Af Soomaali: Qabyannimo, Xasilloonidarro Iyo Aqoondarro Intaba

Af SoomaaliIbraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

“Haddii lagu doodo in aanu qoraalka afsoomaaligu qabyo ahayn waxaa loo qaadanayaa ama macnuhu u dhacayaa in lagu doodayo in hawshii afsoomaaliga beri hore la dhammeeyay oo laga faraxashay. Xasillooni darro waxaa lagu arki karaa af kasta oo markii qoraalkiisa la dhammaystiray isbeddelo ku soo kordheen, laakiin qabyannimo waxa ay ka muuqan kartaa uun af aan weli hawsha qoraalkiisa si rasmi ah loo dhammaystirin, sida keenna oo kale.” Axmed Iid Aadan.


Maqaalkii aan cisho dhowayd faafiyey ee cinwaankiisu ahaa “Qabyannimada qoraalka af soomaaliga” wuxuu dhaliyey dood dheer oo kollay aniga qiimo badan ii lahayd. Fikradaha dooddaas lagu soo bandhigay in aan xirfaddayda qoraannimo wax uga kororsaday ka sokow, waxaan ku diirsaday in ay abuurtay, abuurina karto, aqoon iyo aragti isdhaafsi mawduucan ku saabsan. Ma jiro heer kaas ka sarreeya oo uu maqaal gaadhi karaa: in uu yeesho xiiso dhaliya dood iyo baraarug. Haddaba afarta qoraal ee ilaa imika maqaalkaygii laga dhiibtay oo aan jawaabtan uga duulayaa waxay kala yihiin:

  • Qabyannimadu qoraalka afsoomaaligu waa xaqiiqo jirta: maxkamadda sarena ha loo geeyo haddii lagu qanci waayo
  • Falcelinta qoraalkii ahaa: Qabyanimada qoraalka af soomaaliga
  • Ma Af Soomaaliga ayaa Qabyo ah Mise Far Soomaaliga?
    Mustafe Aadan Nuur
  • Qorista af Soomaaliga ma aha qabyo
    Liibaan Axmad

Axmed Iid oo fikradahayga si buuxda u taageeray mooyee saddexda nin kaleba inta badan kama ay garaabin dhaliilaha iyo kala dhinnaanta aan sheegay, ama si kale ayey arrinka u dhigeen. Laakiin garawshiiyo la’aantoodu waxaad mooddaa in ay si toos ah ama si dadban ugu xidhan tahay cinwaanka qoraalkayga oo sidiisaba qalad loo fahmay: qabyannimada qoraalka af soomaaliga waxaa loo qaatay in aan ka wado: qabyannimada af soomaaliga. Dhibaatadu ma aha cillad farta iyo qoraalkeeda sidooda ugu jirta, ee waa xasilloonidarro qoraalka ku jirta iyo aqoondarro dadaka ka haysata, weeye jawaabta la i siiyey.

Asal ahaanba mar haddii cinwaankayga qalad loo akhriyey dabcan ujeeddada iyo nuxurka fikradahayga oo dhan qalad baa loo fahmay. Jawaabaha diidmada ah oo dhamina, siiba kuwa aadka u cilmiyeysan ee Barwaaqo, halkaas ayey awoodda saareen.

Qoraalka afkeenna xaggee ayey qabyannimadu kaga jirtaa iyo sidee loo qabyatiri karaa mooyee taas in la isku diidi karo run ahaantii maba aan moodayn.

Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo oo aan hore uga akhriyey baadhitaanno uu af soomaaliga ku sameeyey oo aad u sarreeya, siiba dhinaca naxwaha, kuwaas oo uu qaarkood dooddan u soo xigtay, mooyee labada nin ee kale run ahaantii waxaad mooddaa uun in ay iga difaaceen af soomaaliga oo aan “weerar ku soo qaaday”. Gaar ahaan Liibaan Axmed oo wax aad u badan igu diiday haddana run ahaantii caddaymo la taaban karo kuma uu muujin waxa uu igu diiday, haddii uu muujiyeyna uma uu yeelin daliil taageeraya.

