay biro  wadoyinka dhinac mara, ayay shirkad kastaa samaysay, oo wada gaadhsiisay caasimadaha Gobolada dalka  waxaanay talefanadu ku jiraan xaafad kasta. hadaba iyadoo horumarkaas laga gaadhay xaga isgaadhsiinta Somaliland, ayaa waxaa bar bar taalla dhibaato xoog leh oo dadka ka soo wajahday is gaadhsiintan aynu ku sheegnay mid horumar laga gaadhay.

Waxaanay tahay nasiib darada dad-weynaha ka haysta isgaadhsiintu majirto haba yaraatee wax xidhiidh wada hadal ah oo dhex mara shikadahaas. shirkastaaba talefanadeeda gees bay Go’doon ulatahay. Dadweynaha macmiisha u ah shirkadahaas ee is ticmaala talefanadoodu Ma wada hadli karaan, Xafiiska ama Guriga uu yaalo talefoon Telesom ah, lama hadli karo talefoon aan ahayn Telesom, sidaas oo kale talefoon Telecom ah lama hadli karo mid Soltelco ah, midna kulama hadli kartid Talefoon aan  ahayn keeda.

Waxaad arkaysaa Xafiisyo, Aqallo iyo Meherado Ganacsi oo badan Oo ay isu dhinac yaalaan madaxyo telefoono, oo ka kooban shikadaha, Telesom. Telecom, STC, Soltelco  Iyo weliba Mopile phone” Hadaba ninka intas oo madax talefoon oo mid weliba kharashka kiradiisu gaarka tahay, kibir iyo xarago umay gaynin isticmaalkooda, balse waxaa u gaysay Baahi, Hadii uu helayo  wax uu kaga maarmo muu galeen kharashka intaas oo talefano ah. Shirkadahaasi waxay awoodi kari waayeen in ay marqudha samaystaan xidhiidh isgaadhsineed oo loo adeegsado xidhiidhinta talefanadooda, mid kastaba gaarkiisa u go’doonsanyahay.

Hadaba miyaan la odhan Karin habkii suuqa xorta ahaa ee aynu qaadanay, ee lagula dagaalamayay  xuurtaysigu (monopoly)  ee ganacsigu wuxuu noqday xuurtaysigii oo si dadban loo adeegsaday, loona gacan geliyey dad badan. Hadaba waxaa la gudboon xukuumada Somaliland  gaar ahaana wasaarada boosaha Iyo isgaadhsiinta, in ay maanka ku hayaan danta dadweynu in ay ku jirto isku xidhka adeega isgaadhsiinta ee wadanka. maaha wax dadweynuhu aqbali karo  aniga oo hargeisa jooga  in talefoonka aan u dirayo aqalka deriska ila ah  in uu u dhigmo talefoon  aan u dirayo London iyo Washigton. Waa waajib  qaran oo ay dadweynaha mas’uul uga tahay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta dalku, in ay dadweynuhu helaan adeeg wanaagsan oo is gaadhsiineed, oo lagu mideeyo wada hadalka Dalka. Iyada oo laga bilaayo ugu yaraan in ay wada xidhiidhi karaan dadweynaha Caasimdu, haba inoo dambeeyaan gobboladuye, Si looga baxo Go’doonka talefoon ee foosha xun  ee hargeisa gudaheeda kala xayiray.

Mahamed Abdi Jama,

E-mail  :  mabdi1@hotmail. com

Hargeisa/Somaliland

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.