DALJIRE: Ilaahay baa wax ciqaaba – By A Geeljire

Cabdillaahi Geeljire

(Ilaahay baa wax ciqaaba)

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waaar heedhe maalin walba wax cusub baynu arkaynaa. Bal iminka ninkan Ina Rayaale muxuu inoogu cadhaysan yahay? Ma dayn buu nagu leeyay?

Doolaal:Oo waayo? Waa maxay cadhadaad sheegaysaa?

Dubbe:Ma dhegeysatay waraysigii Voice of America ay la yeelatay? Mase u fiirsatay ficilkiisa iyo wuxuu samaynayo beryahan dambe?

Doolaal:Oo haddaan dhegeystay muxuu yidhi? Caadi bay aniga ila ahayde. Wax walba waxaad ka soo saaraysaan waxaan jjirin qoladiinan mucaaradka ahi.

Dubbe:Horta waa mide waxaan arkay ninkii oo “aniga, aniga, aniga” uun leh oo fartaas uun laabta iskaga haya oo boqor isu qaatay. Waa ta labaade hadalkiisa mid qudha oo madaxweynimo ah oo dad usu soo dhaweyn kara laguma arag.

Doolaal:Maxaad iminka sheegaysaa?

Dubbe:Saddex qolo oo uu soo qaaday haddaan tusaale kaa siiyo waad arkaysaa kibirka ninkaa ku jira iyo cadhada. Madaxdhaqameedyada reer Sool ee inaga soo hor jeeda mar wax laga weydiiyay wuxuu yidhi. “nimankaasii waxay doonaan ha ku hadlaan iyagaa iska hadlay.” Madaxweyne hadalkiisu wuxuu noqon lahaa. “nimankaasi way qaldan yihiin inay colaad ku baaqaan iyo dagaal may ahayn iminkana waxaanu ku soo dhoweynaynaa inay nabadda ku soo noqdaan oo umaddooda wanaag u horseedaan oo nagala shaqeeyaan dhismaha gobolka iyo ka dalkaba. Kacfo furan iyo isa saamaxaad Somaliland u dhaqan ah ayaan ku soo dhowaynayaa.”

Mar wax laga weydiiyay Qarana wuxuu isku deyey inuu umadda runta ka jeediyo oo wuxuu mar walba ku celcelinayay distoorku saddex xisbi wax ka badan ma oggola. Taas oo runtii ah laakiin ah run yar oo uu kala jiidhay sida cinjirka. Run la kala jiidayna been kama foga. Waxa laga hadlayaa maaha xisbiyo. Waxa laga hadlayaa in la furto waa ururro siyaasadeed oo tartama oo la kala reebo oo saddex xisbi ka soo hadhaan sida distoorku sheegayo. Ta ay Qaran codsanaysaanna waa taa. Xeer u diidayaanna ma jiro.

Ta kale ee uu ka jawaabay waxay ahayd saxaafadda oo uu caayay oo uu beenaalayaal ku sheegay oo uu xeerkii uu saxeexay ee saxaafadda u yaallay ku tilmaamay mid rag gaar ahi iska soo malmaluuqdeen oo aan ciqaab lahayn.

Doolaal:Dabadeena. Maxaa ku jra halkaa? Maan fahmin.

Dubbe:Waar illayn waad is diidsiinaysaa dhegeyso. Waxa uu mar walba ku nuux-nuuxsanay inaanu xeer ahayn mid aan lahayn ciqaabi. Kelmadda ciqaab la yidhaa ayuu beryahan jeclaaday oo hadalkiisa ku badan.

Doolaal:Ciqaabtu saw nolosha ka mid maaha oo qofkii dembi gala la ciqaabi maayo.

Dubbe:Haaaa. Eeg waakaase. Isna waa la qabaa aabahaaba la cay. Madaxweynahu maaha kii maanta kelmadda ciqaabta la yidhaa inoo soo horraysiin lahaa. Wuxuu illawsan yahay in dalkani ku dhisan yahay isu tanaasul iyo dulqaad iyo isa saamax.