Qiimaha ay lee dahay in af soomaaliga qaamuus lagu koobo Liibaan wuxuu ka yidhi: “?yaa koobi kara ereyada af leeyahay?” Weydiintaas gaar ahaanteeda iyo guud ahaanba waxtarka uu qaamuusku afka u lee yahay waxaa jawaab mug leh ka bixiyey Axmed Iid Aadan oo soo qoray:

    “Waa run in loo baahan yahay qaamuus weyn oo heer ummadeed gaadhsiisan /—/ Qaamuus sidaas ah waxaa ugu horrayn ka faa’iidaysan lahaa dadka wax qora oo dhan, kuwas oo uu qoraalkooda marba marka ka dambeeya isu soo dhoweyn lahaa, haddii aanu ugu dambaynta midayninba. Marka xigana waxaa wax ka kororsan lahaa dhammaan dadka xiiseeya afka, qoraalka iyo suugaanta.”

Erayada af lee yahay in qaamuus iyo qoraal lagu koobaa wax dhib badan ma aha, ummad walba oo af lihina taas waa ay samaysay. Weliba intaas uun ma aha ee afafka qoran badankoodu maanta waxay ku jiraan kumbiyuutarka kaas oo laga heli karo eray walba iyo macnihiisa iyo dhigaalkiisa.

Waan arkay qaamuuska Yaasiin Cismaan Keenaddiid ee halkan lagu carrabbaabay iyo qaar kale oo ka dambeeyeyba, waxayna ahaayeen bilaw wanaagsan oo bogaadin iyo ammaan leh. Laakiin lagagama kaaftoomi karo, sinaba, qaamuuska guud ee af soomaaligu u baahan yahay. Bal aynu isweydiinnee imise eray baa qaamuuskaas ku qoran? Boqolkiibase imisa ayey ka noqonayaan af soomaaliga xitaa intiisa joogtada loogu hadlo? Dabcan in aad u yar.

Malaha waxaa qurxoon in aan halkan ka tilmaamo iftiin uu shiday macallinsare Jaamac Muuse Jaamac kaas oo inoo sameeyey higgaadiye af soomaali ah oo kumbiyuutar ah laguna magacaabo UBBO ilaa imikana lagu ururiyey tobannaan kun oo eray. Waa tallaabo karti iyo dhiirranaan leh oo aan hubo in loo aayayo. Qof qudha ayaa hawshaas qabtay, markaa maxay kula tahay haddii ay hay’ad heer qaran ahi qaban lahayd?

Erayada isku dhigaalka iyo kala dhawaaqa ah sida: beer, inan iyo awr oo aanan anigu ka hadlin ayuu Liibaan ina xusuusiyey. Runtiina waxay ka mid tahay dhaliilaha ugu fudud ee qoraalka ku jira, in kasta oo weligeed lagu mashquulsanaa. Erayada jaadkaas ahi waxay dhib lee yihiin oo keliya marka ay suko u qoran yihiin, haddiise ay hadal kale la socdaan dhibaato kuma jirto.

Mustafe Aadan wuxuu iigu deeqay ammaan badan oo meel aan kala dhigo waayey, wuuna ku mahadsan yahay. Dabadeed wuu diiday qabyannimada aan sheegay, waxa aan ka hadlay badankoodana wuxuu ku xidhay aqoondarro dadka haysata. Arrintana sideedaba wuxuu ku matalay maroodigii ninba meel ka taabtay ee aragti isaga u gaar ah ka qaatay. Wuxuu i weydiiyey:

    “Haddaba marka Ibraahim uu dhaliilayo horumarla’aanta Farta Soomaaliga waxa uu iskaga hor imanayaa qoraalkiisa dhexdiisa, tusaale ahaan waa maxay sharciga uu Ibraahim u cuskaday marka uu qoray Geeska Afrika ee uu haddana qoray soomaali. /—/ Miyaynaan qori karin Soomaali, si lamid ah Geeska Afrika?”

Jawaab: Maya ee ma qori kartid, aniga aragtidayda, waayo sidii aan qoraalkii hore ku xusay Geeska Afrika waa magac gaar ah, laakiin soomaali ma aha magac gaar ah, lana mid ma aha Soomaaliya, waayo soomaali waxaa wada ah aniga Ibraahin ah iyo adiga Mustafe ah iyo malyuumaad kale. Sidaas si la mid ah ayaan kaga jawaabayaa weydiinta Liibaan ee arrintaas ku saabsan.

Sidii aan soo taabtay arrimaha aan ku sheegay “qabyannimo” Barwaaqo isagu wuxuu u arkay in aanay sidaas ahayn ee ay tahay gaar ahaan “Xasiloonidarro qoraalka ka jirta”, guud ahaanna:

  • Xasiloonidarro qoraalka ka jirta,
  • Gefaf ay dadka qaar sameeyaan,
  • Aragti qoraha u gaar ah,
  • Aqoon la’aan ku saabsan isbeddelka dhawaaqyada iyo
  • Arrimo kale oo aan xusidoono.

Intii aynu ka jawaabi lahayn labadaas cinwaan (kayga iyo ka Barwaaqo) ka meesha ku habboon ama aan ku habboonayn, waxaa wacan in aynu isla garanno run ahaantii ujeeddada iyo dantu in ay isku mid yihiin. Dabadeedna aynu hore u gudubno. Isla waxa aan ka hadlay iyo sida aan uga hadlay ayuun buu Barwaaqo qudhiisu wax u fahmay ugana hadlay. Markaas diidmado waa magacbixinta qoraalka ee ma aha natiijada. Markaas taas dooddeeda waxaynu kaga maarmaynaa in aan idhaahdo: shanta qodob ee halkaas ku taxan iyo kala dhinnaan kasta ama cillad kasta oo jirta ayaan arrinka ula dan lahaa.

Qalad kasta oo wax loo qoro: ha ahaato kala dhinnaan farta sideeda ugu jirta, ama ha ahaato kala duwanaan dhawaaqa afka la qorayo ku jirta, amaba ha ahaato kala dhinnaan aqooneed oo qofka wax qoraya haysata, intaba anigu waxaan wada huwiyey “qabyannimada qoraalka af soomaaliga”. Haa, xitaa qofka ay aqoondarro badday in uu qalad wax u qoro waxay ka mid tahay qabyannimo jirta, waayo qofkaasi ma haysto il aqooneed iyo xeer uu ku khasban yahay in uu qoraalka u raaco. Markaas oo keliya ayaa aqoondarro lagu sheegi karaa.

Dhibaatadu, sideedaba, ma aha ku hadalka af soomaaliga, waase marka uu hadalku u gudbo marxaladda qoraalka: si walba oo ay dadku afkooda ugu dhawaaqaan waa sax, si walba oo ay u qoraanse sax ma aha.

Marka ay tahay erayga sida loo qorayo iyada oo loo feejigan yahay abuurtiisa iyo asalka naxwihiisa, isla marka uu xeerku yahay in sida loogu dhawaaqo loo qoro, Barwaaqo taas wuxuu u soo xigtay qoraal aad u heer sarreeya oo uu arrinta hore uga qoray, kaas oo aan qudhaydu beri hore akhriyey wax badanna ka kororsaday. Laakiin maanta wax aragti ah oo uu xalka u arko ma uu soo gudbin. Wuxuu ila qiray uun dhibaatada jiritaankeeda.

Xeeldheerida iyo aqoonta badan ee Barwaaqo ee ku saabsan naxwaha af soomaaliga si kale iyo meel kale ayaa lagaga hadli karaa, halkanse waxaa fiican in aynu ku ekaanno xeerka qoraalka loo raacayo, iyo sida erayga loo dhigayo iyada oo dhawaaqiisa iyo abuurtiisa labadaba la ilaalinayo, ama mikood la ilaalinayo. Waanan ka garaabayaa ilduufka naxwe ee uu qoraagu ka soo saaray tusaalahaygii ahaa: dhuxushu waa ay nool tahay taas oo noqon lahayd, sida uu isagu u dhigay: dhuxultu waa ay nool tahay. Laakiin, mar kale aan idhaahdee, arrinta aan ka hadlayaa aad ayey halkaas uga dhow dahay. Marnaba uma dan lihi raadinta erayga xididkiisa, waxaanse ku kooban ahay sida wax loo qorayo iyada oo la dhawrayo abuurta dabiiciga ah ee erayga.