Dalkani inuu dagaallo ka soo doogay oo uu dhaqaale xumo, ictiraaf la’aan iyo dhibaatooyin badan ku jiro oo uu u baahan yahay Madaxweyne ku hoggaamiya walaalnimo iyo wada tashi iyo qalbi wanaagsan iyo waayeelnimo.

Qofkii xeerka jebiya in xeerka la mariyo weeye inuu yidhaa laakiin waa la ciqaabayaa iyo ciqaab baan samaynayaa markuu yidhaa waxay ku tusaysaa inuu cadhaysan yahay oo rabo inuu cid ka aar goosto. Haddaba su’aashu waxay tahay. Yuu rabaa inuu ka aar goosto muxuuse ku keenay aar goosasho?

Doolaal:Dee adigaa sidaa u tarjumaya ee ma aha hadalku caynkaa.

Dubbe:Rayaale maaha maanta ninkii aar goosasho iyo ciqaab ka hadli lahaa. Anigu ma jecli wixii laga heshiiyay ee Faqash ku saabsanaa in lagu noqdo laakiin dadka qaar waxay yidhaahdaan ” miyaynaan la saamixin Rayaale qof ahaan?” sideebuu ugu taama inuu inna ciqaabo haddana?

Isagoo qaadle soo kacay ah miyaynaan Madaxweyne ka dhigan? Sideebuu ugu taamaa inuu inna ciqaabo?

Isagoo faqiir ah oo aan qac hayn miyaynaan Madaxweyne ka dhigan ? iminkana miyaanu ninka Somaliland ugu maalqabeensan ahayn? Miyaanu daaro dalka iyo debeddaba ka dhisan marka laga daro ta shanta dabaq ah ee iminka dhismaheedu Hargeysa ka socdo? Miyaan la odhan baananka addunka ayuu meel walba wax dhigtay? Maxaynu ku samaynay ee uu ugu taamayaa inuu inna ciqaabo? Muxuu innogu cadhaysan yahay?

Miyaynaan uga hiilin kuwii inna xorreyay ee innoo soo baaba’ay? Muxuu ugu taamayaa inuu hantideenna la wareego oo inna ciqaabo?

Miyaanu adhigeennii iyo kalluunkeenii iyo dekeddeenii keligii meel marsan? Maxaa innoogu hadhay ee uu ciqaabteenna ku falayaa? Haddaanu wax wanaagsan inoo qaban karayn muu iska tago uun muxuu u doonayaa inuu ciqaab inoogu daro?

Doolaal:Waar dee waxaasi wax jira maaha ee sheeko kale keen illayn idinkuu baa iska samaysta eh.

Dubbe:Miyaanay dhallinyaradeenii kuwaa suuqa tuban ee ku mustaqbal beelay ee ku gaajoonaya ahayn. Hadduu kuwiisii dunida kala geystay muxuu u doonayaa inuu ciqaab ugu daro oo jeelasha ka buuxiyo?

Doolaal: “Wadhlo karinley” ma ka sii darty.

Dubbe:Horta nafta aynu u dudayno waxaaba laga yaaba inuu maalin dhow yidhaa maxay u neefsanayaan, anigay ii jeedaan? Ta kale waxaan dareemay ninkani halkuu marayo inaynaan meelba ku wada socon.

Doolaal:Waayo maxaad sidaa u leeday? Halkuu ku socdaa isagu ee aanad ku socon adigu?

Dubbe:Haddaynu meel ku wada socconno waakan yidhi “dunida ayaanu xeerarka ka sawiranaa” muxuu xeer sicir bararka ah u soo sawiri waayay intuu mid ciqaabta saxaafadda soo sawirayay?. Muxuu xeer shaqo la’aanta wax lagaga qabto u soo sawiri waayay? Muxuu xeer derejada ciidamada ah u soo sawiri waayay?Muxuu xeer musuqmaasuqa wax lagaga qabto u soo sawiri waayay ama u saxeexi waayay kii Wakiiladu u soo gudbiyeen?

Doolaal:Waxaasoo dhan mid walba markiisa la soo gudbinayaa ee horta kuwii hore haydinka soo baxaan.