Dhawaaqa lagu kala duwan yahay ee dh iyo r in kasta oo laga wada hadlay haddana intii la isla yaqaannay wax aan ahayn lagama soo saarin. Tusaale ahaan Liibaan wuxuu oogay weydiinta ah:

    “? maxaa la isugu howlayaa samaynta xaraf seddexaad? Maxaa dhacaya haddii labada dhawaaq sidooda loo haysto oo loo arko inay muujinayaan hodontinnimada af Soomaaliga?”

Jawaab: Waxaa dhacaya in aan loo baahnayn af mid ah in kala si loo qoro, kala duwanaantuna in aanay ahayn dh walba iyo r walba ee ay tahay kuwo gaar ah. Xaraf saddexaad oo la keeno ayaana lagaga bixi karaa in isku si wax loo qoro la islana garto in uu yahay dhawaaq silloon oo ka duwan dh:da iyo r:da caadiga ah.

Musatafe isaguna wuxuu yidhi:

    “? ay Soomaalida, reer yurubku maskaxda ka qabsadeen, ma garanayo reer yurubka uu Ibraahim sheegayo. Waayo nidaamka wax barasho ee ummada Soomaaliyeed waxa doorka ugu wayn ku lahaa Carabta, Ingiriiska iyo Talyaaniga.. Haddii ay Afkacarabta ay xarfahani ku jiraan xusuusnow inaanay carabtu reer yurub ahayn, Afka Ingiriiskana xarfahanni kuma jirraan oo waan ognahay.”

Wuxuu kale oo Mustafe yidhi:

    “? waxaanse aanan halkan ku sheegi karin sida loogu bedelayo iyo dhawaaq ahaan sida laysu waafajinayo xarafka iyo dhawaaqa iyo baahida weedhaha aynu la dhib mudanay ee keenay in aynu soo qaadano P, V, Z oo aynu tuurno Kh, Sh, Dh…”

Jawaab: In aanay xarfahaasi af ingiriisida ku jirin iyo in laga welwelsan yahay xarfaha aan soo jeediyey sida dhawaaqa loo waafajinayo ayaa caddaynaya nimanka afkoodu in uu maskaxda inaga haysto. Meel dambe ayaanse qodobkaas kaga hadli doonaa.

Barwaaqo isaguna isaga oo labadaas dhawaaq ka hadlaya wuxuu yidhi:

    “Xarafka ‘dh‘ wuxu noqdaa ‘r‘ kolka uu kala dhexgalo laba shaqal, ‘r‘-duna waa sidaasi oo kale /—/ Xarafka ‘dh‘ ama ‘r‘ way is beddelaan kolka ay ereyada qaar ugu dambeeyaan.”

Waa run kala duwanaantu in ay ku dhacdo dh:da laba shaqal u dhaxaysa ama eray ku dhammaata. Laakiin ma aha dh walba oo laba shaqal ku dhex dhacda. Tusaale: bidhaan ma noqoto biraan, fadhi ma noqdo fari, badhan ma noqdo baran, cadho (cudurka) ma noqoto caro ? Malaha waxaa ugu dhow in la yidhaahdo dh:da aan marka ay laba shaqal u dhaxayso isbeddelini waa ta culus, innaga oo og in ay kala jiraan dh culus iyo mid fududi sida fadhi iyo fidhin.

Arrinta ugu weyn ee la igu diiday waa fikraddda aan soo jeediyey ee ku saabsan sida ay u wacan tahay in dib loo eego saddexda xaraf ee lammaan ee kala ah kh, sh iyo dh. Qodobkaas waxaad mooddaa sidiisaba ujeeddada aan ka lahaa in aan la ila fahmin, laba xujo oo taas ku saabsan ayaana la i hor dhigay. Waa marka horee, waxaa la i waydiiyey waxa aan ka helayo in xarfo laatiin ah laga guuro oo isla kuwo kale oo laatiin ah loo guuro? Cabdiraxmaan-Barwaaqo wuxuu si yaab ku jiro u yidhi:

    “Nin baa laga sheegay, ‘Ilaahayaw aluf wax buu leeyahay iyo waxba male mar hannaga wada yeedhsiin.’ Ibraahin wuxu dhaliil ka dhigay in la qaato kh, sh iyo dh. Waxaanu ka dhigay waxay reer Yurub innagu qasbeen. Waa yaabe, kuwuu leeyahay ha lagu beddelo ee ah “P, V, Z” yaa leh? Miyaanay iyaguba ahayn xarfo reer Yurub? Goormuu awowgeen Samaale yeeshay P,V,Z?”

Horta anigu waxa aan saddexda xaraf ee lammaan ku diidayaa waxa kale ma aha ee waa badnaata ay badan yihiin iyo sida ay u yihiin lammaanayaal aan loo baahnayn, iyada oo ay ahayd dhawaaq walba oo afka ahi in uu xaraf qudha u taagnaado. Marka aan lee yahay “dhawaaqa reer yurubka ayaa lagaga dayday” waxaan ka wadaa, iyaga uma aha dhawaaqyo asal ah, kana mid ma aha asalka xuruuftooda laatiinka ah, waxayse ku buuxsadeen dhawaaqyo afkooda soogalooti ku ah ama goor dambe si kale isu dooriyey (sida aan malaynayo). Tusaale ahaan ingiriisku markii ay dunida kale kula kulmeen dhawaaqa la midka ah magacyada Khaan iyo Khaalid waxay u baahdeen xaraf ay u adeegsadaan kaas oo aan fartooda ku jirin. Dabadeed waxay raadiyeen xarafka ugu dhow afkooda ee dhawaaqaas buuxin kara. Halkaas ayey ka soo saareen (sida aan weli malaynayo) in ay isku kabaan labadooda dhawaaq ee k iyo h oo uu dhawaaqaas cusubi ku dhex jiro. Innagase dhawaaqaasi asal ayuu inoo yahay, markaas uma baahnin in aynu xarfo “macmal” oo la isku kabkabay u adeegsanno. Waxay ahayd in aynu xaraf iskii u taagan u qaadanno. Labada kalena waa la mid. Eedda halkan ku jirtaa waxay sii darraanaysaa marka aynu og nahay in ay jiraan xarfo far laatiinka ku hadhay oo aynaan ka faa’iidaysan.

Xujada labaad ee la i hor dhigay waa sida la isu waafajin karo saddexda xaraf ee cusub iyo dhawaaqyada aan doonayo in loo dhigo kuwaas oo “aanay u dhigmi karin”. Xujadaas waxaan ku furayaa wayddiimo kala ah: oo maxay ugu dhigmi waayeen? In aanay u dhigmi karin iyo in kale maxaa looga aragti qaadanayaa ama lagu eegayaa? Dabcan sida muuqata waxaa looga aragti qaadanayaa dhawaaqa ay ku lee yihiin ama u taagan yihiin afafka yurub, waana taas sababta aan u idhi “afafka reer yurub ayaa maskaxda inaga haysta”.

U fiirso arrintan: marka labada dibnood la kala dhufto dhawaaqa ka soo baxa in aynu u qorro b kuma aynu khasbanayn, haddii aynu doonnana waxaynu u qori kari lahayn j, sidaas ayeynu dabadeed ku baran lahayn. Ma wax inoo diidaya ayaa jira? Maya, aan ahayn in aynu la raacnay dhawaaqyada afafka reer yurub. Taasi qalad ma aha, haba yaraatee. Maya ee run ahaantii si walba waa ay u habboon tahay marka duruufaha badan ee jira la tixgeliyo. Waxaase qalad ahayd, welina qalad ah, in duruufo af kale u gaar ah af soomaaliga lagula galgasho laguna dabbaqo. Mar kalena aan ina xusuusiyee, xarfaha laatiinka in la qaatay la mid ma aha in dhawaaqyadooda lala qaato. Waa uun intaas “maskaxda la inaga haysto” ee aan sheegayaa.