Dubbe:Horta aniga waa layga badiyaa ninkan. Waxaa maalin dhowayd iga qosliyay nin ka mid ah kuwiinnaa meesha ugu taga ee marna nala xanta marna naga sii qaada xanta. Alla idin qabay.

Doolaal:Waar haddaba afxumada iska daa maruun. Annagu wax ma sii qaadnee. Wallaahi adigaa in lagu ciqaabo u baahan. Muxuu se yidhi ninku isagaaba kiis ku jira kaasiye.

Dubbe:wuxuu iiga sheekeeyay sheeko dhex martay Rayaale iyo ka yar ee carrurtiisa ugu yar. Wuxuu yidhi. “Madaxweynuhu waa aabbo wanaagsan oo carruurtiisa u naxariis badan. Carrurtiisuna waa edeb miidhan oo xafiiska ama qolka qaabilaadda ee odayga rabshad kuma sameeyaan oo dee aqalkii iyo xafiiskii baa isku mid ah. laakiin ka u yar ayaa mar mar dadka u soo gala odayguna ma celiyo. Markaa maalin buu noo soo galay, waana fariid, odaygii buu su’aalo ku boobay. Saw intan uu kolba odayga u soo gelayo ayuu hadallo badan maqlay oo uu macnahooda garan waayay. Wuxuu yidhi.

“aaboy Madaxweyne waa maxay?”

“waa qofka dadkoo dhan xukuma”

“martaa ma hooyaa?”

“Maya maya”

“Haddaa ma ayeeyaa”

“maya maya”

“Haddaa Ma awoowo Cawil baa?”

“Maya ee waa aniga. Waar kanna ma Kulmiyaa wax u sheegay?”

“Aaboy nada daa ciyaarta oo waa ayo Madaxweyne?”

“Orodoo haddaba guriga ku noqo. Bes. Orod.”

“Aaboy Laascaanood waa maxay?”

“Waa meel halkana oo na wareerisay oo dhan Alla dhan ay raacsantay aanu garan la’nay inkasta oo iminka ay sidii hore yar dhaanto”

“Aaboy Xaabsade waa maxay”

“Waa adeero. Waa nin meeshaa aad sheegayso jooga oo kolba dhankuu u kaco iyana u qaata”

“Aaboy UCID waa maxay”

“Waa xisbi siyaasi ah oo mucaarad ah.”

“Ma dadkuu caayaa?”

“Maya maya. Mar mar. waxaa yaa kugu yidhi?”

“Aaboy Qaran waa maxay?”

“Adna may weydiisay? Waa niman sharciga jebinaya oo na qasay oo leh xisbi baan furanaynaa”

“Ma nacnac bay iibinayaan martay furtaan.”

“Waar tukaan maaha.kkkkkk.Waa xisbi. Waxaanad garanayn baad na weydiinaysaa”

“Aaboy, musuqmaasuq waa maxay?”

“Ma aqaan aabo. Inagu lacagba ma haysanno dalkeenu oo musuqmaasuq ma jiro”

“lacag waan hasaynaa. Aqalkeenay ka buuxdaaye. Kabadhkaan ku arkay”

“Maya maya. Wadankaan sheegayaa.”

“Aaboy saxaafad waa maxay?”

“Waa qaar beenaalayaal ah oo beenta sheega oo qora”

“A’ ceeb. Been lama sheedo eh! Ilaahay baa cadaabiye”

“Haa waa ceeb beentu. Weligaa ha sheegin. Haye dhe.”

“Haye. Aaboy. Qaahira goormaan tegeynaa?”

“Adiga iyo hooyo ayaa tegi doona. Anigu mashquul baan ahay.”

“Ma turubkii baad ciyaaraysaa adida iyo adeero Ibraahin?”

“Maya maya. Qarankaan u shaqaynayaa.’

“Ma xisbi baad furanaysaa?”

“Waar orod haddaba. Yalla. Yalla.”

Doolaal: Wax allah waxaasi waa been. Been buu kuu sheegay.

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.