Liibaan Axmad wuxuu qabaa saddexdaas dhawaaq oo dhigaalkooda la dooriyaa in ay dadka afafka reer yurub wax ku bartay ku adkayn lahayd in ay af soomaali ku higgaadiyaan. Oo maxaa adkaynaya haddii la barto? Maxaase loogu khasban yahay in af kale la tixgeliyo? Waa caado xun oo soojireen ah sideedaba marka laga hadlayo af soomaaliga iyo qoraalkiisa iyo naxwihiisa iyo guud ahaan culuuntiisa in lala miciinsado loogana aragti qaato afaf kale. Run ahaantii taasi waxay dadka ka madalhufisaa tubta habboon ee loogu tegi lahaa dhaladnimada iyo abuurta af soomaaliga.

Fikradda p/kh, z/sh iyo v/dh haddii ay shaqayso waxay wax badan ka tari lahayd urursanaanta qoraalka af soomaaliga oo imika aad u jiidjiidan. Saddexdaas xaraf iyo shaqallada dhaadheer run ahaantii waa foolxumo xal u baahan loona heli karo. Marka aynu qaadanno saddexda xaraf ee cusub u fiirso sida ay labadan sadar u kala qurux badanayaan:

    Ka dhiidhi shisheeyaha ina khaakhuulay!
    Ka viivi zizeeyaha ina paapuulay!

Sida la garan karo judhaba waxaa kugu soo degdegaya dhawaaqyada u dhow: “Ka fiifi siseeyaha ina baabuulay!” Waase arrin u baahan waqti yar oo la qabsasho ah.

Haddana u fiirso sida uu hadalku u sii urursanaan lahaa una sii qurux badnaan lahaa haddii shaqallada dhaadheer (zaqallada vaaveer) qudhooda xal kale loo helo; tusaale ahaan in shaqalku marka uu dheer yahay dusha laga saaro astaan, halkii laba jeer la qori lahaa. Sidan oo kale:

    Ka dhiidhi shisheeyaha ina khaakhuulay!
    Ka viivi zizeeyaha ina paapuulay!
    Ka v?vi ziz?yaha ina p?p?lay!

Jumladdaas yar keligeed waxaynu kaga maarannay toban xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday meeshii aynu ku qori lahayn iyo waqtigii aynu qori lahayn.

Waxaas oo dhan oo jira, haddana anigu marnaba ma qabo in keli keli iyo go’aan aan la isla ogayn wax lagu beddelo. Xeer walba oo farta iyo qorista af soomaaliga loo dejinayo, iyo wax walba oo laga beddelayo, lagu kordhinayo ama laga dhimayo, waa in ay noqdaan wax si buuxda la isugu raacsan yahay oo ay cid loo xilsaaray oo aqoonsi ummadeed haystaa dhaqangeliso. Wixii aan taas ahayni waa fawdo iyo guuldarro.

Mar haddiise aynu isla qirsan nahay in ay qorista af soomaaliga qabyannimo ku jirto, sida ay doontaba ha ugu jirtee, dooddan iyo mid walba oo kale waa iftiimin loo baahan yahay. Waa waajib in la ururiyo macluumaadka iyo aragtiyaha ku saabsan dhaliilaha jira iyo xalkooda. Waxaas ayaa maalinta ay suurtawdo la isu keeni, laga doodi, dabadeed wixii dan noqda lagala dhex bixi. Waa taas oo keliya danta aan ka lee yahay dhammaan fikradaha aan soo jiidiyey. Si buuxda ayaan u taageersan ahay hadalka uu Mustafe ka soo xigtay Maxamed Baashe X. Xasan ee ah:

    “Mar hadii burburkii waddankii Soomaaliya ay raaceen hay’adihii ku shuqulka lahaa arrimahan oo kale [waa qorista farta'e] oo meel lagu lafo guro iyo cid u xilsaarani aanay jirin waxaan go’aan saday xagayga in aan intii la isku ogaa aanan xagna u dhaafin inta la iskaga imanayo”

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.